|
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Itoobiya.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si
wayn loogu jabiyay ciidammada saama la-luudka
ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladani waxay
u dheceen sidatan;
23/02/08 Qurux-boob, oo Dhuxun ka tirsan,
waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay
ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas
hawlgal u tegay, waxaana la gaadhsiiyay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
22/02/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar ir
ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee
fadhigoodu yahay magaalada Dhagaxbuur,
waxayna ka dileen inta la ogyahay 7 askari,
4 kalana way ka dhaawaceen.
21/02/08 Qabaale, oo Shilaabo ka tirsan,
waxaa lagu gubay baabuur Uuraal ah oo
ciidammada gumaysigu lahaayeen, waxaana
halkaas ku bas-beelay baabuurkaas iyo
askartii saarnayd oo dhan.
Isla 21/02/08 waxaa weerarro kala duwan loo
gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo
halwgal u tegay deegaanka Huuraale oo
gobolka Jarar, waxaana weerarradan
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari,
waxaa sidoo kale lagaga dhaawacy 6 askari.
Dagaalladani waxay ka kala dhaceen Is-dabadeg,
Tagaabeeye iyo Xaarrey, oo dhammaantood ku
dhaw Huuraale.
Sidoo kale 21/02/08 waxaa weerar gaadmo ah
lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay
oo ku sugnaa Qarjajabo, oo Dhuxun ka tirsan,
waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
19 iyo 20/02/08 waxaa weerarro lala
beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku
sugnaa Daara-salaam, oo u dhaxaysa Garbo iyo
Dhuxun, waxaana laga dilay 13 askari, 8
kalana waa laga dhaawacay.
19/02/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay
magaalada Dhuxun, waxaana la gaadhsiiyay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
18-19/02/08 Qansaxa, oo Sagag ka tirsan,
waxaa weerarro gaadmo ah loogu gaystay
ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal
halkaas u tegay, waxaana isu gayn laga dilay
10 askari, 9 kalana waa laga dhaawacay.
17 iyo 18/02/08 waxaa weerarro mir ah lagu
qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo
hawlgal u tegay Garasley, oo Dhuxun ka
tirsan, waxaana laga dilay inta la ogyahay 2
askari, 1 kalana waa laga dhaawacay.
17/02/08 Bacaadka, oo Garbo ka tirsan, waxaa
lagu weeraray kolonyo baabuur ah oo ay
wateen ciidammada gumaysigu, waxaana laga
dilay inta la ogyahay 9 askari, 5 kalana waa
laga dhaawacay.
14/02/08 Qarjajabo, oo Dhuxun ka tirsan,
waxaa lagu miray cidammo gumaysigu leeyahay
halwgal halkaas u joogay, waxaana la
gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
12/02/08 dagaal ka dhacay Qansaxa, oo Sagag
ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga
dhaawacay.
10/02/08 Barmiilka waxaa weerar mir ah loogu
gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo
halkaas hawlgal u tegay, waxaana la
gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
Dhibaatooyin kala duwan oo dadwaynaha loo
gaystay
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa
dhibatooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha
rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyinkan,
oo ka dhacay gobollo kala duwan, waxay u
dheceen sidatan;
22/02/08 Dhurwaale, oo Daara-salaam u dhaw,
waxay ciidammada gumaysigu ka soo qaqabteen
oo ku xidhxidheen magaalada Dhuxun dadka
kala ah;
1- Ardo Xuseen Dhacar iyo
2- Maxamed Xarbi
Sidoo kale 22/02/08 magaalada Garbo
gudeheeda waxay ciidammada gumaysigu si xun
ugu jidhdileen C/llaahi Iidaale Cabdi Sahal.
20/02/08 Xaraarey, oo Nogob ku taalla, waxay
ciidammada nacabka ah ee gumaysigu ku
mirrijiyeen Deeq Axmed Kaariye. Ninkan ayaa
markii ayay dadwaynaha deegaanku soo
badbaadiyeen, ka dib markii ay nolol ugu
tageen. Ciidammada gumaysigu waxay sidoo
kale isla meeshan ku kufsadeen gabadh da’yar
oo lagu magacaabo Sawda Cabdi Qoor-leex
Wayne iyo hooyo 50 jir ah oo iyadana lagu
magacaabo Sureer Macalin Qorane.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu isla
maalinkaas jidhdil ba’an u gaysteen, ka
dibna la tageen dadka kala ah;
1- Xalane Miyir iyo
2- Cibaado Jillaale. Labadan qof waxaa lagu
xidhay magaalada Dhuxun.
Waxay iyagana maalintaas six un u jidhdileen
dadka kala ah
1- Ramle Rashiid Xasan iyo
2- Cabdi Xaashi oo curyaan ah.
18/02/08 Abeesaale, oo Dhuxun ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- C/raxmaan Maxamed Diiriye
2- C/naasir Maxamed Diiriye
3- Maxamed C/llaahi Nuur
4- Ismaaciil Maxamed Cumar
5- Tamaan Qawdhan Maxamuud
6- Cabdi Macalin Nuur iyo
7- C/llaahi Maxamed Xaaji
Waxay sidoo kale jidhdil ba’an ugu gaysteen
C/llaahi Cabdi Gurey.
Waxay iyadana dukaan ay lahayd ka dhaceen
gabadh lagu magacaabo Maan Cabdi Maxamed oo
wixii dukaanka yaallay oo dhan ay ka dhaceen.
Ururka Dhalinyarada Ogaadeenya oo London
lagu asaasay
Galabnimadii sabtida ahayd ee taariikhdu ku
beegnayd 23/02/08 waxaa magaalada London ee
carriga Ingiriiska lagu qabtay shir wayn oo
uu soo qabanqaabiyay Golaha Adayda
Ogaadeenya ee UK. Shirkan, oo si wayn looga
soo qayb galay, waxay ujeeddada ugu wayn loo
qabtay ahayd in lagu asaaso urur dhalinyaro
oo kulmiya ururrada dhalinyarada Ogaadeenya
ee ka jira wadammada kala duwan ee Yurub,
waxaana halkaas lagaga dhawaaqay urur lagu
magacaabo Ogaden European Youth Leage.
Shirkan waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka
socda wadamada ay ka midka yihiin Denmark,
Finland, Switzerland, Swedan, Norway,
Jermany iyo France. Ergooyinkai waxay
matalayeen ururrada dhaliyarada Ogaadeenya
ee ka jira dalalkaas. Waxaa sidoo kale
shirkan ka soo qayb galay madax ka socota
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya,
Ururka Hooyooyinka Ogaadeenya ee dalka UK,
Aqoonyahanno iyo siyaasiin u dhashay dalka
Ogaadeenya iyo ururrada dhalinyarada ee
Soomaaliya, Eritereya iyo Oromiya.
Furitaankii shirka waxaa khudbad dheer oo ka
xogwarramaya halganka Ogaadeenya ka jeediyay
guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya Admiraal Maxamed Cumar Cismaan,
oo dadwaynaha kala hadlay qalabka
isgaadhsiinta ee maqalka ah. Guddoomiyuhu
wuxuu si waafi uga warbixyay xaaladda uu ku
sugan yahay halganka Ogaadeenya iyo guulaha
dhinaca walba ah ee laga soo hoyiyay
gumaysiga Itoobiya.
Shirkan waxaa lagu soo bandhigay warbixino
dhaadheer oo ka turjumaya xadgudubyada
dhinaca xuquuqda aadanaha ee ciidammada
gumaysigu u gaystaan dadwaynaha rayadka ah
ee Ogaadeenya. Waxaana halkaas lagu soo
bandhigay warbixino lagu lifaaqay muqaallo
dhab ah oo aad u dhaqaajiyay dareenkii ka
qayb galayaasha.
Gabagabadii shirka waxaa shahaado sharafyo
la guddoonsiiyay fannaanka caanka ah ee
Ogaadeenya Maxamuud Axmed Cumar (Jangoo) iyo
qaar ka mid ah dhalinyarada OSF oo lagu
abaalmariyay sida firinfircoonida leh ee ay
uga qayb qaataan abaabulka dadwaynaha iyo
sida ay beesha caalamka u gaadhsiiyaan
tacaddiyada xaquuqda aadanaha ee Itoobiya ka
galayso dadwaynaha Ogaadeenya.
Xasuuqa Wardheer: Dhacdo murugo iyo
farxad isugu jirta
14 sano ayaa ka soo wareegtay markii ay
ciidammada Wayaanuhu xasuuqa ba’an ka
gaysteen magaalada Wardheer oo ay hal subax
ku laayeen in ka badan 80 qof oo shacab ah
oo u dhashay magaalada Wardheer iyo
nawaaxigeeda. Maalinta uu xasuuqaasi dhacayo
waxay ku aaddanayd 22/02/1994.
Xasuuqa Wardheer wuxuu xanbaarsan yahay
dareen murugo iyo guul ku-faan isugu jira.
Qof kasta oo maqla ama lagu soo qaado
Xasuuqii Wardheer wuxuu ka murugoon sida
naxariisa darrada ah ee ciidammada gumaysigu
u gumaadeen dadwaynihii denbi laawayaasha
ahaa ee reer Wardheer, haddana wuxuu dhinaca
kale ku naalloon sidii ay sharaftooda iyo
qadiyadooda u difaaceen ee dersinka lama
illaawaanka ah u siiyeen ciidammadii
gumaysiga.
Xasuuqa Wardheer arrimaha sida gaarka ah
loogu xusuusto waxaa ka mid ah iyadoo
Ciidammada Wayaanaha, oo berigas curdan ahaa,
ay ahayd markii ugu horraysay ee ay si
fiican uga hirqadaan dhiigga shariifka ah ee
dadwaynaha Ogaadeenya.
Ciidammada Wayaanuhu waxay maalinkaas si
bahalnimo u laayeen dadwayne rayad ah oo aan
haysanin hub u dhigma midka ay iyagu
haysteen oo ay iskaga caabiyaan. Waxay sidoo
kale xasuuqaas ku dhaawaceen dad boqollaal
gaadhaya. Waxay iyadana boobeen oo
bililiqaysteen hantidii dadwaynaha ee
magaalada taallay.
Maalintaasi waa maalintii ay cdiidammada
Wayaanuhu billaabeen inay ku mamaan dhiigga
shariifka ah dadwaynaha Ogaadeenya.
Waa maalin ay carruur badani agoontowday,
hooyo badanina Asay qaaday. Waa maalintii
cadow ku wiirsaday curaddadii qaaliga ah ee
cisiga iyo sharafta loo dhammeeyay. Waa
maalin cindigu ka gubto, damiirkuna ka
cadhoodo.
Hase yeeshee Xasuuqa Wardheer, in kastoo uu
yahay dhacdo dareenku ka gubto, niyaduna ka
diddo, haddana dhinaca kale waa dhacdo mudan
in lagu faano.
Waa maalintii ay dadkeenu ciidammada
gumaysiga iyo xukuumadda gumaysigaba FAR
waawayn ugu daabaceen inaan dadkayaga marna
la sandullayn karin.
Waa maalintii ay ciidammada Wayaanuhu si
dhab ah u ogaadeen in dadwaynaha Ogaadeenya
ay yihiin kuwo aan marna oggolaan in la
quudhsado oo xaqooda dhib yaraan lagu
xalaalaysto.
Waa maalintii ay ciidammada Wayaanuhu
ogaadeen in dadwaynaha Ogaadeenya ay
keena-diid yihiin, isla markaana ay
cadowgooda gacan bir ah kala hortagayaan,
iyagoon xeerinaynin awoodda iyo kala
itaal-roonida, balse adeegsanaya niyaddooda
birta ah iyo isku kalsoonidooda, oo aaminsan
hadal murtiyeedkii ahaa “Mintid fara yar
Midhihii bataa kama macaashaan”.
Waa maalintay ciidammada Wayaanuhu ogaadeen
in hubkooda casriga ahi aanuu caabiyi karin
waddaniga cadhoodee ciiddiisiyo difaacaya
cisiga diintiisa. Waa maalinta ogaadeen in
ciidda Ogaadeenya aan ciyaar lagu hanan
karin.
Xasuuqa Wardheer ma ahayn xasuuqii ugu
horreeyay ee ciidammada Itoobiya u gaystaan
dadwaynaheena, mana noqonin xasuuqii ugu
denbeeyay. Xasuuqa Wardheer waxaa ka
horreeyay xasuuqyo kale oo ba’an, sida
Xasuuqii Kanooniga ee ka dhacay nawaaxiga
Dhagaxbuur lixdameeyadii iyo xasuuqyadii ka
horreeyay ee ciidammadii Minilik ay dadkeena
u gaysteen.
Bilo ka hor waxaynu xusaynay “Xasuuqii
Qabridaharre”. Hadda waxaa maalin walba ina
soo gaadha wararka xasuuqyo ka dhacay meelo
kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, oo sida
la ogsoon yahay ay ciidammada Itoobiya ka
wadaan olole aan dalk Ogaadeenya horay u soo
marin. Ololahani wuxuu hadda foodda sii
galainayaa sannad, wuxuuna sahayday nafta
dad aad u badan oo reer Ogaadeenya ah.
Waa xasuuq kale oo gali doona taariikhda
ayaamaha madow ee soo maray dadwaynaha
Ogaadeenya. Waa xasuuq si gaar ah ugu
daabacan xiska xubin kasta oo ka mid ah
dadwaynaha Ogaadeenya. Waa xasuuq ay
taariikhdiisa dhaxli doonaan jiilalka soo
socda ee Ogaadeenya.
Waa xisaab kale oo ku maqan cadowga
Itoobiya, oo loo baahan yahay inaynu u
guntano sidii aynu cadowga uga gudan lahayn.
Haddii ay naftu inugu simi waydana aynu
dardaarankeeda ugaga tagi lahayn ubadka ina
dhaxli doona.
Hooyada Uurka leh ee la dooxayo, waayeelka
iyo carruurta aan loo tudhaynin, gabdhaha
sharaftooda la dilayo iyo dhalinta la
laynayo, dhammaantoodba waa xisaabo kale oo
ku maqan cadowga!!
26 February 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |