|
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
In ka yar toddobaad gudihii dagaallo dhawr
ah oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga
Itoobiya, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay ugu yaraan 48 askari, waxaa sidoo kale
lagaga dhaawacay 41 askari, sidaas waxaa noo
soo tabiyay wariyaha noga soo warrama dalka
Ogadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen
sidatan;
24/09/08 dagaal adag oo ka dhacay Karoodka,
oo Qabridaarre ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 25 askari, 18 kalana
waa lagaga dhaawacay.
21/09/08 dagaal ka dhacay Dhalacad, oo
dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana
waa lagaga dhaawacay.
15/09/08 weerar kadiso ah oo lagu qaaday
ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa
Gudhis, waxaa lagaga dilay 4 askari, 6
kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 15/09/08 waxaa weerar dhabba-gal
ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay
oo ku sugnaa Higlaley, wxaana lagaga dilay 5
askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
14/09/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar
mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku
sugan degmada Gunagado, waxayna gaadhsiiyeen
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
13/09/08 waxaa sidoo kale weerar mir ah loo
gaystay ciidammada gumaysiga ee fadhiigu
yahay Higlaley, wxaana weerarkaas gumaysiga
lagaga dilay inta la ogyahay 9 askari, 8
kalana waa lagaga dhaawacay.
01/09/08 weerar sidoo kale lagu qaaday
ciidammada gumaysiga ee ku sugan Sasabane
waxaa lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa
lagaga dhaawacay.
Isla 01/09/08 waxaa weerar mir ah lagu
qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan
Coballe, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
Waxyeello gumayasigu u gaystay dadwaynaha
Ciidammada gumaysiga ayaa waxyeellooyin kala
duwan, dil iyo xidhayba ka mid yihiin, u
gaystay dadwayne rayad ah, meelo kala duwan
oo Ogaadeenya ka mid ah. Waxyeellooyinkaasi
waxay u dhaceen sidatan;
25/09/08 Yaxaynta-Boore, oo Laga-hidda ka
tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen
nin shacab ah oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi,
kaasoo ay ciidammada gumaysigu Qorina ka
dhaceen.
24/09/08 Karoodka, oo Qabridaharre ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen labo
nin oo rayad ah oo lagu kala magacaab;
1- Maxamuud Askar iyo
2- Maxamed C/nuur
22/09/08 Qudhac, oo Laga-hidda ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin
rayad ah o magaciisa aanaan wali halin.
02/09/08 meesha lagu magacaabo Garbo-midgaan,
oo Dhuxun ka tirsan, waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen Maxamed Khaliif Maxamed
oo ahaa nin shacab ah.
24/09/08 iidammada gumaysiga ayaa magaalada
Dhagaxbuur ku xidhxidhay dadka kala ah;
1- Maxaed Naasir Axmed
2- Cabdi Cilmi Gannad iyo
3- Axmed Kaad C/llahi
21/09/08 Qaw-dheere, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen gabadh
lagu agacaabo Xaliimo Jaamac Hirad.
20/09/08 Gumarta, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu lacagayow kaga
dhaceen labo nin oo lagu kala magacaabo;
1- Faarax Badow oo ay 4000 oo Bir ka dhaceen
iyo
2- Yuusuf Burane oo au isagana 4000 oo Bir
ka dhaceen.
Waxay isla goobtaas jidhdil ba;an ugu
gaysteen nin lagu magacaabo Maxamed Deeq
Wacdi. Waxay iyadana halkaas ku kufsadeen
gabadh xaamilo ah oo lagu magacaabo Hinda
Maxamed Shakuul.
16/09/08 Karin-Gacan, oo degmada Dhagaxmadow
ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku
kufsadeen haweenay lagu magacaabo Ceebla
Nuur.
15/09/08 magaalada Guagado waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Kilaas Xasan Haybe
2- Murshid Sh Axmed
3- Cabdi-madoobe
4- C/risaaq Maxamuud Aar
5- Cabdi Cumar-dheere
6- Axmed Macalin Jigre iyo
7- Fadxi Macalin Daahir
12/09/08 Garasley waxay ciidammada gumaysigu
rashiin kala duwan oo 150 Kiish dhan kaga
dhaceen gabadha lagu magacaabo Canab Sh C/llaahi.
10/09/08 magaala madaxda Godey waxay
ciidammada gumaysigu hanti samafal loo waday
kaga dhaceen oo ku xidhxidheen labo muwaadin
oo walaalo ah, kuwaasoo ay ka dhaceen adduun
gadhaya 100.000 oo Bir ay ahayd lacag Sako
ah oo ay ka soo ururiyeen dalka Sucuudi
Carabiya, taasoo ay doonayeen inay u
qaybiyaan dadka abaaruhu naafeeyeen ee
deegaankaas ku tabaalaysan. Labadan muwaadin
waxaa lagu kala magacaabaa Khadar Nabadiid
iyo Sahra Nabadiid.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu
jidhdil baʼan iyo xidhay u gaysteen dad kala
ah;
1- Siraad Maxamuud Carte
2- Sharis Maxamuud Carte iyo
3- Ina Cabdi Ganboole oo magaceeda aanaan
haynin.
09/09/08 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen dad
rayad ah oo badan, waxaana magacyadooda
helnay;
1- Fardowsa Muxumed
2- Quresh C/llaahi
3- Raxma Taxaliil
4- Aamina Raabi Cali-nuug
5- Rooda Maxamed Xasan
6- Fartuun Cumar Aaden
7- Ruqiya Maxamed Aar
8- Sh Maxamed Xasan
9- Sh Axmed Sh Xuseen iyo
10- Gurey Sh Maxamed Xasan
07/09/08 magaalada Dhuxun waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen seddex wadaad oo
kala ah;
1- Sh C/llaahi Barkhadle
2- Sh Cabdi Mataan iyo
3- Sh Maxamed Xaji Dahir.
02/09/08 waxay ciidammada gumaysigu
deegaanka Garasley ku xidhxidheen dadka kala
ah;
1- Faadumo Xuseen
2- Saynaba Xaaji C/llahi
3- Gorda Maxamed Axmed iyo
4- Cadeeya Maxamed Diiriye
29/08/08 magaalada Dhagaxbuur waxay
ciidammada gumaysigu ku xidheen nin shacab
ah oo lagu agacaabo Axmed Maxamuud Carab.
28/08/08 Yuca, oo Dhuxun ka tirsan, waxay
ciidammada gumaysigu dhac ugu gaysteen dadka
kala ah;
1- Nuuriye Cumar Nuur oo ay 45 Neef oo Adhi
ah ka qasheen
2- Axmed Maxamed Carraale oo 1 Sac ay ka
qasheen
3- Barkhad Cabdi Kaariye oo isagana ay 1 Sac
ka qasheen
4- Ilma Takhal oo ay iyagan 25 Neef oo Adhi
ah ka qasheen iyo
5- Ilma C/nasir oo ay 20 Neef oo Adhi ah ka
qasheen.
Sidoo kale 28/08/08 Garasley waxay
ciidammada gumaysigu ku kufsadeen labo
gabdhood oo lagu kala magacaabo;
1- Fadumo Carab Baxooshe iyo
2- Nimco Sh Nuur.
Samafalayaashii la afduubay oo wali la
haysto
Samafalayaal horrantii toddobadkan laga
afduubay deegaanka Laas-caano, oo ka tirsan
degmada Shilaabo, ayaa wali lagu haystaa
nawaaxiga Guriceel ee dalka Soomaliya.
Urur xaruntiisu tahay magaalada Paris ee
dalka Faraniiska ayaa bayaan uu soo saaray
ku sheegay in nin iyo haweenay u shaqaynayay
laga afduubay Laas-caano habaynkii siniinta
oo loola kacay dhinaca Guriceel ee dalka
Soomaliya. Ururkan, oo lagu magacaabo
Mdecines Du Monde, ayaa intaas ku daray in
shaqaalahan la afduubay ay hawlo caafimad ka
wadeen dalka Ogaadeenya markii la afduubtay.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeenya JWXO
ayaa bayaan ay soo saartay waxay si kulul
ugu canbaraysay afduubka loo gaystay
shaqaalahan samafalka ah, waxayna falkaas ku
tilmaantay mid cadowtinimo ah oo sii
kordhinaya dhibatadii ay dadwaynaha
Ogadeenya ku jireen ee ka dhalatay Abaaraha
baʼan ee Ogadeenya ka jira iyo xayiraada
adag ee dhinac dhaqaalaha iyo gargaarka ah
ee gumaysatada Itooiya ku hayso.
JWXO ayaa rumaysan in falkan waxshinimada ah
loola jeedo sidii loo wiiqi lahaa dadaalka
beesha caalamka ee ku addan sidii gargar loo
gaadhsiin lahaa dadwaynaha Ogadeenya ee
Abaaraha iyo cunaqabatayntu sigu darsameen,
waxayna tilmaantay inay ku dadaali doonto
sidii samafalayaashaas looga soo furfuri
lahaa nacabka ma naxariistaha ah ee haysta.
27 September 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |