Taliska guud ee ciidamada xoreynta Ogadenya ayaa mar uu saxaafada la hadlay u sheegay inay diyaariyeen istiraatiijiyad cusub oo lagu quusinayo ciidamada nacabka ah ee gumaysiga itoobiya.
Dabayaaqadii bishii hore oo ku beegnayd 27-03-10 ayay ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ku qaadeen weerar hor dhac ah ciidamo gumaysi oo ku sugnaa meesha la yidhaahdo Qararo oo u dhow magaalada Gunagado ee gobolka Jarar waxayna kaga dileen weerarkaasi 5 wayaane halka ay 4 kalana ay kaga dhaawaceen.
28-03-10 oo ahayd habeenkii ka dambeeyey weerarkaas hor dhaca ah ayay falaadh ka tirsan ciidanka qalabka sida weerar mir ah la beegsadeen xerada ciidanka wayaanha ee magaalada Gunagado,sawaxanka iyo daryaanka madaafiicda ay N/Hurayaashu ku garaaceen xeradaas ayaa laga maqlayay magaalooyinka ku dhow,waxaana baaxada khasaaraha ka dhashay weerarkaasi laga dareemay magaalada aroornimadii kadib markay ciidamada wayaanuhu kula dhaqaaqeen dadka shacabka ah waxyeelooyinka kala duwan,waxay sidoo kale ciidanka xoreynta Ogadenya mireen habeenimadii axadii aan soo dhaafnay isla saldhigaasi Gunagado waxaana lagu soo waramayaa inuu burbur xoog leh gaadhay xeradaasi.
Cutub ka tirsan ciidanka qalabka sida ee xoreynta Ogadenya oo si casri ah u qalabaysan ayaa si ku tala gal ah jidgooyo ugu sameeyey meesha la yidhaahdo Bulxan oo u dhow Bulaale 02-04-10 ciidan wayaane oo aad u fara badnaa,N/hurayaasha geesiyiinta ah ayaa ka war helay in ciidankaas gumaysigu ay ku wajahan yihiin Bulaale si ay u usoo dhibaateeyaan dadka shacabka ah,dagaal adag ka dib oo ay ciidamada xoreynta Ogadenya jilibka u aasteen ayay kaga dileen ciidamada wayaanaha 9 askari halka ay 13 kale oo qarakood hddawacoodu halis yahay ay kaga dhaawaceen.
Dhankaas iyo gobolka Qoraxay-na waxay ciidamada sooma jeestayaasha ah ee xoreynta Ogadenya mireen saldhiga ciidamada gumaysiga itoobiya ee Haarcad 03-04-10,khasaaraha ka dhashay garaaca saldhigaas ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u balaadhnaa,waloow aanaan faahfaahin rasmi weli ka haynin,balse warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in maydad fara badan oo qaar saraakiil yihiin la geeyey magaalada Qabridahare.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








