|
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si
wayn loogu naafeeyay ciidammada naf la-caariga
ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi
waxay u dheceen sidatan;
Shalay oo taariikhdu ahayd 11/02/08 dagaal
ka dhacay Heella-dheere, oo Garbo ka tirsan,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6
askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
09/02/08 dagaal adag oo isaguna ka dhacay
La-helow, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 13 askari,
waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 7 askari.
07/02/08 waxaa weerar mir ah loo gaystay
ciidammada gumaysiga eek u sugan Gabagabo,
kuwaasoo la gaadhsiiyay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
06/02/08 dagaal ka dhacay Cali-sancad, oo ka
tirsan degmada Sagag, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 7 kalana
waa lagaga dhaawacay.
05/02/08 weerar mir ah oo lagu qaaday
ciidammada gumaysiga eek u sugan magaalada
Sagag, waxaa inta la ogyahay lagaga dilay 6
askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
04/02/08 waxaa weerar mir ah loo gaystay
ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u
tegay Qarjajabo, oo degmada Dhuxun ka tirsan,
waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
Dadwayne lagu xidhxidhay meelo kala duwan
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya
ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid
ah ku xidhxidhay dadwayne rayad ah, kuwa
kalana dhibaatooyin kale u gaystay.
09/02/08 La-helow, oo Dhuxun ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin
shacab ah oo lagu magacaabo Shariif Maxamuud
Shariif Xasan. Waxay sidoo kale la tageen oo
meel ay geeyeen aan la ogayn dadka kala ah;
1- Axmed-nuur Macalin Muxumed iyo
2- Ina Cabdi Maxamuud oo magaciisa hore
aanaan haynin.
Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale 1000
Bir ka dhaceen gabadha lagu magacaabo Luul
Cabdi Sheekh.
07/02/08 tuulada Shinniile, oo ka tirsan
degmada Dhanaan, waxay ciidammada gumaysigu
ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Maxamuud Faarax Cismaan
2- Leexeeye Xarbi Afey
3- Xasan Burqa-yar Maxamuud Daahir iyo
4- Maxamed Axmed Cismaan
Isla 07/02/08 magaalada Sagag waxay
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen niman
culimo ah oo lagu kala magacaabo;
1- Sh Cabdi Maalik Aw Xasan iyo
2- Sh Cali Muxumed Madar oo 80 jir ah
05/02/08 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Yucub ku xidhxidheen dadka kala
ah;
1- Xasan Xaashi Dubbad iyo
2- Hurre Deeq Dhoobey
Isla 05/02/08 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Garbo ku xidhxidheen dadka kala
ah;
1- Siyaad Axmed Wali
2- Cabdi-dhagax Macalin Axmed
3- Xaliimo-tiriig oo magaceeda oo buuxa
aanaan haynin iyo
4- Maryan oo iyadana magaceeda oo buuxa
aanaan haynin
22/01/08 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen dadka
kala ah;
1- Daahir Cumar Axmed
2- Cabdi Maxamuud Aw Cumar
3- Cabdi Siyaad iyo
4- Dool Cali Gar-daran
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd
08/02/08 waxay ciidammada gumaysigu
Aqalladoodii ka gubeen dadka kala ah;
1- Aaden Xirsi oo ay 2 Aqal ka gubeen
2- Cadoowe Aaden Xirsi oo ay 1 Aqal ka
gubeen
3- Cawil Aaden Xirsi oo ay isagana 1 Aqal ka
gubeen iyo
4- Cabdi-wali Aaden Xirsi oo isagana ay 1
Aqal ka gubeen
Qaramada Midoobay oo ka walaacsan
xaaladda Kenya
Qaramada Midoobay ayaa rumaysan in dad
gaadhaya 600,000 oo qof oo reer Kenya ah ku
bara-kaceen qulqulatooyinkii ka dhacay dalka
Kenya intii ka denbaysay doorashooyinkii
madaxtinimada ee la isku af-dhaafay.
Madaxa waaxada gargaarka degdegga ah ee
Qaramada Midoobay John Holmes, oo dhawaan
booqday xeryo ay ku sugan yihiin dadka
giryohooda laga soo bara-kiciyay ee dalka
Kenya, ayaa sheegay in qiyaastii 300,000 oo
dadka bara-kacay ahi ay ku nool yihiin xeryo
loo ooday, tiro intaasoo kal e ahna ay la
nool yihiin eheladooda ama qaraabadooda.
John Homes ayaa ka soo noqday booqasho
seddex maalmood qaadatay oo ku tegay dalka
Kenya, taasoo uu ugu kuur-galayay xaaladda
Kenya, murankii doorashada ka dib. John
Holmes wuxuu booqday xeryo dadka lagu
ururiyo oo ku yaalla Galbeedka Rift Valley,
oo ah meelaha ugu daran ee ay ka dhaceen
dagaallada ka dhashay murankii doorashada.
Qaramada Midoobay waxay hadda ka hor deeq
bixiyayaasha caalamiga ah ka codsatay deeq
gaadhaysa 42 milyan oo doollarka Maraykanka
ah, hase yeeshee Holmes ayaa sheegay in
qiyaastii kala badh ka mid ah qaddarkii
deeqdii ay codsadeen ay soo gaadhay.
Wadaxaajood lagu baadidi goobayo xal
siyaasadeed ayaa in muddo ahba u socday
dowlada iyo mucaaradka Kenya, kuwaasoo uu
dhexdhexaadinayo xoghayihii hore ee Qaramada
Midoobay Kofi Annan.
Kofi Annan ayaa sheegay inuu aad ugu kalsoon
yahay in labada dhinac ay heshiis kama
denbays ah isla gaadheen toddobaadkan
gudihiisa.
12 February 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari
|