|
Dagaallo ciidamada cadowga itoobiya lagu
waxyeelleeyay.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si
wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada
caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya.
Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
13/02/08 weerar mir ah ayaa lala beegsaday
ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u
tegay Cawl ku-dhal, waxaana loo gaystay
khasaare aan fahfaahintiisa la haynin.
Isla 13/02/08 waxaa weerar mir ah lagu
qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo
halwgal u tegay Jeerinka, waxaana la
gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
Sidoo kale 13/02/08 dagaal ka dhacay Tukaale,
oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 11 kalana
waa lagaga dhaawacay.
12/02/08 dagaal ka dhacay meesha lagu
magacaabo Dhiya, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4
askari, waxaa kaloo lagaga dhaawacay 2
askari.
Sidoo kale 12/02/08 dagaal ka dhacay
Wabi-yar, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari,
1 kalana waa lagaga dhaawacay.
11/02/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar la
beegsaday kolonyo baabuur ah oo ciidammada
gumaysigu wateen, kuwaasoo marayay Karinka
Solle, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaana inta
la ogyahay ciidammada gumaysiga weerarkaas
lagaga dilay 8 askari, 6 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Sidoo kale 11/02/08 dagaal isaguna ka dhacay
Jarcanyo, oo Fiiq ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari,
1 kalana waa lagaga dhaawacay.
10/02/08 dagaal ka dhacay Sanka Haadaanta,
oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 5 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Isla 10/02/08 weerar lala beegsaday ciidammo
gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Cawl
ku-dhal, waxaa lagaga dilay 3 askari, 5
kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 10/02/08 cutub ka tirsan CWXO
ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada
gumaysiga eek u sugan Bashuuro, oo Fiiq ka
tirsan, waxayna ka dileen inta la ogyahay 4
askari, 5 kalana way ka dhaawaceen.
09/02/08 Bubi, oo Qabridaharre ka tirsan,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 09/02/08 waxaa weerar mir ah loo
gaystay ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu
yahay magaalada Fiiq, waxaana la gaadhsiiyay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Sidoo kale 09/02/08 waxaa mir ah lagu qaaday
ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u
tegay Gudhis, waxaana laga dilay inta la
ogyahay 5 askari, 7 kalana waa laga
dhaawacay.
07/02/08 ciidammo si gaar ah u tababaran oo
ka tirsan CWXO ayaa weerar si fiican loo
qorsheeyay oo mir ah ku qaaday ciidammada
gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada
Galaalshe, waxayna ka dileen inta la ogyahay
15 askari, 12 kalana way ka dhaawaceen.
Ciidammada gumaysiga ee khasaarahan la
gaadhsiiyay ayaa daawanayay cajalad muuqaal
ah xilliga weerarkan lala beegsaday.
Waxyeellooyin kala duwan oo gumaysigu
dadka u gaystay
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa
waxyeellooyin kala duwan u gaystay
dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.
Waxyeellooyinkan, oo meelo kala duwan ka
dhacay, waxay u dheceen sidata;
02/02/08 Jeexdin waxay ciidammada gumaysigu
ku dileen laba nin oo rayad ah oo kala ah;
1- Axmed Aaden Libaax iyo
2- Nin kale oo magaciisa aanaan haynin.
30/01/08 waxay ciidammada gumaysigu
Jiir-gaal, oo degmada Qallaafe ka tirsan, ku
dileen Haajir Cabdi Faarax.
12/02/08 Dhiya, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu jidhdil iyo dhac
isugu dareen dadka kala ah;
1- Ruqiya C/llaahi Dhakaar oo ay 4000 oo Bir
ka dhaceen iyo
2- Saafi C/llaahi Dhakaar oo iyadana 3000 oo
Bir ka dhaceen.
10/02/08 Bashuuro waxay ciidammada gumaysigu
ku dhaceen 3 Qori, waxaana kala lahaa;
1- Faarax Khaliif Dacay
2- Cali Aaqil iyo
3- Cismaan Sh Yuusuf
09/02/08 magaalada Fiiq waxay ciidammada
gumaysigu jidhdil u gaysteen oo meelo badan
ka jajabiyeen nin ka tirsan malleeshiyada
Dabaqoodhiga oo lagu magacaabo Deeq Cumar
Cali.
07/02/08 Mulo, oo Qabribayax ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ka soo qaqabteen
dadka kala ah;
1- Cabdi Axmed Siciid
2- Asad Muxumed Nuur iyo
3- Aaden oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.
Dadkan waxaa lagu xidhxidhay magaalada
Qabribayax.
Isla 07/02/08 Gole-dheere, oo ka tirsan
degmada Dalaad, waxay ciidammada gumaysigu
dhaawac ku gaadhsiiyay haweenay rayad ah iyo
wiil yaroo ay dhashay. Haweenayda waxaa lagu
magacaabaa Qawad C/qaadir. Wiilkeedana waxaa
la yidhaahdaa Xuseen Mursal Yuusuf.
Sidoo kale 07/02/08 Balli-xoodh, oo Iimey ka
tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ka soo
qaqabteen oo Iimey ku xidhxidheen dadka kala
ah;
1- Maxamed Garaad Aaden
2- Nuur Mawsar Aaden iyo
3- Colaad oo magaciisa oo buuxa aanaan
haynin.
05/02/08 magaalada Qabridaharre waxay
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka
kala ah;
1- Raxmo Cabdi Gaas
2- Faarax Cabdi Cumar
3- Daahiro Sh Muxumed iyo
4- Xafsa Dhabbeeye
Isla 05/02/08 Jaaq-dhawr, oo Shilaabo ka
tirsan, waxay ciidammada gumaysigu hanti aad
u badan ka dhaceen dad safarro ah.
Ciidammada gumaysigu waxay safarradan ka
dhaceen 60 Awr iyo rarkii saarnaa. Waxay
sidoo kale xidhxidheen dadkii hantidaas
lahaa oo kala ah;
1- Faysal Cabdi Gurey
2- Dhuux Maxamed Aw Cali
3- Maxamed Cabdi Gaanni
4- C/nuur Cabdi Haybe
5- Khadar Caydiid Cumar
6- Jaamac Nuur Xuseen
7- Xasan Xuseen Cali
8- Sahra C/llaahiCabdi
9- Samiira Maxamed Xuseen
10- Sahra Cabdi Xasan
11- Faadumo Shafeec Maxamed
12- Ina Budul Cumar Gurey oo magaceeda hore
aanaan haynin
13- Ina Maxamed Aw Faarax oo iyadana
magaceeda hore aanaan haynin
14- Maxamed Jeerre iyo
15- Ina Aaden Maxamed oo iyadana magaceeda
hore aanaan haynin
31/01/08 Qallaafe waxay ciidammada gumaysigu
ku xidhexidheen dadka kala ah;
1- Gaandho Muxumed iyo
2- Axmed Muxumed
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd
03/02/08 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Higloley, oo ka tirsan degmada
Haar-cad, ku qasheen 58 Neef oo dadwaynuhu
lahaa. Waxay sidoo kale maalin ka hor 32
Neef ku qasheen tuulada Ceel-ogaadeen.
Wargayska Allafrica oo mushkilada geeska
afrika furaheeda ku tilmaamay xallinta
qadiyadda Ogadenya.
Wargayska caanka ah ee la yidhaahdo
Allafrica ayaa todobaadkan soo daabacay
maqaal dheer oo kaga hadlayo dhibaatooyinka
iyo mushkiladaha geeska iyo bariga
afrika,maqaalkaas ayuu wargaysku daah fur
uga dhigay xallinta qadiyada Ogadenya inay
fure u tahay soo afjarida iyo nabad kusoo
dabaalida geeska iyo bariga Africa.
Wargayska oo hadalkiisi sii wata ayaa
cadeeyey in ganacsadayaal badan oo iskaga
kala goosha bariga iyo geeska Africa ay
dareen walaac ka muujiyeen hardanka u
dhaxeeya dowlada gumaysiga itoobiya iyo
Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadenya,iyagoo
ku tilmaamay inuu hardankaas iyo dagaaladaas
u dhaxeeya itoobiya iyo ONLF ay saamayn wey
ku yeelatay baayacmushtarkooda iyo nolol
maalmeedkoobada,waxayna ganacsadayaashaasi
caalamka ugu baaqeen inay xalliyaan qadiyada
Ogadenya haday nabad ka doonayaan bariga iyo
geeska afrika.
Iska indha tirka caalamku iska indha tirayo
qadiyada Ogadenya iyo xalinteeda ayay ku
tilmaameen mid aan xal ukeenaynin
mushkilaada geeska iyo bariga Africa.
16 February 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |