Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Shir ka dhacay Magaalasa San Jose, ee Gobolka California

Feb 04, 2008 Wafid heersare ah oo ay hoggaaminayaan madax sare oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha jaaliyadaha Ogadenia ee caalamka, mudane Maxamed Macalin, Wakiilka  JWXO u qaabilsan Gobolada la isku yidhaa Westcoast, mudane Axmed Cali Yuusuf & Marwo Canbaro Dheer ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Sanjose, Gobolka California ee dalka US.

Shirkan oo ay soo abaabushay Jaaliyadda Soomaalida Ogaden ee Magaalada Sanjose ayaa waxaa ka soo qayb galay dad wayne aad u badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada, sida Ururka Hooyooyinka, Ururka dhalinta & dhamaan bulshaweynta ka soo jeedda Gobolka Ogaden.

Shirkan ayaa waxay Jaaliyadu ku soo bandhigtay wax qabadkii sanadka iyo hawlihii ay qabatay Jaaliyadda sanadkan .

Mudane Maxamed Macalin ayaa wuxuu madashii shirka ku soo bandhigay warbixin aad u qoto dheer oo ku salaysan is beddelada guud ee ka aloosan Geeska Afrika, dhibaatooyinka faraha badan ee ka jira dhulka Ogaden, xawliga iyo geeddi socodka uu maanta galay halgankan ay hormuudka ka tahay JWXO & socdaaladaii uu ku maray daafaha caalamka, sida Waqooyiga Amerika, qaaradda Yururb, waddamada carabta iyo Afrika, xidhiidhkii diplomaasi ee ay madaxda ururka la yeelatay hay’aadka ay ka midka yihiin wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka (State department), hay’aadka ururada bulshada dulman, hay’adda xuquuqda aadamiga iwm.

Dhinaca kale, waxaa shirka ka soo qayb galay madax sare oo uu ka mid yahay wakiilka ururka u qaabilsan gobolada la isku yidhaa Westcoast, mudane Axmed Cali yuusuf oo bulshada u dhildhilay ahmiyadda ay leedahay in wada shaqayn & xidhiidh joogta ah ay wada yeeshaan gobolada westcoast iyo waxqabadkii muddooyinkii la soo dhaafay lagu tallaabsaday.

Marwo Canbaro dheer ayaa guubaabooyin wata qiiro & waddaninimo ku soo bandhigtay madashii shirka, waxay Marwo/ Halganto Canbaro ku beertay bulshaweyntii meesha isugu timid dhiiranaan hor leh, xiiso dheeraad ah oo ku wajahan halganka umadda & in si wada jir ah loogu guntado xaqa aayo ka tashi.

Waxaa iyana mudan in la xuso marti sharaf ka socotay jamhuuriyadda soomaaliya oo ka soo qayb galay shirkaa,

Guud ahaan shirka ayaa waxaa uu ku dhamaaday guul iyo jawi aad u qurxoon waxaana madashii shirka la isku raacay lagana soo saarey go’aamo wax ku ool ah oo dhaxal u noqon doona horumarka jaaliyada, go’aamadii shirkana waxa ka mid ahaa

  1. In Jaaliyadu sii laban laabto wax qabadeedka sanadka soo socda iyado walinba dar dar galin doonta hawlaha Jaaliyadda

  2. In la laban laabo kaalinta Jaaliyadda ay kaga jirto taageeridda halganka shacabka Ogaadeeniya ee ay hormuudka ka tahay JWXO

  3. Jaaliyaddu waxay si cad ugu soo jeedinaysaa in dhamaan bulsha waynta caalamka ay si degdeg ah ugu gurmadaan shacabka xasuuqa lagu hayo ee Ogaadeeniya

  4. Jaaliyaddu waxay si cad uga soo horjeeddaa una canbaaraysay dhamaan tacadiga ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ka wadaan gudaha Ogaadeeniya

  5. Jaaliyaddu waxay bulshada Ogaadeeniya gudaha iyo Jaaliyaaddka dibada u soo jeedinaysaa in ay si wada jir ah uga hortagaan una fashiliyaan dhamaan khiyaanooyinka cadawgu maleegayo

Shirkan oo ahaa midkii ugu horeeyey ee wafdi heersare ahi ku soo booqdo jaaliyadda soomaalida Ogadenia ee Magaalada Sanjose ayaa waxa lagu tilmaami karaa mid aad u qiimo badan, si aad ahna loo soo abaabulay dhamaan dadwaynihii ka soo qayb galayna waxaa laga dareemi karaa wajiyadooda in ay aad oogu diirsadeen, iyagoo balan qaadey in ay dhamaantood taageero hiil iyo hooba ah la garab istaagi doonaan halkganka uu shacabka Ogadeniya ku doonayo xaqiisa kama danbaysta ah ee aayo ka tashi!

--Ogaden Online News

Sawirada Shrikii Jaaliyada Ogadeniya ee San Jose, California, Feb 03, 2008

.

@ Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.