|
|
|
|
|
Sheekh Shariif
Shiikh Axmed oo Maanta isku Dhiibay Ciidamo Mareykan iyo
Kenyan ah |
Jan 22, 2007
Waxaa maanta si cad usoo shaac baxday in mid
kaamid ah hogaamiyayaashii sarsare ee
Midowgii Maxaakimta ee ku burburay Magaalada
Muqdisho uu isku dhiibay Ciidamo isugu jira
Mareykanka iyo Kenyan.
Gudoomiyaha Golaha Fulinta Midowga
Maxaakimta Shareecada Islaamka Soomaaliyeed
ee looga itaalka roonaaday fariisinkoodii
Magaalada Muqdisho ayaa isku dhiibay ciidamo
ka tirsan Dowladaha Mareykanka iyo Kenya.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyihii
Golaha Fulinta Maxaakimta ayaa haatan ku
sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya
wuxuuna daganyahay Hotel kamid ah Hotelada
Magaalada ayadoo amaankiisana ay la
wareegeen Saraakiil ka tirsan Mareykanka iyo
Kenya sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan
Dowladahaas.
Danjiraha Dowlada Mareykanka u Qaabilsan
dalka Kenya ayaa carabaabay in Shiikh
Shariif Shiikh Axmed uu yahay nin qunyar
socod ah islamarkaana la jaanqaadi kara
gadgadoonka marxaladaha ka jira Dalka
Soomaaliya.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyaha
Golaha Fulinta ayaa ayaa kasoo Gudbay Xadka
ay Dowlada Kenya la wadaagto Soomaaliya
isagoo islamarkaasna isku dhiibay Ciidamada
Dowladaha Mareykanka iyo Kenya.
Mas'uuliyiinta Kenya ayaa sheegay maanta in
uu isku dhiibay Shiikh Shariif Shiikh Axmed
oo kamid ahaa hogaamiyaashii sarsare ee
golahii maxkamadaha islaamka Somalia
mareykanka iyo masuuliyiin Kenyan,iyadoo
badbaadadiisana ay la wareegen ciidamo
Mareykan ah.
Michael Ranneberger Danjiraha Dowlada
Mareykanka u Qaabilsan Dalka Kenya ayaa ku
celceliyay in Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu
Qeyb libaax ka qaadan karo Geedi socodka
nabada Soomaaliya.
Ugu dambeyntii is dhiibida Shiikh Shariif ee
Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa ku soo
beegmay xili usbuucii lasoo dhaafayna uu
baarlamaanka Soomaaliya Xilka ka qaaday
Gudoomiyihii Golaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Shiikh Aadan iyadoo eedeymaha xil
kaqaadistiisana ay kamid aheyd safar uu ku
tagay Magaalada Muqdisho xiligii ay Muqdisho
ka arimin jireen Maxaakimtii laga itaalka
roonaaday ee uu Gudoomiyaha Golaha Fulinta u
ahaa Ninka maanta is dhiibay ee Shiikh
Shariif Shiikh Axmed
--Ismail Haji
Ogaden Online |
|
|
|
|