Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

"Xil ka qaadis lagu sameeyo Shariif Xasan waa wax aan sharci aheyn"


Jabuuti: jan 16, 2007

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada ay isku fakarka yihiin ninka majaraha u haya Baarlamaanka KMG ka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyo Gudoomiyaha ay tahay wax aan Sharci aheyn.

Xildhibaanka ayaa shaaciyay in maalmahan dambe ay ka warhayeen waxa uu ku sheegay nuhnuhda ka soo yeereysay qaar kamid ah Xildhibaanada ku sugan Magaalada Baaydhabo taas oo ah ayuu yiri in ay diyaarinayaan Mooshin xilka looga qaadayo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Maxamed Cabdi Yuusuf oo ah Xildhibaan ay aad iskugu fakar dhowyihiin Gudoomiye Shariif Xasan ayaa shaaciyay in qaar kamid ah Xildhibaanada Baaydhabo ay fakfakad u yihiin Xil ka xayuubin ay ku Sameeyaan gudoomiyahooda Hase ahaatee arinkaasi uu yahay mid aan sharci aheyn.

" Sida aan nuhnuhda ku maqleyno waxaa jira Xildhibaano doonaya in Xilka laga qaado Shariifka hase ahaatee wexey ku tumanayaan Dastuurka Dowlada ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.

Maxamed Cabdi Yuusuf oo Saaxafada la hadlayay isagoo ku sugan Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti ayaa waxaa uu qaar kamid ah Masuuliyiinta Dowlada ku Cambaareeyay in ay u ololeynayaan ridida Gudoomiyaha baarlamaanka islamarkaana ay arinkaasi keeni karto Khilaaf hor leh oo soo kala dhex gala Mudanayaasha Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa hadalkiisa kusoo afmeeray " Xildhibaanadaas wexey doonayaan in ay dalka ku hayaan Cadowga islamrkaana wexey wadaan qorshe aan u Caqli gal aheyn oo aan u qalmin Umada Soomaaliyeed "

Ismail Haji
Ogaden Online News

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.