|
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada
gumaysiga
Dgaallo CWXO iyo kuwa gumaysiga dhex-maray
daba-yaaqadii toddobaadkii hore waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 47 askari,
waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 46 askari,
sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga
soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi
waxay u dheceen sidatan;
13/07/08 dagaal ka dhacay Qudhac-wayn, oo
Dig ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 6 askari, 5 kalana waa lagaga
dhaawacay.
12/07/08 duleedka Farmadow dagaal ka dhacay
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2
askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
11/07/08 hawlgal si aad ah loo qarsheeyay
ayaa lagu fuliyay ciidammo gumaysigu
leeyahay oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo
Abosa, oo Qabri-bayax ka tirsan, waxaana
gumaysiga hawlgalkaas lagaga dilay 25 askari,
30 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 11/07/08 dagaa isaguna ka dhacay
Geed-dheer, oo degmada Gunagado ka tirsan,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7
askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
07/07/08 dagaal ka dhacay meesha lagu
magacaabo Hora-hawd, oo Jigjiga ka tirsan,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7
askari.
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Ciidammada gumaysiga ayaa waxyeellooyin kala
duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee
Ogaadeenya. Waxyeellooyinkaasi waxay u
dhaceen sidatan;
12/07/08 magaalada Haarcad waxay ciidammada
gumaysigu ku xidheen nin lagu magacaabo C/nuur
C/llaahi.
10 iyo 11/07/08 waxay ciidammada gumaysigu
Dhagaxmadow ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Mawliid Cali Gar-daran
2- Ridwaan Xuseen C/llaahi
3- Iyo 4 nin oo kale magacyadooda aanaan
helin.
11/07/08 Wayla-lagu-xidh waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dad fara badan oo
ay ka mid yihiin;
1- Mawsar C/raxmaan Gaal-eri
2- Maxamuud Kaahin
3- Xasan Dhulbahante
4- Toorri Maxamuud Nuur
5- Aabiil Maxamed Geel-lays
6- Xasan Salaan
7- Sh Cabdi Tubeec iyo
8- Cabdi Il-yare.
Sidoo kale 11/07/08 Farmadow waxay
ciidammada gumaysigu ku dhaceen hal baabuur
oo shacabku lahaa.
Isla 11/07/08 magaalada Dig waxay ciidammada
gumaysigu ku xidheen gabadh lagu magacaabo
Sacda Gamaʼ.
11/07/08 Buula-dari, oo Qabribayax ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu 1800 oo Bir kaga
dhaceen Mawliid oo magaciisa oo buuxa aanaan
haysanin. Waxay sidoo kale la tageen oo aan
la ogayn meel ay geeyeen Ardo Cabdi Dheere.
Shir wayn oo lagu qabtay magaalada
Toronto
Maalintii sabtida ahayd ee taariikhdu ku
beegnayd 12/07/08 waxaa magaalada Toronto ee
dalka Canada lagu qabtay shir lagaga
hadlayay arrimaha Ogaadeenya oo ay soo
qabanqaabisay Jaaliyada Ogaadeenya ee
gobolka Ontario ee waddanka Canada.
Shirkan, oo ay ka soo qayb galeen xubnaha
Jaaliyada Ogaadeenya ee Ontario, waxaa lagu
dhagaystay warbixin dheer oo uu soo jeediyay
masuul ka tirsan hawlwadeennada Jaaliyada oo
lagu magacaabo Dr C/raxmaan Yuusuf, oo si
waafi ah uga warbixiyay xaaladda guud ee
halganku marayo iyo dhibaatooyinka arxan
laʼaanta ah ee gumaysigu ku hayo dadwaynaha
Ogaadeenya.
Waxaa kaloo shirkaas ka hadlay Isu Duwaha
Jaaliyadaha Ogaadeenya Maxamed Macalin oo
tilmaamay ahmiyada ay Jaaliyaduhu u
leeyihiin halganka Ogaadeenya iyo sida loogu
baahan yahay inay sii labanlaabaan
dadaallada ay ka wadaan deegaannada ay ka
hawlgalaan.
Shir midkan la mid ah ayaa isaguna ka dhacay
magaalada Ottowa ee dalka Canada markii ay
taariikhdu ahayd 05/07/08, kaasoo lagaga
hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa
waxqabadka Jaaliyada Ogaadenya ee
nawaaxigaas.
Qaramada Midoobay oo shaqaalaheeda kala
baxaysa gobolka Darfur
Qaramada Midoobay ayaa gobolka Darfur ee
waddanka Suudaan kala baxaysa shaqaalaheeda
aan asaasiga ahayn. Tallaabadan ayay
Qaramada Midoobay qaaday, ka dib markii xeer
ilaaliyaha Maxamada Caalamiga ah ee
Denbiyadu maxkamada u gudbiyay codsi ah in
la qabto madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Al
Bashiir oo lagu eedeeyay xasuuq uu ka
gaystay gobolka Darfur.
Garsoorayaasha Maxkamada ayaa wali ka
baaraan-degaya inay ansixiyaan amar lagu
qabanayo madaxwayne Al Bashiir.
Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Suudaan
ayaa sheegtay in waddanka Suudaan aanuu
xubin ka ahayn Maxkamadda Caalamiga ah ee
Denbiyada, isla markaana aanuu aqoonsanayn
jiritaankeeda iyo xukunnada ka soo baxa
midna.
Qaramada Midoobay waxaa gobolka Darfur ka
jooga ciidammo gaadhaya 9600 oo askari iyo
shaqaale rayad ah oo tiradoodu dhan tahay
1300 oo qof, hase yeeshee ilaa iyo hadda
Qaramada Midoobay daboolka kama aanay qaadin
shaqaalaha ay la soo baxayso inta ay dhan
yihiin.
Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta waxay
labaduba Maxkamadda uga digeen inay tallaabo
noocaas ah qaado, iyagoo tilmaamay in
arrintaasi ay sii calwin doonto arrimaha
Suudaan oo markii horaba aad u qasnaa.
Waa markii ugu horraysay ee taariikhda ee
Maxkamadda Caalamiga ah ee Denbiyada laga
codsado inay soo saarto goʼaan lagu soo
qabanayo madaxwayne waddan xukuma.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Denbiyada ayaa
lagu eedeeyaa inayna dhexdhexaad ka ahayn
xukunnadeeda, isla markaana ayna siyaasad ka
madhnayn. Waxaa jira hoggaamiyayaal badan oo
xasuuq lagu soo eedeeyay, balse ay
Maxkamaddu ka gaabsatay inay tallaabo ka
qaado.
Raggaas waxaa ka mid ah kaligii taliye Meles
oo in badan ay hayʼadaha caalamiga ahi ku
eedeeyay inuu xasuuq ka gaystay dalka
Ogaadeenya, hase yeeshee Maxkamaddan iyo
Qaramada Midoobay labaduba ay ka iska dhaga
tireen inay wax tallaabo ah ka qaadaan.
Eedeymo ka dhan ah kaligii taliye Zenawi
oo loo gudbinayo maxkamada caalamiga ah ee
Heeg si maxkamad loosoo taago.
Hay,adaha caalamiga ah ee AM,HRW, ururo kale
oo u dhaq dhaqaaqa dhowrista xaquuqul aya
dacwad ka dhan ah kaligii taliye zenawi u
gudbinaya maxkamada caalamiga ah ee heeg ee
wadanka Holland,hay,adahaas oo mudooyinkan
dambe ku hawlanaa soo aruurinta tacadiyada
loo geysto Soomaalida ogadenya
Tacadiyo liddi ku ah xuquuqda aadamiga ayay
hay,adahaasi ku cadeeyeen kaligii taliye
Zenawi iyadoo ay hay,adda HRW shir
saxaafadeed ku qabatay magaalada Nairobi
12-06-08 ay kusoo bandhigtay xaaladaha
biniaadanimo iyo kuwa dagaal dambiyeed ay ku
tilmaantay oo ay taliska iyo ciidamada
itoobiya ka gaysteen ogadenya.
Eedaymahaas oo ay soo diyaariyeen hay’ado
fara badan oo isugu jira kuwo caalami ah iyo
kuwo maxali ah ayey ku xuseen falal
waxshinimo oo ay ku kaceen ciidanka
gumaysiga itoobiya xili ay dagaalo kula
galeen onlf gudaha ogadenya, halkaasi oo
laga soo calaamadeeyay in ay ka dhaceen
falal ay ka mid ahaayeen dilal, kufsi,
jirdil iyo tacadiyo kale oo dhamaantood ka
dhan ahaa arrimaha xaquuqda aadanaha.
Gabood faladaasi oo joogta ah hadana
badankoodu waxa ay ku kaceen ciidamada
militaarka Itoobiya sanadyadii ugu dambeeyay
kuwaasi oo saameyn weyn ku yeeshay dadka
rayidka ah ee ku dhaqan ogadenya.
Eedeymaha ugu badan ayaa waxaa soo bandhigay
golaha xaquuqul aadanaha ee Ethiopian Human
Rights Council oo wada shaqeyn aad u xoogan
la leh ururada udooda xuquuqda aadanaha oo
si weyn indhaha ugu hayay waxyaabaha ka
dhanka ah nolosha aadanaha ee ciidamada
dowlada Itoobiya ee Males Zenawi ay ka
sameeyaan ogadenya mudadii afarta sano iyo
barka ahayd ee la soo dhaafay.
Maxkamada dambiyada dagaalka ee Heeg ayaa
horey loo taagay hogaamiyaal Afrika caan ka
ahaa, balse ku kacay dambiyo dagaal.
Arintaasi ayaa ku soo beegmeysa xili madaxda
wadamada ku bahoobay Midowga Afrika ay weli
ku hawlan yihiin sidii ay ka yeeli la
haayeen go’aanka ay qaadatay maxkamada Heeg
ee lagu soo xirayo dhigooda Sudan ee Cumar
Xasan Al-Bashiir kaasi loo haysto in uu
bixiyay awaamiirta lagu galay tacadiyo
dagaal oo ka dhacay shantii sano ee ugu
dambeeyay gobolka Dafur ee ku yaala
galbeedka wadanka Sudan.
15 July 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari
|