|
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si
wayn loogu jabiyay cidammada saama la-luudka
ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi
waxay u dheceen sidatan;
07/01/08 dagaal aad u adag oo ka dhacay
Goosay-waab, oo u dhaw magaalada Qorile ee
degmada Dannood, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 16 askari, 9 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 07/01/08 dagaal ka dhacay Caano-kulul,
oo ka tirsan Godey, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 7 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 07/01/08 dagaal ka dhacay meesha
lagau agacaabo Gabro-dheer waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 6 kalana
waa lagaga dhaawacay.
06/01/08 dagaal ka dhacay Gol-shabeel, oo ka
tirsan degmada Sagag, waxaa ciidammada
gumayisga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana
waa lagaga dhaawacay.
05/01/08 Boholaley, oo ka tirsan Dhagaxbuur,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 0501/08 dagaal ay CWXO iyo kuwa
gumaysigu iskaga horyimaadeen meesha lagu
magacaabo Hinsaraarka waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 9 askari.
Sidoo kale 05/01/08 dagaal aad u qallafsan
oo ka dhacay Gujiska, oo ka tirsan degmada
Dhagax-madow, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 30 askari, waxaa sidoo kale
lagaga dhaawacay 21 askari.
04/01/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar
mir ah ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay,
oo ku sugnaa Isku-dhoonka, oo u dhaw
magaalada Qorile ee degmada Dannood, waxayna
u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
Isla 04/01/08 waxaa weerar lala beegsaday
ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa
Madax-adhi, oo Qorile u dhaw, waxaana lagaga
dilay 3 askari.
03/01/08 Dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku
dhex maray Garrida, oo Galaalshe ka tirsan,
waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga
Itoobiya lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa
lagaga dhaawacay.
Isla 03/01/08 dagaal isaguna ka dhacay
meesha lagau magacaabo Glaalaha, oo ka
tirsan degmada Galaalshe, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 2 kalana
waa lagaga dhaawacay.
03/01/08 dagaal isaguna ka dhacay Waafdhuug,
oo ka tirsan gobolka Doollo, waxaa
ciidammada gumayisga lagaga dilay 3 askari.
Sidoo kale 31/12/07 dagal adag oo ka dhacay
Laan-jaleelo, oo u dhaxaysa caado iyo
Dannood, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 12 askari, 3 kalana waa lagaga
dhaawacay inta la ogyahay.
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay
dadwaynaha.
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa
waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne
rayad ah. Waxayeellooyinkan ayaa isugu jira
dil, xidhay, jidhdil iyo dhac.
07/01/08 ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa
Goosay-waab, oo u dhaw magaalada Qorile e
degmada Dannood, ku dilay nin shacab ah oo
lagu magacaab Daahir Cabdi Hoorri
05/01/08 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Qamuuda ku dileen nin wadaad ah oo
lagu magacaabo Sh C/llaahi.
03/01/08 waxay ciidammada gumaysigu
Galaalaha, oo ka tirsan degmada Galaalshe,
ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo
Maxamed Muxumed Dhagey.
02/01/08 meesha lagu magacaabo Caano-kulul,
oo Godey ka tirsan, waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen Hooyo aanaan magaceeda
helin, waxay sidoo kale dhaawac gaadhsiiyeen
wiil yar oo ay xanbaarsanayd. Waxay kaloo
halkaas ku laayeen 80 Neef oo Adhi ah iyo 15
Neef oo Geel ah.
09/01/08 waxay ciidammada gumaysigu ka soo
qaqateen Bashuuro, oo Sagag ka tirsan,
dadwayne rayad ah oo ay ku xidhxidheen
magaalada Fiiq. Dadkaasi waxay kala yihiin;
1- Sawda Ibraahim Oomaar
2- Xabo C/nuur iyo
3- Ibraahim Maxamed Daahir
04/01/08 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen dad
shacab ah oo aad u badan, kuwaasoo ay ku
jiraan odayaal tiradoodu 80 gaadhayso. Dadka
maalintaas la xidhxidhay waxaa ka mid ah;
1- Axmed-nuur Cabdi Cali
2- Rabiic Macalin C/llaahi
3- Cali Aaden Cumar
4- Maxamuud Cali Gaaciye
5- Khadar Xaashi
6- Suldaan Axmed
7- Cali-wayne oo magaciisa oo buuxa aanaan
haynin
8- Aar C/llaahi
9- Cismaan Xasan Nuur iyo
10- Cali Geelle
02/01/08 wxay ciidammada gumaysigu sidoo
kale magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Cabdi-dhuux oo magaciisa oo buuxa aanaan
haynin iyo
2- Maxamed haybe
28/12/07 ciidammada gumaysiga ayaa dadwayne
rayad ah dhac iyo jidhdil ugu gaystay
Qarjajabo, oo ka tirsan degmada Dhuxun.
Dadka dhaca iyo jidhdilka loo gaystay waxay
kala yihiin;
1- Muus Macalin Maxamed oo 600 oo Bir laga
dhacay
2- Bishaar C/llaahi Nasteex oo 4000 oo Bir
laga dhacay iyo
3- Shukri Bashiir iyo
4- Cabdi Asad Mukhtaar oo iyaga jidhdil
ba’an loo gaystay.
Dhinaca kale magaalada Godey waxay
ciidammada gumaysigu ka wadaan olole
naxariis darro ah, waxayna Ganaax 1500 –
3000 oo Bir u dhexeeya saareen ganacsatada
magaalada, iyagoo dadka ku qasbaya inay
sameeyaan malleeshiyo la hawlgasha
ciidammada gumaysiga.
Macaluul ka dhalatay xiisadaha Kenya.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu
yaraan 500,000 oo Kiinyaan ah ay u baahan
doonaan gargaar cunto oo degdeg ah, ka dib
markii ay waddanka Kenya ka billowdeen
xiisado ka dhashay khilaafka la isku
khilaafay natiijada doorashadii
madaxtinimada dalkaas ee la qabtay
daba-yaaqadii bishii hore.
Qaramada Midoobay waxay ku talajirtaa inay
toddobaadka soo socda gargaar cunto
gaadhsiiso qiyaastii 250,000 oo qof oo
xiisadaha colaadeed ay ku qasbeen inay
guryohoodii ka qaxaan, hase yeeshee waxay
deeq bxiyayaasha caalamka ugu baaqday inay
gacan ka gaystaan dhibaatadan.
Qaramada Midoobay waxay ka cabsi qabtaa in
dhibaatadu ay gaadho heer aan waxba laga
qaban Karin haddii ay sii socdaan xiisadaha
colaadeen iyo cunta la’aanta dalka ka jirta.
Mucaaradka Kenya ayaa jimcihii ku baaqay in
dib loo billaabo bannaanbaxyadii lagu
diiddanaa guusha uu madaxwayne Kibaki
sheegtay. Mucaaradka ayaa baaqan jeediyay,
ka dib markii ay guuldarro kala dheelmadeen
masuuliyiin meelo kala duwan ka yimid oo
isku dayay inay dhexdhexaadiyaan mucaaradka
iyo dowlada.
Ugu yaraan 500 oo qof ayaa ku dhintay
dagaallo qabiil oo ka dhashay muranka lagu
muransan yahay natiijada doorashii
madaxtinimada Kenya.
Radio Xoriyo
12 Jenuary 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |