|
|
|
|
|
|
|
Barnaamijkii Radio Xoriyo 29 December 2007.
|
|
-
Dagaallo
lagu wiiqay gumaysiga Itoobiya.
-
Dad
ciidammada gumaysigu laayeen.
-
Shir wayn
oo lagu qabtay Seattle USA .
-
UN-ta oo
soosaartay warbixinta sawir cad ka bixinaysa dhibaatada
Ogadenya.
-
Lataliyaha
Gudoomiyaha jwxo Gen.Cabdullaahi Mukhtaar
oo siminaar 2 maalmood socday ku qabtay Copenhagen
|
Dagaallo lagu wiiqay gumaysiga Itoobiya.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si
wayn loogu wiiqay ciidamada saama la-luudka
ah ee gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay
meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
Dagaalladu waxay u dhaceen sidatan;
28/12/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku
dhex-maray Xoodh-Jawle, oo Qorile ka tirsan,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5
askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
27/12/07 dagaal ka dhacay Balli-aftaag, oo
Qorile ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 6 askari, 7 kalana waa lagaga
dhaawacay.
26/12/07 waxaa weerar mir ah lagu qaaday
ciidammada gumaysiga ee fadhiga magaalada
Gunagado, waxaana loo gaystay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
Isla 26/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa
weerar gaadmo ah u gaystay ciidammo
gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa meesha lagu
magacaabo Saliidda, oo Fiiq ka tirsan,
waxayna ka dileen 1 askari, 2 kalana way ka
dhaawaceen.
24/12/07 ciidammada gumaysiga waxaa Gumarrey
lagaga gubay 2 Baabuur oo waawayn, waxaana
halkaas gumaysiga kaga dhintay wixii ciidan
ahaa ee labadaas baabuur saarnaa.
23/12/07 Beerta-Jaadka, oo Qabridaharre ka
tirsan, waxaa ciidammada gumayisga lagaga
gubay 1 Baabuur oo ay ku dhinteen dhammaanba
wixii saarnaa.
17/12/07 Kub-cad, oo Galaalshe ka tirsan,
dagaal culus oo ka dhacay waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 148 askarai, 85
kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 17/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa
weerar mir ah la beegsaday ciidammada
gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada
Shilaabo, waxayna u gaysteen khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
16/12/07 dagaal ka dhacay meesha lagu
magacaabo Aftol, oo Shilaabo ka tirsan waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 46 askari,
27 kalana waa lagaga dhaawacay.
13 - 14/12/07 weerar mir ah ayaa lala
beegsaday ciidammada gumaysigu ee fadhigoodu
yahay magaalada Dhagax-madow, waxaana loo
gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
12/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar
mir ah oo si wayn loo qorsheeyay ku qaaday
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay
xarunta Shidaalka ee Jeexdin, gaar ahaan
meesha lagu magacaabo Jaad-dhawr, waxayna
weerarkaas ciidammada gumaysiga kaga dileen
30 askari, tiro badan oo kalana way kaga
dhaawaceen. Waxaa sidoo kale weerarkaas lagu
gubay labo dhismo oo ciidammada gumaysigu
halkaas ku lahaayeen.
Ciidammada gumaysiga ee weerarkaas lala
beegsaday ayaa aroornimadii isku dayay inay
weerar qaadaan, hase yeeshee waxaa mar kale
lala beegsaday weerar gaadmo ah oo ayna iska
ogayn, waxaana laga dilay 19 askari, 14
kalana waa laga dhaawacay.
Sidoo kale 12/12/07 weerar mir ah oo lagu
qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan
Dhanaan, waxaa lagaga dilay 6 askari, 12
kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 12/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa
weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga
ee fadhigoodu yahay magaalada Godey, waxaana
weerarkaas ciidammada gumaysiga lagaga dilay
13 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.
Waxaa sidoo kale weerarkaas lagu gubay 2
Bakhaar oo hub iyo saad kale ku jireen.
Sidoo kale 12/12/07 waxaa weerar gaadmo ah
lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay
oo ku sugnaa Babaase, oo ka tirsan degmada
Dannood, waxaana lagaga dilay 6 askari, 4
kalana waa lagaga dhaawacay.
Dad ciidammada gumaysigu laayeen.
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya
ayaa dhibaatooyin kala duwan oo dil, dhaawac
iyo gubis isugu jira u gaystay dadwayne
rayad ah.
22/12/07 Gabagabo, oo Qabridaharre ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen seddex
qof oo rayad ah. Waxaanan magaciisa helnay
Saxane Deeq. Waxay ciidammada gumaysigu
sidoo kale halkaas ku gubeen 10 Aqal
soomaali.
19/12/07 waxay ciidammada gumaysigu seddex
nin oo rayad ah ku dileen Galaalshe.
Seddexdan nin waxay kala yihiin;
1- Shukri Biixi Nuur
2- Xasan Caydiid Cumar iyo
3- Sh Xasan Biixi oo 85 jir ahaa.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu
halkaas ku gubeen ugu yaraan 45 Aqal
soomaali. Waxay sidoo kale xabbad ku laayeen
75 Neef oo Geel ah, oo 30 ka mid ahi Irmaan
ahaayeen.
13/12/07 waxay ciidammada gumaysigu
Daalootiyowga, oo ka tirsan Galaalshe, ku
dileen nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray
Barkhadle Daahir Xasan.
02/12/07 Jogol, oo Far-madaw duleedkeeda ku
taalla, waxay ciidammada gumaysigu dhaawac
xun ugu gaysteen gabadh umul ah oo aanaan
mageceeda haynin iyo ilmo dhawr bilood jir
ah oo ay dhashay.
Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysigu wali
halkoodii ka sii wadaan cunaqabatayntii ay
dadwaynaha ku hayeen. Waxayna
cunaqabatayntani dadwaynaha soo gaadhsiisay
dhibaatooyin badan, ka dib roobabkii Dayrta
oo aan u di’in si fiican, taasoo keentay in
dalka Ogaadeenya ay hadda ka jiraan Abaaro
qallafsan. Ma jiraan ilaa iyo hadda wax
gargaar ah oo dadwaynaha la gaadhsiiyay,
iyadoo ay ugu wacan tahay xayiraada uu
gumaysigu dalka ku hayo.
Shir wayn oo lagu qabtay Seattle USA .
Jaaliyada Ogaadeenya Seattle ee dalka
Maraykanka ayaa shir ballaadhan isugu timid
badhtamihii toddobaadkan, iyadoo shirkaas
lagu bandhigay wax-qabadkii Jaaliyada ee
sannadka 2007 iyo sidii ay Jaaliyadu ugu
diyaar garoobi lahayd hawlaha laga sugaya
sannadka 2008.
Shirkan waxaa ka soo qayb galay xubno badan
oo ka kala yimid gobollada Washington ,
Origon oo dalka Maraykanka ah iyo waliba
xubno ka yimid dalka Canada .
Shirkan waxaa warbixin dheer oo la xidhiidha
wax-qabadkii Jaaliyada ka soo jeediya
guddoomiyaha Jaaliyada oo faahfaahin ka
bixiyay sida ay Jaaliyadu u gudatay
waajibaadkii kaga aaddanaa halganka
Ogaadeenya iyo sida ay diyaarka ugu tahay
inay dadaalkeeda sii labanlaabto.
Waxaa isaguna warbixin dheer oo ku saabsan
meesha uu marayo halganka Ogaadeenya iyo
guulaha dhinac walba ah ee laga soo hoyiyay
gumaysiga Itoobiya shirka ka soo jeediyay
guddoomye ku xigeenka Hooggaanka Arrimaha
Dibada ee JWXO.
Xubnihii iyo dadwaynihii shirkan ka soo qayb
galay ayaa gabagabadii shirka isku
dhaarsaday in la sii kordhiyo taageerada loo
fidiyo halganka Ogaadeenya, si loo soo
dedejiyo guulaha laga sugayo dagaalka xaqa
ah ee lagula jiro gumaysiga Itoobiya.
UN-ta oo soosaartay warbixinta sawir cad
ka bixinaysa dhibaatada Ogadenya.
Qaramada Midoobay ayaa arbacadii soo saartay
waribixn sawir cad ka bixineysa wadanka
Ogadenya ee uu dagaalku wiiqay. Warbixintu
waxey faah faahin dheeraad ah ka bixisay
Dawo la'aanta, cunto yarida, sicir bararka
iyo jidh dilka ama laynta ka jirta Ogadenya.
Kadib Baadhitaan muddo todobaad ah socday oo
ay qaramada midowday sameysay ,waxey UN-tu
caddeysay in Ogadenya dhibaatada
binii'adnimo ee ka jirta ay meel xun mareyso
ayna kasii dari karto. 'xaaladda bin'aadnimo
ee ka jirta gobolkaas ayaa sii xumaneysay
bilihii lasoo dhaafay" ayey tiri warbixintu.
Sidoo kale, nafaqa darrada ka jirta gobolka
ayaa kasii dari doonta labada ama seddexda
bilood ee soo socoto haddii la helo oo
kaliya uun tirada cayiman ee cuntada
ganacsiga ah . Warbixintu waxaa kale oo ay
xaqiijineysay in Ciidamda militariga ee
itoobiya ay cunoqabateyeen goobo kamid ah
Ogadenya taasoo aad u saameysay dad badan oo
rayid ah oo kunool aagagaas, arintaas oo ay
mar hore sheegeen dadka ku nool Ogadenya iyo
Shaqaalaha hay'adaha.
Afhayeen u hadlay dowladda itoobiya oo lagu
magacaabo Zemdkun Tekele ayaa isagu arintaas
beeniyay.waxa uuna yidhi "Qofna kuma
macaluulsana Ogadenya" . Dowladda Itoobiya
warbixin ay soo saartay oo ay ku
raadgadanaysay ayey ku sheegtay inay
qaadayso talaabo ku aaddan sidii dadka
tabaaleysan uu ugaadhi lahaa raashinka iyo
dawadu.
Ogadenya waa dhul badinkii baaddiya ah oo ku
yaala geeska bari ee itoobiya halkaasoo
dadka dagani dagaal kula jiraan ciidamada
itoobiya. Kadib markii Ururka ka dagaalama
halkaas uu dilay in ka badan 60 askari oo
itoobiyaan ah iyo shaqaale shinees ah bishii
april ee sanadkan ayay ciidamada itoobiya
go'doomiyeen dhulkaas badankii sida
hay'adaha caalamiga iyo wariyaayasha reer
galbeeku kusoo waramayaan. Shacabka Ogadenya
badankood ayaa iyagana ka waramay
tacaddiyada, jirdilka, kufsiga iyo tuulooyin
gubitaanka ay ciidamada itoobiyaanku gobolka
ku hayaan taasoo ah eedeyn ay dowladda
itoobiya mar walbaba beeniso.
Guddi xaqiiqo raadis oo ka socday UN-ta oo
tagay gobolka bishii August ee lasoo dhaafay
ayaa ku tilmaamay in qorshahoodii
xaqiiqo-raadin uusan guuleysan maadaamo bey
yiraahdeen safarkoodii ay la socodeen ama
garab socdeen ciidamada itoobiya arintaas oo
laga yaabo iney ka cabsiisay shacab badan oo
si xor ah u hadli lahaa.
Mid kamid ah saraakiishaas oo jooga Addis
Ababa ayaa cadeeyey in guddigu uusan raali
ka aheyn in ciidamada itoobiyaanku raacaan
balse uu yidhi waxaan ku qasbaneen inaan
ogolaano iney na raacaan haddii kale
noomeysan ogolaadeen inaan Ogadenya cag
saarno. Abdirahman Mahdi oo u hadlay Ururka
ONLF ayaa ku tilmaamay warbixinta qaramada
midowday bilow wanaagsan balse waxuu yidhi
itoobiya waxey sameeneysaa dambiyo dagaal
arintuse waxey u baaahan tahay wax ka badan
wada-hadal siyaasadeed.
29 December 2007
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |
|
|
|
|