|
Dagaallo
lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Labo toddobaad gudohood dagaallo kala duwan
oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga
Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay meelo kala
duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan
97 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay
33 askari inta la ogyahay. Waxaa
dagaalladaas ciidammada gumaysiga lagaga
gubau hal Baabuur oo Uuraal ah, sidaasna
waxaa noo soo sheegay wariyaha nooga soo
warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladani waxay
u dhaceen sidatan;
24/07/08 Sanxaskulle dagaal ka dhacay waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari,
2 kalana waa lagaga dhaawacay.
22/07/08 weerar gaadmo ah oo lagu qaaday
ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa
Ban-baas waxaa 8 askari, 4 kalana waa lagaga
dhaawacay.
19/07/08 dagaal ka dhacay Garbo-dhuubo waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari,
2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 19/07/08 meesha lagu magacaabo Dandi
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga
loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa
la haynin.
17/07/08 Laan-qudhac, oo Sagag ka tirsan,
waxaa lagu weeraray ciidammo gumaysigu
leeyahay oo halkaas hawlgal u tegay, waxaana
la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa
la haynin.
Sidoo kale 17/07/08 Malqaqa waxaa weerar
loogu gaystay ciidammada gumaysiga, waxaana
la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa
la haynin.
Isla 17/07/08 Dandi waxaa weerar loogu
gaystay ciidammo gumaysigu leeyaha, kuwaasoo
laga dilay 2 askari, 2 kalana laga dhaawacay.
16/07/08 weerar si fiican loo qorsheeyay oo
lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan
Gurracan, waxaa lagaga dilay 18 askari, 8
kalana waa lagaga dhaawacay inta la ogyahay.
15/07/08 dagaal ka dhacay Ceel-jiir waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari,
2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 15/07/08 Fikta, oo Dhuxun ka tirsan,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal
Baabuur oo Uuraal ah, kaasoo lagu gubay in
ka badan 50 askari oo saarnaa iyo hubkii ay
wateen.
14/07/08 Dheemaha, oo Sagag ka tirsan,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumayisga
lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 14/07/08 Ceelo Obo dagaal ka dhacay
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4
askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 14/07/08 Malabley weerar gaadmo
ah oo loogu gaystay ciidammo gumaysigu
leeyahay oo halkaas ku sugnaa, waxaa lagaga
dilay 1 askari, 2 kalana waa lagag dhaawacay.
13/07/08 duleedka Baabili waxaa weerar
gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu
leeyahay, waxaana weerarkaas lagaga dilay 1
askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 13/07/08 Ananu iyo Agasla, oo Ban-baas
ka tirsan, waxaa weerarro gaadmo ah loogu
gaystay ciidammo gumayasigu leeyahay,
kuwaasoo la gaadhsiiyay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
Sidoo kale 13/07/08 dagaal ka dhacay meesha
lagu magacaabo Dhagaxle waxaa ciidammada
gumaysig lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa
lagaga dhaawacay.
10/07/08 Daad-some dagaal ka dhacay waxaa
ciidammada gumaysiga lagu gaadhsiiyay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Ururka isku xidhka dhalinyarada
Ogaadeenya oo deeq u ururiyay agoonta
Ururka Isku Xidhka Dhalinyarada Ogaadeenya
ee magaalada San Diego ee dalka Maraykanka
ayaa daba-yaaqadii toddobaadkan qabtay
munaasabad ballaadhan oo dhaqaale loogu
ururinayay Agoonta Ogaadeenya eek u sugan
xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya.
Munaasabadan, oo lagu soo bandhigay suugaan
iyo madadaalooyin kala duwan, waxaa dhaqaale
loogu qaaraamayay carruurta agoonta ah ee ka
soo qaxay dalka Ogaadeenya ee ku sugana
xeryaha qoxootiga ee Ifo, Dhagaxley iyo
Xagar-dheer ee dalka Kenya.
Ururkan ayaa ku talajira inuu fuliyo
mashruuc lagu magacaabo “Badbaadi Carruurta
Ogaadeenya”, wuxuuna mashruucan kala shaqayn
doonaa Jaaliyada Ogaadeenya ee Bariga Afrika.
Dalka Kenya waxaa ku sugan qoxooti aad u
badan ee ka soo qaxay xasuuqa iyo cadaadiska
ay ciidammada Itoobiya ka wadaan dalka
Ogaadeenya. Qoxootigan ayaan ilaa iyo hadda
helin daryeel ku filan, qaar badan oo ka mid
ahna waxay wali la tabaalaysan yihiin
dhibaatooyinkii ka soo gaadhay cadaadiska
iyo denbiyada dagaal ee xukuumadda gumaysiga
Itoobiya ka wado Ogaadeenya.
Sudan oo u digtay ciidammada nabad
ilaalinta
Dowlada Suudaan ayaa mar kale ku celisay
inaanay dammaand qaadi karin nabadgelyada
ciidammada nabad ilaalinta u jooga gobolka
Darfur ee galbeedka Suudaan haddii
madaxwaynaha Suudaan lagu soo oogo denbiyo
dagaal.
La-taliyaha madaxwaynaha Suudaan ayaa
sheegay in dowlada Suudaan ayna masuul ka
noqon doonin wixii soo gaadha ciidammada
nabad ilaalinta haddii Makamadda Caalamiga
ee Denbiyada Dagaalku ay kaga dhabayso inay
denbiyo dagaal ku soo oogto madaxwaynaha
Suudaan Cumar Al Bashiir.
Garsoorayaasha Makamadda Caalamiga ee
Denbiyada Dagaalka ayaa la filayaa inay
toddobaadyo gudohood go’aan kaga gaadhaan
codsigii xeer ilaaliyaha Maxkamadda ee ahaa
inay Maxkamaddu soo saarto amar lagu soo
qabanayo madaxwayne Al Bashiir.
La-taliyaha madaxwaynaha Suudaan wuxuu
sheegay in dowlada Suudaan ayna caydhin
doonin ciidammada nabad ilaalinta, isla
markaana ayna iyadu wax handadaad ah u
gaysan doonin, balse ayna nabaddelyadooda
dammaanad qaadi karin.
26 July 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari
|