Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo 09 February 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya
Dil iyo xidhay dadwaynaha loo gaystay
Cabsi laga qabo dagaal ka dhex-qarxa Eritereya iyo Itoobiya
Maxaabiis badan oo laga dhoofiyey xabsiyada magaalada Jigjiga.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo tabiyay dagaallo badan oo si wayn loogu jabiyay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladan, oo ka hacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxay u dheceen sidatan;

07/02/08 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex-maray Dalaad, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

05/02/08 dagaal ka dhacay Horo-khaliifo, oo Qabri-bayax ka tirsan, waxaa ciidammada gumasiga lagaga dilay 2 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 05/02/08 ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Hiinsaraar, oo ka tirsan degmada Sagaga, ayaa weerar gaadmo ah lala beegsaday, waxaana weerarkaas lagaga dilay 6 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

04/02/08 dagaal ka dhacay Digiiranle, oo Qamuuda u dhaw, waxaa ciidammada gmaysiga lagaga dilay 7 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 04/02/08 dagaala isaguna ka dhacay Godka-qarri, oo degmada Dhuxun ka tirsan, waxaa ciidammada nafaysan ee gumaysiga Itoobiya lagag dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

03/02/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan magaalada Fiiq, waxaana inta la ogyahay weerarkan lagaga dilay 3 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 03/02/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan Gudhis, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

02/02/08 Uubataale, oo Doollo ka tirsan, wuxuu dagaal dhex-maray ciidammada Itoobiya dhexdooda, waxaana dagaalkaas ku dhintay 3 nin oo midkood yahay sargaal Kabtan ah. Dagaalkan ayaa ka dhashay muran iyo is afgaranwaa dhex-maray saraakiisha ciidanka, waxaana markii hore toogasho lagu dilay sargaalka Kabtanka ah, ka dibna labada kale ayaa iyagana la toogtay.

31/01/08 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex-maray meesha lagu magacaabo Xero-maygaag, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 18 askari, 21 kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaa ciidammada gumaysiga dagaalkan lagaga furtay hub fara badan. Cutub kale oo ka tirsan CWXO ayaa mar kale darsin lama illaawaan ah u dhigay ciidammadii gumaysiga ee dagaalkan ka soo firxaday, waxayna mar kale u gaysteen khasaare ballaadhan.

30/01/08 dagaal ka dhacay Caasha-taag, oo Qallaafe ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

29/01/08 meesha lagu magacaabo Dooxa-yarey waxay ciidammada gumaysigu iskaga dileen 1 nin sargaal ah, waxay sidoo kale iska dhaawaceen 3 askari.

20/01/08 waxaa khilaaf adagi ka dhex oogmay saraakiisha u taliya ciidammada gumaysiga ee ka hawlgala Fiiq iyo nawaaxigeeda. Khilaafkan, oo ka dhashay amar-diido ay sameeyeen qaar ka mid ah saraakiishan, ayaa markii denbe gacan ka-hadal isu beddalay iyagoo ku sugan Qodobaha, waxaana ku kala dhintay ugu yaraan 3 sargaal. Arrintan ayaa keentay in la beddalo sargaalkii ugu sarreeyay ciidammada gumaysiga ee aaggaas, waxaana lagu soo beddalay sargaal kale oo darajadiisu Kornayl tahay oo lagu magacaabo Gabradhama Gibra.

17/01/08 dagaal aad u qallafsan oo ka dhacay Dudumo-cadka, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 25 askari, waxaa kaloo lagaga dhaawacay 15 askari.

Dil iyo xidhay dadwaynaha loo gaystay

Ciidammada naf la-caariga ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.

27/01/08 waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya magaalada Qorile ee gobolka Doollo ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Cabdi-wali Qube. Ninkan ayaa maydkiisa la helay maalintii khamiista ahayd.

06/02/08 Mara-maydh, oo degmada Dhanaan ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen labo nin oo ganacsato ah oo mid ka mid ah lagu magacaabo Jawaase Qorane Ceegaag. Ninka kale magaciisa ma hayno. Labadan nin waxay ciidammada Itoobiya ka dhaceen hanti lacageed oo gaadhaysa 130.000 oo Bir.

04/02/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Birqod ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Khaliid Saadiqi
2- Qalinle Faarax
3- Maxamed Mukhtaar Dayib
4- Maxamed Ibraahim Cabdi iyo
5- Ina Maxamed Wali oo magaciisa hore aanaan haynin.

02/02/08 waxay ciidammada gumaysigu ilaa iyo 10 Aqal sooaali ku gubeen Codanley, oo ka tirsan degmada Dhanaan. Aqalladan waxaa lahaa dad ay ka mid yihiin;
1- Cabdi Qorane C/llaahi
2- Muxumed Ismaaciil
3- Maxamed Isaaq iyo
4- Mawliid Axmed Yuge.

27/01/08 ciidammada nacabka ah ee gumaysigu waxay Abeer-cade, oo Dhanaan ka tirsan, ku kufsadeen labo gabdhood oo Ilma Macalin Cabdi Sammad ah oo agacyadooda aanaan haynin.

Cabsi laga qabo dagaal ka dhex-qarxa Eritereya iyo Itoobiya

Qaramada Midoobay ayaa khamiistii sheegtay in ciidammadeeda nabad ilaalinta ay sii joogayaan xadka u dhexeeya Eritereya iyo Itoobiya. Qaramada Midoobay waxay horraantii toddobaadka ku hanjabtay inay ciidammadeeda la baxayso haddii ayna dowlada Eritereya arbacada inta ka horraysa qaadin xayiradaa dhinaca shidaalka ah ee ku soo rogtay ciidammada Qaramada Midoobay.

Dowlada Eritereya ayaan waxba ka soo qaadin hanjabaada Qramada Midoobay, isla markaana ku adkaysatay go’aankeedii ahaa in ciidammada Qaramada Midoobay ayna siinaynin shidaal ay isticmaalaan.

Sargaal sare oo u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ciidammada nabad ilaalinta ee loo yaqaano UNMEE ayna goobohooda ka baxaynin, iyadoo waliba uu ku daba yaryahay shidaalka ay haystaan, waxaana ugu wacan buu yidhi go’aankan iyadoo Qaramada Midoobay ay ka cabsi qabto in mar kale uu dagaal ka dhex-qarxo dalalka Eritereya iyo Itoobiya.

Hase yeeshee wuxuu sargaalkan, oo magaciisa qariyay, intaas ku daray in ciidammada UNMEE laga soo daad-gurayn doono goobaha ay ku sugan yihiin ee dhinaca Eritereya haddii ay dowlada Eritereya ku sii adkaysato go’aankeeda ah xayiraada shidaalka.

Toddobaadkii hore ayuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay xilliga u kordhiyay ciidammada UNMEE, isagoo ansixiyay in ciidammadaasi ay lix bilood oo kale sii joogaan.

Eritereya waxay aaminsan tahay in joogitaanka ciidammada UNMEE ay dalkeeda joogaan uu hoosaasin u yahay dalkeeda ay Itoobiya xoogga kaga haysato oo kaliya, waxayna marar badan beesha caalamka ugu baaqday in Itoobiya lagu cadaadiyo inay u hoggaasanto go’aankii maxkamada oo ay ka baxdo dhulka Eritereya, isla markaana oggolaato in xadka la asteeyo.

Maxaabiis badan oo laga dhoofiyey xabsiyada magaalada Jigjiga.

Warar goor dhawayd naga soo gaadhay magaalada Jigjiga ayaa waxa ay shegayaan in maxaabiistii ku xidhnayd jeelasha Jigjiga badankood la qaday oo loo qaaday Itoobiyada Fog.

Dadkan maxaabiista ahaa qaar kamid ah qaraabadoodii oo jooga Addis ababa ayaa waxa ay ku jiraan baadi-goob bal meesha lageeyay, dadkaas laga soo qaaday Jigjiga oo ayna cidna war ka haynin in Adis ababa lagu xidhay iyo in ladhaafiyay.

Warar maalmahan la isla dhex marayay magaalada Jigjiga ayaa waxa ay sheegayaan in Dhamaan maxaabiista ku jirta jeelasha magaalooyinka Ogaadenya in Tigreegu ay damacsan yihiin in lageeyo xadka lagu muransan yahay ee Ertrea iyo Itoobiya oo hadda laga filayo in dagaal ka qarxo.

Qorshaha qarsoon ee Tigreega ayaa ah in dadkaas lagu daadiyo jiidda hore ee dagaalka, si loogu qardeeyo miinooyinka iyo dhufayska adag ee Eratariya.

Ehelada dadkan maxaabiista ah ayaa aad u walaacsan, iyaga oo aan ilaa hada ogeyn meesha maxaabiistaas la geeyey.



09 February 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com



Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.