Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo Oct 04, 2008

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga.
Ciidammada gumaysiga oo meelo kala duwan ku laayay dad shacab ah
Xolo ay ciidammada gumaysigu ka dhaceen dadwaynaha .
Xidhay gumaysigu u gaystay dad shacab ah .
Mucaaradka Itoobiya oo dalbanaya in Soomaaliya laga soo baxo
Qaybaha CWXO oo hanbalyayada ciida u diraya dadwaynaha


Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Dhawrkii maalmood ee u denbeeyay dagaallo dhawr ah oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itobiya waxaa ciidammada gumaysiga lagag dilay ugu yaraan 31 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 30 askari, sidaas waxaa noo soo sheegay wariyaha nooga soo warama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

01/10/08 Yoocaale dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

29/09/08 Cawl-ku-dhal, oo Dhagaxbuur ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

26/09/08 dagaal ka dhacay Walensi, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga dilay.

Isla 26/09/08 dagaal isaguna ka dhacay Gol-dalaq, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada cagajiidka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 26/09/08 Gol-cidhiidhi meesha lagu magacaabo dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

24/09/08 Hora-hawd, oo Jigjiga ka tirsan, wuxuu dagaal ku dhex-maray ciidammada gumaysiga dhexdooda, waxayna dagaalkaas iska dileen 7 askari, 4 kalana way iskaga dhaawaceen.

Ciidammada gumaysiga oo meelo kala duwan ku laayay dad shacab ah

Ciidammada gumaysiga ayaa dad shacab ah ku laayay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Dilalkaasina waxay u dhaceen isdatan;

29/09/08 meesha lagu magacaabo Dhariyo, oo Cawl-ku-dhal ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen seddex nin oo shacab ah, waxaanan magaciisa helnay Abshir Maxamed Qoojaan.

Isla 29/09/08 Aloosane waxa ciidammada gumaysigu sidoo kale ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Nuur Cabdi Macalin Rashiid.

Sidoo kale 29/09/08 Yaxaynt Bore waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Sahal Muuse Xasan.

23/09/08 meesha lagu magacaabo Ugunje waxay ciidammada gumaysigu ku dileen gabadh shacab ah oo lagu magacaabo Fadxi Saxane.

17/09/08 Caga-jiid, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin rayad ah oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin, balse Waalid lagu magacaabo.

15/09/08 magaalada Fiiq waxay ciidammada gumaysigu mirrijis ku dileen Mudan Carab.

Dhinaca kale 20/09/08 waxay ciidammada gumaysigu jidhdil baʼan u gaysteen gabadha lagu magacaabo Ayaan Wayrax.

Xolo ay ciidammada gumaysigu ka dhaceen dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa xoolo kala duwan ka dhacay dad rayad ah oo ku sugan meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.

02/10/08 Waata, oo Fiiq ka tirsan, ciidammada gumaysiga ayaa 90 Neef oo Adhi ah iyo 7 Neef oo Geel ah kaga dhacay ninka lagu agacaabo Axmed Baddal.

28/09/08 magaalada Qabribayax waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen C/llaahi Shuuro, oo sidoo kale ka dhaceen 20 Neef oo Loʼ ah.

20/09/08 Yayle, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu 80 Neef oo Adhi ah iyo 9 Loʼ ah kaga dhaceen ninka lagu magacaabo Bashiir Kaahin.

09/09/08 ciidammada gumaysiga ayaa 35 Neef oo Adhi kaga dhacay magaalada Xamaro nin shacab ah oo la yidhaahdo Baddal Cawl.

30/08/08 magaalada Fiiq waxay ciidammada gumaysigu 40 Neef oo Adhi ah kaga dhaceen Muxumed Axmed Cumar.

Xidhay gumaysigu u gaystay dad shacab ah

Ciidammada gumaysiga ayaa dad shacab ah ku xidhxidhay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Dadkaasina waxay kala yihiin;

27/09/08 magaalada Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen afar qof oo shacab ah, waxaanan magacyadooda helnay;
1- Xasan-cadde Aardoon iyo
2- Ayaan Dayib Ilyaas.

11/09/08 waxay cidammada gumaysigu magaalada Fiiq ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Suldaan Madoobe
2- Maxamed Cabdi iyo
3- Nuur Shuraako.

12/09/08 magaalada Xamaro waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen gabadh lagu magacaabo Raaxo Xarbi Cawl.

Dhinaca kale adeegayaasha gumaysiga ayaa la sheegayaa inay billaabeen raaf ay dhalinyarada u gaysanayaan, kuwaasoo ay doonayaan inay ka mid noqdaan malleeshiyo xabbada looga dhigo ciidammada gumaysiga.

Mucaaradka Itoobiya oo dalbanaya in Soomaaliya laga soo baxo

Xisbiyada mucaaradka ku ah taliska Meles Zenawi ayaa sheegay inay wadaan Baarlamaan ku sheegga Itoobiya ka dhex-wadaan olole ay ugu gogol-xaadhayaan sidii ciidammada Itoobiya looga soo saari lahaa dalka Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Idaacadda Maraykanka ee VOA mucaaradka Itoobiya oo dhan waxay ka soo horjeedaan in ciidammada Itoobiya ay sii joogaan dalka Soomaaliya, waxayna qabaan in khasaare aad u ballaadhan oo naf iyo maalba ah uu ka soo gaadhay Soomaaliya.

Labo sano ka dib markii ay ciidammada gumaysiga Itoobiya duullaan ku qabsadeen dalka Soomaaliya waxaa maalinba maalinta ka denbaysa ka sii daraysa dhibaatada Soomaaliya, waxayna xeel-dheerayaasha gobolku sheegayaan in xoogagga Itoobiya ka so horjeeda ay hadda gacanta sare leeyihiin, joogitaanka Itoobiyana uu sii cawlinayo arrimaha Soomaaliya.

Xisbiga mucaaradka ah ee lagu magacaabo Ethiopian Democratic Party ayaa waraaq u diray Meles Zenawi, taasoo uu ugu sheegay in heerka dhimasho ee ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan iyo kharashka ku baxa ay labaduba noqdeen wax aan la xammili karin.

Guddoomiyaha xisbigaas Lidetu Ayalew ayaa warqaddiisa ku sheegay in Itoobiya ay ciidammo badan kaga dhinteen, ilaa iyo haddana kaga dhimanayaan dalka Soomaaliya, Kharash ayna xamili karina kaga baxo, isla markaana ay sumcadii Itoobiya aad wax ugu dhintay galistii Soomaaliya, wuxuu sidaas darteed Meles Zenawi ka codsaday in sida ugu dhakhsaha badan loo soo saaro ciidammada Itoobiya.
Qaybaha CWXO oo hanbalyo u diraya dadwaynaha

Qaybaha CWXO ee Duufaan, Gorgor, Hanqadh, Danab iyo Heegan ayaa munaasabada Ciidda Sonfureed awgeed waxay hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaanba muslimiinta adduunka, gaar ahaan dadwaynaha geesiyiinta ah ee Ogaadeenya, madaxda JWXO iyo guud ahaanba xubnaha JWXO, meel kastoo ay joogaan.

Waxaa hanbalyo middaas la mid ah isaguna u diraya dadwaynaha Ogaadeenya, xubnaha labada gole ee JWXO, xubnaha JWXO iyo Jaaliyadaha Ogaadeenyba guddoomiyaha Hoggaanka Arrimaha Gudaha iyo Amniga. Wuxuuna dhamaanba shacabka Ogaadeenya Ilaahay uga baryay inay Ciiddan midda xigta ku wada-ciidaan carradooda oo xor ah.
04 October 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com



Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.