|
|
|
|
|
|
|
Wararka Radio Xoriyo ee maanta Feb 07, 2007 |
|
-
Gudhis:
Ciidammada gumaysiga oo xadgudubyo u gaystay dadwaynaha.
-
Jabhadda
EPPF oo askar badan ka laysay Wayaanaha.
-
Bannaanbax
Itoobiya ka dhan ah oo ka dhacay Swedan.
-
Amnesty
International oo Itoobiya canbaareeyay.
-
Barnaamijkii Xog-warran(Cidhibta dambe & Cawaqib xumada
ay Leedahay Ummad Masiirkooda Loo diido)
-
Maxaabiis
kasoo baxsatay Xabsiga Jigjiga oo aan waraysinay.
|
Gudhis: Ciidammada
gumaysiga oo xadgudubyo u gaystay dadwaynaha
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay xadgudubyo kala duwan
oo ciidammada dac-darraysan ee gumaysatada
Itoobiya ay u gaysteen dadwaynaha ku dhaqan
nawaaxiga Gudhis, waxay sidoo kale
dadwaynahaas ka boobeen hanti aad u fara
badan. Ciidammada gumaysiga ayaa
xadgudubyadan dadwaynaha u gaystay, ka dib
markii maalmo ka hor si wayn loogu jabiyay
dagaal halkaas ka dhacay.
Markii ay taariikhdu ahayd 27/01/07 waxay
ciidammada gumaysigu magaalada Gudhis iyo
nawaaxigeeda ka qafaasheen 45 nin, kuwaasoo
ay ku rarteen sahaydii iyo adeeggii kale ee
ay wateen. Dadkan ay ciidammada gumaysigu
qafaasheen waxaa ka mid ah;
1-Mukhtaar Muxumed Tulux
2-Xasan Maxamed Aw Cali
3-C/nuur Muxumed Geelle
4-C/llaahi Kaad Sh Maxamed
5-Cabdi Sh Maxamed
6-C/llaahi Dheeg Maxamed
7-C/llaahi Wali Yuusuf
8-Shariif Suldaan
9-Maxamed Nuur Faarax
10-Manqas Muqaddin
11-Xuseen-Waddo
12-Bashiir Maxamed Nuur
13-Cabdi Xasan
14-Muxumed Cabdi Xayi
15-Gorad Maxamed Yare
16-Saalax Cabdi Xaashi
17-C/nuur Gadhwayne
18-Xabiib Sh C/raxmaan
19-Ibraahim Dhuubane Budul
20-Muxumed Sh Cumar
21-Axmed Wali Sh Mukhtaar
22-Cabdi Sanyare iyo
23-Busuri C/qaadir
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ka
dheceen dadwaynaha ku dhaqan Gudhis iyo
nawaaxigeed lacag gaadhaysa 30,000 oo Bir.
Waxaa kaloo intaas dheer iyagoo dadwaynaha
ka qashay ilaa iyo 60 Neef oo Adhi. Qaar ka
mid ah dadwaynaha ay Adhyaha ka qasheen
ayaan magacyadooda helnay, waxayna kala
yihiin;
1- Sh Maxamed Cabdi Xasan oo ay ka qasheen 7
Neef oo Adhi ah
2- C/raxmaan C/llaahi Hudle oo 13 Neef oo
Adhi ah laga qashay iyo
3- Muxumed Suufi oo isagana 9 Neef oo Adhi
ah laga qashay
Wuxuu kaloo wariyhu noo soo sheegay in
markii ay taariikhdu ahayd 01/02/07 ay
ciidammada gumaysigu sidoo kale hanti fara
badan ka boobeen dadwaynaha ku dhaqan
Caynuun, isla markaana ay qaar dadwaynaha ka
mid ah qafaasheen, si ay agab kala duwan ugu
rartaan.
Intii u dhaxaysay 26-27/01/07 waxay
ciidammada gumaysigu gubeen dhul-daaqeen
ballaadhan oo ku yaalla deegaannada Duud
Taleefan iyo Digawayne.
Dhinaca kale dagaal ciidammada xoreynta
Ogaadeenya iyo kuwa cadowga ku dhex maray
meesha lagu magacaabo Gar-balaayo, oo ka
tirsan Dagaxle,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 20
askari.
Jabhadda EPPF oo
askar badan ka laysay Wayaanaha.
Jabhadda marka magaceeda la soo gaabiyo loo
yaqaano EPPF, oo ah Jabhad ka soo jeedda
qowmiyada Amxaarada oo la daggaallanta
maamulka kaligii taliye Meles Zenawi, ayaa
warbixin ay soo saartay 03/02/07 waxay ku
sheegtay inay askar ka laysay taliska Addis
Ababa, ka dib markii ay weerarro ku qaaday
xarumo ay ciidammada gumaysigu ku leeyihiin
woqooyiga galbeed ee Itoobiya.
Jabhadda EPPF ayaa sheegtay inay
weerarradaas ciidammada Zenawi kaga disahy 5
askari, 2 kalana ay kaga dhaawacday.
Jabhadda ayaa sheegtay inay weerarradan
ciidammada Zenawi kaga gubtay shan baabuur
oo kala duwan. Weerarradan ayaa dhacay intii
u dhaxaysay 10 � 24 Janwari 2007.
Weerarradani waxay ka kala dhacen meelaha
lagu magacaabo Maser, Ankarom, Abdulrafe iyo
jidka isku xidha Himora iyo Gonder.
Bannaanbax Itoobiya
ka dhan ah oo ka dhacay Swedan.
Maaintii axadda ahayd ee taariikhdu ku
beegnayd 04/02/07 waxaa caasimada dalka
Swedan ee Stockholm ka dhacay bannaanbax
wayn oo looga soo horjeedo duullaanka ay
ciidammada Itoobiya ku qabsadeen dalka
soomaaliya iyo duqaynta ay diyaaradaha
Maraykanku u gaysanayaan degmooyin ku yaalla
koonfurta Soomaaliya.
Dadka ka soo qayb galay bannaanbaxaas waxay
gaadhayeen 2000 oo qof oo ka kala ymid
magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka
Swedan, waxayna dadkaas socod ku mareen
badhtamaha magaalada Stockholm, iyadoo
warbaahin badani ay bannaanbaxaas ku soo
xoomeen.
Bannaanbaxayaasha ayaa watay boodhadh
waawayn oo ay ku qoran yihiin hal-ku-dhagyo
ka dhan ah xukuumadda Itoobiya iyo dawlada
Maraykanka eek u taageertay duullaanka ay ku
qabsatay dalka Soomaaliya.
Bannaanbaxayaashu waxay sidoo kale socod ku
tageen safaarada uu dalka Maraykanku ku
leeyahay magaalada Stockholm, iyadoo halkaas
laga soo jeediyay hadallo iyo khudbado ku
aaddan sida ay dadwaynaha soomaalidu uga xun
yihiin in Maraykanku gacan ku siiyo
xukuumadda Itoobiya inay qabsato dalka
Soomaaliya.
Waxaa bannaanbaxan iyaguna ka soo qayb galay
wakiillo ka socday xisbiyada dalka Swedan,
ururrada xuquuqul insaanka iyo dad kale oo
ajnabi ah.
Amnesty
International oo Itoobiya canbaareeyay
Ururka xuquuqda aadanaha daneeya ee Amnesty
International ayaa si wayn xukuumadda
Itoobiya ugu canbaareeyay cadaadiska iyo
cabudhinta ay ku hayso xisbiyada mucaaradka
ah. Bayaan uu ururka Amnesty soo saaray
maalnitii jimcaha ahayd wuxuu ku sheegay in
tiro 40 qof ka badan oo ah taageerayaasha
mucaaradka uu booliska Zenawi xidhxidhay,
isla markaana jidhdil u gaystay.
Bayaankan wuxuu ururku ku sheegay in dadkani
ay xidhxidhnaayen tan iyo badhtamihii bishii
December, iyadoo loo diiday in wax xidhiidh
ah lala sameeyo ama lagu booqdo meelaha ay
ku xidhan yihiin.
Afhayeen u hadlay xukuumadda Zenawi ayaa
sheegay in dadkan loo xidhxidhay tuhuno la
xidhiidha isku day inqilaab ay xukumadda ku
afgenbiyayeen.
Dadkan xidhxidhan ayaa la sheegayaa inay
yihiin taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah
ee CUD, oo madaxdiisii ugu sarraysay ay
xabsiga ku jiraan tan iyo sannadkii 2005.
06 February 2007
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
RRadio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |
|
|
|
|