|
Dagaallo badan oo lagu jabiyay gumaysiga.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si
wayn loogu naafeeyay ciidammada saama la-luudka
ah ee gumayisga Itoobiya. Dagaalladu waxay u
dheceen sidatan;
19/01/08 dagaal adag oo ka dhacay
Biya-khadhaadhe, oo ka tirsan degmada Sagag,
waxaa gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 11
kalana waa lagaga dhaawacay.
18/01/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday
ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada
Yucub, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
17/01/08 Cali San-cad, oo degmada Dhuxun ka
tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
gubay hal baabuur oo Uuraal ah, kaasoo ay
ciidammada gumayisga kaga dhuinteen in ka
badan 50 askari.
15/01/08 dagaal ka dhacay Maygaag-dheere, oo
Fiiq ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay
1 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.
14/01/08 waxaa sidoo kale weerar gaadmo ah
loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo
hawlgal u tegay Carra-jiif, oo ka tirsan
degmada Dannood, waxaana la gaadhsiiyay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
13/01/08 dagaal adag oo ka dhacay La-helow
iyo Waafdhuud dhexdooda waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 20 askari, 13 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Intii u dhaxaysay 13 – 18/01/08 waxaa
weerarro mir ah loo gaystay ciidammo
gumaysiga ka socda oo hawlgal u tegay Dusmo,
waxaana weerarradaas loogu gaystay khasaare
aan faahfaahintiisa la haynin. Ciidammada
gumaysiga ayaa Dusmo ka cararay, ka dib
markii weerarradaas aan kala joogsiga lahayn
loo gaystay.
12/01/08 Garbo-qudhun, oo Dhagaxbuur ka
tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay
ciidammo gumaysigu leeyahay, lamana oga
khasaaraha weerarkan ak soo gaadhay.
11/01/08 waxaa weerar mir ah loo gaystay
ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada
Dhagax-madow, waxaana la gaadhsiiyay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Isla 11/01/08 dagaal ka dhacay Xabaal-wadaad,
oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana
waa lagaga dhaawacay. Waxaa sidoo kale isla
taariikhdan weerar gaadmo ah loo gaystay
ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa
Gobayo, oo Fiiq ka tirsan, lamana hayo
khasaaraha gaadhay.
10/01/08 dagaal ka dhacay Dhiddin, oo Doollo
ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 10 askari, 11 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 10/01/08 Ceeley, oo Doollo ka tirsan,
waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay
ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas
hawlgal u joogay, waxaana laga dilay 5
askari, 3 kalana waa laga dhaawacay.
09/01/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar
mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku
sugan magaalada Dhuxun, waxayna u gaysteen
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Sidoo kale 09/01/08 waxaa weerar mir ah lagu
qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhiga
magaalada Gunagado, waxaana loo gaystay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
08/01/08 waxaa weerar mir ah loo gaystay
ciidammada gumaysiga ee fahdigoodu yahay
magaalada Gunagado, waxaana loo gaystay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
06/01/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar ku
qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo
hawlgal u tegay Moordhe, oo Gurdumi u dhaw,
waxayna weerarkaas kaga dileen 3 askari, 2
kalana way kaga dhaawaceen. Isla taariikhdan
kor ku xusan ayaa ciidammada gumaysiga lagu
weeraray Gurdumi gudaheeda, waxaana lagaga
dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga
dhaawacay.
05/01/08 weerar lagu qaaday ciidammada
gumaysiga ee ku sugan Dig, waxaa lagaga
dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 05/01/08 waxaa weerar mir ah loo
gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo
hawlgal u tegay Laas-galool, oo Dhagaxbuur
ka tirsan, waxaana loo gaystay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
04/0108 dagaal ka dhacay meesha lagu
magacaabo Horo-haween, oo degmada Fiiq ka
tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 04/01/08 dagaal isaguna ka dhacay Geed-dheer,
oo Dig u dhaw, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 10 askari, 5 kalana waa lagaga
dhawacay.
Sidoo kale 04/01/08 waxaa Dhukullaale lagu
qabtay askari ka tirsan ciidammada gumaysiga,
kaasoo ka fiigay ciidammadii uu la socday.
Dadwayne gumaysigu meelo kala duwan ku
laayay
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya
ayaa meelo kala duwan oo gobollada
Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne
rayad ah oo aan waxba galabsanin.
19/01/08 Garbo-libaax, oo Iimey ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin
shacab ah oo lagu magacaabo Axmed Muqaddin
Raage.
14/01/08 Fardhiig, oo Qabridaharre ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen labo
nin oo shacab ah oo kala ah;
1- Maxamed Xuseen Bile iyo
2- Nin kale oo magaciisa aanaan haynin.
Sidoo kale 14/01/08 waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen meesha lagu magacaabo
Carra-jiif 6 qof oo shacab ah. Dadkaas
waxaan magacyadooda helnay;
1- Dhagawayne Biixi Wayne iyo
2- Maxamuud Axmed Bile.
Afar qof oo ka mid ah dadka meeshan lagu
laayay waxay ahaayeen safar, waxayna
ciidammada gumaysigu ka dhaceen wixii hanti
ahaa ee ay wateen.
11/01/08 Magaalada Caado waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen Ina Cabdi-Cadde Maxamed
oo magaciisa hore aanaan haynin.
10/01/08 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Uubataale, oo gobolka Doollo ka
tirsan ku dileen nin shacab ah oo lagu
magacaabo Dhabbar Faarax Jaamac.
Sidoo kale 10/01/08 magaalada Garloogube
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen gabadh
lagu magacaabo Xamdi Daahir.
06/01/08 Limaad, oo ka tirsan degmada Godey,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen labo
nin oo dhacab ah, waxayna kala yihiin;
1- Ina Cali Hirmooge oo magaciisa hore
aanaan haynin. Ninkan waxay sidoo kale ka
qaateen Qori BKM ah.
2- Ina Ciise oo isagana magaciisa oo buuxa
aanaan haynin.
Shir lagu qabtay magaalada Toronto ee
dalka Canada
Maalintii sabtida ahayd ee taariikhdu ku
beegnayd 19/01/08 waxaa magaalada Toronto ee
dalka Canada lagu qabtay shir ay isugu
yimaadeen dumarka reer Ogaadeenya eek u
dhaqan magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda.
Shirkan waxaa lagaga hadlayay sidii ay
dadwaynaha reer Ogaadeenya ee deegaankaas ku
dhaqan u sii xoojin lahaayeen taageerada ay
u fidiyaan halganka ay ummadoodu ugu jirto
aaya ka-tashigeeda.
Shirkan waxaa warbixin aad u qiimo badan oo
meelo badan
Taabanaysay ka jeediyay Dr C/raxmaan Yuusuf
oo ka xog-warramay cadaadiska naxariis
darrada ah ee gumaysiga Itoobiya ku hayo
dadwaynaha Ogaadeenya iyo sida ay
cunaqabatayntu u saamaysay nololsha asaasiga
ah ee dadwaynaha.
Waxaa iyaguna shirkan hadallo aad u qiiro
badan oo dhaqaajiyay dareenka ka qayb
galayaasha ka soo jeediyay qaar ka mid ah
hooyooyinkii shirka ka soo qayb galay,
kuwaasoo dadwaynaha ku dhiirri galiyay inay
ka dhidhiyaan dhibka lagu hayo dadkooda,
isla markaana ugu baaqay inay caalamka
gaadhsiiyaan dhibaatada uu gumaysigu ku hayo
dadwaynaha Ogaadeenya.
Shirku wuxuu bogaadin u soo jeediyay madaxda
JWXO iyo CWXO oo dadkooda si fiican uga
caabiyay ciidammada hororka ah ee gumaysigu
soo dhoobay dalka Ogaadeenya.
Wiil lagu magacaabo Dhakool Muxumed Deeq
oo maanta lagu diley Koonfur Afrika
Jan 21, 2008 Maanta abaarihii 11 subanxnimo
ayay tuug hubaysan oo koonfur-Afrikan ahi
weerar kusoo qaadeen tukaan oo wiil Soomali
ahi lahaa oo kuyaala Tuulada Sinoorisbaas oo
u dhow magaalda Capte Town ee Gobolka
Western Cape, waxayna toogasho ku dileen
Alle ha u naxariistee Dhakool Muxumed Deeq
oo tukaanka ka shaqaynayay.
Sida warku sheegayo Dhakool ayaa waddanka
joogay muddo yar oo aan 2 bilood dhanayn.
Alle ha u naxariistee Dhakool ayaa lafilayaa
in Barri maydkiisa lagu aaso magaalada Cape
town.
Toddbaadkii hore ayay ahayd markay dad
Konfur-Afrikan ah oo ka cadhaysan dil loo
gaystay nin tuug ahoo wadanka u dhashay ay
boobeen 32 tukaan oo ganacsato Ssoomaali iai
ku lahaayeen Tuulada Jefresbey oo 70 KM u
jirta magaalda madaxda Gobolka Eastern Cape.
Dhanka kale:magalada Dhagaxbuur ayaa lagu
xidh-xidhey Odey dhaqameedyo. Xadhigan oo
galay maalintii 5aad ee Odayaasha xabsiga
loo taxaabayo ayaa waxa uu ku sal leeyahay
dalab ay saraakiisha Itoobiya iyo Maamulka
dabaqoodhigu ku amreen Odeyaashu in ay
keenaan maleesjiyaad uu u dhan yahay
hubkoodu oo laga horgeeyo Jabahada ONLF
Arinkan ayey Odeyaashu ku gacan sayreeen in
ay ka qaybqaataan, taas oo keentay in
xabsiga loo taxaabo kuwa badan oo iyaga ka
mid ah.
Hadaba waxaa ilaa hada na soo gaadhey
magacayadan oo aaney qaarkood dhameystireyn;
Xaaji Nuur (Waa la sii daayey wax yar kadib)
Maxamad Axmed
Maxamed Xaashi
Magaalada Jigjiga oo wiil oo Ardey ah
guryahooda lagala baxay
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga
ayaa sheegaya in 21-01-08 7:00PM fiidnimo ee
sacada Jigjiga guryahooda lagala baxay 7
Wiil oo Ardey.
Magacayadan wiilashana oo aan dhameystireyn
ayaa waxa naga soo gaadhey 4 ka mid ah oo
kala ah;
Daarood Ismaaciil
Maxamuud
Cabdi Casiis
Cabdi Madoobe Yuusuf
Sida warku sheegayo Cabdi Madoobe Yuusuf
ayaa la soo daayey kadib markii laga qaatey
waraaqaha aqoonsiga.
Magaalada Jigjiga ayey Ciidamada Itoobiya ka
wadaan hawlgalo ka dhan ah dadka shacabka
ah, iyagoo oo maalmahan ay magaaladaas ku
sugnaayeen saraakiil sar sare oo ka mid ah
Xukumada Itoobiya
22 January 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |