Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo ee Sept 02, 2008

Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga .
Madaxda JWXO oo dhambaal hanbalyo ah u diray dadwaynaha Ogaadeenya.
John Holmes oo Ogaadeenya booqanaya .
Talyaaniga oo magdhaw siiyay Liibiya
Shir iyo xaflad lagu qabtay London.

Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga

Dagaallo dhawr ah maalmihii u denbeeyay dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan loogu gaystay ciidammada gumaysiga Itoobiya, sidaasna waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;

23/08/08 dagaal isaguna ka dhacay Dheeh-wayne, oo La-helow ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

21/08/08 dagaal isaguna ka dhacay meesha lagu magacaabo Kurdaale, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

20/08/08 dagaal ka dhacay Diidu, oo Sallaxaad ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

19/08/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugna Laga-hidda, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Madaxda JWXO oo dhambaal hanbalyo ah u diray dadwaynaha Ogaadeenya

Guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO Admiraal Maxamed Cumar Cismaan ayaa dhambaal hanbalyo oo ku aaddana munaasabada bisha barakaysan ee Ramadaan, u diray CWXO, madaxda iyo masuuliyiinta JWXO, xubnaha JWXO iyo guud ahaanba dadwaynaha Ogaadeenya meel kastoo ay joogaan.

Guddoomiyuhu wuxuu dadwaynaha Ogaadeenya ku bogaadiyay adkaysiga ay u yeesheen dhibaatooyinka dabiiciga ah ee Abaaruhu ka midka yihiin iyo tacaddiyada ee gumaysigu ku hayo, wuxuuna Eebe uga rajeeyay inuu denbi dhaaf iyo guul degdeg ah ugu abaalgudo.

Guddoomiyuhu wuxuu CWXO iyo dadwaynaha Ogaadeenyaba ku boorriyay inay sii xoojiyaan dagaalka xaqa ahee ay kula jiraan gumaysiga Itoobiya, isla markaana ay xeelad iyo xoogba kaga hortegaan shirqoollada uu cadowgu u maleegayo iyo dabinnada uu u dhigayo.

Waxaa isaguna hanbalyo middan la mid ah CWXO iyo dadwaynaha Ogaadeenya u diray guddoomiyaha Xarunta Dhexe ee JWXO, kaasoo dadwaynaha Ogaadeenya ku guubaabiyay inay isku duubni iyo midtidnimo muujiyaan, isla markaana sii xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin CWXO ee xaq u-dirirka ah. Guddoomiyuhu wuxuu dadwaynaha ugu baaqay inay hal meel uga soo wada-jeestaan gumaysiga Itoobiya iyo kuwa u adeega labadaba.

Wuxuu kaloo dadwaynaha ku dhiirri galiyay inay beesha caalamka u sheegaan dhibaatooyinka uu gumaysigu ku hayo marka ay u suuragasho ee dadyow caalamka ka socda ay soo booqdaan gobollada Ogaadeenya, isagoo tilmaamay in sidaasoo kaliya lagu ogaan karo dhibaatooyinka iyo xadgudubyada sida joogtada ah cadowgu ugu gaysanayo. Ugu denbaytnii wuxuu u rajeeyay in Ilaahay ka aqbalo Soonkooda, isla markaana guusha ka siiyo cadowga Islaamka ee ay dagaalka kula jiraan.

John Holmes oo Ogaadeenya booqanaya .

Madaxa Xafiiska Arrimaha Baniʼaadamnimada ee Qaramada Midoobay John Holmes ayaa isniintii gaadhay magaalada Addis Ababa, wuxuuna ilaa iyo arbacada soo mari doonaa meelah ay Abaaruhu ka jiraan oo Ogaadeenya ka mid tahay.

John Holmes wuxuu tagayaa gobolka Shucuubta Koonfureed oo ku yaalla Koonfurta Itoobiya iyo Ogaadeenya, oo isu gayntooda ay ku tabaalaysan yihiin in ka badan 8 milyan oo qof, oo u baahan in cunto degdeg ah lala gaadho.

John Holmes ayaa la kulmay masuuliyiin Itoobiyaan ah, kuwaasoo uu kala xaajooday sidii ay u fududayn lahaayeen in dadkaas la gaadhsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin.

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa xayiraad ku haysa Ogaadeenya in ka badan sannad, iyadoo hayʼadaha gargaarka ah u diiday inay wax taakulo ah gaadhsiiyaan gobollada Ogaadeenya, isla markaana dadwaynaha ka mamnuucday inay dhaqdhaqaaq ganacsi sameeyaan.

Qaramada Midoobay ayaa bishii Juun codsatay in loogu deeqo 325.2 milyan oo Doollar, si ay kaalmo u gaadhsiiso dadka ku tabaalaysan Ogaadeenya iyo Itoobiya oo dad gaadhaya 12 milyan oo qof ay gargaar degdeg ah u baahan yihiin. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 52% oo kaliya loogu yaboohay deeqdii ay codsadeen.

Talyaaniga oo magdhaw siiyay Liibiya

Raʼiisal wasaaraha Waddanka Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa dhammaadkii toddobaadkii hore saxiixay heshiis ku saabsan magdhaw waddanka Liibiya laga siinayo gumaysashadii uu Talyaanigu gumaystay. Heshiiskani wuxuu dhigayaa in Liibiya magdhaw loo siiyo adduun dhan 5 bilyan oo Doollarka Maraykanka ah, wuxuuna soo afjarayaa muran muddo dheer u dhexeeyay labada waddan ee Liibiya iyo Talyaaniga oo la xidhiidha dhibaatooyinkii uu Talyaanigu u gaystay Liibiya xilligii uu gumaysanayay.

Berlusconi ayaa sheegay in magdhawgan, oo Talyaanigu 25 sano gudohood ku bixin doono, uu dhammaynayo is afgaran-waa 40 sano u dhexeeyay labada waddan. Waxaa isaguna heshiiskan ku tilmaamay inuu albaab cusub u furaya xidhiidhka labada waddan hoggaamiyaha Liibiya Mucamar Al Qadaafi.

Talyaanigu wuxuu xooga ku qabsaday waddanka Liibiya sannadkii 1911, wuxuuna mustacmarad hoos timaada u aqoonsaday sannadahii soddomeeyadii, taasoo horseedaty dagaallo badan oo dadwaynaha Liibiya ku doonayeen inay dalkooda gumaysiga kaga xoreeyaan. Waddanka Liibiya wuxuu Talyaaniga ka xoroobay sannadkii 1951.

Waa markii ugu horraysay ee waddan Afrikaan ahi uu magdhaw ka qaado dalkii horay u gumaysan jiray, waxaana la is-waydiinayaa in tallaabadan ay ku dayan doonaan wadammo kale oo Afrikaan ah oo horay loo gumaystay.

02 September 2008

Axmed Gaal-Eri


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.