|
|
|
|
|
|
|
Wararka Radio Xoriyo ee maanta Jan 16, 2007 |
|
-
Ogaadeenya:
Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu naafeeyay.
-
Dadwayne
uu cadowgu ku xidhxidhay meelo kala duwan.
-
Weerarro
lala beegsado ciidammada Itoobiya.
-
Qubanaha
Soomaaliya.
-
Barnaamijkii Kadeedka Gumaysiga iyo Goaanka Geesiga(N/hure
Dhabuuke).
-
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Nolosha iyo Khaatuma
Xumaada Dabaqodhiga).
|
Ogaadeenya:
Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu naafeeyay.
Wariyaha RX uga soo warrama xarunte dhexe ee
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ee
gudaha dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay
dagaallo badan oo cidammada gumaysiga
Itoobiya si wayn loogu naafeeyay, kuwaasoo
ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka
mid ah. Dagaalladaasi waxay u dheceen
sidatan;
Markii taariikhdu ahayd 12/01/07 waxay
ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee
xoreynta Ogaadeenya hawlgallo millatari oo
taxane ah ka fuliyeen magaalooyinka
Qabridaharre, Garbo iyo Haarcad.
Magaalada Qabridaharre waxay ciidammada
xoreyntu hawlgalladooda la beegsadeen
Buundada iyo Xerada Gaaska Qabridaharre.
Xerada Gaaska marka hawlgalkan laga fuliyay
waxaa ku sugnaa saraakiil sarsare oo uu ka
mid yahay ganaraal Mulgeto iyo qaar ka mid
ah maamul ku sheegga cadowga u adeega ee
soomaalida ah. Xeradan waxaa lagu garaacay
hub culsu, waxaana loo gaystay khasaare aad
u ballaadhan oon faahfaahintiisa hadda la
haynin.
Ciidammada gumaysiga ayaa sidii caadada u
ahayd wuxuu ku gadooday dadwaynaha rayadka
ah ee ku dhaqan magaalada Qabridaharre,
waxaana labadii maalmood ee weerarkaas xigay
magaalada laga xidhxidhay dadwayne aan waxba
galabsanin oo tiradoodu 23 gaadhayso.
Isla 12/01/07 waxay cidammada sida gaarka ah
u tababaran ee xoreynta Ogaadeenya weerar
mir ah ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee
fadhigoodu yahay agaalada Garbo, waxayna
ciidammada xoreyntu gacanta ku dhigeen gabi
ahaanba saldhigii ciidammada gumaysiga ee
Garbo.
Waxaa ciidammada gumaysiga hawlgalkaas
lagaga furtay 41 Qori, oo 4 ka mid ah ay
yihiin nooca loo yaqaano BKM. Waxaa sidoo
kale laga furtay raadyihii isgaadhsiinta.
Waxaa iyagana xeradaas dhexdaada laga soo
qabtay 36 ka mid ah maamul ku sheegga
soomaalida ah ee cadowga la shaqeeya,
kuwaasoo markii xaaladdooda loo kuur-galay
la sii daayay 30 ka mid ah. Waxaa denbiyo ay
dalka ka galeen loo hayaa 6 nimankaas ka mid
ah oo hadda maxkamad sugayaal ah.
Isla taariikhdaas kor ku xusan waxay
ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerar ku
qaaden xero ay koox Dabaqodhi ahi ku
lahaayeen magaalada Haarcad, waxaana gacanta
lagu dhigay dhammaanba kooxdii Dabaqoodhiga
ahayd ee dhibka dadwaynaha halkaas u joogay.
Markii baadhis dheer lagu sameeyay waxaa
kooxdaas Dabaqoodhiga ah loo fidiyay cafis,
hase yeeshee waxaa laga reebay hubkii iyo
qalabkii cadowgu soo siiyay oo uu ku jiro
raadyihii isgaadhsiinta.
10/01/07 Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa
sidoo kale weerar mir ah ku qaaday
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay
magaalada Fiiq, waxaana weerarkaas
ciidammada gumaysiga lagaga laayay askar
badan oo tiradooda dhabta ah aanaan haynin,
hase yeeshee la xaqiijiyay inay ku jiraan 4
sargaal. Waxaa sidoo kale dhaawac xun soo
gaadhay oo lug ay ka go¢day sargaalkii
haystay ciidammada gumaysiga ee Fiiq.
05/01/07 Waxay ciidammada xoreyntu weerareen
baabuur oo cadowgu lahaa oo marayay Qarsoodi,
waxaana cadowga weerarkaas lagaga gubay hal
baabuur, iyadoo baabuurkaas iyo wixii
saarnaaba ayna waxba ka bixin.
04/01/07 Magaalada Maraacaato wuxuu iska
horimaad ku dhex maray cutub ka tirsan
ciidamada xoreynta Ogaadeenya iyo koox
Dabaqoodhi ah oo halkaas ku sugnaa. Kooxdii
Dabaqoodhiga ahayd waxaa laga dilay labo,
midna waa laga dhaawacay.
Waxaa kaloo iska horimaadkaas ku geriydooday
Alla ha u naxriisteen wiil ka mid ah
shacabka magaalada. Waxaa sidoo kale ku
dhaawacntay gabadh ay wiilka walaalo yihiin.
Aad ayaan uga xunahay dhacdadaas, waxaanan u
tacsiyaynaynaa qoyskii iyo ehaladii
dhibaatadu soo gaadhay.
03/01/07 Ciidammada Xoreyta Ogaadeenya ayaa
kolonyo ciidammada Itoobiya ah waxay Miino u
dhigeen meel Bukudhaba duleedkeeda ah, ka
dib ciidammadii gumaysiga ayaa Miinadii
arkay oo ku soo ururay. Markaas ka dib ayay
ciidammada xoreyntuna ku qarxiyeen Miinadii
iyagoo adeegsanaya rimuutka wax lagu hago,
waxaana halkaas cadowga kaga dhintay 15
askari, 19 kalana way kaga dhaawacmeen.
02/01/07 Dagaal ka dhacay Laan-jaleelo waxaa
cadowga lagaga dilay 9 asari oo uu ku jiro
hal sargaal.
01/01/07 Dagaal isaguna ka dhacay Karinka,
oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa cadowga dilay
7 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 01/01/07 Dagaal culus oo ka dhacay
Garwaan, oo u dhaw Nusdariiqa, waxaa
ciidammada cadowga lagaga dilay in ka badan
45 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay
50 askari.
30/12/06 Weerar mir ah ayay ciidammada
xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidammada
gumaysiga ee fadhiya magaalada Awaare,
waxayna u gaysteen khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
Isla 30/12/06 Magaalada Gurdumi waxaa lagu
qaqabtay koox Dabaqoodhi ah, ka dibna cafis
ayaa loo fidiyay oo waa la sii daayay, hase
yeeshee waxaa laga qaaday qoryihii iyo
qalabkii millatari ee lagu soo hubeeyay.
31/12/06 Dagaal ka dhacay magaalada
Shaygoosh waxaa ciidammada saama la-luudka
ah ee gumaystada Itoobiya lagaga dilay 6
askari.
Dadwayne uu cadowgu ku xidhxidhay meelo
kala duwan
Ciidammada nacabka ah ee gumaysga ee
Itoobiya ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya
ayaa meelo kala duwan ku xidhxidhay dadwayne
rayad ah oon waxba galabsanin.
Markii ay taariikhdu ahayd 29/12/06 waxay
ciidammada gumaysigu magaalada Qabridaharre
ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Samsam Sh Saafi
2- Axmed Xuseen Cismaan
3- Khadar Cabdi
4- Khaliif Dhagjar
5- Muxumed Cabdi Isteerin
6- Muxumed Kirish
7- Muxumed Cabdi Geeddi iyo
8- Nin Muxumed lagu magacaabo oo magiciisa
oo buuxa aanaan helin.
30/12/06 wuxuu cadowgu sidoo kale magaalada
Dhagaxmadow ku xidhxidhay dadka kala ah;
1- C/raxmaan Xaaji Axmed sheikh
2- C/shakuur Car-ka-lali iyo
3- Nimco Cabdiqani oo iyada jidhdil xun loo
gaystay.
01/01/06 magaalada Kurtun waxay ciidammada
guaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Fardowsa Maxamed
2- Maxamed Cumar
3- Nuur Ciise Girrise
4- Fardowsa Maxamuud Dhogor
5- Xuseen Mataan
6- Bureeqa Maxamed
7- Maryan oo magaceeda oo buuxa aanaan
haynin iyo
8- C/qani Bile Cali Aaden
Dhinaca kale waxaa jira qorshayaal uu
cadowgu hadda billaabayo oo ah in dib loo
huriyo colaadihii qabaa¢ilka, iyo in dadka
qabiilooyin loo kala qaybiyo, iyadoo qabiilo
walba lagu qasbayo inay qabato shirar ay ku
go'aaminayso inay JWXO la dagaallamayso.
Waxaa sidoo kale qabiilooyinka lagu qasbayaa
inay ururinayaan xoolo la siiyo ciidammada
gumaysiga ee qabsaday dalka Somaaliya. Waxaa
ilaa iyo hadda xoolo cadowga u gudbiyay
gobollada Doollo iyo Qorraxey. JWXO waxay
dadwaynaha ku guubaabinaysaa inay
qorshayaashaas ka hortegaan oo ku gacan
saydhaan xoolaha sida qasabka ah looga
ururinayo ee lagu quudinayo ciidammada
cadowga ah ee qabsaday dalka iyo dadka aan
walaalaha nahay ee Soomaaliya.
Muqdisho: Weerarro lala beegsado
ciidammada Itoobiya
Ciidammada Itoobiya ee xoogga ku jooga
magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa
si joogto ah loola beegsadaa weerarro kala
duwan, iyadoo sidoo kale la ugaadhsado
saraakiishooda isku daya inay seexdaan
hudheellada magaalada ku yaalla.
Habayn hore waxaa weerar lala beegsaday
ciidammo Itoobiyaan ah oo marayay Jidka
Warshadaha ee magaalada Muqdisho, waxaana
weerarkaas lagaga gubay ugu yaraan labo
baabuur oo Uuraal ah, iyadoo wixii
baabuurtaas saarnaa la filayo inay ku
dhinteen.
Waxaa sidoo weerarro lala beegsaday ciidammo
kale oo Itoobiyaan ah oo u soo gurmaday
ciidammada lagu helay Jidka Warshadaha,
kuwaasoo iyagana la gaadhsiyay khasaarooyin
kala duwan.
Ma aha markii ugu horraysay ee ciidammada
Itoobiya lagu weeraro magaalada Muqdisho
dhexdeeda. Waxaa marar badan oo hore lagu
weeraray nawaaxiga km4 iyo meelo kale oo
magaalada ka mid ah.
Markii ay bateen weerarrada loo gaysto
ciidammada Itoobiya ee ku sugan magaala
madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa la
xayiray gaadiidkii magaalada ka dhex
shaqaynayay, waxaana dabaabadaha ciidammada
gumaysiga la dhoobay meelaha muhiimka ah oo
dhan.
Qubanaha Soomaaliya:
Kenya oo ciidammo u raadinaysa dalka
Soomaaliya
Dowlada Kenya ayaa ku jirta dadaal ay
cidammo Afrikaan ah ugu raadnayso dalka
Soomaaliya, si ay uga shaqeeyaan sugidda
nabadda iyo kala denbaynta, kuwaasoo lagu
beddali doono ciidammada gumaysiga Itoobiya
ee hadda xoogga ku haysta badi dalka
Soomaaliya.
Madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa
toddoba dal oo Afrikan ah u diray wasiirro
dowladiisa ka tirsan, waxayna wasiirradaasi
dalalka loo diray ka soo dhaadhicin doonaan
inay ku yabohaan ciidammo nabad ilaalin
loogu diro dalka Soomaaliya.
Dowlada Kenya waxay xillagan haysaa
madaxtinimada urur goboleedka IGAD, sidaas
darteed waxay ka shaqaynaysaa sidii ay
hormuud uga noqon lahayd qorshaha ciidammo
loogu dirayo dalka Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda waxaa ciidammo loo diro
Soomaaliya ku yaboohay dalka Uganda oo
kaliya, hase yeeshee isaguna wuxuu wali
sugayaa in qorsha cidammada iyo hawlohoodaba
faahfaahin cad laga siiyo.
Dowalada Soomaaliya oo xidhay Idaacado
kala duwan
Dowlada Soomaaliya ayaa isniintii soo
saartay go'aan ay ku xidhayso idaacado iyo
tilifishino xafiisyo ku leh agaalada
Muqdisho. Dowladu waxay mamnuucid ku soo
rogtay Idaacadaha Horafrik, Shabeelle,
Idaacadda Quraanka Kariimka ah iyo xafiiska
tilifishinka iyo raadyaha Al Jazeera ee
magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Hay¢adda Nabad Sugidda
Qaranka ee dowlada ku meelgaadhka ah ee
Soomaaliya ayaa isniintii loo qaybiyay
idaacadahan, iyadoo masuuliyiinta
idaacadahaas iyo xafiiska tilifishinka Al
Jazeera lagu amray inay xafiiska Hay¢adda
yimaadaan maanta oo talaado ahayd.
Xidhitaanka idaacadahan ayaa loo cuskaday
xukuknkii degdegga ahaa ee dalka Soomaaliya
lagu soo rogay dhawr maalmood ka hor, kaasoo
awood ballaadhan siinayay madaxaynaha ku
meelgaadhka ah.
Ma aha markii ugu horraysay ee dowlada ku
meelgaadhka ah ee Soomaaliya ay irridaha u
xidho idaacado ku yaalla meelaha ay ka
taliso. Waxay dhawaan xidhay Idaacada
Shabeelle ee Baydhabo iyo idaacad kale oo
maxalli ah oo ka soo bixi jirtay magaalada
Baydhabo.
Dadka daneeya saxaafadda ayaa arrintan aad
uga walwasan, isla markaana ka cabsi qaba in
dowladu ay cabudhiso saxaafadda oo intii
hadda ka horraysay ahayd jihada kaliya ee ka
nabad gashay qulquladihii siyaasadeed iyo
ammaan darradii dalka ka jirtay muddadii
dagaallada sokeeye ka spcdeen dalka
Soomaaliya.
Itoobiya oo lagu caddeeyay been ay ka
sheegtay dagaalka Soomaaliya
Waddanka Britain ayaa sheegay in xukuumadda
Itoobiya ay wax caddayn ah u wayday hadal ay
hadda ka hor caalamka u sheegtay oo ahaa
inay dagaalka Soomaaliya ku qabatay rag
haysta dhalashada dalka Britain.
Dowlada Britain ayaa xukuumadda Itoobiya ka
codsatay inay tusto dadka Biritishka ah ee
ay sheegtay inay dagaalka ku qabatay ama ay
soo bandhigto caddayn arrintaas mujinaysa,
hase yeeshee xukuumadda Itoobiya ayaa
arrintaas ku guul darraysatay.
Kaligii taliye Meles Zenawi ayaa warbaahinta
caalamka u sheegay in ciidammadiisu ay
gacanta ku dhigeen rag haysta dhalashada
Britain oo ka qayb qaadanayay dagaalladii ay
Maxkamaduhu kula jireen.
Arrintan ayaa muujinaysa sida uu Meles isugu
dayayo inuu dunida ka dhaadhiciyo wax aan
jirin, si uu marmarsiinyo ugu helo
duullaanka gardarrada ah ee uu ku qabsaday
dalka Soomaaliya.
Masar oo soomaalida isu keenaysa
Dowlada Masar ayaa qorshaynaysa shirwayne
caalami ah oo dalkeeda lagu qabto, kaasoo
lagaga hadlo arrimaha Soomaaliya, ka dib
isbedalladii xoogga lahaa ee ak dhacay dalka
Soomaaliya.
Dowladda Masar ayaa sheegtay inay ku
guda-jirto xidhiidho ay la samaynayso
kooxaha kala duwan ee somaalida, dowlada ku
melgaadhka ah, dalalka deriska la ah
Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee daneeya
arrimaha Soomaaliya.
Shirwaynahan ayaa lagu falanqayn doonaa
sidii loo dardar galin lahaa hawlaha
siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada
loogu jiro in nabad iyo xasillooni laga
dhaiyo dalka Soomaaliya.
Shirwaynahan waqti looma cayimin, hase
yeeshee waxaa lagu talajiraa in
toddobaadyada soo socda lagu qabto magaalada
Qaahira.
Dhaqdhaqaaqa Masar ayaa yimid ka dib markii
ay isbedallo lixaad leh ka dheceen dalka
Soomaaliya ee xukuumadda Itoobiya ay
faragelinta ciidan ee qaawan ku samaysay
Soomaaliya, isla markaana ay iyada iyo
xulufadeedu u itaal-sheegateen maamulkii
maxkaadaha ee dalka ka talinayay.
16 January 2007
Axmed Geel-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |
|
|
|
|