Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Shir balaaran oo kadhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden

Feb 19, 2008 Waxaa maalintii ay taariiqdu tahay Feb 18, 2008 ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden shir aad u heersareeyey oo ay soo qaban qaabisay jaaliyada Ogaden ee Sweden, Shirka waxaa ka soo qeyb galay wafdi heersare ah oo ay hogaaminayeen Madaxa Xafiiska Arrimaha Dibedda ee JWXO, Mudane Ahmed Gurhan, Madaxa hoggaanka dhaqaalaha ee Yurub Mudane Cabdulaahi Caa, Guddoomiyaha jJaliyadda Finland Eng Xasan Kamaal

Shirka oo ahaa shir si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasooqeybgalay dadweyne aad ubadan oo iskugu jirey qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mudane Gurxan ayaa wuxuu si qoto dheer uga warbixiyey xaalada siyaasadeed ee Ogeden, wuxuu halgame Gurxan si hufan uga warbixiyey guulaha siyaasadeed ee aay jawxo ka soo hooysay dhinaca siyaasada dibada , waxaa hadaladiisii kamid ahaa in maanta aan loobaahneyn in la sharxo meesha eey Ogaden ku taal ee uu caalamku yaqaano taasoo ay sababtay guulaha is taba jooga ah ee aay soo hooyeen geesiyiinta JWXO, in idaacadaha iyo jaraa idada caalamku ay maalin walba ka hadlaan dagaalada ay wado JWXO
Halgame Gurxan wuxuu si qoto dheer uga warbixiyey sanadkii tagey iyo waxqabadkii HAD.

Waxaa kaloo shirka ka hadlay mudane Cabdulaahi Caa oo si qoto dher uga warbixiyey meesha uu marayo dhaqaalaha halgenka wuxuuna si kalsooni ku jirto u sharxay sida loo maareeyo taasoo kasoo qeybgalayaasha shirka qancisay. Wuxuu shegay mudane Cabdulaahi in loo baahanyahay in la laban laabo taageerada la siiyo halganka taasoo ay dadweynihii shirka kasoo qeybgalay aybalan qaadeen.Halgame Caa waxaa uu bayaamiyay baahida looqobo in lalabajibaaro isagoo taas sabab ugadhigay in marwalba oo ciidanka ONLF uu bato waxaa badanaya hawlgalka ciidanka taas oo sababaysa in baahidiina badanayso dhaawiciibadanyo, markaa loobaahan yahay in lala jaanqaado baahida madanaysa oo labadiyo dhaqaalaha aad bixinaysaan si aan ugaadhno ujeedadeena aan u halgamayno oo ah xoriyad taam ah ayuuyidhi halgame Abdullahi Caa.

Eng Hassan Kamaal ayaa dhiniciisa wuxuu si hufan u sharxay waxyaabaha looga baahan yahay jaaliyadaha dibada ineyqabtaan asagoo sheegay in jaaliyadu tahay safaaradii mataleysay shacabka Ogaden loonabaahanyahay si midnimo ku jirto in loo wada hawlgalo.Waxaa kale oo uu macneeyey kaadir ama qofka kaadirka ah waa kuma? Waxuuna kumacneeyey kaader inuu yahay qofka meelkasta iyo marwalba oo halganku ubaahdo ama loogabaahdo halgan heegan u ah ee uuna aheyn magac lalabaxo oo kaliya.

Waxaa kaloo heeso wadani ah oo qiiro kureebay kasoo qeybgalayaashii shirka ka qaaday gabdhaha unugta ee sweden., waxaadna ka dhageysankartaan barnaamijyada soo socdo ee raadiyo xoriyo.

Gudoomiye kuxigeenta unugta sweden halgento Tufaax ayaa si qotodheer uaga marbixisay waxqabadka unugta sweden iyadoo waliba dumarka kuborisay iney halganka labanlaabaan
Iyadoo waliba sheegtay iney gabdhihii maanta ay yihiin kuwa qoriga wada oo xabada ridaya.

Ugu danbeentii waxaa shirka xiray Gudoomiyaha jaaliyada Sweden Halgame Cabdinaasir Garwenye sagoo kasoo qeybgalayashii uga mahad celiyey sida sharafta leh ee ay uga sooqeybgaleen shirka

--Ogaden Online News
 




 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.