Ururka OYSU Sweden ayaa wuxuu maalintii ay bishu ahayd 23/04/2011 shir ku qabtay magaalada la yidhaahdo Hallstahammar, shirkaas oo looga dan lahaa in lagu aas aaso farac ururka dhalinyarada iyo ardayda Soomaalida Ogaadeniya (OYSU Hallstahammar) shirkaas oo si heer sare ah loo soo abaabulay, kana soo qayb galeen dad aad u tiro badan oo ka kala yimiday Hallstahammar, nawaaxigeeda iyo weliba magaalada Stockholm. Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay masuuliyiinta magaalada Hallstahammar oo halkaas hadal yar ka soo jeediyay oona u hambalyeeyay sida dhalinyarada Soomaalida Ogaadeeniya ay dadaalka xoogga leh u wadaan, waxayna hadalka ku soo gabagabeeyeen inay ku faraxsan yihiin in maanta ururkii ugu horeeyay oo dhalinyaro ah maanta ay nasiib u yeelatay in lagu dhiso magaaladooda. Waxayna balanqaadeen in ay wada shaqayn ka dhaxayn doonto masuuliyiinta magaalada Hallstahammar iyo ururka OYSU Hallstahammar.
Waxaa shirka lagaga hadlay waxyaabo aad u qiimo badan, sida qaabdhismeedka ururka OYSU heer adduun, heerqaaradeed iyo heer dalba, khayraadka Ogaadeeniya,dhibaatadda uu gumaysigu ku hayo shicibka Soomaalida Ogaadeeniya,xaaladda Ogadeniya eegga iyo filimaan ka hadlaya Ogaadeeniya.
Sidoo kale waxaa shirka ka dambaysay muxaadaro diini ah ooy ururka dhalinyarada iyo ardayda Soomaalida Ogaadeeniya adduunka dacaladiisa ay ku qabteen ayaa dhalinyarada OYSU Hallstahammar u suurto gashay inay muxaadaradii ugu horaysay ee OYSU qabanqaabisay ay ku qabtaan magaalada Hallstahammar, muxaadaradaas oo run ahaantii aad iyo aad u qiimo badnay ayaa halkaa lagu soo gabagabeeyay barmaamijyadii halkaas ka socday.
Ogaysiis:
Waxaa sidoo kale OYSU Sweden ku qaban doontaa bishan 30/04/11 magaalada Flen shir lagu soo aas aasi doono OYSU Flen.
Haddaba waxaa la ogaysiinayaa in dhammaan dadweynaha Soomaalida Ogaadeeniya ee degan waddankan Sweden inay ka soo qaybgalaan shirkan. Qofkii raba macluumaad dheeri ah fadlan booqo facebook-ga ururka: OYSU Sweden
OYSU Sweden
oysu@live.se




Wararka
Maalintii sabtida ahayd saacadu markay ku beegneeyd 11.00 barqinimo ayaa waxaa raxa raxan u imanayay...
Waxaa gobolka Minnesota ee caraiga maraykanka ka dhacay shir balaadhan oo ku saabsanaa siyaasada iy...
War naxdin leh oo naga soo gaadhey dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo u dha...
