Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo Sept 23, 2008

 

Dagaalo weerar iyo mired igujira oo gaagaabta gumaysiga lagu jabiyey.
Waxyeelooyin kala duwan oo shacabka loo gaystay
Axmed Muxumed Ruun oo xabsiga Degmada ku xidhan.
Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee jwxo oo aan ka waraysanay safarada isaga iyo waftiga uu hogaaminayoi ay kusoo mareen qaarada afrika iyo midka ay hada ku
marayaan qaarada Yurub.

Dagaalo weerar iyo mired igujira oo gaagaabta gumaysiga lagu jabiyey.

Ciidanka qalabka sida ee jwxo ayaa ciidamada gumaysiga itoobiya ku miray Duudciid 21-09-08 halkaasna kaga dilay hal askari kagana dhaawacay 2 kale.

21-09-08 Galadiid dagaal mir ah oo ay cwxo ku qaadeen cgi ayay khasaare aan faahfaahintiisa weli la helin ugu gaysteen.

15-09-08 Huuraale dhabo gal dagaal oo ay cwxo ku sameeyeen ayay ciidamada gumaysiga itoobiya kaga dileen 6 askari halka ay kaga dhaawaceen 8 kale.

10-09-08 dagaal dhex maray ciidamada wayaanaha ee ku sugan Dhagaxbuur ayay iskaga dileen 2 askari iskagana dhawaceen 5 kale.

12-09-08 dagaal ka dhacay Las Higlale oo Godey ka tirsan aya ciidanka saama laluudka ah lagaga dilay 5 askari halka dhaawucuna gaadhay labo askari.

Waxyeelooyin kala duwan oo shacabka loo gaystay

Dhanka xidhayga iyo waxyeelaynta shacabka ayaa wariyaheenu wuxuu noosoo sheegay in jidh dil iyo xidhay loo gaystay dadka kala ah:

Siraad Maxamuud Carte,Sharis Maxamuud Carte, iyo Ina Cabdi ganboole.

Dhankaas iyo Dhuxun deegaanka la yidhaahdo Qarjajabo ayaa 07-09-08 xidhay iyo dhac loogu gaystay dadka kala ah:

1-Faarax Cabdullaahi Kaariye
2-Dhubane Suldan
3-Faarax Maxamed Daahir
4-Carab Maxamuud
5-Shariif Cabdisalaam

2-09-08 Garasleey ayay ciidanka gumaysiga iyo dabaqoodhigiisa ku xidheen :

1-Faadumo Xuseen

Axmed Muxumed Ruun oo xabsiga Degmada ku xidhan.

Wararka naga soo gaadhaya wariyaheena magaalada Jigjiga ayaa noosoo sheegay in xabsiga magaalada Jigjiga loo taxaabay Axmed Muxumed Ruun kadib markii si xun loo garaacay oo la isku jabiyey.

Sida wararku nagu soo gadhayaan bishan barakaysan ee Ramadaan dhexdeeda ayaa dabaqoodhigaas xabsiga loo taxaabay kadib markay gumaysigu ka dhamaysteen danahi jaajuusnimo ee ay kala haayeen.

Axmed Muxumed Ruun ayaa isu soo dhiibay ciidanka gumaysiga sanadkii 2006 kadib markuu u adkaysan waayey halganka samirka weyn u baahan,waxaana ku dhacay cudur dhimirka waxyeeleeya,kadib ayay jwxo u dirtay soomaaliya kahor intuusan isu dhiibin gumaysiga si uu isu soo daweeye,hasa yeeshee jiradaas ayaa wax xal ah yeelan weyday waxayna jabhadu ku amartay inuu ogadenya iska joogo intuu xaalkiisu si noqon,kadib ayu dabaqoodhigaas isu rogay jaajuus weyn oo galaaftay shacab badan oo aan waxba galabsanin,nasiib wanaagse waxaa soo qabtay nabsigii dadka kabuuxa xabsiyada Jigjiga ee u sababta u ahaa xadhigooda wuxuuna manta xabsiga kula jiraa kuwuu isagu xidhay ee aan dambiga lahayn.

23 September 2008

C/nuur Sh.Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.