|
Dad
Abaaraha dartood ugu dhintay meelo Ogadeenya
ka mid ah
Laga soo billaabo dabayaaqadii bishii
siddeedaad waxaa meelo Ogaadeenya ka mid ah
ku dhintay dad iyo duunyo badan oo dhibatada
abaaraha u dhintay. Dadku waxay dhimanayaan
biyo iyo cunto laʼan iyo cudurro ka dillacay
meelaha qaarkood. Xoolaha ayaa iyaguna u
dhammaanaya biyo iyo baad laʼaan.
Xoolaha oo aad u leʼday ayaa waxaa ka
dhashay cayayaan uu Dakhsigu ka mid yahay,
kuwaasoo iyaga laftoodu dhibato dhinaca
caafimadka ah ku haya dadwaynaha, gaar ahaan
kuwooda jilicsan, sida carruurta iyo
waayeelka. Gobollada qaarkood waxaa laga soo
sheegayaa inay ka dillaaceen cudurro uu
Daacuunku ka mid yahay.
Meelaha ay dhimashada dadka iyo xooluhu ugu
badan yihiin waa deegannada hoos yimaada
gobolka Doollo iyo degmooyinka xuduuda la
leh gobolkaas. Ila iyo hadda wararka na soo
gaadhaya ayaa sheegaya in dad badani ay
dhibaatada abarta ugu dhinteen meelaha ay ka
midka yihiin Dannod, oo ugu yaraan 10 qof ay
ku dhinteen, Caado oo iyadana ilmo yari
gaajo ugu dhintay. Waxay sidoo kale dad ku
dhinteen meelaha kala ah Garlowgube,
Waafdhuug, Uubataale, La-helow, Yucub iyo
Qamuuda iyo waliba deegaanno kale oo badan.
Waxayna dadku u dhammaanayaan gaajo iyo oon,
iyadoo ay inta badan gudheen Barkadihii laga
cabbi jiray, Ceelashana ay ciidammada
gumaysigu dadwaynaha u diideen inay ka
dhaansadaan.
Abaraha baʼan ee ka jira meelaha ay
Ogadeenya ka midka tahay waxaa toddobadkan
si wayn uga hadlay warbaahinta adduunka, oo
si faahfaahsan uga hadashay baaxada ay
dhibaatadaasi leedahay. Habaynki jimcuhu soo
galayay waxaa tilishin laga leeyahay
waddanka Britain oo lagu magacaabo Channel
Four laga sii daayay barnamij dheer oo laga
soo diyaariyay dhibatada qallafsan ee
haysata dadwaynaha ku dhaqan Ogaadeenya iyo
sida ay xukuumadda gumaysigu u diiddan tahay
in wax gargaar ah dadkaas la gaadhsiiyo.
Wariye ka tirsan Channel Four oo dhawaan
booqday meelo Ogaadeenya ka mid ah, isla
markaana waraysiyo kala duwan la yeeshay
dadwaynaha halkaas ku tabaalaysan, ayaa si
aad ah uga sheekeeyay sida ay xukuumadda
gumaysiga Itoobiya cuntada gargarka hub
ahaan ugu adeegsato, isla markaana
dadwaynaha uga hortagan tahay goobaha biyaha
iyo xarumaha samafalka.
Sidoo kale wargayska Times, oo isaguna ka
soo baxa waddanka Britain, ayaa isaguna ka
warbixiyay dhibatada abaaraha, wuxuna
wargaysku soo qatay cabashooyin ka yimid
hayʼadah samafalka oo tilmaamay in
xukuumadda Itoobiya ay si ula-kac ah hoos
ugu dhigayso dhibatada abaaraha, isla
markaana ay ciidammada gumaysiga Itoobiya si
badheedh uga hortagaan in dadkaas gargaar la
gadhsiiyo.
Qaramada Midobay ayaa sheegtay in ugu yaraan
2 milyan oo qof ay dhimasho qarka u saaran
yihiin, hase yeeshee madaxa arrimaha
baniʼadamnimada ee Qaramada Midoobay John
Homes, oo dhawaan Ogaadeenya boqday, ayaa
sheegay in dadka ku tabaalaysan Ogaadeenya
ay intas aad uga badan yihiin. Warabixin aan
la faafinin, oo Barnaamijak Cuntada Adduunka
ee WFP uu u gudbiyay deeq bixiyayaasha ayaa
lagu sheegay in Ogaadeenya ay dad ugu
dhinteen gaajo iyo oon, dadka in gargaar
lala gadho u baahana ay 2 milyan gaadhayaan.
Dhinaca kale waxaa toddobaadkii hore lagu
xidhay magaalada Gunagado labo kooxood oo
samafalayaal ah oo u shaqaynayay Hayʼadda
WFP, waxaana labadan kooxood xabsiga loo
taxaabay, ka dib markii ay isku dayeen inay
arkaan oo tirakoob ka sameeyaan dadka ay
tbaaladu ka soo gaadhay abaaraha ee
gargaarka degdegga ah u baahan.
Dhibaatooyin kala duwan oo gumaysigu u
gaystay dadwaynaha
Ciidammada gumaysiga ayaa waxyeellooyin kala
duwan, oo dil, xidhay iyo gubis isugu jira,
u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee
Ogaadeenya. Waxyeellooyinkaasi waxay u
dhaceen sidatan;
30/08/08 magaalada Qorile ee degmada Dannood
waxay cidammada gumaysigu ku dileen nin
waalan oo lagu magacaabo Ciisood.
17/09/08 magaalada Qabribayax waxay
cidammada gumaysigu ku xidheen dadka kala
ah;
1- Muuse C/llaahi Cumar
2- Kaafi Faarax Jaamac iyo
3- Shire Axmed Yaasiin
Isla 17/09/08 magaalada Jigjiga wxaa sidoo
kale lagu xidhxidhay ninka lagu magacaabo
Cabdi C/llaahi.
11/09/08 magaalada Awaare waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen ddka kaala ah;
1- Cabdi Maax Maxamuud
2- Mire Daahir Gahayr iyo
3- Sucaad Cawil Dirir
07/09/08 magaalada Sagag waxay sidoo kale
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka
kala ah;
1- Cabdi Shariif Faarax iyo
2- Maxamuud haybe
Gubis
17/09/08 magaalada Awaare waxay ciidammada
gumaysigu ku gubeen ilaa iyo 110 guri oo
isugu jira Aqal-soomaali, Dirgado iyo Daaro,
kuwaasoo ay lahaayeen dadwaynaha rayadka ah.
Dadka guryahaas laga gubay waxaa ka mid ah;
1- Cabdi Amaadin
2- Macalin Goʼaan Amaadin
3- Maxamuud Colaad
4- Cismaan Dhadac
5- Mustafe Ciwal
6- Maxamed Cali
7- Cali Siinlow
8- Yuusuf Dhadac
9- Hugur Dhuug
10- Cabdi-dheeg Dhaga-laab
11- Ibrahim Canshuur
12- Maxamuud Axmed iyo
13- Ilyaas oo magaciisa oo buuxa aanaan
haynin
20 September 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari
|