|
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga
Dagaallo kala duwan oo lix maalmood gudohood
meelo kala duwan ku dhex-maray CWXO iyo kuwa
gumaysiga Itoobiya, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 61 askari, waxaa
sidoo kale lagaga dhaawacay ugu yaraan 72
askari, sidaasna waxaa noo soo tabiyay
wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya.
Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
26/08/08 Dharkaynley, oo Dhagaxbuur ka
tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana
waa lagaga dhaawacay.
23/08/08 dagaal ka dhacay meesha lagu
magacaabo Ceebla-cad waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 3 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Isla 23/08/08 dagaal ka dhacay Buri, oo
Baabili ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 4 kalana
waa lagaga dhaawacay.
21/08/08 dagaal ka dhacay Garbo-Labiile, oo
degmada Dhuxun ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 7 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 21/08/08 dagaallo iyaguna ka
dhacay Dikili, oo Baabili ka tirsan, Far-janno,
oo Sallaxaad ka tirsan iyo Haar-qora, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari,
6 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 20/08/08 waxay CWXO gacanta ku
dhigeen meesha lagu magacaabo Mina, ka dib
markii ay cagta mariyeen ciidammadii
gumaysiga ee halkaas ku sugnaa. Ciidammada
gumaysiga waxaa halkaas lagaga dilay 36
askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 45
askari.
18/08/08 Walwaal dagaal ka dhacay waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari,
4 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay
dadwaynaha
Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala
duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee
Ogaadeenya, dhibaatooyinkaasina waxay u
dheceen sidatan;
21/08/08 meesha lagu magacaabo Haq-qora, oo
Baabili ka tirsan, waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen dadka kala ah;
1- Shugri Raabi Axmed
2- C/llaahi Yuusuf iyo
3- Nin kale oo magaciisa aanaan haynin
25/08/08 magaalada Garbo waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dad shacab ah,
waxaan magacyadooda helnay;
1- Bishaaro Cabdi Aaden
2- Bishaaro Cabdi Cali Wiyil
3- Maxamed Ibraahim Tawal
4- Maxamed Xirsi
5- Axmed Ciid
6- Ardo C/qaadir C/llaahi
7- Maxamed Yuusuf
8- Sahra C/qaadir
9- Faadumo Mukhtaar Iimaan iyo dad kaloo
badan.
Isla 25/08/08 Dhagaxbuur waxay sidoo kale
ciidammada gumaysigu ku xidheen nin lagau
magacaabo Cabdi-kamas oo magaciisa oo buuxa
aanaan haynin.
Sidoo kale 25/08/08 Birqod waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Qalainle Faarax C/llaahi
2- Deeq Sh Maxamed Colaad
3- Bashiir Axmed Faarax iyo
4- Nadiif oo magaciisa oo buuxa aanaan
haynin.
24/08/08 magaalada Qabridaharre waxay
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka
kala ah;
1- C/fataax Maxamuud Faarax
2- Mukhtaar Macalin Aaden iyo
3- Cabdi-khadar Xuseen Cumar Siyaad
Isla 24/08/08 Malayko, oo Garbo ka tirsan,
waxaa lagu xidhxidhay;
1- Xasan Ciid C/llaahi
2- Muxumed Maxamed iyo
3- Xasan-Tuur oo 80 jir ah.
Sidoo kale 24/08/08 Dhuxun waxaa lagu
xidhxidhay dadka kala ah;
1- Cabdi Sigad Faarax
2- C/nuur Macalin Cismaan
3- Jigre oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.
23/08/08 Xararey, oo Dhuxun ka tirsan, waxay
ciidammada gumaysigu jidhdil, dhac iyo
xidhay isugu dareen dadka kala ah;
1- Xasan Aw Dayib oo ay ka dhaceen 2000 oo
Bir
2- Maxamed Cabdi Xareed
3- Nuur Sahal Bayle
4- Cabdi Siyaad
5- Istaahil Dhaqane
6- Faarax Yuusuf-Qani
7- Bashiir Sh Maxamed oo ay isagana 2000 oo
Bir ka dhaceen
8- Camaje Quruun iyo
9- Maxamuud Axmed Kadaf.
21/08/08 Goljanno, oo Sallaxaad ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu aqallo kaga
gubeen dad shacab ah, oo kala ah;
1- Carab Nuuriye, oo ay 3 Aqal ka gubeen
2- Maxamed Aaden Baddal, oo ay 2 Aqal ka
gubeen iyo
3- Gabadh Dahabo lagu magacaabo oo ay
jidhidl baʼan u gaysteen.
Xoolo la xareeyay
27/08/08 waxaa Dhuxun lagu xero-ooday xoolo
badan oo isugu jira Geel, Loʼ iyo Adhi,
kuwaasoo aga soo ururiyay deegaanka Garasley.
Ciidammada gumaysiga ayaa ilaa iyo hadda la
xaqiijinayaa inay qasheen 30 Neef oo
xoolahaas ka mid ah.
Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysigu
maalmahan denbe aad u xoojiyeen
cunqabatayntii ay Ogaadeenya ku hayeen,
iyagoo arrintaas la beegsanaya dhibaatada
Abaaraha ee sida xun u saamaysay guud
ahaanba dadwaynaha Ogaadeenya.
Wararka Kililka
Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada
Jigjiga ayaa sheegaya in mar labaad
magaalada Addis Ababa looga yeedhay qaar ka
mid ah wakiillada gumaysiga, oo kala ah C/llaahi
Lugbuur, Cabdi-fataax Sh C/llaahi-yare, oo
ah guddoomiyaha xisbi ku sheegga iyo
wasiirka caafimaad oo Axmed lagu magacaabo.
Arrintani waxay ka denbaysay, ka dib markii
maamulka dhaqaalaha ee Kilil ku sheegga lagu
wareejiyay guddi 6 qof ka kooban oo wixii
hadda ka denbeeya si toos ah u maamuli doona.
Guddigaasi waxay kala yihiin;
1- Abay Sahay
2- Adhisu Lagasa
3- Tawalda iyo Seddex xubnood oo maamul ku
sheegga Kililka laga soo xishay.
John Holmes oo booqan doona Geeska Afrika
Madaxa xafiiska arrimaha baniʼaadamnimada ee
Qaramada Midoobay John Holmes ayaa
toddobaadka denbe booqan doona dalalka ku
yaalla gobolka Geeska Afrika oo ay ka mid
tahay Itoobiya, oo ugu yaraan 8 milyan oo
qof ay u baahan yihiin in si degdeg ah loola
gaadho gargaar cunto, sidaasna waxaa
talaadadii laga soo xigtay afhayeen u
hadashay Xafiiska Isku Xidhka Arrimaha
Baniʼaadamnimada ee Qaramada Midoobay.
Johna Holmes, oo booqashadiisa billaabi
doona maalinta isniinta ah ee bisha
Sebtember kowda tahay, wuxuu sidoo kale tagi
doonaa wadammada kale ee ku yaalla gobolka
Geeska Afrika, oo 4.6 milyan oo qof ay u
baahan yihiin taakulo baniʼaadamnimo.
Faahfaahin lagama bixinin in John Holmes uu
tagi doono Ogaadeenya, oo hayʼadaha
caalamiga ahi ay sheegeen in ugu yaraan 6
milyan oo qof ay ku tabaalaysan yihiin, isla
markaana u baahan yihiin in gargaar degdeg
ah la gaadhsiiyo
30 August 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari
|