Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo 18 December 2007.
  • Askar badan oo laga laayay gumaysiga

  • Jaaliyada Ogaadeenya ee Swedan oo shir wayn yeelatay

  • Dad soomaaliyeed oo ku dhammaaday xeebaha Yeman

  • Guurtida Ogadenya ee Wadanka Ingiriiska oo shir iskugu yimid.

  • Wargeyska NY Times oo sheegay in Itoobiya ku qasbeyso dadka shacabka dagaalka ay kula jirto ONLF

Askar badan oo laga laayay gumaysiga.

Dagaallo Khamiistii ka billowday nawaaxiga Galaalshe oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa jab ballaadhan loogu gaystay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladan ayaa ciidammada gumayisga lagaga dilay ilaa iyo 215 askari. Waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay tiro badan oo kale.

Ciidammada gumaysiga waxaa dagaalladan lagaga furtay 55 Qori. Waxaa sidoo kale gumaysiga dagaalladan lagaga gubay afar Baabuur oo waawayn.

Dhawrkii maalmood ee u denbeeyay waxaa dhaawicii ciidammada lagu daldalayay diyaarado Helikobtarro ah, kuwaasoo si is-dabajoog ah nawaaxigaas ugu soo noqnoqonayay.

Jaaliyada Ogaadeenya ee Swedan oo shir wayn yeelatay

Jaaliyada Ogaadeenya ee waddanka Swedan ayaa malintii jimcaha ahayd yeelatay shir wayn oo ay ka qayb galeen dhammaan xubnaha Jaaliyadda. Shirkan, oo ah mid sannadkiiba mar la qabto, ayaa lagu falanqaynayay barnaamijyadii Jaaliyada u hirgalay sannadkan. Waxaa sidoo kale lagu qaadaa-dhigay xaaladda Ogaadeenya iyo qaabka ugu wanaagsan ee Jaaliyadu u gudan karto hawlaha kaga aaddan halganka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay.

Shirkan waxaa warbixin dheer ka jeediyay guddoomiyaha Unugta JWXO ee Swedan oo ka warbixiyay waxyaabihii u qbasoomay Unugta iyo harumarka la taaban karo ee Unugtu sannadku ku tallaabsatay.

Shirkan waxaa khadka tilifoonak kaga qayb qaatay guddoomiye ku xigeenka labaad ee JWXO mudane C/qaadir Hirmooge oo si waafi ah uga warbixiyay halganka Ogaadeenya iyo guulaha waawayn ee CWXO ka soo hoyiyeen ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya. Guddoomiye ku xigeenku wuxuu xubnaha Jaaliyada kula dardaarmay inay dadaalkooda sii labanlaabaan, isla markaana iska ilaaaliyaan shirqoollada uu gumaysigu u maleegayo.

Dad soomaaliyeed oo ku dhammaaday xeebaha Yeman

Wararka ka imanaya dalka Yeman ayaa sheegaya in ugu yaraan 56 qof oo soomaali iyo itoobiyaan isugu jira ay qarqeen xeebaha koonfureed ee dalka Yeman. Dhakhaatiirta aan Soohdinta lahayn ayaa axaddii sheegay inuu xeebaha dhinaca koonfureed ee dalka Yeman ka soo saaray maydka 56 qof oo isugu jira rag, dumar iyo carruur.

Dhakhaatiirta aan Soohdinta lahayn ayaa sheegay inay maydka dadkaas ka soo ururiyeen dhul ballaciisu yahay 5 km oo ku dheraran xeebta magaalada Al-Irqah maalnitii sabtida ahayd. Waxay sidoo kale soo badbaadiyeen 49 qof oo kale.

Dadka la badbaadiyay ayaa sheegay inay ka soo baxeen magaalada Boosaaso seddex maalmood ka hor, isla markaana ay doonayeen inay tegaan dalka Yeman. Dadkan la asoo badbaadiyay waxay sidoo kale sheegeen inay ahaayeen 148 qof, oo 40 dumar ah iyo 5 carruur ahi ay ku jiraan.

Guurtida Ogadenya ee Wadanka Ingiriiska oo shir iskugu yimid.

Maalinimadii axada ee taariikhdu kubeegnayd 16/12/07 waxaa hoolka jalaiyada london kadhacay shir balaaran oo loo qabtay dhamaan indheer garadka & odayaasha reer ogadenia ee kudhaqan wadanka ingiriska.

Shirka ayaa waxaa lagu macsuumay gudoomiyaha JWXO Add max,ed omar osman &madax sar sare oo katirsan Jwxo oo uukamid yahay isku duwaha jaaliyadaha ogadenya mudane max,ed macalin

Gudoomiyaha jaaliyada Ogadenya ee wadanka ingiriiska mudane Taahir xasan C/laahi {Tamuuje} oo shirkaas furay ayaa kusoo dhaweeyay gudoomiyaha jwxo Admiral Maxamed Cumar Cismaan,wuxuuna gudoomiyuhu si waafi ah uga war bixiyay xaalada ogadenia & siyaasada Jwxo ee dibada isagoo daaha karogay guulaha muuqda ee ay ka gaadheen dhanwalba .

gudoomiyaha Jwxo ayaa sidoo kale tilmaamay baahida loo qabo in la helo guurtida ogadenia ee wadanka ingiriiska iyo muhiimada ay leedahay isagoo kubooriyay inay gudi macquul ah dhistaan, odayaasha oo ubadnaa rag magac kuleh bulshada dhaxdeeda ayaa si farxadi kujirto usoo dhaweeyay hindisaha masuliyiinta jwxo Isla markaana cabiray dareen kooda ku aadan halganka & sida ay uga xunyihiin dhibaatada lagu hayo shacbiga aan waxba galabsan ee gumaysiga arxan laawaha ahi ku waxyeelaynayo ogadenia iyagoo kudhaartay inay uhiilinayaan shacbigoda hiil & hoona lagarabtaagan yihiin halganka xaqa ah ee Jwxo hormuudka katahay

Shirka oo sidii logu talagalay udhacay ayaa waxaa lagu doortay gudi kakooban 10 xubnood oo hogaan unqon doonta dadwaynaha reer ogadenia ee wadanka ingiriiska, waxaana halkaas lagu soo gabagabeeyey shirkas,iyagoo ku balamay inay isugu yimaadaan shir kale oo dagdag ah kaas oo lagaga arinsan doono howalaha looga baahanyahay guurtida .

Wargeyska NY Times oo sheegay in Itoobiya ku qasbeyso dadka shacabka dagaalka ay kula jirto ONLF

Waregyska NY Times ayaa warbixino dheedheer oo uu bogiisa hore ku soo daabacey Maalmihii Jimcaha iyo Sabtida ku sheegay in Xukumada Itoobiya dadka shacabka ah ee aan tababareyn ku qasbeyso dagaalka. Dadkan shacabka ah oo ay ka mid yihiin macaliiminta, Dhakhaatiirta, shaqaalaha xafiisyda iyo kuwa ka shaqeeya hay'adaha horumarinta oo ay maalgiyaan Bankiga Aduunka iyo Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa, si ay ula dagaalamaan Jabahada ONLF. Sida laga soo xigtey Diblomaasiyiinta Reer Galbeedka, dadka qaxootiga ah iyo mas'uuliyiin ka mid ahaan jirey Itoobiya oo ka soo carary in aan dagaalka loo kaxeynin.

Itoobiya oo la ildarneyd la dagaalanka Jabahada ONLF, ayaa hadana Ciidamadeedu waxay dagaal dhiig badan ku daatay kula jiraan Soomaaliya, halka ay kumanaan ciidamadeeda ka mid ah ay ku sugan yhiin Xuduuda Eritrea oo laga ayaabo in uu dagaal ka qarxo ayaa hadana dooneysa in ay culeyska Ciidamadeeda soo wajahay iskaga dhinto in dadka shacabka ah la dagaalamaan Jabhada ONLF. Ururada u dooda Xuquuqul insaanka ayaa xukumada Itoobiya aad ugu dhaleeceeyey ku tumashada Xuquuqul Insaanka oo aad u baahsan.

Sida dhawaan lagu helay warbixin , waxa ay mas'uuliyiinta dawlada Itoobiya isagu yeedheen Odey dhaqameedyada, Ganacsatada, Dumarka iyo shaqaalaha dawlada in deegaan waaliba sameeyo "Gudi nabadgelyo" oo ay abaabulaan beelaha ay ka soo jeedaan si ay u baabi'iyaan Jabahada ONLF iyo taageerayaashooda. Dawlada Itoobiya ayaa ONLF ku eedeysa in ay yihiin Urur Argagixiso ah oo geystey dilal iyo qarxisyo, waxa ayna sheegeen in dadka shacabka ahi iskaa wax u qabso isku abaabulaan lana dagaalamaan Jabahada ONLF.

Balse sida ay dad badan cadeeyeen, majiraan wax shacab ah oo iskaa wax u qabso isku abaabulay. Sida uu cadeeyey mid ka mid ah Madaxda shaqaalaha samafalka ee Reer Galbeedka, askarta Itoobiya waxa ay yimaadaan Isbataalada si ay shaqaalaha caafimaadka qasab ugu kaxeeyaan in ay dagaal tagaan, iyaga oo ugu hanjaba qofkii diida in la xiri doono. Tusaale ahaan waxaa meel fagaaro ah lagu soo dhajiyey magacyada shaqaalaha dawlada oo lagu amrayo in ay isa soo xaadiriyaan, sida uu ku waramey mid ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka deegaanka iyo laba ka mid ahaan jirey Maamulka Itoobiya oo hada soo baxsadey. Kuwa badan oo ka mid ah shaqaalaha dawlada oo diidey in ay isa soo xaadiriyaan waxaa la dhigey Jeelka iyada oo qaar ka mid ah la jir diley, waa sida ay ku warameen xubinka ka midka ah Baarlamaanka iyo kuwa ka midka ahaan jirey Maamulku.

Dadka shacabka ah ee dagaalka lagu qasbo waxay ciidamada Itoobiya u adeegsadaan Gadh wadayaal, Xamaali, turjumaan iyo askar, waxaana loo diraa dhulka duurka ah iyaga oo aan lahayn haba yaraatee wax tababar ah si ay ula dagaalamaan Jabahad ku gaamurtey dagaalka dhuumaaleysiga. Dagaaladii ugu dambeeyey waxaa lagu diley qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dawladda, sida ay ku warameen Mas'uuliyiinta reer Galbeedka iyo shaqaalaha hay'adaha samafalku.

"Qof kasta oo u shaqeeya dawlada, sida macalimiinta, Dhakhaatiirka, shaqaalaha Xafiisyada, iyo Maamulayaashu waa in ay ku biraan maleeshiyada" Sidaas waxaa yiri XASAN CABDI XIIS oo ahaan jirey Xisaabiye ka mid ah shaqaalaha dawlada oo hada magan-geliyo weydiisanaya dawlada Kenya, wuxuuna intaas ku darey, sababta uu u soo tagey in ay ahayd in uusan dooneynin in uu dhinto.

Qaar badan oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Reer Galbeedka ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen istaraajiyada cusub ee ay Itoobiya adeegsaneyso, gaar ahaan iyada oo hada la filayey in ay markii ugu horeysay muuqato calaamad tilmaameysa in dhibaatadii bani'aadamnimo ku ekaan doonto xiligan jiilaalka ah.

Bilowga sanadkan waxay Ciidamada Itoobiya go'doomiyeen qaybo aad u badan oo ka mid ah Ogadenia si ay u xadidaan taageerida ONLF, iyaga oo joojiyey ganacsigii iyo isu socodka gaadiika iyo in ay cunto deg-deg ah soo gasho. Mas'uuliyiinta hay'adaha Samafalka ee Reer Galbeed ayaa arintan ka digey in ay keeni doonto macaluul. Kadib, ciiidamada Itoobiya waxay wax yar dabciyeen xayiraadii ay so rogeen, laakiin baadhitaan ay sameysay Hay'adda Badbaadinta Caruurta ee UK waxa ay soo saartey in nafaqa darada haysata Caruurta ay aad u sii korodhey tan iyo intiii ka horeysay xiligii uu bilowday gar-gaarka deg-dega ahi, taas oo aad uga sareysa mida DAFUR ama SOMALIYA, kuwaas oo lagu tilmaamo labada meelood ee ugu liita dhibaatada Africa.

Dabayaaqada Bishiii November, John Homes oo ah qofkii ugu sareeyey ee Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa oo booqda Ogadeniya si uu u soo darso xaalada Ogadeniya, ayaa sheegay "In uu maqley warbixinta ah in shicibka laga dhigayo maleeshiyaad, wuxuuna darsey in ay jirto baahi sii kordheysa sidii lagu heli lahaa shaqaalaha caafimaadka, kuwa xoolaha, iyo dad khibrad u leh sidii lagu qaybin lahaa gar-gaarka uu u baahan yahay Gobolku, kaas oo hada ay ku soo fool leedahay xili jilaal ah.

Mr. Holmes wuxuu intaas ku daray "ma jirto xaalad fara kabax ah hada, laakiin waxaa jirta daneyn weyn oo aad looga baqayo in ay Ogadeniya noqon karto meel xaalad bani'aadamnimo xumi ka dhalato".

Dawlada Itoobiya ayaa iyadu dafirtey, iyada oo sheegtay in aysan jirin wax dhibaato cunto yari ah iyo nafaqo daro toona. Waxayna intaas raacisey in ay tahay dacaayad ay fidinayaan warbaahinta caalamku.

Dhinaca Maleeshiyaadkana waxay ku tilmaantey in beeluhu ama qabaa'iladu iyagu is abaabuleen si ay ula dagalaamanaan ONLF, iyaga oo doonaya in ay is difaacaan.

Sida lagu hayo warbixin ay dawlada Itoobiya qortey oo uu daabacey Maamul Goboleedku, dadka shaqaalaha dawlada ah ee lagu amrey in ay isa soo xaadiryaan si ay ula dagaalamaan Jabhada ONLF, waxaa ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya hay'adaha ay lacagtooda bixiyaan deeq bixiyaayaasha caalamka. Kuwaas oo ay ka mid yihiin Barnaamijka Horumarinta Reer Miyaga oo malaayiin doolar ka hela Bankiga Aduunka iyo Barnaamijka ka hor taga AIDS-ka Itoobiya oo ay qayb ka mid ah maalgeliso Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa iyo hay'ada maal-gelinta la dagaalanka AIDS-ka, Qaaxada iyo Kaneecada. Warbixinta labaad ee dawlada laga helay waxay amar ku bixineysaa 10 ka mid ah shaqaalaha Xafiiska AIDSKA in ay isa soo xaadiriyaan si ay dagaalka u aadaan.

Mid ka mid ah Mas'uuliyiinta dawlada oo xag nab-gelyo awgood u qariyey magaciisa ayaa sheegay in qaybtii uu ka shaqeynayay shaahlihii joogey oo isagu anu kujirin dadka aqoonta leh, kuwa xafiisyada ka shaqeeya, waardiyayaasha iyo Dirawalada dhamaantood lagu qasbey in ay dagaal tagaan oo ay raadsadaan Jabahada ONLF. Wuxuuna intaas ku darey in maleeshiyaadku caqabad ku noqdeen ama hakiyeen marar badan barnaamijka bani'aadamnimo ee ay taageeraysay Jimciyada qurumaha ka dhaxeysay, sidoo kale wuxuu mas'uulkaas sheegay in kuwo badan oo ka mid ah saaxiibadii dagaaladaas lagu soo diley, waayo ma naqaan sida loo isticmaalo qoraha lagu dagaal tago"

Kuwo badan oo ka mid ahaa shacabka Maleesiyaadka laga dhigey waxay sheegeen in xataa lagu qasbo in ay iyagu la yimaadaan qoryahooda. "Waxay ahayd arin aad u xun oo xabsi ah ayuu Yiri CALI MAXAMUUD oo ahaan jirey macalin Dugsi Quraan oo subax ka mid ah laga soo dhuftey fasalkii uu Ardeyda wax ku barayey dhowr bilood ka hor si loogu daro maleeshiyaadka, wuxuu intaas ku darey in marka dagaalku bilowdo hadaad isku daydo in aad Orodo ay Itoobiyaanku ku dilayaan.

Qaar ka mid ah dadka ugu aqoonta fiican ee Gobolku lahaa ayaa waxay doorteen in ay iskaga cararaan, sida Saadiq Maxamed Xaaji Nuur oo ah Dhakhtar wax ku soo bartey wadanka Suudan. Saadiq ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ku amreen in uu qabiilkiisa ka soo aruuriiyo Maleeshiyo, markii uu diidayna ay ku garaaceen qoriga dabadiisa, wuxuu intaas ku darey in uu Ciidamada Itoobiya kala kulmey dhibaato badan, hadana uu magangelyo weydiistey wadanka Sweden

Mas'uuliyiin ka mid ah QM iyo Diblomaasiyiinta Reer Galbeedka ayaa sheegay in ay arinta Maleeshiyaadka si hoose kala xaajoodeen dawlada Itoobiya, laakiin aysan waxba ka odhan Karin si cad oo banaanka ah, iyaga oo ka cabsi qaba in ay Itoobiya joosiso hay'adaha samafalka ah ee Gobolka ka shaqeeya. Waxayna intaas ku dareen in ay ku socdaan khad aad u dhuuban, waxaana dooneynaa in aan xiligan xaadirka ah in aan nolosha bad-baadino ayuu yiri mid ka ah Mas'uuliyiinta QM.
18 December 2007

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

RRadio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.