Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Feb 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Itoobiya Mudanayaayasha waaxda Afrika aa aqalka Maraykanka oo ka dooday arimaha Itoobiya

Mudanayaayasha waaxda Afrika aa aqalka Maraykanka oo ka dooday arimaha Itoobiya

E-mail Print PDF

Gudi hoosaadka Golaha aqalka Congress ka  ee Maraykanka waaxdiisa Arrimaha Africa  ayaa qabatay Maalintii Arbacada  bishan Marso 24 , 2010 Dood Dhagaysi ah oo uu Daadahinayay Gudoomiyaha Gudi hoosaadka Africa Mudane  Donald M. Payne, Doodan ayaa ku saab sanayd Dib u eegitaanka siyaasada  Arrimaha Dibada dalkan Maraykanka  ee ku Wajahan Arrimaha Afrika Iyo Xariirka Dowlada Maraykanku la leedahay Qaarada Afrika waxaana Goobtaas Yimid Madax sarsare oo katirsan Dowlada Maraykanka.

Mudane Donald Payne  iyo Mudane Chris Smith oo labada xildhibaanba laga soo doorto gobolka  New Jersey ee wadankani Maraykanka ayaa labada mudaneba soo jeediyeen Qudbado  dhaa dheer oo ku saabsan Xaaladaha u baahan in la saxo  Qaarada Afrika. labadan Mudane ayaa khudbadoodii si xoogan Diirada ugu saaray Ogaadeeniya Iyo Darfur.

 

Mar Laga hadlayay Arrimaha Itoobiya ayaa si wayn loogu nuuxnuuxsaday  Xaalada Xuquuqda Aadamaha ee Ogadenya iyo  cunaqabataynat Saxaafada ayadoo lagu tilmaamay cunaqabataynta Xukuumada kaligii taliye Meles Zenaawi ay saartay idacada VOA qaybta Afka Axmaariga ku baxda oo laga leeyahay wadankani maraykanka  talaabo aan loo dulqadan karin oo si toos ah ujabinaysa xeerarka caalamiga ah ee u yaala madaxbanaanida saxaafada.

Mudane Smith ayaa Isna ka hadlay Doorka China ay ku leedayahy Cadaadiska iyo dhibaatada ka aloosan  Itoobiya iyo guud ahaanba Qaarada Afrika,

Dhanka kale Mr. Carson oo ah Kal kaaliyaha Xoghaya umuuraha Afrika ayaa sheegay in ay Itoobiya tahay Dalka Sadaxeed ee idaacada VOA bahdilay Talaabana Mudan in laga qaado, Labada Dal ee kala ayaa kala ahaa North Korea Iyo Iran waasida uu Mr Carson hadalka u dhigay.
Mr.Carson oo hadalkisii sii wata ayaa  waxaa uu intaasi raaciyay in Maamulka Obama ay ka go,an tahay Xasiloonida arimaha Amniga ee Qaarada Afrika doonaya in wax badan laga Badalo iyo waliba  siyaasada Maraykanka eek u wajahan Ethiopia.

khubaro ku xeel dheer siyaasada Maraykanka ee kuwajahan Qaarada Africa ayaa waax ay waayadan danbe soo saaraan ifafaalooyin cadaynaya sida ay  xukumada Baraka Obama ayna ugu qanacsanayn maamulka  Kalgii taliye Meles Zenaawi oo wayadan danbe u janjeedha Chaina oo uu loolan siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo culusi uu kadhexeeyo wadankan Maraykanka.
Hadaba khubaradan oo daraasad dheer ku samaysay sida uu noqon karo xidhiidhka dowlada Maraykanka iyo Taliska addisababa oo waayadan danbe uu khilaaf xoogani soo kala dhexgalay ayaa waxaa ay ku soo gunaanadeen daraasadoodii inay adagtahay in markale dib loo hagaaajiyo xidhiidhkii horaan ka dhaxayn jiray Maraykanka iyo Ethiopia.

--
Maxamad Darba way
 USA

Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Sunday, 28 March 2010 19:36 )  
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 73 guests online