Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo 04 March 2008

  • Abaaro ba’an oo ka jira Ogaadeenya iyo meelo kale

  • Diyaaradaha Maraykanka oo Soomaaliya duqeeyay

  • Kampala: Shirk u saabsan dhakhaatiir la’aanta Afrika

  • Jaaliyadda Ogadenya ee Sweden oo shir ku yeelatay magaalada Gotenborg.

  • Haweeney lagu magacaabo Shuun Maxamed Kheyr Sheeg oo aqalkeeda lagu dilay

Abaaro ba’an oo ka jira Ogaadeenya iyo meelo kale

Abaaro aad u ba’an ayaa laga soo sheegayo meelo ay Ogaadeenya ka mid tahay, iyadoo ay dadka biya la’aani fara ba’an ku hayso. Dhibaatada abaartu waxay u badan tahay gobollada bari ee dalka Ogaadeenya, halkaasoo ay cidhiidhi galeen biyihii ay dadka iyo xooluhu cabbi lahaayeen.

Meelaha qaarkood ayaa la sheegayaa in hawlo biya-dhaamis ay ka socdaan, hase yeeshee hawlaha biya-dhaamisku sidii la rabay uma socdaan, waxaana ugu wacan xayiraada ay ciidammada Itoobiya ku hayaan gaadiidka iyo guud ahaanba dhaqdhaqaaqa dadwaynaha.

Abaarahani waxay sidoo kale ka jiraan gobollada koonfurta Itoobiya oo cunto iyo biyo la’aan darani ay ka jiraan. Xafiiska Xidhiidhka Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay OCHA ayaa jimcihii sheegay in abaartu ay keentay cudurro dadka ku habsada iyo xoolaha oo aad u le’anaya.

Xafiiska OCHA wuxuu sheegay in qiyaastii 4660 Neef ay abaaraha dartood u dhinteen tan iyo badhtamihii bishii hore ee Fabrwari.

Dhibaatada abaaraha ayaa laga cabsi qabaa inay si saf-mar ah u saamayso gobolka Geeska Afrika oo dhan. Abaarahan ayaa la rumaysan yahay inay waxyeello ka soo gaadhi doonto dad ay tiradoodu ud haxayso 11 iyo 14 milyan oo qof. Dadkani waxay u badan doonaan xoolo dhaqatada ku dhaqan Ogaadeenya, Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah Itoobiya iyo Kenya.

Diyaaradaha Maraykanka oo Soomaaliya duqeeyay

Diyaaradaha dagaalka ee Maray ayaa shalay isniintii duqeeyay magaalada Dhoobley oo ku taalla koonfurta dalka Soomaaliya. Duqayntan waxaa ku dhintay 4 qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 20 qof.

Wasaarada Gaashaandhigga ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in aroornimadii isniita ahayd magaalada Dhoobley lagu riday seddex gantaal oo lala beegsaday waxa ay ugu yeedhay xubno Al-qaacida ah.

Dadwaynaha ayaa al sheegayaa inay ka qaxayaan magaalada Dhoobley iyagoo ka cabsi qaba in diyaaraha Maraykanku ay weerarro kale magaalada kus oo qaadaan. Dadka deggan magaalada Dhoobley ayaa sheegaya in diyaaraduhu ay wali dul-heehaabayaan magaalada.

Xoogag islaamiyiin ahaa ayaa la sheegay inay toddobaadkii hore qabsadeen meel ku dhaw magaalada Dhoobley, isla markaana ay magaalada yimaadeen.

Afhayeen u hadlay wadaasarda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa diiday inuu sheego cidda ay weerarka la beegsadeen iyo weerarkaas laga gaadhay ujeeddadii laga lahaa.

Xoogag ka tirsan kooxaha Soomaaliya ka dagaallama ayaa isniintii qabsaday magaalada Buur-xakabo, iyadoo al sheegay inay dileen taliyihii booliska ee magaaladaas iyo afar kale oo boolis ah.

Kampala: Shirk u saabsan dhakhaatiir la’aanta Afrika

Shirkii ugu horreeyay ee lagaga hadlo dhibaatada adduunka ka haysata hoos u-dhaca ka jira shaqaalaha caafimaadka ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ururka Caafimaadka Adduunka WHO ayaa sheegay in gaar ahaan dalalka soo koraya ay u baahan yihiin 4 milyan oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad, ummulisooyin iyo shaqaalo kale oo xirfad u leh arrimaha caafimaadka.

Ururka WHO wuxuu sheegay in hoos u-dhaca shaqaalaha caafimaadku uu saamayn xun ku yeeshay daryaaelka caafimaad ee asaasiga ah, sida tallaalka carruurta, ummulida hooyooyinka iyo dawaynta cudurrada.

Baahida ugu badan waxay haysataa 57 waddan oo intooda badan ay ku yaallaan qaarada Afrika. Dadka arrimaha caafimaadka barta ee u dhashay qaaradaha Afrika iyo Aasiya waxay inta badan u doolaan wadammada hodonka ah oo mushaarooyinka iyo wadciga nololeedba ay ka wanaagsan yihiin kuwa dalalkooda.

Qiyaas ahaan afartii dhakhtar ee Afrika wax ku bartaba mid ka mid ah ayaa ka shaqeeya dalalka horumaray.

Shirkan, oo ay ka qayb galayaan wasiirrda caafimaadka ee dalalka ay dhibaatadani sida xun u saamaysay, waxay ujeeddadiisu tahay in indhaha caalamka lagu soo jeediyo dhibaatada, si tallaabo looga qaado.

Ururka WHO ayaa sheegay in loo baahan yahay waxbarasho iyo tababarro dhinaca caafimaadka ah oo laga hirgaliyo dalalka ay dhibaatadani ak jirto, si kor loogu qaado tirade xirfadlayaasha caafimaad.

Hase yeeshee waxaa sidoo kale lagu baaqay in wax laga beddalo sharciyada dalalka horumaray ee la xidhiidha dejinta dadka aqoonta u leh arrimaha caafimaadka.

Sannadkii 2003 wuxuu dalka UK ruqso sharci siiyay dhakhaatiir gaadhaysa 11065 oo ka kala yimid dalalka Koonfur Afrika, Zembawe, Nigeria iyo Ghana.

Haweeney lagu magacaabo Shuun Maxamed Kheyr Sheeg oo aqalkeeda lagu dilay

Mar 01, 2008 Wararka naga soo gaadhaya ogadenya ayaa sheegaya in habeenimadii Sabtida ahayd 01-03-208 xili hiraabtii ah lagu dilay aqalkeeda Shuun Maxamed Kheyr-Qabe, iyada oo halkaas dhaawac loogu gaystay ninkeedii oo lagu magacaabo Maxamed Sheekh Axmed Yuusuf.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa aroornimadii laga dareemay magaalada Dhagaxbuur, gaar ahaan Xaafada 3aad oo ah goobta falkani xumi ka dhacey. Sida warku sheegayo waxaana Isbitaalka loola cararay ninka dhaawaca ah.

Falkan ayaa waxaa ka dambeeyey ciidanka gumaysiga Itoobiya ee ka hawgala Dhagaxbuur, arintaas oo uu cadeeyey ninka dhaawaca ah ee qabay gabadhaas la dilay, kadib markii Isbitaalka la geeyey Maxamed Sheekh Axmed Yuusuf ayaa la weydiiyey cida dishay inuu garanayo wuxuuna si cad u yidhi "waxaa xaaskaygiina dilay anigana i dhaawacay ciidanka Itoobiya".

Lama oga ilaa iyo hada waxa reerkaas lagu galay, waxaase loo gartay inay kamid tahay gumaadka ay gumaysigu ku hayaan shacabka rayidka ah.

Marxuumad Shuun Maxamed ayaa ka tagtay shan ciyaal ah oo hurday xiliga sariirteeda lagu tooganayay.

Dhinaca kale, Wiil lagu magacaabo Cabdigurey Cumar Amaadin oo ah 27 jir ah ayaa bishii Feb 27keedii yay ciidamada tireegu ku dileen tuulada Dharkeynley oo ka tirsan Gobolka Dhagaxbuur, marxuumkaas ayaa sida naloo xaqiijiyay ay isagoo socda qabteen kadibna goobtaas ku dileen. Dadka deegaankaas ayaa maydkiisa meeshaas ka helay isla maalintiiba kadibna meeshaas ayaa lagu aasay.
04 March 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.