|
|
|
|
|
|
|
Wararka
Radio Xoriyo ee Maanta Jan 31, 2007 |
|
-
Gudhis oo
gumaysiga lagaga dilay saraakiil sarsare & Waraysi aan
la yeelanay nin kusugnaa deegaas uu dagaalku ka dhacay.
-
Dad badan
oo Qabridaharre dhawaan lagu xidhxidhay.
-
Askari
Itoobiyan ah oo isu dhiibay ciidammada xoreynta
Ogaadeenya.
-
Mucaawino
la gaadhsiiyay dad Dhoobley ku tabaalaysan.
-
Ururka
Codka Nabada Ogadenya oo shirk u qabtay Maraykanka
-
Madaxwenaha S/Afrika oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyey
shirka ururka AO oo ka dhacay Addis-Ababa.
|
Gudhis oo gumaysiga
lagaga dilay saraakiil sarsare.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaal adag oo ka
dhacay Gudhis, oo ka tirsan degmada Fiiq,
kaasoo khasaare aad u wayn loogu gaystay
ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysatada
Itoobiya.
Cutubyo ka tirsan ciidammada sida gaarka ah
u tababaran ee xoreynta Ogaadeenya ayaa
markii ay taariikhdu ahayd 26/01/07 waxay
weerar ku qaadeen ciidammo ka socda
gumaysatada Itoobiya oo hawlgallo millatari
u yimid nawaaxiga Gudhis, waxayna weerarkaas
si wayn ugu jabiyeen ciidammadii gumaysatada
Itoobiya ee halkaas loo soo diray.
Weerarkan waxaa ciidammada gumaysatada
Itoobiya lagaga dilay 45 askari, oo ay ku
jiraan seddexdii sargaal ee isaga hooseeyay
hooggaanka ciidammadaas, iyadoo mid ka mid
ah saraakiishaas ay darajadiisu ahayd
Gaashaanle.
Wuxuuna wariyuhu noo sheegay in sargaalkaas
Gaashaanlaha ah jeebabkiisa laga soo saaray
dukumintiyo muhiim ah iyo caddaymihiisii,
kuwaasoo ay hadda gacanta ku hayaan taliska
ciidammada xoreynta Ogaadeenya. Sargaalkan
sare wuxuu xubin ka ahaa Golaha Dhexe ee
Isbahaysiga EPRDF, wuxuuna ahaa taliyihii
ciidammada gumaysiga ee Shaygoosh.
Waxaa sidoo kale ciidammada gumaysatada
Itoobiya laga dhaawacay askar badan oo
dhaawacoodii lagu daldalay diyaarad
helikobtar ah.
Waxaa dagaalkaas ciidammada gumaysatada
Itoobiya lagaga furtay 15 Qori, iyo qalab
is-gaadhsiineed oo dhawr ah.
Ciidammadan ayaa markii jabkaas loo gaystay
waxay ku gadoodeen, sidii caadada u ahayd
dadwaynihii rayadka ahaa ee nawaaxigaas ka
dhawaa, iyagoo dilay Alla ha u naxariistee
Haybe Saaban, oo ahaa oday waayeel ah oo da�diisa
lagu qiyaasay 80 jir. Waxay sidoo kale
dhaawacyo soo gadhsiiyeen Mahad Rashiid
Yogol iyo Abshiro oo magaceeda oo buuxa aan
la haynin.
Wuxuu kaloo wariyuhu noo soo sheegay in
markii ay taariikhdu ahayd 22/01/07 weerar
lagu qaaday koox Dabaqoodhi ah oo la keenay
Qooran, oo ka tirsan degmada Qabri-bayax,
waxaana laga dilay 2, 5 kalana waa laga
dhaawacay.
20/01/07 weerar gaadmo ah oo ciidammada
xoreynta Ogaadeenya ay ku qaadeen kuwa
cadowga eek u sugan Garigo�an, waxay kaga
dileen 2 askari.
