|
Dagaallo
lagu jabiyay ciidamada cadowga Itoobiya
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si
wayn loogu jabiyay ciidammada caga-jiidka ah
ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladu waxay u
dheceen sidatan;
08/03/08 Barraajisaale waxaa weerar dhabba-gal
ah loogu gaystay kolonyo baabuur ah oo
ciidammada Itoobiya wateen, waxaana
weerarkaas lagaga duilay inta la ogyahay 6
askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 08/03/08 dagaal adag oo ka dhacay
Madheedh, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 22 askari,
11 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 08/03/08 Kurtun, oo Dhagaxbuur ka
tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
gubay hal baabuur oo Uuraal ah, kaasoo ay ku
dhinteen in ka badan 50 askari oo
baabuurkaas saarnaa.
06/03/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar
mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee
fadhigoodu yahay magaalada Shilaabo, waxayna
gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
05/03/08 dagaal ka dhacay Ceel-dhiig, oo
Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 3 askari, 6 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Sidoo kale 05/03/08 dagaal isaguna ka dhacay
Mara-maydh, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 6 askari, 5 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 05/03/08 weerar gaadmo ah ayaa Jeerinka
loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo
halkaas hawlgal u joogay, waxaana lagaga
dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Sidoo kale 05/03/08 dagaal ak dhacay Randa,
oo Dhanaan ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana
waa lagaga dhaawacay.
04/03/08 dagaal ka dhacay Dar-dheer, oo
Garbo ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga
dhaawacay.
03/03/08 dagaal ka dhacay War-gaadsan, oo
degmada Gunagado ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 6 kalana
waa lagaga dhaawacay.
02/03/08 dagaal isaguna ka dhacay Caga-jiid,
oo Garbo ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana
waa lagaga dhaawacay.
01/03/08 dagaal ka dhacay Ceebla-cad, oo ka
tirsan degmada Sagag, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana
waa lagaga dhaawacay.
27/02/08 dagaal ka dhacay Tuuro-camuudley,
oo Malayko ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 9 askari, waxaa sidoo
kale lagaga dhaawacay 4 askari.
24/02/08 dagaal isaguna ka dhacay Dar-dheer,
oo Garbo ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 1 kalana
waa lagaga dhaawacay.
28/02/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday
ciidammo gumaysigu leeyahay oo halwgal u
joogay Bacaadka Malayko, waxaana la
gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala
duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee
Ogaadeenya meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka
mid ah.
Dil
08/03/08 waxay ciidammada nacabka ah ee
gumaysiga Itoobiya ku dileen nin shacab ah
oo lagu magacaabo Gaani Maxamed magaalada
Dhuurre, oo ka tirsan degmada Qabridaharre.
07/03/08 Laan-dheer, oo Qorraxey ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin
shacab ah oo lagu magacaabo Caydiid Cali
Faarax. Ninkani wuxuu ifka kaga tagay 8
carruur ah oo isagu u shaqayn jiray.
03/03/08 waxay ciidammada gumaysigu xasuuq
ba’an u gaysteen dadwaynaha ku dhaqan
tuulada Gadh-malow, oo ka tirsan gobolka
Shinniile. Dhibaatada xasuuqani waxay
saamaysan dadwayne 80 gaadhaya, kuwaasoo
isugu jira wax la dilay, wax la dhaawacay
iyo wax dhibaatooyin kale soo gaadheen.
Kufsi
03/03/08 Barmiilka waxay ciidammada
gumaysigu ka soo qaqabteen oo Dhuxun ku
xidhxidheen magaalada Dhuxun labo gabdhood,
kuwaasoo ay sidoo kala faraxumeeyeen.
Gabdhahan waxaa lagu kala magacaabaa;
1- Nasteexo Xasan iyo
2- Dhuux Qorane
Xidhay iyo dhac
08/03/08 dad badan ayay ciidammada gumaysigu
ka soo xidhxidheen magaalada Baka, waxayna
dadkaas ku xidhxidheen magaalada Birqod.
Dadkaasi waxay kala yihiin;
1- Nimco Axmed Warmooge
2- Iyo Gabdh ay dhashay oo Nasra lagu
magacaabo
3- Cabdi Xuseen Cumar
4- Axmed Barkhadle Ibraahim
5- Maxamed C/llaahi
6- Axmed Baddal iyo
7- Carrab-low Sh Axmed
Sidoo kale 08/03/08 Boholaley, oo
Dahagaxbuur ka tirsan, waxay ka soo
qaqabteen oo Dhagaxbuur ku xidhxidheen labo
nin oo kala ah;
1- Shaafi Xaashi Caydiid oo ay 1 Qori ka
dhaceen iyo
2- Dhagawayne Eemaar oo ay isagana 1 Qori ka
dhaceen
07/03/08 Malabley, oo ka tirsan degmada
Dhanaan, waxay ciidammada ka soo qaqabteen
oo ku xidhxidheen magaalada Dhanaan dad
shacab ah, kuwaasoo ay sidoo kale ka dhaceen
Qoryo badan. Dadkani waxay kala yihiin;
1- Maxamed Xaashi Qorane oo ay ak dhaceen 1
Qori oo Baasuuke ah
2- Yuge Caddow Macalin oo ay ka dhaceen 2
Qori
3- C/qaadir Maxamed Sugaal oo ay ka dhaceen
1 Qori
4- Mawliid oo ay isagana ka dhaceen 2 Qori
iyo
5- Cumar Tamaan oo ay 1 Qori ka dhaceen.
06/03/08 Cali-fancad, oo Sagag ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Shukri Shariif Muxumed iyo
2- C/nuur Shariif Muxumed
05/03/08 Barmiilka waxay ciidammada
gumaysigu ku qabteen 5 baabuur oo dad shacab
ahi leeyihiin, waxayna baauurtan ka dhaceen
lacag dhan 17.000 oo Bir.
Sidoo kale 05/03/08 magaalada Dhagaxbuur
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dad badan oo rayad ah, waxaana magacyadooda
helnay dadka kala ah;
1- Khadra Saxardiid
2- Maxamed Dhagacadde
3- Cabdi Afwayne
4- Cabdi-daad Aw Cali
5- Jabane Aw Mahdi
6- Farxaan C/llaahi Axmed
7- Sh Axmed Maxamed
8- Cabdi-kabane Qoorgaab
9- Axmed Maxamed Sagal iyo
10- Maxamed Xaashi Khaliif
04/03/08 Cawl ku-dhal waxay ciidammada
gumaysigu ka soo qaqabteen oo ku xidhxidheen
magaalada Dhagaxbuur labada gabdhood eek ala
ah;
1- Juweeriya Sheekh iyo
2- Xamda Dayib Xuseen
01/03/08 War-gaadsan, oo degmada Gunagado ka
tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku
xidhxidheen gabdhaha kala ah;
1- Iido Sh Maxamuud iyo
2- Sacda Sh Maxamuud iyo ilmo yaroo ay
dhashay
Sidoo kale 01/03/08 Galaalshe waxay
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka
kala ah;
1- Shariif Shaafi Shariif Xoogwayne
2- Sulub Dayib Gurxan oo ay 1000 Bir ka
dhaceen
3- Cabdi Dayib Gurxan oo isagana ay 2000 oo
Bir ka dhaceen
4- Maxamuud Dayib
5- Xasan dayib
6- Makhtal Dayib Xirsi
7- Xasan Cabdi Xabashi
8- Kamaal Shaafi
9- Sahra Ismaaciil Qayliye oo ay 1000 Birna
ka dhaceen
10- Axmed-Kaafi Cabdi Cabdi Xaaji oo 800 oo
Bir ay ka dhaceen
11- Koos Xuseen Yuusuf oo ay 700 oo Bir ka
dhaceen
12- C/llaahi Dubbad oo ay 700 oo Bir ka
dhaceen
13- Makhtal Sh Daahir oo 300 ay ak dhaceen
14- C/raxmaan Caroog oo ay 300 oo Bir ka
dhaceen.
Waxay sidoo kale isla goobtaas jidhdil ba’an
ugu gaysteen dadka kala ah;
1- Aw Aaden Xasan Nuur
2- Cabdi-Kaafi Maxamed iyo
3- Maxamed Cabdi.
01/03/08 ciidammada gumaysigu waxay
magaalada Maraacaato, oo ka tirsan
Qabridaharre, waxay dhac ugu gaysteen nin
lagu magacaabo Macalin Cali oo ay 300 oo Bir
ka dhaceen.
28/02/08 magaalada Garbo waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dad badan oo rayad
ah, waxaana ka mid ah;
1- Muraayad Xareed oo 80 jir ah
2- Siyaado Maxamed Nuur oo iyaduna 80 jir ah
3- Mustafe Cali Dhagawayne
4- Shukri Cabdi Faarax
5- Daahir Maxamed Sugulle
6- Ardo C/raxmaan iyo
7- Faadumo Macalin Cali
Gubis Tuulo
29/02/08 waxay ciidammada gumaysigu dab
qabadsiiyeen tuulada Canbuul, oo ka taalla
gobolka Shinniile. Waxay sidoo kale
ciidammada gumaysigu bililqaysteen hantidii
dadwaynaha ee tuuladaas taallay.
11 March 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |