|
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada cadowga
Dagaallo dhawr ah oo toddobaadkii hore dhex
maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa
ugu yaraan 25 askari lagaga dilay ciidammada
gumaysiga, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay
34 askari, sidaas waxaa noo soo sheegay
wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya.
Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
07/07/08 ciidammo gumaysigu leeyahay ayaa
labo mar oo kala duwan lagu weeray
Buku-dhabo, oo degmada Awaare ka tirsan,
waxaana laga dilay 7 askari, 9 kalana waa
laga dhaawacay.
06/07/08 San-madheedhle, oo ka tirsan
degmada Galaalshe, waxaa weerar loogu
gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo
halkaas hawlgal u tegay, waxaana laga dilay
3 askari, 5 kalana waa laga dhaawacay.
05/07/08 Duud-Buur, oo Sagag ka tirsan,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 15 askari, in ka badan 20
asakrina waa lagaga dhaawacay.
Dil iyo dhac gumaysigu u gaystay
dadwaynaha
Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala
duwan oo dil iyo dhac isugu jira u gaystay
dadwayne rayad meelo kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah.
01/07/08 duleedka magaalada Shilaabo waxay
ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah
oo lagu magacaabo Daahir Haahaad.
03/07/08 Ceelka Bullaale waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo isagana
lagu magacaabo Maxamuud Faarax Cumar.
26/06/08 magaalada Awaare waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen nin dhimirka ka jirran
oo lagu magacaabo Laangadhe Ibraahim Xaamud.
30/06/08 magaalada Qabridaharre waxay
ciidammada gumaysigu 3000 oo Bir kaga
dhaceen gabadh lagu magacaabo Ruqiya C/llaahi
Cali.
05/07/08 Gosololey, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku qasheen 32
Neef oo Adhi ah oo dadwaynuhu lahaa.
Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in
ciidammada gumaysigu ay magaalada Dhagaxbuur
ka ururinayaan Odayaal ay tiradoodu
gaadhayso 500 oo Oday, kuwaasoo ujeeddada ay
ururinayaan aan ilaa iyo hadda la ogayn.
Inta badan ciidammada gumaysiga ayaa
Odayaasha ku qasba inay keenaan ciidammo
dhaaraan u noqda kuwa gumaysiga, hase
yeeshee kuma guulaystaan iyadoo ay
dadwaynuhu si cad u diideen inay noqdaan
Gabbaad ay ciidammada gumaysigu isaga
dhigaan weerarrada aan kala joogsiga lahayn
ee kaga yimaada CWXO.
Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn oo ka
soo baxay Ogaadeenya
Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn,
qaybtiisa Switzerland, ayaa daboolka ka
qaaday inuu khamiistii joojiyay hawlihii
samafal ee uu ka waday deegaanno Ogaadeenya
ka mid ah, ka dib markii uu xammili waayay
xadgudubyada iyo caqabadaha ay ku hayaan
ciidammada gumaysiga Itoobiya.
Wakiilka Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayna
Hugues Robert ayaa sheegay in shaqaalaha
Ururkiisa loo diiday inay la siiyo
oggolaansho shaqo, isla markaana sabab
laʼaan la xidhxidhay.
Mr Robert wuxuu sheegay in goʼaankani uu ka
dhigan yahay in Ururka Dhakhaatiirta aan
Xuduuda lahayn uu si kama denbays ah u
joojiyay adeegyadii caafimaa ee uu ka waday
deegaanka Fiiq ee dalka Ogaadeenya, iyadoo
waliba adeegyadiisa ay baahi ballaadhan u
qabeen dadwaynaha ku dhaqan Fiiq iyo
nawaaxigeeda oo aan haysanin daryeel
caafimaad oo aan ka ahayn midkii uu ururkani
u hayay.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa
bayaan ay soo saartay si wayn xukuumadda
gumaysiga Itoobiya ugu dhaleecaysay diidmada
ay dadwaynaha Ogaadeenya u diiddan tahay
daryeelka ay hayʼadaha samafalka ahi u
fidiyaan. Bayaankan ayaa lagu sheegay in
ciidammada gumaysiga Itoobiya ay si
qorshaysan isu hortaageen kaalmada caafimaad
ee Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn u
fidinayay dadwaynaha, taasoo dhibaato ka soo
gaadhayso kumayaal isugu jira rag, dumar iyo
carruur.
Jabhaddu waxay beesha caalamka ugu baaqday,
gaar ahaan dalalka deeqda bixiya, inay ka
gaashaantaan in taliska Addis Ababa uu
deeqahooda u adeegsado denbiyada dagaalka
iyo falalka baniʼaadamnimada ka dhanka ah ee
uu ka galayo dawaynaha Ogaadeenya.
Itoobiya oo ka walwalsan canshuurta
Dekada Jabuuti oo la kordhiyay
Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa arbacadii
daboolka ka qaaday inay aad uga walwalsan
tahay canshuurta lagu kordhiyay adeegyada ay
kala soo degto Dekada waddanka Jabuuti.
Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in kordhin
doonto canshuurta laga qaado adeegyada kala
duwan ee xukuumadda Itoobiya kala soo degto
Dekada Jabuuti, laga billaabo 15 Agoosto ee
sannadkan. Dowlada Jabuuti waxay kaloo
sheegtay inay yarayna doonto xilliga
xukuumadda Itoobiya loo oggol yahay in
alaabteedu ay lacag laʼaan Dekada ugu taallo,
oo hadda ah 15 maalmood, lagana dhigi doono
8 maalmood oo kaliya.
Arrintan ayay xukuumadda gumaysiga Itoobiya
aad uga walaacsan tahay, sheegtayna inay
culays dhaqaale oo ballaadhan ku soo kordhin
doonto, isla markaana sii naafayn doonto
dhaqaalaheeda oo markii horaba aad u liitay.
Dekada Jabuuti waa marinka kaliya ee
xukuumadda gumaysiga Itoobiya wax ka soo
dejisato ama ka dhoofiso, waxayna tilmaantay
in dalka Jabuuti uu sannad walba 300 milyan
oo doollarka Maraykanka ah canshuur uga
qaato waxyaabaha ay Dekada ka dhoofiso ama
kala soo degto
12 July 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |