Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Monday
May 21st
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Itoobiya Wariyeyaashii Swidhiska ahaa dusha ayaa laga ilaalsanayay

Wariyeyaashii Swidhiska ahaa dusha ayaa laga ilaalsanayay

E-mail Print PDF

Waxaa qoraal aad u dheer kana hadlaya warbixino sir ah oo kusaabsan wariye yaashii swidhiska ahaa ee Ogaden lagu xiray 1 julay 11 lagu soo daabacay mid kamid ah joornaalada aadka u weyn ee wadanka Sweden taariikhdu markii ay aheyd 4 december 2011 saacada 08:46

Qoraalkan oo ay ku fara yareysatay gabadha qoraaga ah ee arimaha Ogaden & shirkada shidaalka Lundin Petroleum  aadka ugu sheekeyso ayaa  xiligani  waxay soo qortay in wariye yaashii  Martin Schibbye & Johan Persson ee Ogaden lagu xiray intii aysan Sweden ka taginba lala socday oo safarkooda iyo warbixinadooda  ayka horeeyeen.

Kerstin Lundell  oo ah gabadha sirtan soo shaacbixisay aya sheegtay in Ethiopia ay dad warbixinada halkan ka dhiiba ay u joogan sweden sidas darteedna ragan safarkooda lala socday.

” waxaan maqlayay bilaawgii bishii june  in rag joornaaliiste yaal ah ay Ogaden safar ku tagi doonaan” ayuu yiri qof aan wareysanay isla markaana aanan dooneynin inan magacisa sheegno ayay tiri Kerstin Lundell,

Bil kadib waxaa dhacday in ragii wariye yaasha ahaa safarkooda lasii ogaado isla markaana la xiro. Dad aad u yar ayaa howshan ku jira, ayay tiri qoraaga qoraalka.

Qofka ii waramayay si toos ah oo aan ganbasho laheyn ayuu wax waliba iigu sheegay, in arinkan uu sii maqlay, balse diiday in  sida iyo meesha uu ka maqlay uu ii sheego,  waxaana sabab u ah in dhamaan ehelkiisii ay wadankii Ogaden ku nool yihiin isla markaana hadi la ogaado inuu arinkan ka hadlayna  ay dhamaan reerku qatar xoog leh soo foodsaareyso.   Xerooyinka qaxootiga sida dhadhaab ayay Ethiopia dad u joogaan, isla markaana wariye yaashii Martin Schibbye & Johan Persson  safarkooda wuxu ahaa mid la sugayay.

Arintan in sweden warbixinta laga dhiibay waxaa kuu cadeynayo in websideka Ethiopia ay leedahay ee Cakaaranews lagu qoray” waxaan aad ugu mahad celineynaa jawaasiisteena qurba joogta ah kuwaas oo inoo soo gacan galiyay dadkan cadaanka ah, gaar ahaan kuwa ku nool wadamada Kenya, Gaalkacyo, Sweden, UK iyo  Australia. Aya lagu qoray 3 july  ee sanadkan.  Websidekan waxuu si isdaba joog ah u sheeganayay in ragan  arintooda ayla socdeen kahor intii aysan Europé kasoo safrin.

Mohamed Hussein oo ah wakiilka ONLF ee sweden & Amiin Barkhadle oo isaguna ah gudoomiyaha ururka dhalin yarada Ogaden OYSU ayaa arinkan jaajuusnimada sweden dhexdeeda ah cadeeyay, waxayna sheegen in dadka dadka jaajuusa ay ku dhex nool yihiin kuna dhuumanayan  bulshada reer Ogadenya ee sweden dagan.

Amin Barkhadle ayaa isagu naftiisa qirtay in xitaa handadaad loo geystay  loona sheegay inuu joojiyo howlaha uu ka wado ururkan.

Ugu danbeyntii gabadhan oo qoraal aad u dheer aadna loo faah faahiyay ka qortay maqaalkan jaajuusnimada ah ayaa waxaad mooda in dowlada iyo wariye yaasha sweden ay usoo jeedsadeen  dhibka qarsoonaa ee shacabka Ogaden lagu hayay.   Waxa socdo baaritaano hoose oo ay wadaan ururo iyo wariye yaal kala duwan kuna saabsan siyaabaha dadka shacabka ah lagu wax yeeleeyo iyagoo halkan jooga .


Ilwaad Ali

Stockholm/Swweden
  F:G. hadi aad doonto Google ku tarjumo.

http://www.svd.se/kultur/svenskarna-var-bevakade_6683458.svd

Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Wednesday, 07 December 2011 05:48 )  

Video Feed

Video Feed

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Related Items

Who's Online

We have 56 guests online