|
Qarax wayn oo ka dhacay magaalada Jigjiga
Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa
sheegaya in qarax wayni uu magaalada ka
dhacay habaynimadii axddu soo galaysay.
Qaraxan ayaa la sheegayaa in lala beegsaday
guri degganaa sargaal u dhashay qowmiyada
Tigreega.
Sida warku sheegayo qaraxaasi wuxuu
baabi'yey dhismihii gurigaas, waxaana
goobtii ku naf-waayay labo qof oo mid
haweenay ahayd iyo carruur uu dhalay ninka
sargaalka ah. Waxaa sidoo kale dhaawac halis
ahi soo gaadhay sargaalkaas Tigreega ah iyo
xaaskiisii.
Markii uu qaraxani dhacay ayaa magaalada
lagu soo daadiyay ciidammo gumaysigu
leeyahay oo aad u badan, kuwaasoo baadhis
ballaadhan ku sameeyay dadkii magaalada
degganaa. Waxay sidoo kale ciidammada
gumaysigu damiyeen korontadii magaalada.
Ninka ugu sarreeya saraakiisha Tigreega ah
ee ku amar ku-taagleeya dalka Ogaadeenya
ayaa aroornimadii axadda ahayd si qasab ah u
shiriyay dadwaynaha deggan xaafadda uu
qaraxu ka dhacay, wuxuuna dadwaynaha ugu
hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadayo
haddii ay soo sheegi waayaan cidda soo
martida ama booqasho ugu timaada.
Qaraxan ayaa ah midkii seddexaad ee muddo
gaaban gudeheed loo gaysto saraakiisha
Tigreega ah iyo sirdoonkooda ku sugan
magaaalada Jigjiga. Ma jirto cid ilaa iyo
hadda sheegatay inay qaraxan ka denbaysay.
Eritereya: Itoobiya oo diyaargarow ku
jirta.
Shan askari oo ka soo goostay Itoobiya oo
dhawaan soo gaadhay dalka Eritereya ayaa
shaaca ka qaaday in xukuumadda Itoobiya ay
diyaargarow ballaadhan ku jirta, isla
markaana ay ciidammo la soo xasuuqay ka soo
buuxisay xadka ay la wadaagto dalak
Eritereya.
Askartan, oo naftooda la soo cararay, ayaa
sheegay in Itoobiya ay ku hawllan tahay
tababarka ciidammo cusub oo intooda badan la
soo xasuuqay, isla markaana ay ku dhaqmayso
siyaasad colaad ku dhisan. Askartani waxay
kaloo intaas ku dareen in askarta cusub lagu
soo ururiyay furinta hore, isla markaana
askartii hore lagu maray inay toogtaan qof
kasta oo askarta cusub ka mid ah oo isku
daya inuu baxsado ama dagaalka ka soo cararo.
Mid ka mid ah askartan soo goosatay oo lagu
magacaabo Cabdi C/llaahi Maxamed ayaa
sheegay inuu ka mid ahaa waxa loogu yeedho
booliska Ogaadeenya, hase yeeshee loo soo
taxaabay furinta. Ninkan ayaa warbaahinta u
sheegay inuu goobjoog u ahaa falal naxariis
darro ah oo askarta Itoobiya ay u gaysteen
dadwayne rayad ah oo reer Ogaadeenya ah.
Falalkan waxaa ka mid ahaa buu yidhi kufsi,
carruur jidhdil lagu sameeyay iyo dil
naxariis darro ah oo loo gaystay haweenay
uur leh. Wuxuu kaloo tilmaamay in 13 xubnood
oo qoyskiisa ka tirsanaa lagu laayay gobolka
Doollo.
Nin askartan ka mid ah oo lagu magacaabo
Cali Wahil Tola ayaa isaguna sheegay in
askarta taliska TPLF uu si wayn uga shakisan
yahay askarta ka soo jeedda qowmiyada
Oromada, sidaas darteed ay dhaqdhaqaaqooda
si joogto ah ula socdaan.
Kenya oo diiday dhexdhexaadiyayaal
caalami ah
Dowlada Kenya ayaa ku gacan saydhay in
dhexdhexaadiyayaal caalami ahi ay gacan ka
gaystaan xal u-helista dhibaatada ka
dhalatay doorashadii la isku khilaafay.
Wasiir ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa
sheegay inaan loo baahnayn in xoghayihii
hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan uu
booqashu ku tego dalka Kenya maalinta
talaadada ah, si uu mar kale u
dhexdhexaadiyo dowlada iyo mucaaradka.
Waxaa toddobaadkii hore lagu guul darraystay
dadaal uu horkacayay madaxwaynaha Ghana John
Kufuor oo lagu baadi goobayay is-afgarad
dhex-yimaada madaxwayne Kibaki iyo
hoggaamiyaha mucaaradka Odinga.
Ilaa iyo 700 oo qof ayaa ku dhintay
xiisadihii ka dhashay khilaafka doorashada.
Waxaa kaloo guryohoodii ka qaxay ilaa iyo
250,000 oo qof.
Waxaa xiisadahan awgood hal toddobaad dib
loogu dhigay furitaankii dugsiyada dalka
Kenya oo qorshuhu ahaa in dib loo furo
isniintii, ka dib markii laga soo noqday
fasixii sannadka cusub.
Xaaladda dalka Dalka Kenya ayaa aad u kacsan,
iyadoo ay ugu wacan tahay mucaaradka oo
bannaanbaxyo seddex maalmood ah billaabi
doona barri arbacada, iyadoo al filayo in
booliskuna uu gacan bir ah kala hortagi
doono bannaanbaxyadan.
Ciidamada Komandooska ONLF oo hawlgal ka
fuliyey Dhagaxmadow.
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada
Dhagaxmadow ayaa sheegaya in habeen hore ay
Ciidamada Komandooska ee ONLF hawgal
qorsheysan ka filiyeen magaaladaas.
Hawlgalkaas ayey Ciidamada ONLF ku dileen
sargaalkii ugu sareeyey Ciidmaada Tigeerga
iyo ku xigeenkiisii. Waxaa sidoo kale
goobtaas lagu diley labo ka mid ah
ilaaladooda.
Dhanka kale dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo
Oromada ayaa waxa uu ka dhacey Magaalada
Diri dawa. Dagaalkan oo bilowdey markay
saacada Diri Dhaba ahayd12:00 duhurnimo ayaa
yara qaboobey, qiyaastii 1:30 duhurnimi,
kadib markii ay Ciidamada Milatariga
Itoobiya soo kala dhex galeen, inkasta oo
xabadu si goos goos ah u dhaceyso.
Dagaalkan ayaa waxa uu salka ku hayaa
lahaanshaha Magaalada Diri dhaba iyo cidii
kasoo bixi lahayd doorashooyinka soo socda.
Dhawaac aad utiro badan oo labada dhinac soo
kala garey ayaa jira, balse ilaa hada ma
hayno tiro sugan.
Haweenka xaafadaha Jigjiga oo ay
saraakiisha Tigreegu Shir degdeg ah u
qabteen.
Magaalada Jigjiga oo ka kooban 8 xaafadood
ayaa shalay waxay saraakiisha Tigeegu shir
deg-deg ah ugu yeereen dumarka degen
Xafaadaha Magaalada.
Shirkan oo ka dhacey xarunta Maamulka iyo
Maareynta ayaa waxaa hogaaminayo ninka lagu
magacaabo Wolda Adwa oo ah ninka Gumeysiga
Itoobiya u soo dirsadeen Ogadeniya. Mr.
Wolde Adwa isaga oo ku hadlaya luuqada
Axmaariga ayuu hadalkiisii ku bilaabey "Nimanka
suuqa Jigjiga ku dhex dhafoorinaaya shacka
bka Tigreega ah waxaa garabsiinaaya Dumarka
xaafadahooda kireeya"
Mr. Wolde waxa uu hanjabaad ku bixiyey in
talaabo laga qaadi doono qofkii aanan hubsan
cida uu ka kireynayo gurigiisa.
Magaalada Jigjiga ayaa waxay sirdoonka
Itoobiya ku sii dhexdaayeen dhalinyaro
gaareysa qiyaastii 350, kuwaas oo loogu
talagalay in ay soo jaajuusaan cida ay ku
tuhmaan Ururuka ONLF. Dhalinyaradan ayaan
haba yaraatee wax mushaar ah loo qorin,
waxaana lagu qanciyey in ay ka mid yihiin
xisbiga talada Maamulka haya, waxaana loo
sheegay in ay mustaqbalka ka mid noqon
doonaan gudiga fulinta.
Sida warku sheegayo dhalinyaradan ayaanan u
hawlgelin sidii ay sirdoonka Itoobiya
filayeen, waxayna intooda badan door bideen
in ay danahooda raacdaaan, kadib markii ay
fahmeen ujeedada ka dambeysa shaqada loo
direy oo ah cidhintirka dadka dadkooda.
Dhinaca kale, xafiiska Maaliyada ee Maamulka
Dabaqoodhiga ayaa maanta oo Sabti ah
mushaarkii ka joojiyey 950 qof oo ka
shaqeeya Gobolka Jigjiga, kuwaas oo looga
baqayo in ay ku biiraan xoogaga ONLF, ayaa
maanta khal-khal badan gelisay intii ka soo
horjeeday ONLF
Radio Xoriyo
15 Jenuary 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |