Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo ee Sept 16, 2008

Dagaallo lagu waxyeelleeyay ciidammada gumaysiga.
Gumaysiga itoobiya oo waxyeelooyin kala duwan u gaystay shacabka.
Safiirka USA oo booday Ogadeenya
Mucaradka Itoobiya oo diiday hadalkii xukuumadda ee abaaraha la xidhiidhay .
G/kuxigeenka 1aad ee jwxo iyo wafti uu hogaaminayo oo shir ku qabtay London.


Dagaallo lagu waxyeelleeyay ciidammada gumaysiga

Dhawrkii maalmood ee u deneeyay dagaallo badan oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 42 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 44 askari, sidasna waxaa noo soo tabiya wariyaha nooga soo warrama dalk Ogadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

11/09/08 dagaal ka dhacay Cadaad-dhere, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

08/09/08 Waylo-qanjidh, oo Dhuxun ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysigu lagaga dilay 9 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

07/09/08 dagaal isaguna ka dhacay Qurux-boob, oo Dhuxun ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhawacay.

06/09/08 Maygaag-wayne, oo Fiiq ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiy lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawcay.

05/09/08 Ugunje, oo degmada Dhuxun ka tirsan, dagaal adag oo ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 16 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

02/09/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar dhabba-gal ah ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Roga, oo Hurso ka tirsan, waxayna kaga dileen 10 askari, 18 kalana way kaga dhaawaceen.

28/08/08 Jufo, oo Dhagaxmadow ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawcay.

28/08/08 dagaal isaguna ka dhacay Roga,oo Hurso ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Kufsi

03/09/08 Jeerinka, oo Fiiq ka tirsan, ayay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen hooyo lagu magacaabo Shugri.

18/08/08 Heella-dheere, oo Garbo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen gabadh yar oo lagu magacaabo Ifraax Babyad Yuusuf.

Safiirka USA oo booday Ogadeenya

Dhinaca kale safiirka waddanka Maraykanka u fadhiya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa shalay isniintii booqday magaalooyinka Godey iyo Qabridaharre. Ilaa iyo hadda faahfahin dheeraad ah lagama bixinin sababta uu meelahaas u booqday iyo jawaabta uu ka bixiyay wixii uu ku soo arkay meelihii uu booqday.

Mucaradka Itoobiya oo diiday hadalkii xukuumadda ee abaaraha la xidhiidhay

Labo xisbi oo mucaarad ku ah taliska Addis Ababa ayaa ku gacan saydhay hadal toddobadkii hore ka soo yeedhay xukuumadda kaligii taliye Meles Zenawi oo ku saabsanaa in la mareeyay dhibatadii Abaaraha ee ka jirtay Itoobiya iyo Ogaadeenya.

Ku xigeenka kaligii taliye Zenawi, ahna wasiirkiisa beeraha Addisu Legesse ayaa badhtamihii toddobadkii hore sheegay in si fiican loo maareeyay dhibatadii Abaaraha, isla markaana ayna ahayn dhibaato ka baxsan awoodda xukuumadda.

Xisbiyada mucaradka ah ee OFDM iyo UEDF ayaa sheegay inayna rumaysnayn in dhibatada abaraha xal loo helay oo xukuumaddu ay karti u leedahay inay wax ka qabato.

Xukuumaddu waxay bilihii la soo dhaafay oo dhan lahayd dhibatadii waan maaraynay, iyadoo ay masiibadii halkeedii ka sii socoto, sdaas waxaa yidhi guddoomiyaha xisbiga OFDM Bulcha Demeksa. Wuxuu kaloo intaas ku daray in xukuumaddu ay hadalkaas ku celcelinaysay lixdii bilood ee la soo dhaafay, halka dadka Abaaraha ku waxyeelloobayna ay malayiin gadhayaan.

Wakiil u hadlay xisbiga UEDF oo lagu magacaabo Gebru Gabremariam ayaa isaguna sheegay in xukuumaddu ay hadal been ah ku celcelinayso, wuxuuna masiibo ku tilmaamay in xukuumaddu ay siyaasad u isticmaasho kaalmooyinka loogu talagalay dadka tabaalaysan. Wuxuu kaloo intaas ku daray in dadkan dhibataysan ay xukuumaddu u diidday in wax kaalmo ahi gaadho, iyadoo sababtuna ay tahay inay yihiin dad aan xukuumadda tageersanayn. Wuxuuna tilmamay in Abartani ay tahay mid an Itoobiya horay u soo marin, isla mrkaana ay ka daran tahay middii dhacday sannadkii 1984, hase yeeshee ayna xukuumadda Meles wax dan ah ka lahayn cidda ku waxyeelloobaysa.

16 September 2008
C/nuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.