|
Dagaallo lagu jabiyay ciidamada gumaysiga
Dhawrkii malmood e u denbeeyay dagaallo
dhawr ah oo dhex-mray CWXO iyo kuwa
gumaysiga Itoobiya wxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 55 skari, 49 kalana waa lagaga
dhaawacay, sidas waxaa noo soo tabiyay
wariyaha noga soo warrama dalka Ogaadeenya.
Dagaalladasi waxay u dheceen sidatan;
09/09/08 waxaa jab wayn loo gaystay ciidammo
gumaysigu leeyahay oo ay la socdeen qaar ka
mid ah mamul ku sheegyada degmooyinka Jigjig
iyo Qabribayax, kuwaasoo weerar ku soo
qaaday cutub ka tirsan CWXO oo fadhigiisu
yahay meesha agu magacaabo Buri, oo k tirsan
degmada Galalshe. Ciidammadan Wyaamaha ee
soo duulay waxaa laga dilay inta la ogyahay
30 skari, 25 kalana waa laga dhaawacay.
Ciidamada halkaas lagu dilay waxaa ka mid ah
taliyihii hogganka nabadgelyda ee ciidammad
Wayanaha ee Jigjiga iyo xubno kale oo
sarsare. Ciidammadan ayaa wixii ka soo
hadhay waxay iyagoo carar ah dib ugu noqdeen
goobihii ay ka soo duuleen.
08/09/08 dagaal ka dhacay Dandi, oo Jigjig
ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 7 askari, 8 kalana waa lagaga
dhaawacay.
06/09/08 mesha lagu magacaabo Midha, oo
Babili ka tirsan waxaa gacanta ku dhigy CWXO,
ka dib markii ay kala firxadeen ciidammadii
gumaysiga ee halkaas ku sugnaa. CWXO ayaa
halkas ku qabtay maxabiis markii denbe la
sii dayay, kadib markii la xaqiiqsaday inyna
dhibaato gaysanin. Waxaa sidoo kale halkaas
cdowga lagaga furtay hub iyo saanad kale.
02/09/08 dagaallo ka kala dhacay Kaam-toome
iyo Aw Shariif, oo Babili ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari,
6 kalana waa lagaga dhaawacay.
02/09/08 waxaa weerar mir ah lagu aaday
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay
magaalada Awaare, waxaa la gaadhsiiyy
khasaare aan faahfaahin laga haynin.
27/08/08 waxaa weerar kadiso ah loo gaystay
ciidamo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa meel
u dhaxaysa Awaare iyo Rabaso, waxaana
weerarkaas lagaga dilay 15 askari, 10 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Waxyeellada gumaysigu u gaystay
dadwaynaha
Dil
11/09/08 meesha lagu agacaabo Taraq, oo
Baali ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu
ku dileen ni shacab ah oo lagu magacaabo
Cade Caydiid.
03/09/08 Wardheer iyo Caado dhexdooda waxay
ciidammada gumaysigu ku dileen labo nin oo
lagu kala magacaab;
1- C/risaaq C/llaahi Weerar iyo
2- Hurre Aabi
Waxay sido kale dhaawac u gaysteen nin kale.
Xidhy
05/09/08 magaalada Garbo waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dad badan oo shacab
ah, waxaana ka mid ah;
1- Sahra Faarax Lade
2- Hodan Maxamuud iyo
3- Macalin Cabdi Yuusuf
04/09/08 Dhalacad, oo Sallaxaad ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu Aqallo kaga
gubeen dad shacab ah, wxayna dadkasi kala
yihiin;
1- Muslmo Xuseen oo ay 1 Aqal ka gubeen
2- Calane Sayid Isaq oo ay iyadana 1 Aqal ka
gubeen
3- Catooshe Wacdi oo ay 1 Aqal ka gubeen
4- C/wali Cali Gees-diir, 1 Aqal
5- Axmed Aw Cali, 1 Aqal
Waxay sidoo kale xidhxidheen dadka kala ah;
1- Maxamuud Cabdi Dahiye
2- Maxamed Xuseen Fidhin
3- Cabdi Gabobe Gurxan
4- Saxane Sayid Isaaq
5- Macalin Yuusuf Gudal oo ay 1 Aqalna ka
gubeen
6- Sanay Sade Dhicis
7- C/kariin Xasan Shariif
8- Yuusuf Sh Cabdi
9- Ardo C/raxmaan
10- Barre Cali Maxamuud
11- Sh Cabdi Amas
12- Maxamed Deeq Cabdi
13- Xibile Halabe
14- Faris C/nuur
15- Aaden Nuuriye Cbdi
16- Nuuriye Cabdi Faarax
17- C/llahi Tuke Xasan
18- Nuur Maxamud Xasan
05/09/08 magaalada Dhagaxbuur waxay
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka
kala ah;
1- Khalif oo magaciisa oo buuxa anaan haynin
2- Xamdi Afyare
3- C/fataax Maxamed
4- Xaaji Bashiir Maxamed
5- Mahad Haan-gale
6- Namhan Muuse
7- Baddal Carab
8- Maxamed Cabdi Daahir
9- Axmed Maxamed Gurey
10- Suufi o mgaciisa oo buuxa anaan haynin
11- Barre Maxamed Khaliif iyo
12- Baaruud Cali Nuux
02/09/08 Koore, oo Awaare ka tirsan, waxay
ciidamada gumaysigu kala tageen 11 Oday,
kuwaasoo ay aad u jidhdileen, hase yeeshee
magacyadooda wali ma aanaan halin.
Isla 02/09/08 magaalada Wardheer waxay
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 15 qof
oo shacab ah, waxaanan magacyadooda helnay;
1- Indhadeeq Cali-dheere
2- Shugri Deeq
3- Mulac oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
4- Mustafa Cabdi Cali
5- Laangadhe Jorow
6- Axmed-madoobe
7- Farxaan Salaad
8- Mustafe Abshir Shekh iyo
9- Ina Axmed-yare oo magaciisa hore aanaan
haynin
27/08/08 ciidammada gumaysiga ayaa dad
shacab ka qaqabtay Coballe, waxayna ku
xidhxidheen magaalada Dhagaxbuur. Dadkaasi
waxay kala yihiin;
1- Raxma Taxaliil
2- Badhayse oo magaciisa oo buuxa aanaan
haynin
3- Maxamuud Nuur Axmed
4- Muxumed Nuur Cabdi
5- Ileeye iyo 9 qof oo kale oo magacyadooda
aanaan halin.
Kilika
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd
10/09/08 waxaa mar kale magaalada Addis
Ababa ee xarunta guaysiga looga yeedhay
xubnihii ugu sarreeyay mamul ku sheegga waxa
loogu yeedho Kililka, kuwaasoo khilaaf adag
oo dhexdooda ah la filayo in saraakisha
gumaysigu ay dhex-galaan. Mamul ku sheegga
Kiliku wuxuu dhinaca kale badalay malintii
fasaxa ka ahayd Ogaadeenya oo ahayd malinta
jimcaha ah, waxayna ku baddaleen sabtida iyo
axadda.
13 September 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |