|
Dagaallo cadowga lagu jabiyay.
Wariyaha RX ga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo tabiyay dagaallo badan oo si
wayn loogu naafeeyay ciidammada maxaysatada
ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi
waxay u dheceen sidatan;
26/01/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar
mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga eek u
sugan magaalada Dhuxun, waxayna gaadhsiiyeen
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
24/01/08 Barraajisaale waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga gubay 1 Baabur oo Uuraal
ah, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 50
askari oo baabuurkaas saarnaa.
22/01/08 dagaal ka dhacay Walfa, oo Fiiq ka
tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 6
askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
21/01/08 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa
gumaysiga Itoobiya ku dhex-maray Gunburka
Xaajiga, oo ka tirsan degmada Wardheer,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 27
askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.
20/01/08 Qudhac-maydal, oo degmada Fiiq ka
tirsan, dagaal ka dhacay waxaa gumaysiga
lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga
dhaawacay.
17/01/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday
ciidammada gumaysiga eek u sugan Gasaangas,
waxaana weerarkaas lagaga dilay inta la
ogyahay 2 askari, 1 kalana waa lagaga
dhaawacay.
16/01/08 dagaal aad u adag oo ka dhacay
meesha lagu magacaabo Ina-doonyaale, oo ka
tirsan degmada Wardheer, waxaa ciidammada
gumayisga lagaga dilay 37 askari, 15 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 16/01/08 Dameero-hargaysa, oo
degmada Fiiq ka tirsan, waxaa weerar mir ah
loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay o
halkaas hawlgal u tegay, waxaana weerarkaas
lagaga dilay 2 askari.
Isla 16/01/08 dagaal isaguna ka dhacay
Simane, oo Fiiq ka tirsan, waxaa gumaysiga
lagaga dilay 7 askari, 5 kalana waa lagaga
dhaawacay.
15/01/08 Gabiib, oo iyaduna Fiiq ka tirsan,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga
dhaawacay.
14/01/08 dagaal isaguna ka dhacay Carra-jiif,
oo ka tirsan degmada Dannood, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 18 askari,
9 kalana waa lagaga dhaawacay.
12/01/08 dagaal ka dhacay Xamudhka, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari,
3 kalana waa lagaga dhaawacay.
10/01/08 ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu
yahay magaalada Xamaro ayaa dagaal dhexdooda
ah waxaa kaga dhintay 5 askari, 4 kalana way
kaga dhaawacmeen.
05/01/08 weerar mir ah ayaa lagu qaaday
ciidammada gumaysiga eek u sugana Bashuuro,
oo Fiq ka tirsan, waxaana loo gaystay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
04/01/08 Tuulo-oon, oo Fiiq ka tirsan, waxaa
lagu miray ciidammo gumaysigu leeyahay oo
hawlgal halkaas u tegay, waxaana weerarkaas
lagaga dilay1 askari, 2 kalana waa lagaga
dhaawacay.
02/01/08 Jeerinka waxaa weerar mir ah loogu
gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, waxaana
laga dilay 2 askari, 1 kalana waa laga
dhaawacay.
Sidoo kale 02/01/08 dagaal ka dhacay
Jalawaydh, oo Fiiq ka tirsan, waxaa
ciidamada gumaysiga lagaga dilay 5 askari 2
kalana wa lagaga dhaawacay.
30/12/07 dagaal ka dhacay Tuulo-oon, oo Fiiq
ka tirsan, waxaa ciidammada lagaga dilay 5
askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dil iyo xidhay gumaysigu dadwaynaha u
gaystay.
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya
ayaa dhibaatooyin kala duwan oo sigu jira
dil, xidhay, kufsi, jidhdil iyo dhac u
gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.
Dhibaatooyinkan ayaa ka dhacay meelo kala
duwan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah.
28/01/08 Qarruud, oo degmada Fiiq ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin
rayad ah oo lagu magacaabo Hire Cabdi Sugaal.
Waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale isla
meeshaas ku kufsadeen gabadha la yidhaahdo
Damac Gamaadiid.
Waxay sidoo kale jidhdileen oo hanti ka
dhaceen labada qof ee kala ah Axmed Sh
Xuseen oo ay 10.000 oo Bir ka dhaceen iyo
Shariifo Shugri oo iyadana ay 1000 Bir ka
dhaceen. Waxay sidoo kale la tageen C/nuur
Cabdi Sugaal iyo Maxamuud Cali.
26/01/08 Yaxoob, oo isaguna degmada Fiiq ka
tirsan, wxay ciidammada gumaysigu sidoo kale
ku dileen nin rayad ah oo lagu magacaabo
Fataax Axmed Tafe.
24/01/08 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Garbo ee gobolka Nogbeed ku
xidhxidheen dad badan oo rayad ah, waxaanan
magacyadood helnay dadka kala ah;
1- Aaden yuusuf
2- C/risaaq Islaan
3- Nuriye Sh Cali
4- Maxamed Cabdi Salal
5- Maxamed Cali
6- Damac Maxamuud Faarax
7- Axmed Nuur iyo
8- Wali-dheere oo magaciisa oo buuxa aanaan
haynin
Isla 24/01/08 Qarjajabo, oo Dhuxun ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Cabdi Asad Makhtal iyo
2- Khadar oo magaciisa oo buuxa aanaan
haynin
23/01/08 magaalada Sagag waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dad badan oo rayad
ah. Dadka aan magacyadooda helnay waxay kala
yihiin;
1- Cabdi Samsam
2- Mahad Maxamed Muxumed
3- Sulub Maxamed Ibraahim
4- C/llaahi Aaden Dalab
5- Mukhtaar Cabdi Xarbi
6- Cali Dayib Cabdi
7- Maxamed Xuseen Gurey
8- C/llaahi Maxamed Shaacib
9- Shkuri Cabdi Cali iyo
10- Shiine Cumar Nuur
21/01/08 Tuulo-oon, oo Fiiq ka tirsan, waxay
ciidammada gumaysigu ku kufsadeen gabadha la
yidhaahdo Faadumo Cabdi Wali Xayi.
20/01/08 ciidammada gumaysiga ayaa magaalada
Wardheer ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oo
tiradoodu ay 40 qof gaadhayso. Dadka aan
magacyadooda helnay waxay kala yihiin;
1- Cusbur Sh Muuse
2- Ardo Sh Muuse
3- Hibo Sh Muuse
4- Cabdi Bir-Jaamac iyo
5- C/llaahi Mukhtaar Aw Yuusuf
16/01/08 magaalada Fiiq waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dad aad u badan oo
rayad ah, waxaanan magacyadooda helnay;
1- Dhuug Cabdi Shuun
2- Beeleeye Sh Maxamuud
3- Cabdi-dheere Shukri Cabdi
4- Maxamed Askar
5- Siyaad oo magaciisa oo buuxa aanaan
haynin
6- Khaliif Maxamed Geeddi
7- Muqaddin Gaas
8- Maxamed Cali Hurre
9- Cabdi-laangadhe oo magaciisa aanaan wada
haynin
10- Asad Cali Koodey
11- Tamaan Shukri
12- Ardo Gaas iyo
13- Ubax Tamaan.
Afarta qof ee ugu denbeeye intii mar la soo
daayay ayaa haddana xabsiga dib loogu
celiyay.
15/01/08 Ceel-dhiig, oo Fiiq ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Axmed Yusuf Cumar iyo
2- Faarax Wali
Waxay sidoo kale jidhdil ba’an gaadhsiiyeen
Raabi Cabdi Yuusuf
Isla 15/01/08 waxay ciidammada gumaysigu
Dusmo ku qasheen 60 Neef oo Adhi ah oo dadka
shacabka ahi lahaayeen. Dadka Adhigaas laga
qashay waxaa ka mid ah Cabdi Koosaar
Dhagawayne.
11/01/08 Dheemaha, oo ka tirsan degmada
Galaalshe, waxay ciidammada gumaysigu
jidhdil ba’an ugu gaysteen dadka kala ah;
1- C/salaam Ismaaciil iyo xaaskiisa oo
magaceeda aanaan haynin iyo
2- Maxamed Macalin Muxumed
10/01/08 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Sagag ku xidhxidheen dadka kala
ah;
1- Cali Sh Maxamed
2- Faadumo Muxumed iyo 3 carruur ah oo ay
dhashay
3- Sahra Sh Mukhtaar iyo 3 carruur ah oo ay
dhashay
4- Cadar Cali Daahir iyo 1 ilmo ah oo ay
dhashay iyo
5- Shariif Axmed Xabiib
Isla 10/01/08 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen dadka
kala ah;
1- Ayaanle Maxamed Dhuule
2- Xasan Bahal
3- Maxamed Xirsi
4- Faysal Daa’uud iyo
5- Xuseen Maxamed Xasan.
09/01/08 degmada Xamaro waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Cabdi-raaxo Cumar Daahir
2- Nuur-madoobe
3- Daba-geel Axmed Nuur
4- Hinda Cabdi Mawsar
5- Sabaad Maxamed Muxumed iyo
6- Faadumo Maxamed Cilmi
Ururka Ardeyda Ogadeniya ee San Diego oo
kulan yeeshay
Jan 26, 2008 Ururka Ardeyda Ogadeniya ee
Magaalada San Diego, California ee cariga
Maraykanka ayaa shalay shir weyn ku yeeshay
Magaalada San Diego ee Gobolka California.
Shirkan oo ayey ujeedadiisu ahayd sidii ay
dhalinyaradu isu baran lahayd ayey waxay uga
wada hadleen kaalinta dhalinyarada kaga
aadan sidii ay wax uga qaban lahaayeen
dhibaatada ka aloosan Ogadeniya iyo
xadgudubyada ka baxsan bani'aadamnimada ee
ay Xukumada Itoobiya ku hayso shacabka
Ogadeniya.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay
Professor wax ka dhiga Jaamacada San Diego
iyo laba Wariye oo ka kala socda Wargeyska
Los Angles Times (LA Times), iyo Quest oo ka
doo baxa San Diego.
Professor-ka iyo Wariyayaasha ayaa iyaguna
ka hadleyd dhibaatada ka taagen Ogadeniya,
iyaga oo Ardeyda u balan qaadey in ay siin
doonaan tababaro la xiriira sidii ay u
horumarin laahayeen wax qabadkooda.
Radio Xoriyo
29 Jenuary 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |