|
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga
Dagaallo kala duwan oo dhex-maray CWXO iyo
kuwa gumaysiga, kuwaasoo toddobaad gudihii
ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka
mid ah, ayaa gumaysiga lagaga dilay ugu
yaraan 53 askari, waxaa sidoo kale lagaga
dhaawacay 44 askari, sidaasna waxaa noo soo
sheegay wariyaha nooga soo warrama dalka
Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen
sidatan;
03/08/08 dagaal ka dhacay duleedka magaalada
Fiiq waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay
1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 03/08/08 dagaal isaguna ka dhacay
magaalada Caado waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga
dhaawacay.
02/08/08 Leediley, oo Birqod ka tirsan,
dagaal ak dhacay waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 15 askari, 9 kalana waa lagaga
dhaawacay.
01/08/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay
magaalada Garbo, waxaana la gaadhsiiyay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
26/07/08 weerar dhabba-gal ah oo lagu qaday
ciidammo gumaysigu leeyahay oo marayay
meesha lagu magacaabo Tulli, oo ku taalla
duleedka magaalada Dhagaxbuur, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 15 askari,
12 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 26/07/08 dagaal ka dhacay Mando Waley,
oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 26/07/08 dagaal isaguna ka dhacay
Tukaale, oo Fiiq ka tirsan, waxaa gumaysiga
lagaga dilay 2 askari, 6 kalana waa lagaga
dhaawacay.
25/07/08 dagaal sidoo kale ka dhacay
Fara-beele, oo Fiiq ka tirsan, waxaa
gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 4 kalana
waa lagaga dhaawacay.
24/07/08 Dayax-diid, oo sidoo kale Fiiq ka
tirsan, dagaal ka dhacay ayaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana
lagaga dhaawacay.
23/07/08 dagaal ka dhacay Warta Cige, oo
Awaare ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 6 askari, 7 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 23/07/08 Tuur-oon, oo Fiiq ka tirsan,
dagaal ka dhacay ayaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 3 askari, 1 kalana lagaga
dhaawacay.
18/07/08 dagaal isaguna ka dhacay Farka, oo
duleedka Fiiq ku yaalla, waxaa gumaysiga
lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Dhibaatooyin kala duwan oo cadowgu u
gaystay dadwaynaha
Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala
duwan oo isugu jira jidhdil, dhac iyo xidhay
u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee
Ogaadeenya. Dhibaatooyinkaasi waxay u
dheceen sidatan,
31/07/08 Haar-cad waxay ciidammada gumaysigu
jidhdil ugu gaysteen dadka kala ah,
1- Raaxeeye Maxamed Ganey iyo
2- C/kariin Muxumed Carte
15/07/08 meesho lagu magacaabo Weeco, oo
Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu
jidhdil baʼan ugu gaysteen labo nin oo lagu
kala magacaabo Maxamed Daahir Ibraahim iyo
Cabdi Xuseen.
Dhinaca kale seddex gabdhood oo muddo lix
bilood ah ku xidhnaa magaalada Garbo ayay
ciidammada gumaysigu sheegeen inay min 3
sano oo xadhig ah ku xukumeen, waxay u
dhaadhiciyeen dhinaca Jigjiga. Mid gabdhahan
ka mid ahi waxay leedahay Uur 8 bilood ah,
waxayna kala yihiin
1- Ruqiya Cabdi Qalinle
2- Hinda Naadir iyo
3- Kamiin oo magaceed oo buuxa aanaan haynin.
Dhac
01/08/08 Dharkaynley, oo Dhagaxbuur ka
tirsan, waxay ciidammada diifaysan ee
gumaysigu 300 oo Bir iyo 2 Kaartoon oo
Baasto kaga dhaceen ninka lagu magacaabo Sh
Bashiir Axmed C/llaahi.
27/07/08 Gol Shinbirey, oo Qallaafe ka
tirsan, waxay ciidammada gumaysigu 3343 Bir
kaga dhaceen Aar Cabdi Diiriye.
22/07/08 Dalatu waxay ciidammada gumaysigu 1
Kiish oo Sonkor ah kaga dhaceen Shamis
Shariif Madar.
18/07/08 Gol-dalaq waxay ciidammada
gumaysigu hanti kala duwan kaga dhaceen
dadka kala ah,
1- Cabdi-kaafi Guleed Cumar oo ay ka dhaceen
1050 Bir iyo Badeecooyin kala duwan
2- Hire Saahid Cadi oo Beer laga baabiʼiyay
iyo
3- C/llaahi Faarax Cabdi oo isagana Beer
laga baabiʼiyay iyo
4- Cumar Cabdi Saahid oo sidoo kale Beer
laga gubay.
08/07/08 meesha lagu magacaabo Midha waxay
ciidammada gumaysigu dhac ugu gaysteen
Xuseen Sh C/llaahi oo ay 600 oo Bir. Waxay
sidoo kale ciidammada gumaysigu 17000 oo Bir
halkaas kaga dhaceen dad kala duwan oo
magacyadooda aanaan haynin.
Kacdoon ka jira Godey iyo dad badan oo
xidhxidhan
Magaalada Godey ee caasimada Ogaadeenya
waxaa ka jira kacdoon dadwayne oo ka dhashay
xidhaygii Ugaas C/raxmaan Muxumed Qani iyo
qorshayaasha mooraduugga ah ee
dhul-beereedyo nawaaxiga Godey ku yaalla
loogu wareejinayo dad Itoobiyaan ah oo laga
keenay Buuralayda Itoobiya.
Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa billowday
inay dad Itoobiyaan ah u qaybiso
dhul-beereedyo ku liilsan Biya-xidheenka
Godey, arrintaasoo ay dadwaynuhu aad u
ddiidan yihiin, isla markaana dhalisay
gadood ka dhashay magaalada Godey iyo
nawaagixeeda.
Ciidammada Itoobiya ayaa gadoodkaas ka dib
waxay xabsiyada u taxaabeen dad shacab ah oo
tiradoodu ay kor u dhaafayso 800 oo qof.
Adeegayaasha gumaysiga oo dhibaatooyin ka
wada Nogob iyo Qorraxey
Qaar ka mid ah calooshood u shaqaystayaasha
u adeega gumaysiga Itoobiya ayaa
dhibaatooyin kala duwan u gaysanaya shacabka
ku dhaqan gobollada Nogob iyo Qorraxey.
Adeegayaasha lagu magacaabo Daaʼuud Amxaar
iyo Cabdi Iley ayaa toddobaadkii u denbeeyay
dhibaatooyin lixaad leh ka wada gobolka
Nogbeed, iyagoo xadgudubyo kala duwan u
gaystay dadwayne rayad ah oo goblkaas ku
dhaqan.
Labadan adeege ayaa dab qabadsiiyay guri uu
magaalada Fiiq ku lahaa nin shacab ah oo
lagu magacaabo Bashiir Cabdi Khaliif. Waxay
gurigaas ku gubeen wixii hanti ahaa
dhex-taallay.
Waxaa sidoo kale magaalooyinka Qabridaharre
iyo Haarcad dhibaatooyin kuwan la mid ah ka
wada adeege lagu magacaabo Cabdi Siigaale oo
la shaqeeya sirdoonka gumaysiga Itoobiya.
Dhinaca kale magaalada Jigjiga waxaa dhawaan
soo gaadhay saraakiil sarsare oo ka socda
xukuumadda dhexe ee gumaysiga Itoobiya,
waxaana ka mid ah Wasiirka Beeraha, ahna ku
xigeenka Meles Zenawi Adhisu Lagase,
Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Hawlaha Guud,
La taliyaha Zenawi Abay Sahay iyo Taliyaha
Jeelasha iyo waliba 6 sargaal oo kale.
Qawlaysatadan ayaa la sheegayaa inay wadaan
qorshayaal lagu sii kordhinayo cadaadiska ay
ciidammada gumaysigu ku hayaan dadwaynaha
Ogaadeenya. Waxay sidoo kale qorshayaal
nacabnimo oo cusub u dhiibi doonaan
calooshood u shaqaystayaasha Jigjiga u
fadhiya.
Kalfadhigii 4aad ee Golaha Dhexe 22 –
30/07/08
Go’amadii Kalfadhiga.
Kalfadhigii Golaha Dhexe ee JWXO oo
qabsoomay 22 – 30/07/2008, waxaa lagaga
dooday ajende xambaarsan qodobo doodeeyo
mugweyn oo khuseeya halganka Ogaadeenya,
sidii loo maarayn lahaa caqabadaha iyo
halisaha halganka soo foodsaaray iyo sidoo
kale dejinta qorsheyaasha hawleed ee lagu
horumarinayo halganka.
Kalfadhigu wuxuu si qoto-dheer u falanqeeyay,
una qiimeeyay xaaladda gobolkaGeeska Afrika,
caalamka guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa
Ogaadeenya. waxaa si sugan loo qiimeeyey
tayada fulinta qoysheyaashii iyo
barnaamijyadii halganka mudadii u dhaxeysay
labada kalfadhi.
Waxaa la isla qiray in guulo lagu naaloodo
lagu gaadhay qorsheyaashii iyo
barnaamijyadii hawleed, kuwaas oo u fuley
sidii loogu talogalay.Wuxuu goluhu soo
dhaweeyey guulaha waaweyn ee mudadaas laga
soo hoyiyey dhinaca Ciidan,siyaasad iyo
abaabulka.
Kalfadhigu wuxuu ku diirsaday heerka biseyl
iyo adkeysiga shacbiga geesiga ah ee u
babacdhigay cadaadiska naxariis darada ah ee
cuna-qabataynta, barkicinta iyo xasuuqa
joogtada ah iyo dulmiga wajiyada badan.
Sidoo kale wuxuu goluhu u riyaaqay guulaha
taariikhda galay ee ay soo hoyiyeen halyayda
CWXO Iyo waxqabadka jaaliyadaha Ogadenia
mintidka ah.
Kalfadhigu wuxuu isla qiray in taliska
gumaysatada itoobiya yahay mid aad u nugul
marka laga milicsado dhinacyada siyaasadda,
ciidanka iyo dhaqaalaba, oo jiritaankiisu ku
tiirsan yahay taageerada siyaasadeed iyo
dhaqaale uu ka helo dalalka shisheeyaha gaar
ahaan reer galbeedka. Waxaa la isla gartay
inay soo ifbaxayaan ifofaale muujinaya in
Itoobiya ku guuldaraysatay siyaasadeedii ku
salaysanayd dhulbalaadhsiga iyo xoog ku
muquuninta rabitaanka dadyawga Geeska Afrika.
Wuxuu ku fashilay qabshadii Jamhuuriyada
Soomaaliya
cabudhinta qawmiyadaha uu gumeysto iyo
damaciisa gardarada ah ee ku wajahan dalalka
dariska ah kuwaas oo sabab u ah deganaansho
la’aanta Geeska Afrika.
Dood, falanqayn dheer iyo qiimeyn mug leh ka
dib, Kalfadhiga 4aad ee JWXO wuxuu gaadhay
go’aano dhaxalgal oo lagu hormarinayo
halganka wuxuuna dejiyey qorshe istraatiiji
ah iyo barnaamijyo hawleed ku abaaran
marxalada uu marayo halganku, mustabalka
dhow iyo midka durugsan, ee dhinacyada
Ciidanka,siyaasada , abaabulka iyo
iskaashiga xoogaga xaq u dirirka ah ee ka
halgamaya gobolka G.Afrika.
Waxaa la gudoonsaday:
In la xoojiyo guulaha dhaxalgalka ah ee laga
soo hoyiyey dhinacayada abaabulka dadweynaha
gudaha iyo jaaliyadaha, ciidanka,
dilomaasiyadda lana sii horumariyo dadaalka
badan ee loogu jiro xoreynta dalka hooyo.
In la adkeeyo midnimada isku duubnaanta
shacbiga Soomaalida Ogaadeeniya si loo
fashiliyo shirqoolada iyo barnamijyada
dhagareed ee Cadowga
In la adkeeyo iskaashiga xoogaga xaq u
dirirka ah ee dadyowga Geeska afrika ee ka
soo horjeeda gumeystada Itoobiya.
In la sii xoojiyo dadaalka diblomaasi iyo
warfaafineed ee laga raaridayo bulshada
caalamka xaqnimada qadiyada Ogaadeeniya.
Kalfadhigu wuxuu bogaadin u soo jeediyey
shacbiga geesiga ah ee soo hoyiyey guulaha
waaweyn, gaar ahaan halyeeyada CWXO iyo
jaaliyadaha mintidka ah ee ka hawl gala
qurbaha.
Kalfadhigu wuxuu cambaaraynayaa:
Dhibaatada iyo dulmiga gumeysatada Itoobiya
ay ku hayso shacbiga Ogaadenya, sida
cunoqabataynta, barakicinta, xasuuqa, dilka,
kufsiga iwm.
Gumaadka ay gumeysatada Itoobiya ku hayso
shacbiga aan walaalaha nahay ee
Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo siyaasadiisa
guracan ee hortaagan dib u soo noolaynta
qaran Soomaaliyeed oo madax banaan.
Siyaasadda gumesatada Itoobiya ee dal
balaadhisiga ku dhisan ee sababta u ah
xasilooni darrada ka aloosan Geeska Afrika.
Falkasta oo argagixiso ah, ha ahaado mid
xukuumadeed, mid shaqsiyeed iyo mid
kooxeedba.
Kalfadhigu wuxuu ku baaqayaa:
In la sii xoojiyo midnimada iyo isku
duubnaanta shacabka lama loodiyaanka ah ee
Ogaadeenya, isla markaana laga hortago
qorshayaasha uu cadowgu doonayo inuu ku kala
qaybiyo.
In shacbiga Ogaadenya si mintid uga hortago
fashiliyana qorshayaalka gumeysatada
Itoobiya ku doonayso inay halganka xaqa ah
ee Soomaalida Ogaadeenya ujeedadiisa iyo
nuxurkiisa kaga been sheegto.
wuxuu mar kale uga digayaa xukuumada
gumaysiga Itoobiya iyo sharikadaha
shisheeyaha ah inay isku dayaan inay ka
faa’iidaystaan khayraadka dabiiciga ah ee
dalka Ogaadeenya.
In la sii xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya
JWXO iyo ururrada iyo jabhadaha ka soo
horjeeda gumaysiga Itoobiya.
In shacbiga Soomaaliyeed ee Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed u midoobaan dibu xoreynta
dalkooda iyo soo celinta haybadii iyo
sharaftii qarankab Soomaaliyeed.
In si degdeg ah oo aan shuruudi ku jirin
Itoobiya ugala baxdo ciidammadeeda dalka
Soomaaliya.
Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay
taliska Itoobiya ku cadaadiyaan inuu joojiyo
siyaasadiisa dhul-ballaadhsiga ah, isla
markaana uu u hooggaansamo go’aankii Guddiga
Xadka ee Eriteretaya iyo Itoobiya.
Taliska uu madaxa ka yahay gacan ku dhiigle
Meles zanaawi wuxuu ka galay shacbiga
Ogaadeenya dambiyo dagaal oo ka dhan ah
xuquuqda aadamaha, sidaa darted waxaan
beesha caalamka ugu baaqaynaa in kooxda uu
hogaamiyo keligii taliye Zanaawi la hor
keeno Maxkamadda caalamiga ee dambiyada
dagaalka.
Wuxuu beesha caalamka u sheegayaa in furaha
nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska
Afrika uu yahay xal u helidda qadiyada
Ogaadeenya, sidaas darteed ay lagama
maarmaan tahay inay xukuumadda Itoobiya ku
cadaadiyaan inay oggolaato xaqa ay shacbiga
Ogaadeenya u leeyihiin inay aayahooda ka
tashadaan.
Kalfadhigu wuxuu mar kale cadeeyey mowqifka
JWXO ee ah in wada xaajood nabadeed lagu
xaliyo qadiyada Ogadeniya,islamarkaana uu
shacabka Soomaalida Ogadeniya, mar walba
diyaar u yahay inuu iska caabiyo dulmiga uu
ku hayo taliska Meles Zinawi iyo ku xad
gudubka xuquuqdooda asaasiga Cuna-qabataynta
lagu hayo shacbiga Soomaalida Ogadeniya ee
dulman waa dambi dagaal oo ka dhan ah
xuquuqda aadamiga.Sidaa darteed Kalfadhigu
wuxuu beesha caalamka, haydaha xuquuqda
aadamaha u dooda, Qaramada Midoobay, Golaha
ammaanka EU iyo AU ugu baaqayaa in si degdeg
ah cunoqabataynta looga qaado shacbiga
Ogadeniya.
Beesha caalamka ee deeqda bixiya iyo
qaramada midobayba waxaan la socodsiiyaa in
kaalmada ay bixiyaan taliska itoobiya u
adeegsado hab military oo uu ku muquuniyo
shacbiga ogadeniya.
Kalfadhigga Golaha Dhexe ee JWXO
22-30 July 2008
Kulan dhex maray masuuliyiin jaaliyada
Ogadenya ee K/Afrika iyo
masuuliyiin ka socdayt W/arimaha dibada ee
K/Afrika.
Masuuliin katirsan jaaliydda Ogadenya ee K/afrika
ayaa kulan laqaatay xafiiska Arimaha dibadda
ee Wadanka koonfur Afrika.
Dhanka Xafiiska Arimaha Dibadda waxaa
kulankaas goobjoog ka ahaa gabadha
kuxigeenka u ah uqaynsanaha Geeska Afrika ee
Xafiiska Arimaha Dibadda oo mageceeda
layidhaahdo Phindile Xaba iyo gabadh kale oo
xafiiska Arimaha dibadda uqaabilsan Itoobiya
iyo Eritrea.
Kulanka oo bilawday 2 duhurnimo ee saacadda
Southern Africa ayaa ugu horayn waxa ay
labada dhin sameeyeen isbarasho,kadib waxaa
laguda galay muhiimaddii kulanka,taasoo
hadalka ay bilaabeen wakiiladii jaaliyadda
kasoctay.
Waxa ay wakiilada Jaaliyadda Uga warbixiyeen
ugu horayn in ay kamid yihiin Jaaliyadda
Ogaadeenya ee Wadanka Koonfur Africa,intaas
kadib ayaa waxa ay uga gudbeen warbixinta
dhulka Ogaadeenya,sida uu dhulkaasi u ahaa
dhul uu dhagray gumaysigii Ingiriiska oo
markii dambana ugacan galiyay Itoobiya,
xiliyadaas laga soo bilaabo in Dhulkaas iyo
gobolka uu kuyaalaaba ahaa mid aan
daganayn,waxaa kale oo ay sheegeen inkasta
oo xukuumadihii kala duwanaa ee Itoobiya ay
isku mawqif ka ahaayeen Ogaadeenya in hadana
Xukuumadda Tigreega ee maanta talada
haysaayi ay dhan walba kaga duwan tahay
kuwii hore,sida kutumashada xuquuqul
insaanka,xasuuqa joogtada ah.
Waxaa kale oo ay masuuliintii jaaliyaddu
usheegeen in inkasta oo dhibku uu waligii
jiray hadana laga soo bilaabo bishii April
2007 markii shirkad Shiine ahoo shidaal soo
saaraysay jabhaddu weerartay in Itoobiya ay
markaas qaadatay go’aankii ugu adkaa oo
kuwajahan shacabka,waxay xayireen dhamaan
ganacsiyadii ay dadka Ogaadeenya la
lahaayeen Soomaaliya,waxa ay sameeyeen
xasuuq aan loo kala aaba yeelin,oo dadka
lamirjinayo,tuulinka iyo magaalooyinka oo
lagubayo.
Intaas kadib waxa ay madaxdii jaaliyadu
ugudbiyeen qorallo fara badan oo soo
diyaariyeen iyo sawirro muujinaya dacatiyada
ay Itoobiya ugaysato dadka shacabka ah iyo
sawiradii Tuulooyinkii lagubay ee uu qaaday
satelliteka Maraykanku.
Runtii aad ayay uga argagexeen warbixinta
yaabka leh ee ay jaaliyaddu jeedisay,waxa
ayna sheegeen in aad ugu faraxsan yihiin
kulankan ay yeesheen oo aan noqon doonin kii
ugu dambeeyay.
Kadib wakiiladii xafiiska Arimaha Dibaddu
waxa ay sheegeen in hawlahaas ay xil iska
saari doonaan oo safaaradooda joogta
Addisababa ay uxilsaari doonaan in ay
gobolkaas xaaladiisa lasocoto amaba ay
tagaan,inkastoo hadii haayadihii khayriga
ahaaba loo diiday aanan filaynin in ay
diblomaasiyiinta loo ogolanyo, ayay tidhi
Phindile,waxaa kale oo sheegtay in xafiiska
madaxwaynaha ay kawargalin doonaa arintan
iyo in marar horeba ay dawladdu talaabo
uqaaday,maadaama oo dadka Ogaadeenya ee
kunool South Africa ay dhowr mar sameeyeen
banaanbaxyo ay kaga cabanayaan xadgudubka ay
Itoobiya kuhayso.
Hadalka oo dheeree kadib waxa ay labada
dhinac isla afgarteen in xidhiidhku joogto
noqdo,markasta oo ay wax soo kordhaana la
isla soo socdsiiyo,iyadoo labada dhinacba
aad la isugu mahadcilayo ayaa sidaas la isku
sagootiyay.
05 August 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari
|