Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Feb 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Itoobiya Tigreega oo la ilxun wararka dhiillada wata ee ay jawaasiistu u keenaan

Tigreega oo la ilxun wararka dhiillada wata ee ay jawaasiistu u keenaan

E-mail Print PDF

Dawlad kasta oo jirtaayi waxa ay leedahay jawasiis iyo sirdoonno darsa wax kasta oo quseeya danaha wadankaas.Laan kasta oo sirdoon oo wadan leeyahay waxay kala huftaa dhamaan xogaha ay keenaan jawaasiistoodu.Dwladda Itoobiya oo ah dawlad aad u da’wayn ayaa waxaa hubaal ah mar kasta in jawaasiisteedu ay jabiyaan ama ay kuridaan khalkhal.Qormadaydan waxaan rabaa in aan ku ifiyo siyaabaha ay Itoobiya ujabiyaan jawaasiisteedu.
 
Inkasta oo ay caado utahay gumayste kasta in umadda uu gumaysto uu ku dhex yeesho jawaasiis mar kasta usoo tabisa khataraha kaga imaan kara bulshada,lana soo socdsiiyaan wax iska badala fikirka dad waynaha.Laakiin hadii cidda wax adeejinaysaayi ayna wax badan oo aqooneed ama siyaasadeed ku dhaamin kan ay adeegsanayso waxa dhacda in xog kasta oo oo ay jawaasiistu keenaani ay kuwii dirsaday kurido argagax.


Xukuumad kasta oo Itoobiya ka dhalataayi waxa ay samaysataa jawaasiis aad ufara badan oo ay ugu talo galeen inay usoo tabiyaan wax kasta oo iska badala maanka dadka iyo cid kasta oo wada arimo kazoo horjeeda danaha Itoobiya.Laga soo bilalabo Xayle Salaase jawaasiista ay Itoobiya ka samaysatay dhulka Ogaadeenya oo aad ubadan ayaa waxa ay lahaayeen magacyo badan waxaana kamid ahaa,Qabalee Mahmar,Gabareey Mahmar,Tadhaaqii iyo Fadana-daraash.Dadka Soomaalida Ogaadeenya magacyada af Soomaaliga ah ee ay qaarkood ugu yeedhaan ayaa iyagana waxaa kamid ah : Koofiyad dhuub,Dabaqoodhi,Ha-waarin iyo kuwo kale.Dhamaan magacyadaasi waxa ay ku tusayaan heerka ay gaadhsiisan tahay adeegsashaha jawaasiista.
 
Hadaba jawaasiistaas faraha badani waxa ay xoogga saaraan in ay wuxuun war ah ugeeyaan Tigreega soo dirsaday si uu ugu farxo shaqada ay soo qabteen,taasoo ku qasabta ay 80% waxa aan jirin ukeenaan,taasoo naxdin iyo argagax kurida mar walba.Waa dambi halis ah in jaajuuskii Itoobiya ushaqaynayay uu yidhaahdo wax war ah mahayo,iska daa in wax lasiiyee isagaa laxidhayaa mar hadii uusan war keenin.Sidaas daraadeed waxa uu ku qasaban yahay in uu wax sheego oo uu iska ilaaliyo maya.Mida kale dadka labadii cadaawad isu qabtaayi waxa uu midba midka kale ku dacweeyaa in uu yahay shufti,Nabad-diid iyo waxyaalo kale,taasina waxa jaha wareer ku raidaa daganaashaha iyo kalsoonida sirdoonka Itoobiya.
 
Sanad kamaid ah sideetamaadkii nin makhaayad kuhaystay magaalo kamid ah magaalooyinka Ogaadeenya ayaa waxaa uyimid nin kale oo dhalinta magaalada ah,laakiin maskaxdiisu ayna dhanayn waxa uuna ninkii waydiistay in uu siiyo qado lacag la’aan ah.Ninkii makhaayadda lahaayi arintaas wuu diiday,reason kasta oo uu sheegayna qado ugama suurtoobin.Intaasi markay dhacday ayaa ninkii qadada loo diiday waxa uu aaday xerada talaiska ciidanka Itoobiya,waxa uuna Jeneraalkii ugu sareeyay ee ciidamada oo dhan xukumay usheegay in kaarayaashii iyo beebeeyadii Soomaalida la keenay huteelkaas Hebel (Ninka makhaayadda lahaa magiciisa),isla markaana larabo in ay caawa weeraraan xeryaha ciidanka.Jeneraalkii waxa uu markiiba bixiyay amar ah in si dag-dag ah makhaayadda isweedh looga qabto.
Markay ciidamadii isweedh ka qabteen ee ay durbadaiiba galeen makhaayaddii ayaa waxa ay markiiba qoriga dabadiisa ladheceen ninkii makhaayada lahaa oo dareen moog ah iyagoo leh away kaarayaashii iyo beebeeyadii meesha lakeenay?.Intii ay ninka garaacayeen ayaa ninkii qadada loo diiday waxa uu galay jikadii makhaayadda waxa uuna iskii ugu dhargay qadadii makhaayadda taalay.Markuu dhargay ee uu dibadda usoo baxay ayaa waxa uu soo ag istaagay ninkii makhaayadda lahaa oo aad urafaadsan iyo askartii oo miisaska hoostooda wax ka daydayaysa,waxa uu kuyidhi (War miyaad waalan tihiin sidee Kaarayaal iyo Beebeeyo ay ugali karaan miisaska hoostooda,ninku qado in uu isiiyo uyuu ii diiday sidaasaan idiinku soo dacweeyaye meesha iska baxa ).
 
Mar hadii jaajuuska in uu wax shego ay qasab kuatahay iswaydiin malaha in dad badan uu kusheego wax ayna ahayn oo markaan dhagta dhiigga loo daro.Waxaana jira meelo badan oo lagu gumaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsanin oo uun ama iskood loo maagay ama jaajuus in uu wax sheego ku qasbani ku shaambadeeyay waxayna ahayn.
 
Hadaan marka usoo daadagno nimanka hadda haya talada wadanka ee Tigreegu waxay si buuxda ugu kalax tageen samaysashada jawaasiis.Sanadihii hore jawaasiistu marka ay jawaasiistu soo sheegaan meesha ay jabhaddu joogto oo ay ubadan tahay in ay been tahay,waxay narkaaba hawlgalin jireen ciidan lasoo dagaalamo jabhadda lasoo sheegay,ciidankii markuu lug dheer galo ee uu 5 maalmood socod kujiro ee sahaydii ay isla dhamaato ee ay soo noqodka yihiin ayaa jabhadda oo dhulku uu keedii yahay dariiq,tog,laag iyo buurba ukala taqaana ayaa dhexda ku geli goor ay daalan yihiin,waxayna gaadhsiyaan khasaare laxaad leh.Arintaasi waxay noqotay mid muddo badan socota oo ciidankii mooraalkoodii si wayn udishay illaa markiii dambe ay gaadheen in ninkii jaajuus ah ee usoo sheega meel jabhadi joogto isaga ay xidhaan.Dhanka shacabka waxay ku dhiiradeen in marka lawaydiiyo in jabhaddii ay arkeen ay meel kusheegaan run iyo beenba.
Qolyaha kililka ayaa iyaguna iyadoo kooxiba rabta in koox kale ay ka tkhalusto ayay kusheegtaa in ay jabhadda tageeraan,taasi waxa ay noqotay furin kale oo dagaal oo ku furantay Tigreega,Si ay furintaas isaga awdaanna waxa ay badalaan maamulka kililka oo ku badalaan kuwo cususb,kuwaasina sidii kuwii ayaa la eedeeyaa,waxay taasi dhaxalsiisay in mudoo kayar 16 sano ay labadaleen 10 madaxwayne kusheeg,illaa iyo hadana masoo afjarmin arintaasi waa arin taagan oo  nin walba oo Tigreega kalsooni ka raadsanayaaba uu kusheego kuwo kale kusheeyo nabad diid.
 
Laanta sirdoonka ee Tigreega marka ay soo gaadho xog ah:
  • In Hargaysa ay joogaan dad badan oo ONLF
  • In ONLF uu hub iyo ciidan uga soo dagay Boosaaso
  • In Xamar ciidan ONLF ah kasoo dagay
  • In xadka Jabuuti iyo Soomaliya ay kasoo gudbeen ciidan ONLF oo boqolaal ah.
  • In kismaanyo ay joogaan ciidamo ONLF ah oo ad utira badan
  • In Eratariya ay tababarto ciidan ONLF oo 10,000 gaadhaya
  • In Wadamada Yurub ay kajiraan Jaaliaydo mitid ah,oo hadii Malase cagaha dhigo banaanbax oodda kaga qaadi.
  • In Maraykanka Kanada iyo Australia ay kuwaas kuwa lamid ahi kajiraan,dhamaantoodna kuwada abtirsada ONLF
  • In Kenya iyo South Africa ay kajiraan jaaliyado aad uwaawayn oo aan la loodin Karin.

Waxaa markaba usoo baxaysa in ay jirto khatar dhan walba ah dibad iyo gudaba,waxayna saraakiishii Tigreega kuridaa khalkhal iyo argagax iyo in ay jabaan col hortii.Maadaama ay Tigreegu soo jabhadeeyeen ayna ogyihiin xumaanta shakhsiga jaajuuska ah waxaa lahayaa jawaasiis iyo rag badan oo u adeegi jiray oo ay laayeen iyo kuwo xabsiga ku abaaday,taasina waxay kamid tahay jaha wareerka jawaasiistu ku abuuraan oo ka sahwisiiya dhinicii loo socday.
 

Comments (4)Add Comment
0
ogaadeen waa doqon indho iyo adinba la waaaaaaaaaaaaaar ma ciyaalka geel jiraha ah ayaad ka adagtiin
written by ciidagale wayne, March 28, 2010
WAAR OGAADEEN MUXUU KU LAAYAY DHALINYARADA BEESHA CIIDAGALEWAYNE KA TIRSAN EE SHANTA AH EE GEEL JIRAHA AH WAAR DHULKA CIIDAGALE DAGO SIDAD DOONTAAN BAAD OGAADEENOOW U DHEX MARTAANEH MA WAXAAD JECESHIIN IN LA IDIN LAAYO ANAKU MAGAN MA LAYNEEH OGAADEEN IYO CIIDAGALE WAY IS YAQAANAAN WAA INOO IYO DAGAAL IYO XABAD NABAD DIIDEENEH NABADA NABSIGEEDAAD HELI DOONTAAAAAAAAAAAN OO WAANU IDINKA MEERMEERNAY EE SIDIINII AYAANU IDIN LAYN DOONAA RAGAAD DHABARKA KA TOOGATAANA SUJUUDAAN IDINKA TOOGAN DOONAAH HADAANU CIIDAGALEWEYNE NAHAY WAAAAAAAAAAR NIMANYAW WAXAAN IDIN IDHI MAAD XISHOOTAAN OO DHIIGIINU WAA NAGA XAARAANE NAGA DAYSAAN XAQ DARADA HADAANU KACNO NALAMA QABAN YAQAAAAAAAAAAAAAAANEEEEEEEEEEEEEEE



OGAADEEN WAA INOO XABAD IYO SIDIINII INAAD YAACDAAN OO TIDHAAHDAAN WAAAAAAAAAAAR NABADII AAWAY OGAADEEN NABAD DIIDYEH DAGAAL HA UDIYAAR GAROOBO
0
2
written by GULEED, March 28, 2010
ADUUNKA WAXAA UGU DARAAN NACAS HADLAAY OON OGEEYN MELL LAGAA JIRO WAR CIIDA GALAHAAD SHEGEYSIID MAXAAY TAHY CIDA GALOO DHAN WAXAA DABADAA UGA DHACAAY RER BIRYAR TARIIKHDAA KA FIIRI BIRYAR IYO CARUURTIISA AYAA SIDEEY DOONAAN IDINKA YEELAY OOD USOO DHAFI WEYSEEYN DHULKIINA NACAS YOHOOOW RER BIRYARKA WAA RER WACEYS GULEED OO YAQAANO TABTAA CIIDA GALE LOO LA DHAQMO MAXAAD KA SHEGEYSA OGADEN IYO ABSAME IYO RER ISAAQ WAA LA IS YAQAANA EE MA ILOWDAY GELLI GOOBAALE IYO MESHII LAGAAG QADAAY INTAAD CARURTA IYO ISLAMAAH DHIBAYSIID OGADENYANAA XOR WEY NOQON DOONTAA EE RAG ISKA CELLI WALIGEEYN BAAD HABLAHAA NABAD IYO BIYO NOOGA BADALAN JIRTEENE HOYADEEY BIYO IYO NABD AYAA LAGU GUURSADEY EE HA UQADAAN IN CIDAGALE AY WAX ISKA CELINAYAAN HADII IDOOR OO DHAN LA ISKU KEENO WAXAA HOR ISTAGAAYO RER BIRYAR EE OGOOW WEY KA ADAGYIHIIN NACAS YAHAY CILMI IYO CAQLI AAN LAHAAYN EE DINTAA ISLAMKA KA FOOG OROODOO 300 KIRISTAANKA AH EE HARGEYSA LA GEYAAY OO AMXARAAD AH OO GABDHAHA AAD SII SEEN KA CELI INTAAD OGADENYA AFKA KU TAGEYSAAN
0
3
written by GULEED, March 28, 2010
walee waxaabadn ogaeey ee orodoo hablahaa la shekeysoo anag waxaan nahy nimaan amxaradaad iyo idoorka ka sameyo waxaay rabaan ee nagu salaan cida aad ka soo jeedidi ee wada tagaayo waxaay rabaan oon garananeeyn waxaa ay yihiin sow ma ogiid nin walboo absame ah inuu ka gabyaay idoorkan aad shegaysiid
0
aloow noohiili meesha itoobiya ayaa laga hadlayey markaas ayaad ciidagale iyo ogaadeen iskugu faanaysaan
written by max,ed puntland, April 11, 2010
waxaas waa waxa itoobiya idiin wasto ileen ogaadeen caqli malaha kuwii soo cararay ee hadii aan reer puntland nahay magan galyada kusiinay dalkayaga ayaan ayagii kal dhicin waynay oo naftii nagu qabatay ilaahow kuwaan dhan isku raaci caqli majiree goormaa laga tagay reer hebal anagaa ka adag iyo wax saas ah

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
 
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 70 guests online