|
Wakiilkii gumaysiga Itoobiya ee Ogadenya
Lugbuur oo xilkii laga qaaday
Wariyaha nooga soo warramada magaalada
Jigjiga ayaa noo soo sheegay in shir
toddobadkan oo dhan uga socday magaalada
Jigjiga guddiga fulinta ee xisbiga gumaysiga
Itoobiya wakiilka uga ah arrimaha Ogaadeenya
laga soo saaray go’aan waxaa xubinamdii
xisbi ku sheegga lagaga aaday C/llaahi
Lugbuur oo sannado badan gumaysiga gacan-yare
uga ahaa tacddiyada iyo xasuuqa loo gaysto
dadwaynaha Ogaadeenya.
Wariyuhu wuxuu kaloo noo soo sheegay in
Lugbuur laga qaadi doono guud ahaanba
xilalka uu ka hayo waxa loogu yeedho Kililka
Soomalida, taasoo ka dhigan in laga eryi
doono xilka madaxtnimada Kililka. Go’aankan
ayaa la filayaa in sida ugu dhakhsaha badan
loo fuliyo, waxaana muuqata in go’aankan
laga soo unkay magaalada Addis Ababa ee
xarunta gumaysiga Itoobiya. Waxaa la filayaa
in qaar kale oo xilal ka haya waxa loogu
yeedho Kililka in iyagana la caydhin doono.
Wariyuhu wuxuu kaloo noo soo sheegay in
kulankan digniin adag laga soo jeediyay
ninka lagu magacaabo Ina Sh C/llaahi Yare,
oo ka mid ah qabqablayaasha gumaysigu ku
adeegto ee ka hawlagala Kililka. Kulankan
ayaa ilaa hadda socoda, waxaana suuragal ah
in go’aano kale ka soo baxaan.
Xoolo ay ciidammada gumaysigu dhaceen oo
la xaraashay
Xoolo ay ciidammada gumaysigu ka soo dhaceen
dadwayne reer Ogadeenya ah oo ku sugan meelo
kala duwan ayay ciidammada gumaysigu ku
xaraashteen magaalada Baabili, sidaas waxaa
noo soo sheegay wariyaha nooga soo warrama
dalka Ogadeenya.
29/08/08 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Baabili ku xaraashteen 27 Neef oo
Lo’ ah, kuwaasoo ay ka soo dhaceen dad
shacab ah oo ku nool deegaanka Buuri.
13/08/08 ciidammada guaysiga Itoobiya ayaa
30 Neef oo Geel ah ka dhacay deegaanka Ceelo
Obo, waxaana Geelaas iska lahaa nin shacab
ah oo lagu magacaabo Muxumed Axmed.
Ciidammada gumaysiga ayaa Geelan ku
xaraashtay magaalada Baabili.
JWXO oo iska fogaysay qaraxa Jigjiga
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO
ayaa isniintii bayaan ay soo saartay waxay
ku beenisay eedayn ka soo yeedhay gumaysiga
Itoobiya oo ku saabsanayd in JWXO y ka
denbaysay qarax toddobaad dhammaadkii lala
beegsaday huteel ku yaalla magaalada Jigjiga,
kaasoo ay ka ku dhinteen afar qof, ugu
yaraan labaatan kalana ay ku dhaawacmeen.
JWXO ayaa bayaankan ku sheegtay in eedaasi
ay tahay mid aan sal iyo raadtoona lahayn,
waxayna sheegtay inay rumaysan tahay in
ciidammada Itoobiya iyo adeegayaashoodu ay
ay ka denbeeyeen falkan, oo loola jeedo lagu
marin-habaabiyo halganka xaqa ah ee
dawaynaha Ogaadeenya ay xoriyadooda ku
raadsanayaan.
Boolis ku sheegga gumaysiga Itoobiya ayaa
sheegay inuu JWXO ku tuhmayo qaraxan, oo
axaddii lala beegsaday Huteelka Andenet ee
mgaalada Jigjiga oo sababay burbur xooggan
oo ku yimid wajiga hore ee huteelkas.
Huteelkan ayaa la sheegayaa inuu degal u
ahaa saraakiisha sarsare ee gumaysiga
Itoobiya iyo dadka gacan-saarka la leh.
Qaraxani wuxuu u denbeeyay qaraxyo badan oo
sannadkii u denbeeyay laga fuliyay
magaalooyin ay ka mid tahay Addis Ababa oo
xarun u ah gumaysiga Itoobiya, waxayna
xukuumadda gumaysigu qaraxyadaas oo dhan ku
eedaysay xoogagga ay JWXO ka mid tahay iyo
dalka Eritereya.
Markabka hub u waday Koonfurta Suudaan oo
Soomaaliya lagu haysto
Markab ay budhacad badeed Soomali ahi ku
haysteen meel u dhaw magaalada Hobyo ee
dalka Soomaaliya, oo markii hore la sheegay
inuu Taangiyo u waday dalka Kenya, ayaa
hadda la sheegayaa inuu Taangiyadaas u waday
maamul goboleedka Koonfurta Suudaan.
Afhayeen u hadlay ciidammada Badda ee dalka
Maraykanka ee fadhigoodu yahay Gacanta
Carabta ayaa isniintii sheegay in 33 Taangi
oo uu waday Markab laga leeyahay waddanka
Ukrain oo lagu haysto xeebaha Soomaliya loo
waday Koonfurta Suudaan.
Arrintan ayaa fadeexad ku noqon doonto
waddanka Kenya, oo horay u sheegay in 33
Taangi oo saarnaa Markabka MV Faina ee
Soomaliya lagu haysto, laga leeyahay Kenya,
waxayna Kenya diiday in hubkaas loo waday
dhinaca Koonfurta Suudaan.
“Waxaan aaminsahay in hubkan loo wado
Koonfurta Suudaan,” sidaas waxaa yidhi
sargaalkan u hadlay ciidammada Badda ee
dalka Maraykanka, qaybta shanaad oo
fadhigoodu yahay Gacanka Carabta.
Markabkan, oo tan iyo khamiistii lagu hasto
xeebaha Soomaaliya, waxaa sheedda ka
ilaalinaya Markab dagaal oo laga leeyahay
waddanka Maraykanka iyo Doomo isla
Maraykanku leeyahay, waxayna ka hoetagayaan
in hubkaas laga dajiyo Markabka.
Hubkan lixaadka leh ee loo wado Koonfurta
Suudaan wuxuu xadgudub cad ku yahay
heshiiskii 2005 lagu soo afjaray dagaal in
ka badan 20 sano ka socday Koonfurta Suudaan.
Markabkan ayay budhcad badeed Soomali ahi
khamiistii ku qabsadeen xeebaha Soomaliya
isagoo u socda dekadda magaalada Mombasa ee
waddanka Kenya, isla markaana ka soo gudbay
Kanaalka Suways. Budhacad badeedkan
Soomaalida ah ayaa dalbadan lacag madax
furasho ah oo 20 milyan oo dollar dhan.
Afhayeenka u hadlay ciidamada Maraykanka
ayaa sheegay inay Markabka dusha ka
ilaalinayaan inta ay socdaan wadaxaajoodyada
u dhaxeeya budhcad badeedka iyo
masuuliyiinta Markabka, mana oggolaan doono
buu yidhi in Markabka laga dajiyo hubka
saaran.
30 September 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |