Waxaa meeshii ugu Xumayd Maraya khilaaf waayadan dambe isa sootarayay oo u dhaxeeyay Wadamada uu Maro Wabiga Caanka ah ee nil, Xasarada kataagan Biyaha Wabiga Nile ayaa ah mid Soo noq noqotay kadib Markii laysku Afgaran Waayay sidii loowadagi lahaa biyaha wabiga Nile.
Kulankii ugu dambeeyay oo ay isugu yimaadeen Wadamada uu wabigu maro ayaa lagu kala dareeray kadib markii laysku Afgaran waayay in is badal lagu sameeyo Sharcigii Hore ee u yaalay Dalalkaasi, Dalalka Masar, iyo Suudaan ayaa ah kuwa isticmaala Biyaha ugu badan ee Wabiga waxayna Arintaasi u Cuntami wayday wadamo dhawr ah oo ay haatan horboodayso Xukuumada Wayaanuhu.



