|
Dagaallo
ciidammada gumaysiga lagu jabiyay.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si
wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada saama
la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya.
Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
02/01/08 dagaal ka dhacay Hiinsaraar, oo ka
tirsan degmada Sagag, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 2 askari.
Sidoo kale 02/01/08 dagaal ak dhacay
Harjumaan, oo ka tirsan degmada Galaalshe,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4
askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
31/12/07 dagaal CWXO iyo kwa gumaysiga ku
dhex-maray Boodhley, oo ka tirsan degmada
Sagag, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 5 askari, 9 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Sidoo kale 31/12/07 dagaal isaguna ka dhacay
Garasle, oo ka tirsan degmada Galaalshe,
waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga
Itoobiya lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa
lagaga dhaawacay.
27/12/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga
Itoobiya ku dhex-maray Balli-aftaag, oo ka
tirsan degmada Dannood, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 7 kalana
waa lagaga dhaawacay.
26/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar
mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku
sugan degmada Gunagado, waxayna u gaysteen
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Sidoo kale 26/12/07 weerar gaadmo ah oo loo
gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku
sugnaa Saliidda, oo ka tirsan defmada Fiiq,
waxaa lagaga dilay 2 askari inta la ogyahay.
25/12/07 weerar loo gaystay ciidammada
gumaysiga eek u sugan Babaase, oo ka tirsan
degmada Dannood, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 6 askari, 4 kalana waa lagaga
dhaawacay.
18/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar
kadiso ah ku qaaday kolonyo ay wateen
ciidammada gumayisga Itoobiya oo maraysay
Kabtii-naag, waxayna ka dileen inta la
ogyahay 3 askari, 2 kalana way ka dhaawaceen.
16/12/07 dagaal ka dhacay Ina-huruuf, oo ka
tirsan Fiiq, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga
dhaawacay.
15/12/07 dagaal ak dhacay meesha lagu
magacaabo Dhabaa-dhube, oo ka tirsan degmada
Galaalshe, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 7 askari.
13-14/12/07 waxaa weerarro mir ah loo
gaystay ciidammada gumaysiga eek u sugan
magaalada Dhagax-madow, waxaana loo gaystay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Dad ay ciidammada gumaysigu ku laayeen meelo
kala duwan.
Ciidammada nacabka ah ee guamysiga Itoobiya
ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid
ah ku laayay dad rayad ah oo aan waxba
galabsanin.
01/01/08 Qarjajabo, oo Garbo ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku laayeen afar
qof oo shacab ah oo kala ah;
1- Idiin Cabdi Sulub
2- Maxamed C/naasir
3- Mustafe Baddal iyo
4- Nin kale oo magaciisa aanaan haynin
31/12/07 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Qabridaharre ku dileen nin shacab
ah oo magaciisa hore aanaan haynin, laakiin
uu dhalay ninka lagu magacaabo Muxumed
Gacandhi.
22/12/07 waxay ciidammada gumaysigu sidoo
kale ku laayeen Jeexdin labo qof oo shacab
ah, waxayna kala yihiin;
1- Shukri Xarbi iyo
2- Xasan Caydiid
Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale aaseen
Ceelashii ku yaallay nawaaxiga Jeexdin ee
dadwaynuhu ka cabbi jiray. Waxay sidoo kale
furteen oo la tageen Riigag saarnaa Ceelasha
qaarkood. Arrintan ayaa sababtay in dhibaato
biya la’aaneed oo qallafsani la soo
gudboonaato dadwaynaha deegaankaas ku dhaqan,
iyadoo waliba lagu jiro xilli Abaar ah oo
roobabkii Dayrtu ayna si fiican u di’in.
Dadwayne ciidammada gumaysigu xidhxidheen.
Ciidammada gumaysigu waxay meelo kala duwan
oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah ku
xidhxidheen dad rayad ah, iyadoo qaarkood ay
u gaysteen jidhdil ba’an.
01/01/08 Daawa-diid, oo Dhuxun ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Maxamed Cabdi Wali
2- Faadumo Irshaad
3- Shariif Xamari
4- Xaali Maxamed Ibraahim
5- Shukri Maxamed
6- Maxamed Macalin
7- Xasan Baddal
8- Xasan-nuur Maxamed Ibraahim
9- Deeq Yuusuf C/qaadir iyo
10- Nuuriya Cabdi Hayin
31/12/07 waxay ciidammada gumaysigu
gabagabeeyeen reero deggan duleedka degmada
Garigo’an, kuwaasooa y dhibaatooyin kala
duwan u gaysteen. Waxay bililiqaysteen
hantida reerahaas, iyagoo jidhdil
gaadhsiiyay qaar ka mid ah dadkaas.
Ciidammada gumaysigu waxay halkaas ka
taxaabteen oo ay geeyeen magaalada Shaygoosh
dadka kala ah;
1- C/wali Xirsi Nuur
2- Deeq IbraahimCabdi iyo
3- Axmed Bashiir Yoonis
29/12/07 waxaa magaalada Jigjiga lagu
xidhxidhay dadka kala ah;
1- C/rashiid oo Qururx ku magac-dheer
2- Maxamed Sh Cabdi
3- Axmed Cabdi Saahid
4- Maxamed Dhagawayne
5- Axmed-nuur oo Mursal ku magac-dheer
6- Axmed Ilka-case
7- Kawsar Cismaan
8- Xasan Xaashi iyo
9- Maxamuud Sh Cabdi
Seddexda qof ee denbe sidii guryohooda
loogala baxay lama garanayo meel la geeyay.
28/12/07 waxay ciidammada gumaysigu
magaalada Iimey ku xidhxidheen dadka kala
ah;
1- Haadi Mustafe oo jidhdil ba’an loo
gaystay
2- Nadiir Cumar Nuur
3- C/llaahi Muxumed
4- Ardo Faarax iyo ilmo ay dhashay
5- Axmed Bile iyo
6- Xandulle Qoorleex
27/12/07 waxay ciidammada gumaysigu ku
xidhxidheen Qarjajabo, oo ka tirsan degmada
Garbo, dadka kala ah;
1- Gabadh lagu magacaabo Muus oo magaceeda
oo buuxa aanaan haynin iyo
2- Maxamed Axmed Askar.
Booliska Jigjiga oo shaqadii laga
joojiyay.
Markii ay taariikhdu ahayd 02/01/08 waxaa
magaalada Jigjiga kulan ku yeeshay xubnaha
maamul ku-sheegga Kililka, wuxuuna
kulankooda oo dhami ku saabsanaa sidii looga
hortagi lahaa waxa ay ugu yeedheen
hawlgallada ay JWXO ka fuliso magaalada
Jigjiga dhexdeeda.
Maamul ku-sheegga Kililka ayaa sidii caadada
u ahayd waxay is-waydaarsadeen eedaymo ay
isu jeediyeen oo ku saabsan in xubin waliba
uu midka kale ku eedeeyo inuu la shaqeeyo
JWXO.
Eedaymo qallafsan iyo far isku-fiiq badan ka
dib waxay eeddii oo dhan dusha ka saareen
booliska oo ay ku tuhmeen inuu fududeeyo
hawlgallada ay ku sheegeen inay JWXO ka
fuliso magaalada Jigjiga dhexdeeda.
Arrintan ayaa keentay in la soo saaro go’aan
booliska ka mamnuucaya inay si madaxbannaan
uga shaqeeyaan magaalada Jigjiga dhexdeeda.
Hawlihii uu boolisku hayayna waxaa loo
xilsaaray dhalinyaro, rag iyo dumar isugu
jira, oo loo tababaray hawlaha sirdoonka,
kuwaasoo si qarsoodi ah magaalada uga
shaqayn doona. Waxaa sidoo kale la
shaqaaleeyay dad ilaa iyo 100 qof oo ka mid
ah dadka Tagsiilayaasha ka ah magaalada
Jigjiga, kuwaasoo qaban doono hawlo sirdoon
ah.
Tallaabadan ay ak denbaysay, ka dib markii
magaalada Jigjiga laga fuliyay falal dhawr
ah oo qaarkood lagu laayay saraakiil sirdoon
ah oo u dhashay qowmiyada Tigreega. Markii
ay taariikhdu ahayd 02/01/08 waxaa bamboo
lagu qarxiyay baabuur ay wateen askar
Itoobiyaan ah, kaasoo ay ku dhinteen 2
askari oo midkood yahay sargaal sirdoona ah
oo Tigree u dhashay. Waxaa sidoo kale
toogasho lagu dilay sargaal kale oo Tigree
ah oo sirdoonka u shaqayn jiray 25/12/07.
Mareykanka oo Ogadenia u diray koox
xaqiiqo raadis ah.
Dowladda mareykanka ayaa shaacisay iney
Ogadenia u dirtay koox xaqiiqo raadis ah oo
soo baadha baahida bani'aadanimo ee ka jirta
gobolkaas halkaasoo ay ka ciidamada itoobiya
kula dagaalamayaan Ururka kasoo horjeedo
ilaa iyo bishii Juun ee sanadkii hore.
September-tii lasoo dhaafay ayey UN-tu ku
talisay in baadhitaano madax banaano lagu
sameeyo eedeymaha sheegayo in itoobiya ay ka
samaneyso dambiyo dagaaal gobolkaas .
Waribixin kasoo baxday safaaradda mareykanka
eeEthiopia ayaa lagu sheegay in koox gargaar
banii'aadam ah oo ka socoto mareykanka ay
joogto Ethiopia ayagoo baadhahayo xaaladda
caafimaad, nafaqo xumi, cunno yari iyo
xaaladda nolosha ee liidata ee gobolkaas.
Warbixintu waxey intaas ku dartay in
kooxdani ay imaatay halkaas bishii December
20keeda oo ay indho indheyn ka bilaabeen
gobolada Jigjiga iyo Dhagaxbuur toddobaadkii
hore.
Xukuumadda washington ayaa u aragta Ethiopia
iney tahay saaxiib xaga"dagaalka lagula jiro
argagixisada" arintaas oo ay Ethiopia ku
hesho boqolaal milyan oo doolar sanad kasta.
Hay'adaha gargaarka iyo kuwa u dooda
xaquuqul insaanka ayaa caddeeyay in Ogadenia
ay ka dhaceen ku tumasho xuquuqul insaan iyo
baaba' banii'aadamnimo oo badan kuwaasoo
dhacay kadib markey ciidamada itoobiya
bilaabeen dagaalka balaadhan ee ay kula
jiraan ONLF tasoo ka danbeesay weerarkii ay
ONLF ku qaadday goob ay shirkad shiinees ah
ka qodeysay shidaal bishii april ee sanadkii
hore.xukuumada Ethiopia ayaa eedemyahaas
gaashaanka u daruurta mar kasta.
Itoobiya iyo ONLF labaduba waxey sheegtaan
iney iska dileen tiro aad u badan oo
ciidamadooda kamid ah lakin sheegashadaas
lama caddeyn karo sababtoo ah Itoobiya uma
ogola wariyayaasha caalamiga ah iyo
shaqaalaha gargaarka iney booqdaan gobolka.
ONLF waxaa la aas aasay 1984 waxeyna u
dagaalameysaa xornimada Ogadenia . ONLF
waxey aaminsan tahay iney xukuumadda Addis
Ababa ka geysto gobolkaas tacddiyo
banii'aadanimo.
Meles oo kala dooran la' in uu joogo
Somaliya ama uu ka baxo
Wargeyska Indian Ocean ee lagu magacaabo
African Intelligence ayaa Todobaadkii hore
qorey maaqaal uu ku sheegayo in Meles Zenawi
uu kala doooran kari la'yahay in uu
Soomaaliya ka baxo ama uu joogo.
Waxa uu Wargeysku sheegay in Meles Zenawi
marka uu meel fagaaro ah ka hadlayo uu
dafiro in ay ciidamada wadankiisa ku
adkaatey in ay soo afjaraan la dagaalanka
Kooxaha Mulsimiita ee Soomaaliya. Isaga oo
xataa Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa
hay'adaheeda ku eedeeyey in ayna qiimeynin
kaalinta fiican ee ay Ciidamada Itoobiya ka
ciyaraaneen Soomaliya. Laakiin sida wuu
Wargeysku sheegay dooda ama wada xaajoodka
saraakiisha sare ee Itoobiya waa mid aad u
tilmaameysa rajo aanan fiicneyn
Bishii Dec 11, 2007 saacadu markii ay ahayd
11 Barqinimo ilaa iyo intii ay habeenimadu
ka soo galeysay , Meles Zenawi ayaa kulan ay
albaabadu u xidhan yahay la qaatey
Jeneraalada Ciidamada Itoobiya, si ay u
qiimeeyaan Xaalada Soomaaliya. Kulankan ayaa
waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidamada
Itoobiya Samora Yunis. Sida uu sheegayo
Wargeyska Idian Ocean in badan oo ka mid
ahaa ka soo qaybgalayaasha kulankaasi waxa
ay isku raaceen in Xaalada Ciidamada
Itoobiya ee Soomaliya aad u qalafsantahay,
iyaga oo sheegay in ay aad u liidato sirta
Ciidamada Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya.
Waxay intaas ku dareen oo kale in ay niyada
Ciidmadu aad u liidato, iyada oo ay joogto
tahay dagaalka ay ku hayaan kooxaha ka soo
horjeeda ee Soomaalida ah.
Qaar ka mid ah Jeneraalada Itooboya ayaa ku
tala bixiyey in Ciidamadooda laga soo saaro
Soomaaliya, ama qaybo ka mid ah Muqdisho.
Mid ka mid ah Jeneralaada kulankaas joogey
ayaa isagu ku tala bixiyey in marka
Ciidamada Itoobiya laga soo saaro Soomaaliya,
hubka laga dhigo Ciidamadaas si looga
hortago in ay Ciidamadaasi qalalaase
dhaliyaan. Balse Jeneralada kale ayaa
sheegay hub ka dhigista Ciidmadan aadka u
tababaran waxa ay wax u dhimeysaa niyada
Ciidamada kale, taas oo keeni karta
dhibaatooyin badan.
Ugu dambeyntii kulankaas wax go'aan ah
laguma gaarin, in dib loo kulmana laguma
balamin
Radio Xoriyo
05 Jenuary 2008
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |