Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo 19 January 2008.

Gumaysiga oo kordhiyay cadaadiskii dadwaynaha.
Bannaanbax Itobiya ka dhan oo ka dhacay London
Itoobiya oo diiday astaynta xadka u dhaxeeya iyada iyo Ereteriya.

Gumaysiga oo kordhiyay cadaadiskii dadwaynaha.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa si wayn u kordhiyay cadaadiskii iyo dhibaatooyinkii ay ku hayeen dadwaynaha Ogaadeenya. Ciidammada gumaysigu waxay cadaadiskan kordhiyeen xilli la galay Jilaal adag oo saamayn wayn ku yeeshay nolosha dadwayne badan oo ku nool qaar badan oo ka mid ah gobollada dalka Ogaadeenya.

Ciidammada gumaysiga ayaa hadda billaabay inay fadhiisimo ka samaystaan ilaha biyaha, sida Ceelsha iyo Baraagaha ay dawaynuhu ku nool yihiin. Dhibaatooyinkan ayaa la sheegayaa inay badi dalka saamyeen, hase yeeshee meelaha ugu sii daran waa gobolka Doollo iyo qaybo ka mid ah gobolka Qorraxey.

Ciidammada gumaysiga ayaa dadwaynaha ku soo rogay amar ku baaqaya inaan goobaha biyaha haba yaraatee wax biyo ah laga qaadi karin, iyagoo mamnuucay in gaadiidka dalka laga isticmaalo, sida Awrta, Dameeraha iyo Gawaadhida lagu qaado wax biyo ah.

Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale sii xoojiyeen xayiraadii ay dalka ku hayeen, iyadoo wax gaadiid ah, mid xoolaad iyo mid baabuur-toona, ayna dalka soo gali karin, gudaha dalkana ayna u kal gooshi karin.

Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale gacanta ku dhigeen raashiinkii iyo kaalmooyinkii kale ee hay’adaha caalamiga ahi keeneen, iyagoo mamnuucay in kaalmooyinkaas dadwaynaha loo qaybiyo. Waxaa kaalmooyinkaas loo isitcmaalaa cadaadiska dadwaynaha oo kaliya.

Waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale cadaadis iyo xayiraad ba’an ku hayaan hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan, kuwaasoo la ugaadhsado, isla markaana lagala dagaallamo inay hawlohooda samafal qabsadaan.

Dhinaca kale waxaa dalak Ogaadeenya hadda ku sugan wafti reer galbeed ah oo ay la socdaan suxufiyiin caalami ah, kuwaasoo ku talajiray inay dalkoo dhan soo maraan, isla markaana u kuur-galaan xaaladda ba’an ee dalka ka jirta. Hase yeeshee waftigaas hawshii uu u tegay wali ma guda-galin, iyadoo xukuumadda Wayaanuhu ay u diidan tahay inay ka hawlgalaan arrimaha xuquuqul insaanka iyo dhibaatooyinka dadwaynaha lagu hayo, waftiguna uu ku adkaysanayo inuu hawshaas galo.

Bannaanbax Itobiya ka dhan oo ka dhacay London

Maalintii Arbacada ahayd ee bisha Janaayo 16ka ahayd waxaa magaalada London ee dalka Britain ka dhacay bannaanbax wayn oo looga soo horjeeday xukuumadda Wayaanaha.

Bannaanbaxan, oo ka dhacay ka soo hoorjeedka xafiiska ra’iisal wasaaraha Britain, waxaa soo qabanqaabiyay Golaha Nabadda iyo Xsilloonida Geeska Afrika, waxaana ka soo qayb galay dad u fara badan.

Golaha Nabadda iyo Xsilloonida Geeska Afrika waa Gole ay ku bahoobeen dadyowga ka soo jeeda Ogaadeenya, Oromiya, Eritereya, Soomaaliya iyo Amxaara, wuxuuna ka shaqeeyaa sidii uu beesha caalamka uga dhaadhicin lahaa gumaadka iyo cadaadiska ay xukuumadda Wayaanuhu ku hayso dadyowga ku dhaqan gobolka Geeska Afrika.

Bannaanbaxayaashu waxay wateen boodhadh waawayn oo ay ku qoran yihiin hal ku-dhagyo lagu dhaleecaynayo cadaadiska iyo gumaadka ay xukuumadda Wayaanuhu u gaysato qowmiyadaha ay gumaysato iyo qaska iyo xasillooni darrada ay ku hayso dalalka deriska la ah, sida Soomaaliya iyo Eritereya.

Bannaanbaxayaashu waxay gabagabadii bannaanbaxan warqad cabsho ah u gudbiyeen xafiiska ra’iisal wasaaraha Britain, iyagoo dowlada Britain ka codsaday inay joojiso deeqaha ay siiso xukuumadda Wayaanaha oo ku can baxday cadaadiska dadwaynaha iyo cabudhinta xorriyada iyo dimuqraadiyada.

Itoobiya oo diiday astaynta xadka u dhaxeeya iyada iyo Ereteriya.

Xukuumadda Itoobiya ayaa khamiistii mar kale ku gacan saydhay in la dhammeeyo khilaafka xadka ee iyada iyo Eritereya. Xukuumadda Wayaanuhu waxay diiday in la asteeyo xadka ay la wadaagto Eritereya, waxayna diidmadan ku dhawaaqday, ka dib markii ay dowlaga Eritereya arbacadii ku dhawaaqday inay diyaar u tahay in la billaabo astaynta xadka.

Itoobiya waxay diidanayd in la asteeyo xadka la isku khilaafsan yahay, oo dherarkiisu dhan yahay in ka badan 1000 km, tan iyo markii uu guddiga Qaramada Midoobay go’aamiyay sannadkii 2002 in magaalada Badme la siiyo dalka Eritereya.

Dowlada Eritereya waxay arbacadii sheegtay inay go’aanka guddiga aqbashay, waxayna xukuumadda Wayaanaha ugu baaqday inay ciidammadeeda kala baxdo dhulka Eritereya.

Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada ee xukuumadda Wayaanaha ayaa sheegay in go’aanka guddigu uu yahay wax aan jirin, isla markaana aan la aqbali karin.

Dowlada Eritereya ayaa marar badan ka digtay in xukuumadda Wayaanuhu ay qorshaynayso weerar ay ku qaado dalka Eritereya. Dadka faalleeya xidhiidhka Eritereya iyo Itoobiya ayaa iyaguna ka cabsi qaba in dagaalkii labada dhinac dhex-maray uu mar kale dib u qarxo.


19 January 2007

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.