|
Macaluul ka jirta Ogaadeenya iyo raashiinkii
oo xayiran.
Qaar ka mid ah gobollada dalka Ogaadeenya
ayaa laga soo sheegayaa macluul la soo
gudboonaatay dadwaynaha, iyadoo ay ugu wacan
tahay roobabkii Dayrta oo aan si fiican uga
di’in dalka iyo xayiraada naxariis darrada
ah ee ciidammada gumayisga Itoobiya in ka
badan lix bilood ku hayeen dalka Ogaadeenya.
Dadkan tabaalaysan ayaan wali la gaadhsiinin
wax kaalmo ah, gargaarkii ay hay’adaha
caalamiga ahi geeyeen dalka Ogaadeenyana
waxaa xayiray ciidammada gumaysiga Itoobiya,
kuwaasoo gargaarka u isticmaalaya hub ay ku
sii cadaadiyaan dadwaynaha dhibban ee
Ogaadeenya.
Raashiinka gargaarka ah ayaa inta badan la
dhigay meelo ay ciidammada Itoobiya u
qoondeeyeen, iyagoo sida muuqata awood kula
wareegay masuuliyada qaybinta raashiinka
gargaarka ah ee hay’adaha caalamiga ahi ay
dalka geeyeen.
Toddobaadkii hore ayay Qaramada Midoobay ka
digtay xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta
dalka Ogaadeenya, iyadoo sheegtay inay si
wayn uga walaacsan tahay cunta la’aanta ka
jirta Ogaadeenya.
Xafiiska Xidhiidhka Arrimaha
Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay OCHA
ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in
xalad bani’aadamnimo oo qallafsan ay ka
taagan tahay Ogaadeenya, iyadoo roob
yaraantu ay dhalisay daaq iyo biya la’aan,
isla markaana uu sicirka maciishadu cirka
isku shareeray, dhaqdhaqaaqa ganacsi ee
Itoobiya xayirtay dartii.
Xafiiska OCHA wuxuu kaloo intaas ku daray in
dhibaatooyinka Ogaadeenya hadda ka taagan ay
ka mid yihiin nafaqo darro iyo cabsi
ballaadhan oo laga qabo cayayaanka baabi’iya
cagaarka, sida Ayaxa, gaar ahaan marka la
galo xilliga Jiilaalka.
Dowlada Maraykanka ayaa iyaduna jimcihii
sheegtay inay khubaro u dirtay dalka
Ogaadeenya, kuwaasoo soo qiimayn doono
xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta.
Khubaradan ayaa u kuur-gali doonto
dhibaatooyinka ka jira dhinacyada cunta
la’aanta, caafimaad xumada iyo adeegyada
daruuriga u ah bulshada.
Eritereya oo canbaaraysay siyaasada
Maraykanka.
Madaxwaynaha dalka Eritereya Isaias Afwerki
ayaa magaaladda Casmara kulan kula yeeshay
xildhibaan caan ah oo ka tirsan Baarlamaanka
Maraykanka oo lagu magacaabo Donald Payne,
kaasoo ay ka wada-hadleen khilaafka
xuduudeed ee u dhaxeeya Eritereya iyo
Itoobiya, xaaladda Soomaaliya iyo siyaasada
Maraykanka ee ku aaddana gobolka Geeska
Afrika.
Madaxwayne Isaias ayaa sheegay in sida
kaliya xal ku iman karo ay tahay in
ciidammada Itoobiya ka baxaana dhulka
Eritereya ee ay xoogga ku qabsadeen, isagoo
xilidhibaanka Maraykanka ah xusuusiyay inuu
dowlada dalkiisa ka codsado inay xukuumadda
TPLF ku cadaadiso inay ciidammadeeda kala
baxdo dhulka Eritereya.
Xildhibaan Payne, oo hormuud ka ahaa
qorshihii ku baaqayay in Maraykanku joojiyo
kaalmada uu Itoobiya siiyo ee kal hore
Barlamaanka la soo hordhigay, ayaa isaguna
sheegay in dowlada Maraykanku ay si joogto
ah ula jirsatay Itoobiya marka laga hadlayo
khilaafka Eritereya iyo Itoobiya, taasoo ah
siyaasad aan wax guul ah lagu gaadhin.
Madaxwayne Isaias ayaa sheegay in siyaasada
ay dowlada Maraykanka iyo Itoobiya isu
kaashadeen kal hore ayna ahayn oo kaliya mid
lagu guul darraystay, balse ay tahay mid aan
wax faa’iido ah u soo jiidin Soomaaliya iyo
Itoobiya midna, arrintaasoo uu xildhibaan
Payne laftiisu ku raacay.
Kibaki oo oggolaaday inuu wadahadal la
galo mucaaradka.
Madaxwaynaha dalak Kenya Mwai Kibaki ayaa
isniintii oggolaaday inuu wadaxaajood la
galo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga,
kaasoo ay si fool-ka-fool ah uga wadaxaajoon
doonaan doorashadii muranka ballaadhani ka
dhashay.
Wadaxaajoodkan ayaa laga yaabo in la qabto
maalinta jimcaha ah haddii uu hoggaamiyaha
mucaaradku arrintaas oggolaado.
Hoggaamiyaha mucaaradka Odinga ayaa hadda ka
hor ku gacan saydhay baaqii madaxwayne
Kibaki ee ahaa inuu soo dhisi doono xukuumad
qaran oo mucaaradkuna ay qaybtooda ku
yeelanayaan.
Odinga wuxuu sidoo kale ka noqday bannaanbax
uu taageerayaashiisa ugu baaqay inay
talaadada qabtaan, isagoo sheegay inuu
bannaanbaxaas joojinayo, si uu fursad u
siiyo dadka ku hawllada dhexdhexaadinta
labada dhinac
Dowlada Kenya ayaa ergooyin u kala dirtay
dalalka Afrika, si ay ugu sharxaan xaaladda
calawsan ee ka jirta Kenya, isla markaana ay
xukuumaddu uga codsato madaxda Afrikaanka ah
inay taageeraan.
Shaqaaqooyin ka dhashay doorashadii
madaxtinimada ee la qabtay 27 Dec 2007 waxaa
lagu dilay in ka badan 360 qof, waxaa sidoo
kale ku bara-kacay dad gaadhaya 250,000 oo
qof.
Ururka haweenka Ogaadeenya ee Galbeedka
Australia oo kulan isugu yimid.
Maalintii Sabtida ahayd ee bishan janaayo ay
ku beegnayd 05-01-08 ayayDumarka Ogaadeenya
ee Galbeedka Australia kulan isugu yimideen,
kulankaas oo ay ka soo qayb galeen dumar aad
u badan ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ay isugu
yimaadaan dumarka Ogaadeenya ee Galbeedka
Australia.
Shirkan oo ka dhacay Magaalada Perth ayaa
ahaa shir aad lo soo abaabulay inkasytoo
dumarka Ogaadeenya ee dagan magaaladda Perth
ay bil walba shir isugu yimaadaan,iyadoo uu
kulankani ka balaadhnaa kuwii hore ee ay
dumarku qabsan jireen.
Waxa shirkas lagu lafo guray qodobo dhawr ah
oo ay kamid ahaayeen u diyaar garoowga shir
weynaha Jaaliyadaha AUS & NZ ee laqaban
doono bisha April ee sanadkan 2008,laguna
qaban doono magaaladda Perth waxaa sidoo
kale laga dooday sidii ay u kobcin lahaayeen
kalinta ay dumarku kaga jiraan taageerada
halganka Ogaadeenya ka socda ee ay JWXO hor
muudka katahay waxayna si weyn ugu nuux
nuuxsadeen islana meel dhigeen siday waajib
utahay xil weynina uga saaranayhay dumarka
Ogaadeenya inay u guntadaan halgankan ka
nasiibka badan halagnadii horey u soo maray
Ogaadeenya.
Haweenka kulankan isugu yimid waxay diirada
saareen tacadiyada loo gaysto guud ahaan
shacabka dulman ee Ogaadeenya gaar ahaan
dumarka & caruurta oo mar walba u nugul
dhibaatada waxaana laysla qiray in lagaga
gudbi karo midnimo, sabbir & in la dardar
galiyo hawlaha lagu xoojinayo halganka xaqa
ah ee Ogaadeenay ka socda waxaa kale oo
shirka laga akhriyay warbixin dheer oo
muujinaysa dagaalada aan kala go’a lahayn ee
CWXO uu kunaafeeyo ciidanka daalan ee
itoobiya & guulaha lagu diirsaday ee ay JWXO
kagaadhay gude & dibadba waxaa kale oo
warbixinta lagu cadeeyay xasuuqa loo gaysto
shacabka Ogaadeenya & xadgudubyada dhinac
walba leh ee gumaysigu ku hayo bulshada
rayadka ah ee aan waxba galabasnin iyadoo
warbixintu daboolka ka qaaday tiro dad badan
oo la laayay hanti, la boobay & meelo badan
oo laga baro kiciyay dadkii daganaa ee
awalba noloshu ku adkayd, dumarka shirkan
isugu yimid oo aad u qiiraysnaa isla
markaasna ay wajiyadooda ka muuqatay cadho
xoog leh ayaa balan qaaday in ay is garab
taagayaan CWXO ee qabjabiyay cadowga hororka
ah ee dulmiga ku jooga ciida Ogaadeenya.
Dumarka Ogaadeenya ee magaalada Perth waxay
ugu baaqeen haweenka Ogaadeenya ee ku nool
qurbaha inay u istaagaan sidii ay u muujin
lahaayeen wax qabadkooda kaalin wax ku ool
ahna uga gali lahaayeen hawlaha halganka
Ogaadeenya lagu xoreynayo waxaa kale oo ay
dumarka Ogaadeenya ku booriyeen inay iska
ilaaliyaan kuwa dubka & magaca lawadaaga
balse aan damiirka & caqliga ay ku kala
duwan yihiin ee u adeega danaha gumaysiga,
gacanyarahana u ah taliska gabalkiisii sii
dhacayo ee Adis ababa.
Ugu dambayntii dumarka Ogaadeenya ee ku
dhaqan Galbeedka AUS waxay amaan & bogaadin
u soo jeediyeen guud ahaan Jabhada Waddaniga
Xoreyta Ogaadeenya Gaar ahaan CWXO waxayna
kula dardaarmeen dhamaan shacabka Ogaadeenya
ee kunool gudaha dalka Ogaadeenya adkaysi &
in aysan u liicin dibin daabyada gumaysiga
waxaan rajaynaynaa ayay yidhaahdeen guul soo
deg degta
Radio Xoriyo
08 Jenuary 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari
|