Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Wararka Radio Xoriyo ee maanta Jan 23, 2007

  • Dagaallo cadowga lagu naafeeyay oo Ogaadeenya ka dhacay.

  • Itoobiya iyo sharikada Petronas oo u heshiiyey baatroolka Ogaadeenya.

  • Kenya oo ka qayb qaadatay afduub loo gaystay dad u xidhnaa.

  • Ciidammada Itoobiya oo dad ku xasuuqay Muqdisho.

  • Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Guul lagaaga dambeeyo guul ma aha)

  • Waraysi meelo badan taabanaya(Halgame C/llahi Yaasiin)

Dagaallo cadowga lagu naafeeyay oo Ogaadeenya ka dhacay.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo si wayn loogu naafeeyay ciidammada caga jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya iyo calooshood u-shaqaystayaasha u adeega ee ku sugan dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

Markii ay taariikhdu ahayd 11/01/07 ciidammada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogaadeenya ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Baabili, waxay u gaysteen khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.

13/01/07 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa sidoo kale weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Dhagaxmadow, waxayna weerarkaas cadowga kaga dileen 8 askari, 5 kalana way kaga dhaawaceen.

17/01/07 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa jidka u galay kolonyo baabuur ah oo ka tirsan ciidammada gumaysiga Itoobiya, waxay ka gubeen hal baabuur, iyadoo baabuurkaas wixii saarnaaba ayna waxba ka bixin.

18/01/07 cutubyo ka kala tirsan qaybaha Ciiltire iyo Duufaan ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa hawlgal ka fuliyay magaalada Gunagado, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidammo calooshood u-shaqaystayaal ah iyo maamul ku-sheegyadii Gunagado iyo Dhagaxbuur.

Ciidammadii calooshood u-shaqaystayaasha ahaa ee halkaas lagu soo ururiyay ayaa isku dayay inay dagaal kala hortegaan ciidammadii xoreynta e hawlgalkaas fulinayay, waxayna ku billaabeen rasaas, hase yeeshee waxaa markiiba u awood sheegtay ciidammada xoreynta oo ka qabsaday saldhiggii ay fadhiyeen, waxaana halkaas lagu dilay 27 ka mid ah malleeshiyadii Itoobiya ee halkaas lagu soo ururiyay.

Waxaa sidoo laga gubay 6 baabuur. Waxaa dagaalkaas lagu qabtay 15 ka mid ah malleeshiyadaas, kuwaasoo la iska sii daayay, ka dibna markii digniin kama denbays ah la siiyay. Waxaa kaloo dagaalkaas lagu qabtay hal baabuur oo uu lahaa qof shacbi ah oo xoog lagu soo kaxaystay, kaasoo baabuurkiisii loo sii daayay isagoo bad-qaba.

22/01/07 Ciidammo gumaysigu leeyahay ayaa yimid magaalada La-helow, waxayna dadwaynaha ka boobeen hanti badan oo kala duwan, iyagoo cagta mariyay wixii cunto ama cabitaan ahaa ee makhaayadaha yaallay. Waxay kaloo ciidammada gumaysigu ka dheceen 2000 oo Bir nin aanaan magiciisa helin.

Waxay sidoo kale ciidammadaasi ku dhaqaaqeen arrin aan hadda ka hor la arag oo ah iyagoo wixii rag magaalada joogay kala baxay dharkii ay qabeen, ka dibna iyagu ay dharkaas xidheen. Arrintan ayaa lagu fasiray iyadoo ciidammada gumaysigu ay doonayaan inay dadwaynaha isu ekaysiiyaan, si ay dadka u khaldaan.

Itoobiya iyo sharikada Petronas oo u heshiiyey baatroolka Ogaadeenya.

Xukuumadda gumaysatada Itoobiya iyo sharikad baatroolka qodda oo laga leeyahay dalka Malleesiya oo lagu magacaabo Petronas ayaa khamiistii isla gaadhay heshiis ku saabsan baatroolka Ogaadeenya, kaasoo ay sheegeen inay isla saxiixan doonaan bisha Maarso ee soo socota.

Heshiiskan ayay xukuumadda gumaysatada Itoobiya sheegtay inuu ku saabsan yahay soo saarista baatroolka, qaabka ay iyada sharikadu u qaysasanayaan wax soo-saarka baatroolka, dhoofinta gaaska iyo sifaynta gaaska Ogaadeenya. Wasiirka xukuumadda Itoobiya u qaabilsan Macdanta iyo Tamarta ayaa sheegay in Sharikada Petronas ay soo jeedisay inay Gaaska oo caydhin ah u qaado Bad leh Dekad, ka dibna ay Markab ku dhoofiso.

Sharikada Petronas waxay heshiiskan ku gashay inay soo saarto baatroolka iyo gaaska Jeexdin iyo Hilala. Waxay sidoo kale heshiis kula gashay xukuumadda Itoobiya inay shidaal ka baadho seddex meelood oo kale uu ku yaalla Ogaadeenya iyo Gambella.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa hadda ka hor u digtay Sharikada Petronas iyo kuwa kale ee shisheeyaha ah ee hungurigu kaga jiro inay shidaal ka qodaan Ogaadeenya, iyadoo u sheegtay in dalka Ogaadeenya uu ka socdo dagaal lagaga soo horjeedo gumaysatada Itoobiya, khayraadka Ogaadeenyana aan la soo saari karin inta ay Ogaadeenya gumaysiga ku jirto.

Kenya oo ka qayb qaadatay afduub loo gaystay dad u xidhnaa.

Xukuumadda dalka Kenya ayaa maleegtay afduub loo gaystay dad badan oo meelo kala duwan laga soo qaqabtay oo in muddo ah dalkeeda ku xidhxidhnaa, kuwaasoo ay gacanta u galisay ciidammada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Maalintii sabtida ahayd ayaa diyaarad gaar ah lagu soo qaaday niman tiradoodu 34 qof gaadhayso, kuwaasoo diyaarada la soo saaray iyagoo gacmaha iyo lugahaba ka xidhan, indhahana laga duubay, waxaana si toos ah gacanta loogu galiyay ciidammada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.

Dadkani waxay isugu jireen dad soomaali ah oo qaarkood watay dhalashooyin kale iyo dad u dhashay wadammo kale. Dadkan qaarkood waxaa maxkamad la horkeeni lahaa shalay isniintii, iyadoo la filayay in maxkamadu sii dayn doonto, ka dib markii ay boolisku keeni waayeen wax caddayn ah oo muujinaya inay ka mid ahaayeen masuuliyiintii Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya.

Dadkan Itoobiya loo gacan galiyay waxaa ku jiray dhalinyaro iyo ganacsato u dhalatay Ogaadeenya, kuwaasoo ay naftoodu hadda khatar ku jirto mar haddii loo gacan galiyay ciidammada nacabka ah ee Itoobiya.

Ciidammada Itoobiya oo dad ku xasuuqay Muqdisho.

Ciidammada Itoobiya ee xoogga ku jooga magaalada Muqdisho ayaa rasaas oodda kaga qaaday shalay isiniitii dadwayne ku bannaanbaxayay, iyagoo dilay ugu yaraan shan qof, tiro kalana dhaawac soo gaadhsiiyay.

Ciidammada Itoobiya waxay rasaasta ku fureen dadwayne ku bannaanbaxay oo dhagxaan ku tuurtuuray iyagoo lug ku dhex maraya nawaaxiga Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho. Afar ka mid ah dadkan rayadka ah ee ciidammada Itoobiya ku xasuuqeen Suuqa Xoolaha ayaa maalintii shalay ahayd oo dhan maydkoodu yaallay jidka dhiniciisa, iyadoo dadka loo diiday inay deegaankaas galaan ama wax dhaqdhaqaaq ah ka sameeyaan. Dadkan maydkoodu jidka yaallay ayaa la sheegay in seddex ka mid ahi ay ahaayeen niman Fuundiyaal ah oo gacanta ku hayay dhismaha guri halkaas laga dhisayay.

Waxaa la sheegayaa in weerarkaas bahalnimada ee ciidammada Itoobiya u gaysteen dadwaynaha rayadka ah ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 qof, oo qaarkood ay dhaawacyadoodu halis yihiin.

Dhinaca kale xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay gacanta ku hayso guddoomiyihii guddiga fulinta ee Golaha Maxkamadaha Soomaaliyeed Sh Shariif Sh Axmed, kaasoo ay sheegeen inuu isu soo dhiibay booliska Kenya ee ilaalada ka haya xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Sh Shariif ayaa la sheegay in loo qaaday magaalada Nairobi, iyadoo la filayo inuu ku sugan yahay huteel lagu ilaalinayo. Maraykanka ayaa labo maalmood ka hor ku dhawaaqay inuu doonayo in ragga qunyar-socodka ah ee ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamka la soo dhaweeyo oo laga qayb galiyo hawlaha dib u-heshiisiinta, isagoo magac dhabay Sh Shariif.

Todobaadka iyo geeska afrika.
---------------------------------------

Midowga Africa oo isku raacay ciidamo loo soo diro Somalia

Kulanka ay madaxda Midowga Afrika ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya dodobaadkii hore ayaa waxa ay ka soo saareen go'aan ah in ciidamo nabad ilaalineed oo Afrikaan ah loogu dirayo Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.

Golaha amaanka iyo nabada ee Midowga Afrika ayaa waxa ay isku raaceen oo ay isla ogolaadeen qorshe sagaal batalyan oo ciidamo ah loogu dirayo Soomaaliya si ugu soo dabaalaan xasilooni, isla markaana ay kala wareegaan Ciidamada Itoobiya.


Mas'uul sare oo u hadlay Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada Afrikaanka ay dalka Soomaaliya joogi doonaan lix bilod ka dibna ay howsha la wareegi doonaan ciidamo ka socda Q.M.

Midowga Yurub ayaa iyagu balan qaaday ilaa 15 milyan oo Yuro ah oo ku baxaya howsha ciidamada nabada ilaalinta.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hada lama hayo wadamo si rasmi ah ugu yaboohay in ay Soomaaliya u soo diri doonaan Ciidamo nabad ilaalineed, marka laga reebo wadanka Uganda. Inkasta oo ay wadamada ay ka midka yihiim Mosabiig iyo Nigeria carabaabeen in ay doonayaan in ay Ciidamo u soo diri doonaan Soomaaliya.


Dowladda Mareykanka oo Cambaareysay Xil ka qaadiditii Shariif Xasan.

Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka ee arimaha Africa haweenayda lagu magacaabo Miss Jendayi Frazer ayaa mar ay ka hadleysay xarunta istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee Washington, sheegtay in xilka qaadista Shariif Xasan ay tahay talaabo aan habooneyn, balse loo baahan yahay dib u heshiisiin.

Mss. Frazer waxa ay kula talisay dowladda Somalia in ay muujiyaan nidaam fur furan oo xal looga raadiyo mushkiladda Somalia.

Waxaa kale oo ay sheegtay in dowladeeda ay xushmeyneyso qaranimada Somalia, laakiin xilka qaadista lagu sameeyay afhayeenka Baarlamanka in ay tahay mid qaldan.

Waxa ay intaasi ku dartay in Mas'uuliyiinta maxkamadaha islaamka ay galaan wada hadalada, iyadoo ku boorisay dowladda in ay la heshiiso xubnaha qunyar socodka ee maxkamadihii laga adkaaday, odayaasha qabaa'ilada, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Eritrea oo ka Digtey Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa ka digey isku dayga in ciidamo Afrikaan ah loo diro Soomaaliiya ay noqon karaan kuwo ku dambeeya guul darro.

Waraysi gaar ah oo uu TV-ga Al Jazeera la yeeshaay Madaxweyne Isaias Afewerki, waxa yiri: weli lama arkin dhammaadkii Maxkamadaha Islaamiga.

Waraysiga Al-Jazeera ayaa Madaxweyne Afewerki waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka qayb qaadatay dagaal aan meelna u socon ama cakiran.

Waxa kale oo uu yiri "Maxkamadaha Islaamiga ah lama jebin, Soomaalida weligeed lama jebin. Dadkii rabey in ay qorshadooda gaarka ah u soo galaan Soomaaliya ayaa naftooda dhex geeyey baylah halis ah." Waxaana uu intaas kudaray in arintani tahay mid cakiran oo uu waqtigu sheegi doono cidda laga guulaystey."

Madaxweyne Afewerki waxa uu dhaliilay awooda Midowga Afrika. Waxana uu yiri: "Waxaan marka hore rabnaa in aan ogaano hawsha loo xilsaaray ciidanka Afrikaanka", isaga oo ku tilmaamay midowga Afrika mid gabay Qaarada Afrika.

Waxa kale oo arrimaha Soomaaliya ka hadlay Dr. Ken Menkhaus oo macallin ka ah jaamacadda North Carolina, oo ku takhasusay Soomaaliya. Qoraal kusoo baxay jariidada Guardian (16/1/2007) oo uu Soomaaliya kaga hadlay waxa uu Dr. Menkhaus yiri: Marka la eego xaaladaha ka jira Soomaaliya, ma adka in la saadaaliyo arrimuhu sida ay noqon karaan.

Professor Ken Menkhaus, waxa uu sheegay in Itoobiya qaar ka mid ah ciidankeeda ay kala bixi doonto Soomaaliya, mana bedeli doonaan ciidaamo tiro ahaan oo ku filan oo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika; DFKMG madaxdoodu ma awoodi doonaan in ay xakumaan Muqdisho, waxaa soo wajahi doona iska caabin, waxayna si degdeg ah ugu laaban doonaan dhanka baadiyaha; waxaana Soomaaliya soo wajahi doona xaalad siyaasadeed oo kala qaybsan.

23 January 2007
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com

RRadio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.