Dad badan oo
Qabridaharre dhawaan lagu xidhxidhay.
Xukuumadda gumaysatada Itoobiya ayaa
12/01/07 u soo dirtay magaalada Qabridaharre
sargaal sare oo ciidammadeeda ka tirsan iyo
calooshood u shaqaystayaal soomaali ah oo uu
hormuud u yahay ninka lagu magacaabo Aaden
Taani. Waxaana nimankan loo soo diray inay
fuliyaan qorshe lagu cadaadinayo dadwaynaha
rayadka ah ee ku dhaqan Qabridaharre iyo
nawaaxigeeda.
Nimankaasi markii ay yimaadeenba waxay
dadwaynaha Qabridaharre u qabteen shirar
qasab ah, iyagoo dadka u sheegay in looga
baahan yahay inay ka qayb qaataan dagaalka
lagula jiro ciidammada xoreynta Ogaadeenya,
hase yeeshee dadwaynihii ayaa si cad ugu
sheegay in cidda hawshaas looga fadhiyo ay
yihiin ciidammada dowlada, dadwaynuhuna ayna
wax shaqo ah ku yeelan karin, arrintaasoo si
wayn uga cadhaysiisay sargaalkii hawshan loo
soo xilsaaray iyo calooshood u-shaqaystayaashii
la socday.
Iyagoo hadalkii dadwaynaha jawaab ka
bixinayana waxay xabsiga u taxaabeen
dadwayne rayad ah oo tiradoou 30 kor u
dhaafayso. Dadka la xidhxidhay een
magacyadoo helnay waxay kala yihiin;
1- Barre Cabdi Naasir
2- Ruqiya Maxamed Sulub
3- Sacda Sh Dayib
4- Canab Cabdi Adar
5- Muxubo Carab
6- Ardo Xaaji Aaqib
7- C/raxmaan oo magiciisa oo buuxa aanaan
helin
8- Suleeqa Cabdi Adar
9- Hodan Nuur
10- Ilyaas Maxamuud Doolaal
11- Macalin C/rashiid
12- Kayse Aaden, oo ah guddoomiyihii hore ee
degmada Qabridaharre
13- C/llaahi Doolaal, oo masuul ka ah waxa
ay ugu yeedheen Horumarinta Reer-Miyiga
14- Hire Xasan Salaad, oo isaguna ah
arrimaha nabadgelyada u qaabilsan mamul
ku-sheegga degmada
15- Deeq C/llaahi iyo
16- Faadumo Xaaji Xuseen
Askari Itoobiyan ah oo isu dhiibay
ciidammada xoreynta Ogaadeenya.
Askari ka tirsanaa ciidammada gumaysatada
Itoobiya ee ka hawlgala gobollada Ogaadeenya
ayaa isu soo dhiibay ciidammada xoreynta
Ogadeenya markii ay taariikhdu ahayd
24/01/07.
Askarigani wuxuu u dhashay qowmiyada Oromada,
wuxuuna sheegay inuu ka tirsanaa Gaaska
32aad, gaar ahaan Kooxda 2aad ee Madaafiicda
ee xarunteedu tahay magaalada Jigjiga.
Askarigan ayaa sheegay inuu ka soo goostay
ciidammada gumaystada Itoobiya, ka dib
markii uu u adkaysan waayay dhibaatooyinka
xad-dhaafka ah ee lagu hayo dadwaynaha
Ogaadeenya iyo kuwa Oromada. Wuxuu kaloo ku
daray inuu ogaaday beentii ay xukuumadda
EPRDF u sheegi jirtay ee ahayd in la soo
qaqabanayo koox shufta ah oo dadka dhibta.
Askarigan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay
inuu ka qayb qaato halganka ay JWXO kula
jirto gumaysatada Itoobiya, kaasoo uu
sheegay inuu diyaar u yahay inuu naftiisa u
huro. Askarigan ayaa si wayn uga mahad
sheegtay sida sharafta iyo walaalnimada leh
ee loo soo dhaweeyay.
Mucaawino la
gaadhsiiyay dad Dhoobley ku tabaalaysan.
Markii ugu horraysay muddo bilk u dhaw ayay
xukuumadda Kenya oggolaatay inay xadka NFD
iyo Soomaaliya ka gudbaan baabuur wadda
mucaawanooyin kala duwan oo loo wado dadka
soomaaliyeed ee ka soo qaxay dagaallada
xaqdarrada ah ee xukuumadda Itoobiya ka wado
dalka Soomaaliya, kuwaasoo in muddo ahba ku
tabaalaysanaa magaalada Dhoobley oo xadka ku
taalla.
Daba-yaaqadii toddobaadkii hore ayay
xukuumadda Kenya fasaxday baabuur wadda
mucaawanooyin kala duwan oo ay bixiyeen hay�adaha
Qaramada Midoobey iyo ururrada aan xukuumiga
ahayn, kuwaasoo loo waday qoxootiga
soomaaliyeed ee dar-xumada iyo rafaadku ku
hayaan magaalada Dhoobley.
Qoxootigan ayaa muddaba halkaas ku xayirnaa,
ka dib markii ay xukuumadda Kenya u diiday
inay u gudbaan xerada qoxootiga ee Dhadhaab,
oo in ka badan 160,000 oo u badan qoxooti
Soomaaliya ka yimid ay ku jiraan, isla
markaana ay hay�adaha gargaarkana u diiday
inay u gudbaan dhinaca Soomaaliya, si ay
dadkaas gargaar u gaadhsiiyaan.
Mucawanadan hadda Dhoobley la gaadhsiiyay
ayay la sheegay inay isugu jirto 1760
bustayaasha lagu seexdo ah, 810 ah bacaha la
dallaalimaysto iyo 1000 oo ah qalabka wax
lagu karsado ama wax lagu cuno, waxaana
alaabtaas bixisay Hay�adda UNHCR. Waxaa
sidoo kale mucaawanadan ka mid ah
Shandarawooyinka Kaneecada laga galo,
Bustayaal, makiinadaha cuntada lagu karsado
iyo saabuun, kuwaasoo ay bixiyeen Hay'adaha
UNICEF iyo Oxfam.
Dagaalka waxshinimada ah ee gumaysatada
Itoobiya ay ku soo qaaday dalka Soomaaliya
daba-yaaqadii bishii Disember ayaa sababay
inay guryohooda ka qaxaan dad gaadhaya
400,000, oo 6000 oo ka mid ahi ay u qaxeen
dhinaca xadka Soomaaliya iyo gobolka NFD.
Hay'ado badan oo kuwa gargaarka ah ayaa ka
cabsaday inay shaqaalohooda u diraan dalka
Soomaaliya, ka dib markii ay soo gaadheen
wararka sheegaya in ciidammada Itoobiya ee
qabsaday dalka Soomaaliya ay si ba�an u
xasuuqaan dadwaynaha, isla markaana qaar
badan oo ka mid ah ay xabsiyada u taxaabaan.
Ururka Codka Nabada
Ogadenya oo shir ku qabtay maraykanka.
Magaalada Mineanpolis ee cariga maraykan ka
ayaa waxaa sabtidii lagu qabtay shir uu soo
abaabulay ururka loo yaqaan codka nabadda ee
dhulka Ogadenia.
Shirkan oo ay ka soo wada qayb galeen
dhamaan ururada bulshada Ogadenia, sida
ururka Hooyooyinka, jaliyadda ogadenya ee
Minnesoto, oday-dhaqameedyada ogadenia iyo
dadweyne kala duwan ayaa wuxuu isugu jiray
warbixino qoto dheer oo ay soo gudbiyeen
madaxda ururka, iyo wacyigalin ay soo
bandhigeen qaar ka mid ah
oday-dhaqameedyadii iyo hooyooyinkii isugu
yimid Madasha shirka.
Maxamed Sheikh & Axmed Carab oo ah
aasaasayaashii iyo madaxdii ururkan ayaa si
qoto dheer uga warbixiyey taariikhda ururkan,
marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray
muddadii uu jiray, kulamada kala duwan ee ay
la yeesheen qaar ka mid ah madaxda ugu
saraysa waddanka maraykanka & sida ay lama
huraan u tahay in halganka qalinka & qayladu
ay yihiin laf dhabarka horumarka umad
baadigoob ugu jirta xaqooda aayo ka tashi.
Madaxda ururkan ayaa waxay aad ugu
nuuxnuuxsadeen arimaha ay ka midka yihiin:_
1- Baahida weyn ee loo qabo in xidhiidh
diplomaasi oo joogto ah lala yeesho aqalka
cad ee waddanka maraykan, hay�aadka u
ololeeya xuquuqda aadamaha & wasaaradda
arimaha dibadda ee maraykankana (State
Department).
2- In warbixin joogto ah & bandhig ku
saabsan qaddiyadda Ogadenia la hor geeyo
dhamaan cid kasta oo ay khuseyso gaar ahaan
Senetorska waddanka Maraykan ka,
sharci-dajiyaashiisa & xildhibaanada ka
tirsan aqalka cad iyada oo Madaxda Ururkan (Ogaden
Voice for Peace) ay bulshaweynta Ogadenia ee
Carrigan ku sugan ay ka qaadi doonaan
waxyaabo muujinaya dareenkooda ku aaddan
mashaakilaadka umaddooda haysta sida in
muwaadinka reer Ogadenia laga qaado
saxiixiisa, cinwanakiisa & fariinta uu
doonayo inuu u gudbiyo aqalka cad ee
waddanka maraykanka.
3- iyo inay lama huraan tahay midaynta
bulshada soomaalida Ogadenia si wadajirnimo
loogu raadiyo xornimada iyo xaqa
aaya-katashiga somalida Ogadenya.
Sidoo kale waxaa madasha shirka lagu soo
bandhigay cajalado maqal & muuqaalba leh oo
laga soo duubay shirkii kan la midka ahaa ee
kal hore lagu qabtay xarunta nabadda &
caddaalada ee Magaalada Sandiego, oo ay
dadweynihii si duuduub ah u wada iibsadeen,
iyo weliba waraaqo ay ku qornaayeen Baaq
cabasho ah kuna socday Senatorska aqalka cad
oo iyana ay bulshadu dhamaan ku wada
saxiixeen magacyadooda & cinwaanadooda !
Gabagabadii shirka ayaa ahaa mid kusoo
dhamaaday jawi & saansaan wanaagsan isla
markaana xanbaarsanaa Iftiin cusub wuxuu
ururku runtii ku beeray bulshadii madasha
joogtay yididiilooyin hor leh, kalsooni
dheeraad ah iyo in si wada jir ah loogu
guntado halganka qalinka & qaylada ku
salaysan ee looga baahan yahay muwaadin
kasta oo Ogadenia ka yimid!
"Soomaaliya waxay u
baahantahay isku duubnida Afrika"
Madaxweynaha wadanka Koonfur Afrika Mudane
Thabo Mbek ayaa qudbad dheer ka jeediyey
kulankii Madaxda AU ee ka dhacey Magaalaad
Adis Ababa , qubadiisa oo meelo badan
taabaneysay ayuu ku bilaabey in "Soomaaliya
u baahantahay isku duubnida Afrika"
Madaxweyne Thabo, wuxuu sheegay in bishii
June ee sanadkii 1974 ay isaga iyo xubno
kale ay maalmo ku sugnaayeen Caasimada
Soomalaiya ee Muqdisho iyaga oo qayb ka ahaa
wafti ka socdey Ururka ANC. Kuwaas oo
caasimada Soomaaliya u yimid in ay kaga
qaybgalaan shir sanadeedkii Madaxweynayaasha
Qaarada Afrika oo ka dhacayey Muqdisho.Sida
ay Caadadu ahaan jirtey wuxuu shirku shir
gudoomiye u doortey Madaxweynihii Soomaaliya
Major Genaral Maxamed Siyaad Bare si uu u
hogaamiyo shirka, ayuuu yiri Mudane Thabo.
Xiligaas bishii June ee shirku socdey waxay
Muqdisho ahayd goob dabaal deg aad u weyn oo
Afrikaanimo ka socotay. Sababta dabaaldegaas
oo ahaa burburkii gumeysiga boortaqiiska iyo
Xoreyntii wadamadii uu boortaqiiksu gumeysan
jirey. Xidiga maalintaas ee aan su'aasha
laga keeni karin ee ka soo qaybgaley
kulankaas wuxuu ahaa SAMORA MACHEL oo noqdey
Madaxweynihii u horeeyey ee wadankii
xoroobey ee Mozambique.
Bishii June 24, 1974 Wargeyska US Time ayaa
qorey qormo uu ugu magacdarey "Degitaankii (Quusidii)
Lusitania" iyo waxyaabo kale. Hadaba, markii
Madaxweyne Antonio de Spinola loo mgacaabey
Madaxweynaha Angola iyo Mozambique,
qudbadiisii u horeysay ee uu ka jeediyo meel
dadweyne isagu yimid, waxa uu ku hadley,
weedhii ama ereyadii ay ka sugayeen
Afrikanku in uu ku hadlo. Wuxuuna yiri "
Aayo-katalinta lagama saari karo
Dimoqraadiyada, sidoo kale Aayo-katalinta
lagama saari karo Madax-banaai"
Isla kulankaas waxaa hadalo kulul ka soo
jeediyey Madaxweyne ku xigeenkii Frelimo oo
lagu magacaabi jirey Marcelino dos Santos (Marsalino)
oo ku dhawaaqey "Weerarkayaga waan
joogteynaynaa, wanaan xoojineynaa ilaa aan
xornimo ka helo"
Hadii ay jiraan dad caad ka saarraa xornimo
u dirirkii ka soo horjeeday Boortaqiiska,
Ururka ANC wuxuu ahaa mid aanan qabin
fikirkaas. Warqad ay ANC u qortey Xoghayihii
shirka lagu doortey ayaa waxay ku sheegtay'.
"In caalamka guud ahaan xoogagii rajciyada
aad looga guuleystey, Dadweynaha Afrika iyo
aduunka jecel Xoriyada, nabada iyo Horumarka
dhaqan dhaqaale ayaa waxay soo hooyeen guulo
la taaban karo", tusaale ahaan dadka
walaalaheen ah ee Afrika, sida, Angola,
Mozambique, Guinea-Bissau iyo Cape Verde oo
dhamaantood iska dul qaadey gumeysigii la
nacey ee Boortaqiiska.
Madaxweyne Thabo Mbek, waxa uu yiri xiligaas
ayey ahayd markii iigu dambeysay Soomaaliya,
sanado badan kadibna ilaa hadadan
xasuusteytayada kama bixin in Soomaliya
ahayd meel rajo afrikanimo noo leh, goob la
isku lahayn karo oo Afrika lagu xoreyn karo,
oo aan anigu ku jiro sidii aan Midabtakoorka
uga xoroobi lahayn. Mudo kadib, qaar ka mid
ah halgamayaashayadii ayaa waxa ay ku
noqdeen dawladii Soomaliya, si ay halkaas
uga furtaan saldhig qarsoodi ah oo ay kaga
soo galaan Koonfur Afrika kadiriyiintayadii
Umkhonto we Sizwe, kuwaas oo Midabtarkoorki
Koonfur Afrika ka soo geli jirey dhinaca
bada iyaga oo ka imanaya dekedaha Soomaaliya.
Si kastab aha ahataee, Soomaliya waxay kala
daadatey waxayna noqotey meel aan dawlad ka
jirin, taas oo keentay in ay noqoto Ajendaha
ugu weynee Afrika ee bilowga sanadkan 2007,
halkii sanadkii 1974 ay kulankii Afrikanku
ahaa Xoreyntayada iyo Afrikada kale, kuwaas
oo soomalaiya garab ka haystey. Sanadka 2007
Soomaliya waxay u bahaan tahay taageerada
Afrika
Madaxweynaha Koonfur Afrika mar uu ka
hadlayey taariikhda Soomalaiya, waxa uu
sheegay in Soomaliya xornimo qaadatey
sanadkii 1960-kii, isaga oo sheegay in
labadii Gobol British iyo Italian Somaliland
ay xoroobeen. Hadaba si ay labadaas Gobol u
dhameeyaan kala qaybsanaantii uu Gumeysiga
Soomaaliya kala qoqobey ayey labadaas Gobol
isu tageen, isla markaana dhalatey Dawladii
Soomaliya.
Talaabadii isku darsanka dadka ku hadla Afka
Soomaliga, waxa ay dhalisay xiisad ka
aloonsatey wadamadii dersika ahaa sida
Itoobiya iyo Kenya oo labadaba ay
degenyihiin dad soomaaliyeed. Xiisadii ugu
xumeydna waxay dhexmartey Soomaliya iyo
Itoobiya sanadkii 1977, kadib markii
Soomaaliya iskudaydey in ay qabsato dhulka
ay degenyhiin Soomaalida Ogadeniya. Dhulkaas
oo ay Itoobiya qabsatey qaybo ka mid ah
sanadkii 1880-meeyadii, halka dhulka intiisa
kalena ay kula wareegtey hesiish dhexmaray
Itoobiya iyo wadanka Ingriiska.
Mudane Thabo Mbek, waxa uu yiri sababta aan
taariikhdan u soo hadal qaadney waxa ay
tahay, waxaa jira Ciidamo Itoobiyaan ah oo
Soomaaliya ku sugan, taas oo aan ahayn wax
lala yaabo in Warbaahinta qaar ku tilmaamaan
joogitaanka Itoobiya ee Soomaliya liidnimo
ama bahdilid loo geystey Soomalida, sida nin
ganacsade ah oo lagu magacaabo Abdulahi
Mohamed Mohamud laga wariyey, waxaan ka
cabsi qabnaa dagaal aad u dheeraada, dadkuna
aad ayey uga xanaaqsanyihiin Ciidamada
Itoobiya.
Madaxweyne Thabo Mbeki qudbadiisa oo aad u
dheereayd waxa ka mid ahaa gabagabadii inuu
yiri "Waqtiga ayaa inoo sheegi doona xiliga
dambe ee Hogaamiyaasha iyo Madaxweynayaasha
ay ku kulmi doonaan shirka AU oo ka dhaca
Muqdisho. Hadaba si ay taasi u dhacdo, hadii
aynu nahay Afrika waa in aan la nimaadnaa
hab aynu kaga gudbeyno dhibaatootooyinkii
hore ee taariikheed iyo kuwa hada cusub ee
Soomaaliya ka dhigey dhibaato ka mid ah
kacdoonkii Afrika oo aan weli la xalin,
halka ay ka xorowgii gumeysigii Boortaqisku
uu u ahaa kacdoon Afrikan oo aan la xalin
sanadkii 1974
Ugu dambeyntii Madaxweyne Thabo Mbeki waxa
uu yiri. "Hadii aynaan shiishka saarin oo
aynaan la iman wada xaajood ku dhisan
xadaarad ama ilbaxnimo horseeda nabad iyo
xasilooni ka dhex-dhalata qabaa'ilada,
qoomiyadaha wadaaga hal wadan, dawladaha
dhexdooda iyo wadamada isu tagey, si aysan u
dhicin arinta Soomaliya ka dhacdey oo kale.
30 January 2007
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
RRadio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |
|
|
|
|