|
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumayisga
Wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si
wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada
dac-darraysan ee gumaysiga Itoobiya.
Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
05/03/08 waxaa weerar gaadmo ah lala
beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku
sugnaa Koore, oo degmada Awaare ka tirsan,
waxaana laga dilay 3 askari, 3 kalana waa
laga dhaawacay.
04/03/08 weerar gaadmo ah oo lagu qaaday
ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa
Jugle, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari,
2 kalana waa lagaga dhaawacay.
03/03/08 waxaa weerar gaadmo ah lagu qaaday
ciidammada gumaysiga ee ku sugan Gabagabo,
waxaana lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa
lagaga dhaawacay.
02/03/08 dagaal ka dhacay Iidadow, oo Sagag
ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 9 askari, 7 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Sidoo kale 02/03/08 weerar gaadmo ah oo lagu
qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku
sugnaa Boholka-Garbo, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana
waa lagaga dhaawacay.
01/03/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar si
fiican loo qorsheeyay oo mir ah ku qaaday
ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada
Galaalshe, waxayna weerarkaas kaga dileen 27
askari, 19 kalana way ka dhaawaceen.
Ciidammada gumaysiga ayaa weerarkan lala
beegsaday iyagoo fiilo ku jira.
Sidoo kale 01/03/08 dagaa adag oo ka dhacay
Gol-dhabiley, oo ka tirsan degmada Garbo,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 25
askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 16
kale.
Isla taariikhdan kor ku xusan waxaa sidoo
kale weerar mir ah lagu qaaday ciidammada
gumaysiga eek u sugan La-helow, waxaana la
gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
28/02/08 dagaal ka dhacay Laan-dheer, oo
Sagag ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga
dhaawacay.
27/02/08 weerar mir ah oo lagu qaaday
ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa
Boodha-waysaley, oo Garbo ka tirsan, waxaa
gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 1 kalana
waa lagaga dhaawacay.
26/02/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar
mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee
fadhigoodu yahay magaalada Shilaabo,
waxay6na u gaysteen kahsaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
24/02/08 dagaal adag oo ka dhacay meesha
lagu magacaabo Geenyo-eri, oo ka tirsan
degmada Dhuxun, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 13 askari, 7 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Dhibaatooyin gumaysigu shacbiag u gaystay
Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala
duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee
Ogaadeenya.
01/03/08 magaalada Dhagaxbuur waxay
ciidammada gumaysigu ku dileen gabadh lagu
magacaabo Shuun Maxamed Khayr-sheeg. Waxay
sidoo kale dhaawac u gaysteen ninkeedii oo
isagana lagu magacaabo Maxamed Sheekh.
Isla 01/03/08 Dhagaxmadow waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen Ina Haybe C/llaahi Nuur
oo magaceeda hore aanaan haynin.
28/02/08 Gafuurro-xun, oo Fiiq ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin
shacab ah oo lagu magacaabo Maxamed
Ismaaciil Aw Nuur.
01/03/08 magaalada Galaalshe waxay
ciidammada gumaysigu dhaawac xun ugu
gaysteen dadka kala ah;
1- Maxamed Macalin Afrax iyo#
2- Makhtal Sh Daahir
24/02/08 Dar-dheer, oo Garbo ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu dhaawac ugu
gaysteen Rukni C/llaahi.
05 - 02/03/08 Cayuun, oo Dhuxun ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Ruqiya Maxamed Sh Cali
2- Faadumo Gamaadiid
3- Bishaaro Aaqil
4- Ina C/fataax oo magaceeda hore aanaan
haynin.
5- Caddow Askar
6- Afey Wali Muuse
7- Shanfool Seed
8- Khadar Maxbuub
9- Maxamed Cunabuur
10- Ina Wali Deeq Cali oo magaceeda hore
aanaan haynin
11- Nimco Maxamed Sh Cali
12- Sahra C/llaahi
01/03/08 magaalada Awaare waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
Dhagoole Khaliif Dhagawayne iyo nin Ina
Qarsade naloogu sheegay oo magaciisa aanaan
haynin, kaasoo ahaa wade baabuur. Waxay
sidoo kale halkaas ku xidheen nin waalan oo
magaciisa aanaan haynin.
23/02/08 waxay ciidammada gumaysigu Malabley,
oo degmada Dhanaan ka tirsan, ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Xasan Muxumed
2- Dhuurre C/llaahi Guud-wayne
3- Yuge Cabdow Macalin iyo
4- Mawliid oo magaciisa oo buuxa aanaan
haynin
Isla 23/02/08 Bacaad, oo Dhanaan ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Axmed Ibraahim Cabdi iyo
2- Xareed Ibraahim Cabdi
Waxay sidoo kale jidhdil ba’an u gaysteen;
1- Axmed Xareed Ibraahim iyo
2- C/raxmaan Xareed Ibraahim
Qaramada Midoobay oo gargaar u dalabtay
Ogaadeenya
Qaramada Midoobay ayaa daboolka ka qaaday in
dad 1 milyan oo qof ka badan ay dhibaato
biya la’aaneed ku hayso Ogaadeenya, sidaas
waxaa arbacadii lagu soo saaray qoraal ka
soo baxay Qaramada Midoobay.
Xafiiska Arrimaha Bania’aadaminada ee
Qaramada Midoobay OCHA ayaa qoraalkan ku
sheegay in la dejiyay qorshe lagula
tacaalayo dhibaatooyinka abaaraha ka dhashay
ee ay ka midka yihiin caafimaadka, biya
la’aanta, xoolaha nool iyo beeraha.
Xafiiska OCHA wuxuu deeq bixiyayaasha
adduunka ka codsaday in lala soo gaadho in
ka badan seddex boqol oo milyan oo Doollar
oo lagu daboolo baahida degdegga ah ee
Ogaadeenya muddo lix bilood ah.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO
ayaa khamiistii iyaduna soo saartay bayaan
ay ku soo dhawaynayso baaqa Qaramada
Midoobay ee la xidhiidha abaaraha Ogaadeenya.
Bayaankan waxay Jabhaddu ku sheegtay in
baaqa Qaramada Midoobay uu soo baxay xilli
ay ciidammada Itoobiya siday doonaan ugu
tagri-falayaan cuntadii iyo agabkii kale ee
gargaarka loo geeyay Ogaadeenya.
Bayaankan waxaa kaloo lagu sheegay in
dhibaatada Ogaadeenya ayna gargaar
bani’aadamnimo oo kaliya ku xallismin Karin,
balse loo baahan yahay in la raadiyo
xididdadeeda oo la hirgaliyo talaooyinkii uu
2007 soo jeediya guddigii xaqiiqa raadinta
ahaa ee Ogaadeenya loo diray, kaasoo dalbay
in Ogaadeeny loo diro guddi madaxbannaan oo
soo baadha xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee
Ogaadeenya ka jira.
Deegaannada ay abaaruhu sida ba’an u
waxyeelleeyeen waxaa ka mid ah deegaanno
badan oo Shilaabo hoos yimaada, sida Caleen,
Balli-wariiri, Xodayle, Qarsoodi iyo
Balli-midgaan. Waxay sidoo kale dhibaato
ba’ani ka jirtaa tuulooyin hoos yimaada
magaalada Wardheer, sida Dannood, Caado iyo
Qorile.
Meelaha kale ee dhibaatada abaaruhu
saamaysay waxaa ka mid ah deegaanno badan oo
hoos yimaada Awaare iyo Dhagaxmadow. Waxay
sidoo kale dhibaato ka jirtaa Galaalshe iyo
deegaanno hoos yimaada Qabridaharre iyo
dhinaca Shabeelle, sida Qallaafe, Mustaxiil
iyo Feerfeer.
Deegaanno Nogob ka mid ah waxaa iyaga
abaaraha u waheliya cudurro dadka iyo
xoolahaba aad u haya, kuwaasoo xoolo badani
u le’deen.
Roob-doon seddex maalmood ah
Gobollada Ogaadenya oo dhan waxaa laga
hirgalin doonaa Roob-doon seddex maalmood
soconaysa, taasoo Ilaahay lagaga baryayo
inuu Roob siiyo adoommadiisa ku dhaqan
Ogaadeenya, isla markaana ka kor-qaado
dhibaatada abaaraha iyo macluusha.
Barnaamijkan Roob-doonta ah ayaa gobollada
Ogaadeenya oo dhan ka billaaban doona
maalinta talaadada ah ee taariikhdu ku
beegan tahay 11/03/08, waxaana la soo
gabagabayn doonaan maalinta khamiista ah ee
taariikhdu ku beegan tahay 13/03/08.
Masuuliyiinta JWXO oo gudaha shirk u
yeeshay
Xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya JWXO ee ka hawlgala
gudaha iyo Taliyayaasha Qaybaha CWXO ayaa
shirk u yeeshay Xarunta Dhexe ee JWXO.
Shirkan, oo socday intii u dhaxaysay 01 –
05/03/08, waxaa lagu qiimeeyay hawlihii
halganka ee dalka gudihiisa laga hirgaliyay
12kii bilood ee u denbeeyay iyo
dhibaatooyinkii uu cadowgu u gaystay
dadwaynaha Ogaadeenya.
Markii qiimayn dhinac walba ah la sameeyay
waxaa la isla qiray in halganku uu muddadaas
gudeheeda horumar wayn sameeyay, haddii ay
noqon lahayd dhinaca siyaasada, bulshada iyo
millatarigaba. Waxaa la isla qiray in CWXO
ay guuldarro ba’an badeen ciidammada
gumaysiga Itoobiya, isla markaana ay ku
fashiliyeen hawlgalladii bahalnimada ahaa ee
uu dalka ka hirgaliyay.
Shirkan waxaa lagu qiimeeyay in dilkii,
xidhaygii, xayiraadii iyo dhicii uu
dadwaynaha u gaystay ee uu doonayay inuu ku
nugleeyo ay muuqato inuu ku guuldarraystay,
iyadoo shacbigu ay dhibaatooyinkaas oo dhan
u dhabar-adaygeen.
Shirku wuxuu CWXO iyo dadwaynaha geesiga ah
ee Ogaadeenyaba ku bogaadiyay sida sharafta
leh ee ay u guteen waajibkooda, isla
markaana ay ciidammada gumaysiga ee
dhiig-miiratada ah ugu beeniyeen qorshihii
ay ku doonayeen inay ku naafeeyeen halganka
xaqa ah ee Ogaadeenya. Shirku wuxuu CWXO iyo
dhacabka Ogaadeenyaba ugu baaqay inay
halkaas ka sii wadaan kartida iyo
dhabar-adayga ay muujiyeen.
Shirku wuxuu sidoo kale digniin kama denbays
ah u diray dhuuni-qaatayaasha cadowga la
shaqaysta ee kala ah maamul ku sheegga
Kililka, Malleeshiyooyinka Dabaqoodhiga iyo
Jawaasiista, kuwaasoo loogu baaqay inay si
dhakhsa ah faraha ugala baxaan denbiyada
halganka ka dhanka ah ee ay ku jiraan.
Shirku wuxuu dadka noocaas ah u fidiyay
cafis taam ah haddii ay kaga soo baxaan
hawlaha ay ku jiraan inta ka horraysa
07/04/08, haddii kale laga qaadi doono
tallaabo adag oo u dhiganta denbiyada ay
dalka iyo dadkiisa ka galeen.
08 March 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari
|