|
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga
itoobiya.
Wariyaha RX uga soo warramada dalka
Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo
badan oo si wayn loogu neefeeyay ciidammada
caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya.
Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
21/02/08 Hunjurri waxaa weerar mir ah loogu
gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, waxaana
la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa
la haynin.
20/02/08 Xaraarey, oo ka tirsan degmada
Dhuxun, waxaa weerar mir ah loogu gaystay
ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas
hawlgal u tegay, waxaana la gaadhsiiyay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Sidoo kale 20/02/08 Karin-bilicille waxaa
lagu miray ciidammo gumaysigu leeyahay oo
joogay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare
ballaadhan oo aan faahfaahintiisa la haynin.
19/02/08 Dagaal ka dhacay Cadaley, oo ka
tirsan Qabridaharre, waxaa ciidammada
gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 6 askari, 4
kalana waa lagaga dhaawacay.
18/02/08 dagaal ka dhacay meesha lagu
magacaabo Goomaar, oo ka tirsan degmada
Shaygoosh, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 18/02/08 dagaal isaguna ka dhacay
Qansaxa, oo Sagag ka tirsan, waxaa cidammada
gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 1 kalana
waa lagaga dhaawacay.
17/02/08 Biya-jiifsiga, oo Dhagaxmadow ka
tirsan, waxaa ciidamada gumayisga lagaga
dilay 1 askari, 1 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 17/02/08 dagaal isaguna ka dhacay
meesha lagu agacaabo Buuqaysa, oo Sagag ka
tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Sidoo kale 17/02/08 cutub ka tirsan CWXO
ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidammo
gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa meesha lagu
magacaabo Waji-xun, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxayna gaadhsiiyeen khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
16/02/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday
ciidammada gumaysiga eek u sugan Gudhis,
waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
15/02/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay
magaalada Dhanaan, waxaana la gaadhsiiyay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
13/02/08 Gol-xun, oo Gudhis agteeda, waxaa
weerar loogu gaystay ciidammo gumaysigu
leeyahay oo deegaankaas hawlgal u tegay,
waxaana laga dilay 2 askari, 2 kalana waa
laga dhaawacay.
Dhibaatooyin kala duwan oo dadwaynaha loo
gaystay.
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa
dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwayne
rayad ah meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka
mid ah.
18/02/08 Ceel-ogaadeen waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen nin dhalinyaro ah oo
Ibraahim lagu magacaabo, kaasoo aanaan
haynin magaciisa oo buuxa. Ninkani wuxuu
ahaa Kirishibey baabuur.
Sidoo kale 18/02/08 waxay ciidammada
gumaysigu haweenay xaamilo ah ku dileen
tuulada Cadaley, oo ka tirsan Qabridaharre.
Haweenaydan waxaa lagu magacaabaa Muxubo
Cali Cumar. Waxay sidoo kale jidhdil ba’an u
gaysteen ninkeeda oo isagana lagu magacaab
Cabdi Sooraan. Cidammada gumaysigu waxay
qoyskan ka gubeen Aqalkoodii, waxay sidoo
kale dileen Dameer ay lahaayeen.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu hanti
kala duwan ka dhaceen dadwayne rayad ah oo
ku dhaqan tuulada Cadaley, kuwaasoo kala ah;
1- Cabdi Saleebaan oo 300 oo Bir laga dhacay
2- Cali Shukri Ubaxle oo 500 oo Bir laga
dhacay iyo
3- Cabdi Baddal oo isagana 400 oo Bir laga
dhacay
Maalin ka hor markii ay taariikhdu ahayd
18/02/08 waxay ciidammada gumaysigu Cadaley
ku kufsadeen gabadh yar oo lagu magacaabo
Fatxa Maxamed Macalin Cumar.
20/02/08 Yaxoob, oo Fiiq ka tirsan, waxay
ciidammada gumaysigu jidhdil iyo dhac isugu
dareen Saalax Sh Yuusuf oo ay jidhdil ba’an
u gaysteen, isla markaana ay ka dhaceen 1
Qori.
16/02/08 waxay ciidammada gumaysigu Dargaamo,
oo Dhanaan ka tirsan, ku xidhxidheen
dadwayne aad u farabadan, waxaana ka mid ah;
1- Maxamed Tamaan
2- Buraale Daahir Cali
3- Maxamed Maxamuud Takhal
4- Idiris Cabdi Guhaad iyo
5- Bashiir Maxamed Raabi
15/02/08 ciidammada gumaysigu waxay Bashuuro
ka soo qaqabteen oo ku xidhxidheen magaalada
Fiiq labo nin oo waayeel ah, kuwaasoo oo
kala ah;
1- Ibraahim Dable oo 70 jir ah iyo
2- C/llaahi oo magaciisa oo buuxa aanaan
haynin oo isaguna 80 jir ah
Isla 15/02/08 waxay ciidammada gumaysigu
hanti kala duwan ka dhaceen dadka kala ah;
1- Maxamed Xaashi Odawaa oo ay ka dhaceen 2
Qori
2- Habane Deeq oo ay ka dhaceen 1000 Bir iyo
3- C/llaahi Daahir oo isagana ka dhaceen 500
oo Bir.
03/02/08 waxay ciidammada gumaysigu
Abaa-qorrow ka soo qaqabteen oo Iimey ku
xidhxidheen dad ay tiradoodu 40 qof
gaadhayso, waxaanan magacyadooda helnay
dadka ka kala ah;
1- Xaali Wali Gaas
2- Gaambiye Nuur Bade
3- Ardo Bile
4- Bishaaro Cabdi-dhuub
5- Aamina Kaabe Qase
6- Faadumo Sh Xuseen
7- Faadumo Muxumed
8- Shukri Cabdi-gaab
9- Xaliimo Caydiid
10- Faadumo Cismaan
11- Shaafi-gaab Mursal
12- Hibo Rashiid oo iyada ay 200 oo Bir ka
dhaceen
13- Mawliid Shariif oo isagana 400 oo Bir ay
ka dhaceen
14- Muxumed Cabdi Xaashi
15- Maxabo Muxumed Baribari oo 300 oo Bir ay
ka dhaceen
16- C/llaahi Xuseen
17- Farxaan Macalin Cabdi
18- Xaawo Cabdi Qaasim
19- Shamis Caydiid
20- Faadumo Cismaan Wali iyo
21- Nuuradiin Cabdi Shariif
Midowga Afrika oo ku baaqay in la
dhammeeyo dhibaatada Kenya
Midowga Afrika ayaa ku baaqay in si dhakhasa
ah loo dhammeeyo dhibaatada ka taagan dalka
Kenya. Midowga Afrika wuxuu dowlada iyo
mucaaradka Kenya ugu baaqay inay isla
gaadheen heshiis lagu soo afjaro muranka
doorashada ka dhashay ee u dhexeeya.
Madaxa Ergada Sare ee Midowga Afrika Jean
Ping ayaa sheegay inuu rajaynayo in labada
dhinac ay heshiis isla gaadhaan toddobaadka
soo socda. Hadda ka hor waxaa la filayay in
wadaxaajoodyada u dhexeeya dowlada iyo
mucaaradka la soo gabagabeeyo shalay
jimcihii, hase yeeshee heshiiskaas ayaa dib
u dhacay.
Dowlada iyo ucaaradku waxay ku heshiiyeen in
Kenya loo sameeyo ra’iisal wasaare ay
qaataan mucaaradku, hase yeeshee waxaa la
isku mari la’yahay awood uu yeelan doono
ra’iisal wasaaruhu.
Dowlada ayaa doonaysa in ra’iisal wasaaruhu
uu qabto hawlo yaryar, balse awooda dalka uu
madaxwaynuhu gacanta ku hayo, arrintaasoo ay
mucaaradku diiddan yihiin.
Mucaradka ayaa dhawr maalmood ka hor ku
dhawaaqay inay dib u billaabi doonaan
bannaanbaxyadii waawaynee haddii ayna
dowladu dabacsanaan ka muujinin
wadaxaajoodyada socda.
23 February 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |