|
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga
11/08/08 waxaa weerar mir ah loo gaystay
ciidammada gumaysiga ee ku sugan Bukudhabo,
waxaana laga dilay 4 askari, 3 kalana waa
laga dhaawacay.
07/08/08 ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku
sugnaa Jajabo, oo ka tirsan degmada Xamaro,
ayaa weerar gaadmo ah lagu qaaday, waxaan
laga dilay 4 askari, 6 kalana waa laga
dhaawacay.
06/08/08 weerar lagu qaaday ciidammada
gumaysiga eek u sugan Farmadow waxaa lagaga
dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 06/08/08 Tamsa, oo Hora-qaliifo ka
tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay
ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas
hawlgal u tagay, waxaana la gaadhsiiyay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Sidoo kale 06/08/08 dagaal ka dhacay Ceelo-obo
waxaa gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 2
kalana waa lagaga dhaawacay.
05/08/08 dagaal ak dhacay meesha lagu
magacaabo Qudhac-ramale, oo Barta ka tirsan,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1
askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 05/08/08 dagaal ka dhacay meesha lagu
magacaabo Ceel Madigan waxaa gumaysiga
lagaga dilay 4 askari, 2 kalana waa lagaga
dhaawacay.
02/08/08 dagaal ka dhacay Agasla, oo
Ban-baas ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga
dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 02/08/08 dagaal ka dhacay Ina Samriye,
oo Jigjiga ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 02/08/08 dagaal ak dhacay
Daahyaale, oo ka tirsan Jaleelo, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari,
5 kalana waa lagaga dhaawacay.
01/08/08 ciidammo gumaysigu leeyahay oo
hawlgal u tagay meesha lagu magacaabo
Dhankayo, oo Dhagaxle ka tirsan, ayaa weerar
gaadmo ah lagu qaaday, waxaana laga dilay 1
askari, 3 kalana waa laga dhaawacay.
31/07/08 dagaal ak dhacay Gabiib, oo Fiiq ka
tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 1 askari, 3 kalana waa lagaga
dhaawacay.
27/07/08 dagaal ka dhacay Bisiqa, oo
Uubataale ka tirsan, waxaa ciidamada
gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Dil iyo dhibaatooyin kale oo gumaysigu
dadwaynaha u gaystay
Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala
duwan oo dil iyo xidhay ka mid yihiin u
gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.
Dhibaatooyinkaasina waxay u dhaceen sidatan;
09/08/08 waxay ciidammada gumaysigu
Dhagaxmadow jidhdil, dhac iyo xadhay ugu
gaysteen dadka kala ah;
1- Khadar Faseex iyo
2- C/llaahi Saxane oo ay 1500 oo Bir ka
dhaceen.
08/08/08 Qabribayax waxay ciidammada
gumaysigu ku xidheen nin lagu magacaabo
Xasan Maxamed.
Sidoo kale 08/08/08 Boodhley, oo Shaygoosh
ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku
xidhxidheen dadka kala ah;
1- Xuseen yuusuf Cali iyo
2- Axmed-nuur Macalin Maxamed
03/08/08 degmada Haarcad waxay ciidammada
gumaysigu jidhdil nafta kaga qaadeen nin
lagu magacaabo C/kariin Maxamed Carte. Waxay
sidoo kale halkaas ku xidhxidheen 19 qof oo
kale oo aan magacyadooda ka hayno C/nuur C/llaahi
Ibraahim iyo C/llaahi C/qani Diiriye.
02/08/08 magaalada Dhuxun waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen 13 qof oo rayad ah,
waxaana magacyadoo helnay;
1- Mustafe Xasan Maxamed
2- Sayid Maxamed Diiriye
3- Macalin Cabdi
01/08/08 Hunjurri, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 12
qof oo shacab ah, oo ay ka mid yihiin;
1- Baddal Xuseen Muxumed
2- Maxamed Yaasiin Aw C/llaahi iyo
3- Cabdi Khaliif Takhal
30/07/08 degmada Dannood waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen 11 qof oo shacab
ah, hase yeeshee waxaan magacyadooda helnay;
1- Amal Maxamed Taani
2- Muna Cabdi Carab iyo
3- Deeq Cabdi Carab
17/07/08 degmada Xamaro waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen ugu yaraan 23 qof
oo shacab, waxaana magacyadooda helnay;
1- Xabsa Xasan Ciise iyo
2- Xamdi C/qaadir
Saraakiil Wayaane ah oo dhexdhexaadinaya
madaxda Soomaalida
Saraakiisha Wayaanaha ee awoodda kama
denbaysta ah ku leh dalka Soomaaliya ayaa
toddobaad ka dib dib ugu laabtay magaala
madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, si ay kala
dhex-galaan madaxda ugu sarraysa dowlada ku
meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
Jannaraal Gabre iyo Jannaraal Yohanis ayaa
magaalada Muqdisho ku laabtay, ka dib markii
horraantii bishan looga yeedhay xarunta
gumaysiga ee Addis Ababa, halkaasoo looga
soo dhiibay qorshayaashii ugu denbeeyay ee
lagu kala dooran lahaa C/llaahi Yuusuf iyo
Nuur Cadde, oo kala ah madaxwaynaha iyo
raʼiisal wasaaraha Soomaaliya.
Labadan Jannaraal ayaa ah kuwa kaliya ee
sida dhabta ah uga taliya meelaha ay
xarumaha ku leedahay dowlada ku meelgadhka
ah ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka
Muqdhisho iyo Baydhabo.
Saraakiishan gumaysiga ayaa ka
faaʼiidaysanaya khilaafka dhawaan soo kala
dhex-galay C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde,
waxayna isniintii billaabeen kulano ay mid
walba goonidiisa ula yeelanayeen.
Sida laga soo xigtay tilifishinka Al Jazeera
waxay Wayaanuhu ku talajiraan inay wax ka
beddalaan saaxibtinimadii ay la ahaayeen C/llaahi
Yuusuf, haddii uu khilaafka hadda jira sii
xoogaysto
12 August 2008
Axmed Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |