Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo 05 February 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga.
Qorraxey: Ciidammada gumaysiga oo xoolo badan xareeyay
Dil iyo xidhay dadwaynaha loo gaystay
Shir wayn oo lagu qabtay gobolka California
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee jwxo Caddaani oo waraysi dheer siiyey wargayska Al-Sharq ee wadanka Qatar.
Barnaamij (Xusuus qorka bisha Febraayo ).

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo aad loogu jabiyay ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladan, oo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxay u dheceen sidatan;

03/02/08 waxaa weerar lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidammada gumaysigu oo marayay Kabtii-naag, waxaana ciidammada gumaysiga laga dilay inta la ogyahay 1 askari, 2 kalana waa laga dhaawacay.

02/02/08 Codonley, oo degmada Dhanaan ka tirsan, waxaa ka dhacay dagaal aad u qallafsan. Wararka aan dagaalkaas ka helayno ayaa tilmaamaya in ciidammada gumaysig khasaare ba’an lagu gaadhsiiyay, waxaanan faahfaahintiisa idiinku soo gudbin doonaan barnaamijyada denbe.

Sidoo kale 02/02/08 waxaa weerar si fiican loo qorsheeyay oo mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan magaalada Karin-bilcille, waxaana loo gaystay khasaare aad u ballaadhan oo aan faahfaahintiisa wali la helin. Aroornimadii waxay ciidammada gumaysigu diyaarado ku rusheeyeen meelo deegaankaas ka mid ah. Khasaaraha ay rushayntaasi gaysatay wali iyadahana faahfaahin kama hayno.

01/02/08 ciidammada gumaysiga ayaa baabuur Uuraal ah lagaga gubay meel u dhaxaysa Yucub iyo La-helow, waxaa halkaas ku dhintay wixii askar ahaa ee baabuurkaas saarnaa.

30/01/08 waxaa ciidammada gumaysiga baabuur Uuraal ah lagaga gubay meel u dhaxaysa Balli-dhuurre iyo Ceel-xaar, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkaas iyo wixii saarnaa.

29/01/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga e fadhiya magaalada La-helow, waxayna weerarkaas kaga dileen inta la ogyahay 7 askari, 13 kalana way kaga dhaawaceen.

28/01/08 dagaal ka dhacy Booda-dheere, oo La-helow u dhaw, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

24/01/08 dagaal ka dhacay Barraajisaale, oo Caado u dhaw, waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 11 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

17/01/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Dig, waxayna ka dileen inta la ogyahay 3 askari.

18/01/08 waxaa seddex mar oo kala duwan weerarro lagu qaaday ciidmmo gumaysigu leeyahay oo Hawlgal u tegay meesha lagu magacaa Baarta, waxaana isu gayn laga dilay 7 askari, 2 kalana waa laga dhaawacay.

09 iyo 18/01/08 waxaa weerarro mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Gunagado, waxaana weerarradaas lagaga dilay 8 askari inta la ogyahay, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 1 askari.

Qorraxey: Ciidammada gumaysiga oo xoolo badan xareeyay

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waji hor-leh u furay cadaadiska iyo macaluulinta ay xilligan ku hayaan dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.

Ciidammada gumaysigu waxay toddobaadkii tegay xoolo aad u badan ku xareeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Qorraxey, iyagoo dadkii xoolahaas lahaa ku qasbay inay xoolohooda lacag ka dhiibaan, haddii kale lagala wareegayo.

Ciidammada gumaysiga ayaa sheegay inay Geela neefkii walba 20 Bir ku sii daynayaan. Adhigana 5 Bir neef walba ku sii daynayaan. Dadwayanahan, oo markii horaba dhibaato qallafsan ka haysatay xayiraada iyo cunqabataynta gumaysigu ku hayo, ayaa haddana dhibaato dhaqaale oo wayn ka soo gaadhay fal-denbiyeedkan ay kula kaceen ciidammada qawlaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya, oo markii ay dhaqaale u baahdaanba dadwaynaha rayadka ah dib ugu foofa.

Dhinaca kale meesha lagu magacaabo Wabi-yar, oo Maraacaato u dhaw, waxay ciidammada gumaysigu ku gubeen 11 Aqal oo dadwaynuhu lahaa. Ciidammada gumaysigu waxay Aqalladan ku gubeen Wiil yar.

Dil iyo xidhay dadwaynaha loo gaystay

Ciidammada gumaysiga ayaa dil iyo xidhay iyo dhibaatooyin kale u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.

01/02/08 Ceel-ogaadeen waxay ciidammada gumaysigu ku dileen seddex nin oo rayad ah oo kala ah;
1- Maxamed Cali Baqe
2- Carab C/llaahi iyo
3- Nin kale oo magaciisa aanaan helin.

02/02/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Qabridaharre ku xidheen gabdhaha kala ah;
1- Farax Cabdi Cumar iyo
2- Gabadh kale oo magaceeda aanaan haynin.

Isla 02/02/08 waxay ciidammada gumaysigu Garasley ka soo qaqabteen oo ku xidhxidheen magaalada Dhuxun dadka kala ah;
1- Saxardiid Sh Cumar
2- Cabdi Sokor Aaden
3- Qorane Yusuf Kaahin
4- Maxamed Cali Xarbi
5- Haybe oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
6- Xaaji Raabi Kaahin
7- Xaaji Ibraahim Barkhadle
8- Xaaji Qorane Xuuble
9- Saynab C/raxmaan
10- Cumar Sh Cabdi
11- C/llaahi Muxumed Tulux (Warcad)
12- Maxamed Cumar Sahal
13- Daahir Dhagajuun iyo
14- C/raxmaan Maxamed Kaahin

Sidoo kale 02/02/08 Abaa-qorrow waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen wiil iyo aabihii oo lagu kala magacaabo;
1- Cabdi Jawaab iyo
2- Hire Cabdi Jawaab

31/01/08 Magaalada Dhuxun waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad badan oo rayad ah, waxaanan ilaa iyo hadda magacyadooda helnay;
1- Aqbal Yuusuf
2- Sh Axmed Wali Cali
3- Cabdi Kaamil
4- Bishaar Xuseen
5- Aaqil Bayr iyo
6- C/qaadir Maxamed

30/01/08 ciidammada gumaysigu waxay magaalada Qamuuda ku xidheen Sh Qorane Aaden Xirsi.

27/01/08 Galaalshe waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen Nuur Jawhar Sh Cabdi.

Dhinaca kale magaalada Jigjiga waxaa labadii habayn ee u denbeeyay guryohooda lagala baxay dad badan oo aan la ogayn meesha la geeyay. Dadkan waxaa guryohooda kala baxay ciidammada gumaysiga Itoobiya.

Shir wayn oo lagu qabtay gobolka California

Shir wayn oo si wayn looga soo qayb galay ayaa lagu qabtay magaalada Sanjose ee gobolka Clifornia e dalka Maraykanka. Shirkan waxaa soo qabansaabisay Jaalyada Ogaadeenya ee gobolka California, waxaana ka soo qayb galay wafti heer sare ah oo uu hoggaaminayo Isu duwaha Jaaliyadaha Ogaadeenya Maxamed Macalin Axmed.

Shirkan waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii Jaaliyada ee sannadkii tagay iyo kaalintii horuudnimada ahaydee ay ka gashay hawlaha lagu kaabayo halganka Ogaadeenya.

Shirkan waxaa warbixin dheer oo meelo badan taabatay ka soo jeediyay Isu Duwaha Jaaliyadaha Ogaadeenya Mudane Maxamed Macalin oo ka xogwarramay geeddi socodka halganka iyo duruufaha cusub ee ka jira gobolka Geeska Afrika iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in lala jaan-qaado is-badallada ka dhacaya gobolka.

Waxaa iyaguna shirkan hadallo qiimo leh ka jeediyay wakiilka JWXO ee gobollada Westcost e dalka Maraykanka Mudane Axmed Cali Yuusuf iyo Marwo Canbaro Dheer, oo ah gabadh taariikh gooni ah ku leh halganka ay JWXO hormuudka ka tahay ee Ogaadeenya.

Shirkan waxaa ka soo baxay go’aamo dhaxal-gal ah oo lagu sii kobcinayo dadaalka Jaaliyada ee la xidhiidha halganka Ogaadeenya.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee jwxo N/hure Caddaani oo waraysi dheer siiyey wargayska Al-Sharq ee wadanka Qatar.

G/kuxigeenka 2aad ee jwxo Mudane C/qaadir Sh. Xassan Biixi Hirmooge(Caddaani) ayaa waraysi dheer oo meelo badan taabanaya siiyey wargayska Al-Sharq ee wadanka Qatar kuna soo baxa afka carabiga.

Waraysigaas ayuu G/kuxigeenka 2aad ee jwxo mudane Caddaani ku sheegay in cwxo ay bilaabeen weeraro ka dhan ah cgi e ku sugan bariga Ogadenya ayna cagta mariyeen guutooyin iyo gaasas badan oo kamid ah cgi guud ahaanba wadanka Ogadenya gaar ahaana bariga Ogadenya, laguna dilay saraakiil ka badan 15 sargaal oo uu kamid yahay sargaalkii ugu sareeyey Ogadenya.

Gobolada Bari ee Ogadenya ayay ahayd halkay cgi ka bilaabeen xasuuqa shacab rayid ah kuna gubeen magaalooyin iyo tuulooyin aad utira badan,kuna aaseen ceelashii ay ka cabayeen reer guuraaga iyo xooluhu ayuu hadalkiisi sii raaciyey.

Hawlgaladan ay cwxo ku hayaan cgi ayaa loogu magac daran(Aargoosi) sida uu cadeeyey G/KX 2aad ee jwxo,iyadoo ay weli socdaan ayuu yidhi halgalo ad adag oo lagu hayo cgi,halwgaladaas oo loogu talagay sidii looga hortagi lahaa xasuuqa waxshiga ah ee ay ciidamada gumaysigu ku hayaan shacabka looguna wiiqi lahaa awooda milatari ee cgi ila alaga caydhiyo ciida Ogadenya.

Mar uu G/KX 2aad ee jwxo ka hadlayay hawlgaladii ugu dambeeyey ayuu sheegay in dharbaaxooyin xun xun lagu dhuftay cgi ee waqooyiga Ogadenya halkaasna lagaga dilay inta u dhaxaysa 1500-2000 oo askari sadexdii biloow ee u dambaysay,sidoo waxaa cgi laga furtay ayuu yidhi G/KX 2aad e jwxo saanad milatari oo dhan 1500 oo qoryaha fudfudud ah iyo qalabka isgaadhsiinta oo noocyo casri ahi kujiraan..

Dhanka maxaabiista ayuu G/KX 2aad sheegay in maxaabiis badan laga qabtay cgi,kadibna lasii daayay qaar badan oo kamid ah,lakaiin ay weli gacanta cwxo kujiraan qaar kamid ah maxaabiistaas oo loo arkay sii hayntoodu inay lama huraan tahay.

Waraysigan oo aad udheraa ayuu G/KX 2aad ku sheegay in ay maanta cwxo haystaan fursad ay kaga faaiidaystaan cgi ee naflacaariga ah,iaydoo ay xukuumada gumaysigu sadex meelood kaga furan yihiin dagaalo,Somaliya,Eretariya iyo Ogadenya,cgi aya ah ayuu yidhi Caddaani kuwo isu keen keen ah oo aan niyad uhaynin inay kasii mid ahaadaan ciidanka itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa diidan inay somaliya nabadi ka dhalato amaba la helo somaliweyn ayuu hadalkiisii sii raaciyey mudane Caddaani.

Mudane Caddaani oo waraysigii sii wada ayaa yidhi:duulaanka itoobiya ee ay somaliya ku qabsatay waa mid aan sharci ahayn,waxayna kaga aargoosanaysaa dagaaladii dhex maray somaliya iyo itoobiya lixdameeyadii iyo todobaatameeyadii iyadoo ay waqtigaas dowladii somaliya caawinaysay jabhadihii u dagaalmayay xornimada Ogadenya,laga soo bilaabo waqtigaa ilaa iyo maanta oo ay itoobiya somaliya qabsatay waxay ku taamaysay inay somaliya mar uun gacanta ku dhigto,maantana waa la arkaa halka uu xaalmarayo oo caasimadii somaliya ayay burburisay shacabkii ayay ka dhigtay mid ay disho mid ay xidho iyo mid ay caydhiso.

Ugu dambayntiina G/KX 2aad ee jwxo mudane Caddaani aya cadeeyey in ujeedada jwxo ay tahay xornimo ay gaadhsiiso shacabka s/ogadenya,wuxuu kaloo mudane Caddaani qaylo dhaan u kala diray ururka islaamka,ururka jaamacada carabta iyo dowlado badan kamid ah caalamka carabta isagoo ka dalbay inay qadiyada Ogadenya ku darsadaan xisaabaadka umaddaha dulan sida ree falastiin,shiishaan,Kishmiir iwm.

05 February 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.