|
|
|
|
|
|
|
Barnaamijkii Radio Xoriyo 25 December 2007.
|
|
-
Dagaal ka
dhacey Jigjiga korkeeda iyo JWXO oo Jeexdin qabsatey.
-
Jaaliyad
cusub oo Ogadenya ah oo laga aas-aasay wadanka Belgium.
-
Riwaayadii
"Xasuuqii shacabkayga xisaabaa ka danbeyn" oo ka dhacdey
magaladaToronto ee dalka Canada .
-
Qabsashadii Itoobiya ee Soomaaliya oo HAL SANO jirsatey
-
Ururka
Hooyooyinka iyo gabdhaha Ogadenya ee Denmark oo xaflad
iyo shir abaabul isugu yimid magaalada Copenhagen.
|
Dagaal ka dhacey Jigjiga korkeeda iyo JWXO
oo Jeexdin qabsatey
Dec 24, 2007 Wararka naga soo gaadhaya
Gobolka Qoraxay ayaa sheegaya inay Jabhadda
Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO) weerar
ballaadhan ku ekaysay goobta shidaalka laga
qodi jiray ee Jeexdin halkaas ooy
daganaayeen ciidamo fara badan oo ka tirsan
Milatariga Itoobiya.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Jabhadu
qabsatay goobtii dagaalku ka dhacey, iyagaoo
halkaas ku qabsaadey saanad Milatari oo
badan. Dagaalkan ayaa dhacey dabayaaqada
todobaadkii hore.
Sanadkii 1998 ayay ahayd markii ay shirkad
Shiinaha laga leeyahay oo shidaalka qodi
jirtayi iskaga huleeshay ceelka Jeexdin
kadib markii uu kaga dhintay hal Injineer.
Bishii April ee sanadkan 2007 ayay JWXO
weerar kan oo kale ku ekaysay goob Shiinuhu
ka baadhayay shidaal oo ku taalay tuulada
Cobole oo u dhow Dhagaxbuur, waxayna halkaas
ku dileen ciidan aad u tiro badan oo ka
tirsanaa milatariga Itoobiya iyo 9 Shiine ah
oo ah kuwii ka shaqaynayay goobta shidaal
qodista.
Wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya Seyum
Mesfin ayaa waraysi uu siiyey Wakaalada
wararka AFP ee wadanka Faransiiska kasoo
baxada todobaadkii hore ku sheegay in ONLF
dagaal ku wado xeryaha Ciidamada Itoobiya
iyo goobaha Shidaalka ay Itoobiya ka qodato.
Hadalka ka soo yeedhay Seyum Mesfin ayaa ah
qirasho uu qiranayo daagaalka JWXO ku hayso
Ciidamada Itoobiya.
Dhinaca kale, bishan Dec 21 ayaa cutubyo ka
tirsan Ciidamada wadaniga Xoreynta Ogadeniya
dagaal ku qaadeen Kubcad oo ku taala
duleedka Magaalada Jigjiga, halkaas oo
khasaare lixaad leh loogu geystey Ciidamada
Gumeysiga Itoobiya, inkasta oo aanan weli
helin faah-faahinta dagaalkaas.
Jaaliyad cusub oo Ogadenya ah oo laga
aas-aasay wadanka Belgium.
Wafti uu hogaamino gudoomiyaha Jaaliyadda
Ogadeniya ee Jarmalka mudane Maxamed Axmed
Raabi ayaa booqasho qaadatay muddo saddex
casho ah ku gaadhay waddanka Beljam(Belgium).
Guddoomiyaha oo lagu soo dhaweeyay magaalada
Antwerpen, ayaa imaanshihiisii kadib kulamo
gaar ah layeeshay dadweynaha magaalada
Antwerpen, kadibna socdaal ku soo maray
magaalo madaxda waddanka ee Brussels,
halkaas oo uu kulamo kula yeeshay dadweyne
kale oo xiisaynayay dhisida Jaaliyada cusub.
Hadaba Maalintii Isniinta ee Bisha Dec
17/12/2007 ayaa gudoomiyuhu ka qaybgalay
shirkii aasaasidda Jaaliyadda Ogaadenya ee
waddanka Belgium, kaas oo kadhacay Magaalada
Antwerpen.
Furitaankii xafladda kadib, ayaa mudane
Raabi lagu soo dhaweeyay in uu ka warbixiyo
safarkiisa.
Salaantaa dabadeed, Mudane Raabi wuxuu
hadalkiisii ku bilaabey "sida aad lawada
socotaan xaaladda dhulkeenii iyo dadkeenii
uu kusugan yahay iyo guud ahaan
Jamhuuriyaddii Soomaaliya waad lawada
socotaan, sababahaa darteed ayay xaalka
maanta taagan wuxuu noqday nin walbow naftaa."
"Taas macnaheedu waa cidkastaa adigu isku
tasho, haddaba haddii aynaan maskaxdeena,
muruqeena iyo maalkeenaba aynaan kulminin
dadkeena iyo inaguba dhibkan sina uga bixi
mayno."
Mudane Raabi wuxuu intaas ku daray "Si
hadafkaas loogaadho ayaa wadankasta oo
Jaaliyadaheena laga helikaro laga aas aasay
Jaaliyad matasha qadiyada Ogadeniya"
Mudane Raabi, wuxuu ka soo qaybgalyaashii ku
booriyey in aas aasid Jaaliyad fadhigeedu
yahay xarunta midawga Europe ee Brussels ay
muhiimad weyn ugu fadhida baahida balaadhan
ee halganka Ogadeniya u qabo in saaxiibo loo
helo.
Guddoomiyaha Jaaliyada Jarmalka Mudane Raabi
oo khudbadiisu dheereeyd aadna uga hadley
taariikhda Ogadeniya, heerka halganka
Ogadeniyo maanta marayao iyo marxalada
siyaasadeed ee hadda taagan ayaa gabagabadii
faray dadweynihii kasoo qaybgalay shirka in
midnimadu tahay furaha horumarka kasta
Dadweynihii ka soo qaybgalay kulankan ayaa
Gudoomiyaha socdaalkiisii uga mahadceliyay,
waxaa kale oo ay dadweynuhu uga
mahadcelinhayeen xigmadaha dadka ka qosliyay
ee uu guddoomiyuhu mararka qaar ugu hal
qabsanhayay iyada oo uu islamarkaana
siiraacinhayay dhacdooyin dadweynaha
qiiragaliyay.
Ugu danbayntii, waxaa la isku raacay in si
ku meelgaar ah looqaato magaca jaaliyadda
waddanka Jarmalka ee Ogaden
Hulporganisatie(Ogaden Hilforganistion e.v.).
Kadib waxaa ladoortay guddi ku meelgaar ah
oo jaaliyaddu yeelato inta laga gaarayo
doorashada guddi rasmi ah.
Riwaayadii "Xasuuqii shacabkayga xisaabaa
ka danbeyn" oo ka dhacdey magaladaToronto ee
dalka Canada
Maalintii Sabtida ee bisha December ay ahayd
22, 2007 waxaa magalada Toronto ee dalka
Canada ka dhacday Riwaayadii la magac baxday
"Xasuuuqi Shacabkayga Xisaab baa ka dambayn"
oo ay soo diyaariyeen Ururka Ogaden Students
Forum ee U.K, waxaana soo qabanqaabiyay
Ururka Ogaden Youth Association of Canada.
Riwaayadaas oo lagu qabtay hall weyn oo u
dhow Toronto International Airport, ayaa
waxaa ka soo qaybgalay dad aad u farabadan
oo isugu jiray Jaaliyada Ogaadeeniya iyo
kuwa Jamhuriyada Somaliya ee ku nool Toronto
iyo agagaarkeeda.
Furitaankii riwaayada ka hor waxaa warbixin
ka bixiyay ujeedada riwayada Dr. Abdirahmaan
Yusuf oo ah aqoon yahan iyo Odey dhaqameed
ka mid ah Jaaliyada Ogadeniya.
Riwaayadan oo laga soo dhigey Magaalooyinka
Seattle, Sandeigo, Minneapolis ayaa lagu soo
gabagabeeyay magalada Toronto ee dalka
Canada.
Mudadii ay socotay riwaayadu waxa ka
muuqatay dadka wajiyadooda cadho, murogo iyo
farxad ay ku jirtay sacab iyo sawaxan aad u
sareeyay, iyaga oo mararka qaar la heesaayay
fanaaaninta jilaysay riwaayada.
Gabagabadii dadweynihi ka soo qaybglay
riwaayada waxay isku raceen in ay
riwaayadani matalaysay xaalada dhabta ah ee
uu ku suganyahay Dadka iyo dalka Ogaadeenya.
Dardar cusubna ay galin doonto halganka
shacabka Ogaadeniya ugu jiro aayo
katashagiisa.
Isku duhawaha Guud ee Ururka Dhalinta
Ogaadeeniya Maxamed Ali (Ordaaye) ayaa u
mahad celinayay dhamaan dadkii ka qaybqaatay
qabanqaabada riwaayada iyo labada idaacadood
ee Radio Ogaal iyo Codka Beesha Soomaaliyeed
oo ogaysiiyay dadweynihii ka soo qaybgalay.
Qabsashadii Itoobiya ee Soomaaliya oo HAL
SANO jirsatey
Dec 25, 2006 oo ahayd Maalin dadka
Masiixiiynta ahi ay u dabaaldegeyeen
dhalashadii Nebi Ciise ayaa xaalada
Soomaaliya isbedel aad u weyni ku yimid,
xiligaas oo ahayd markii Xukumada Itoobiya
dagaalka qaawan ku soo qaadey Soomaaliya si
buuxdana uga saartey Kooxidi Maxaakiibta
magaalada Muqdisho, guushaas Itoobbiya oo
hada laga joogo mudo HAL sano ah, ayaa isu
bedeshay in Soomaaliya la haysto oo aan la
ogeyn Xili ay Itoobiya ka bixi doonto.
Dadka sida aadka ah ula socda arimaha
Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Professor
David Shinn oo Jaamacada George Washington
wax ka dhiga, isla markaana ahaan jireey
Safiirkii Maraykasnka ee Itoobiya.
Mar uu u waramayey Idaacada VOA qaybteeda
Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay, in dad aad
u badani ilaa hada la yaaban yihiin in
Itoobiya ilaa hada joogto Soomaaliya, oo
ayna ilaa hada helin wadadii ay uga bixi
lahayd Soomaliya. Wuxuuna intaas raaciyey in
uu aaminsanyahay in Itooboya dooneyso inay
iskaga baxdo Soomaaliya, laakiin ay
dareensantahay inay ku banjartsantahay,
waxayna aad ula yaabantahay xaalada ay ku
sugan tahay. Inkasta oo dad badani ay iska
qiyaasayeen in aysan noqon doonin arin fudid
Dr. David Shinn waxa uu sheegay in xaaladu
aad u qalafsantahay, wax is bedel ah oo la
garaayna uusan jirin, inkasta oo aysan
muuqan sidii loga bixi lahaa caqabadan,
hadana waxaa lagama maarmahan in dibaatadan
lagu xaliyo nidaam sayaasadeed kaas oo ah
midka loo baahan yahay.
Ambassado David Shinn oo in badan ku
cel-celiyey in loo baahan yahay in arinta
Soomaaliya lagu xaliyo nidaam siyaasadeed
ayaa tilmaamey in aan weli si aad ah la
isagu deyin in arimaha Soomaaliya lagu
xaliyo hab siyaasadeed oo lagu cadaadinayo
kooxaha isaga soo horjeeda. Wuxuuna
tilmaamey in sanadii hore ay habooneyd in
culeys siyaasadeed la saaro Dawlada KMG ah,
sababtoo ah iyaga ayey ahaayeen kuwa kaarka
nabada gacanta ku hayey, maadaama ay
Itoobiya taageeraysay. Sidaas tarteed iyaga
ayey jirtaa in ay dabacsanaan u muujiyaan
kuwa ka soo horjeeda, isla markaana ay ku
soo daraan dawladda si loo dhiso dawlad
qaran oo loo dhan yahay. Taas oo aysan ilaa
hada sameynin, ilaa hadana waxay haystaan
fursad qali ayuu yiri Ambassado David Shinn.
25 December 2007
C/nuur Sh. Maxamed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |
|
|
|
|