|
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga.
Dagaallo aad u badan oo CWXO iyo kuwa
gumaysiga ku dhex-maray meelo kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah labadii toddobaad ee u
denbeeyay, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay ugu yaraan 234 askari, waxaa sidoo
kale lagaga dhaawacay 193 askari. Waxaa
kaloo ciidammada gumaysiga laga gubay 1
baabuur oo Uuraal ah, sidaasna waxaa noo soo
tabiyay wariyaha noga soo warrama dalka
Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen
sidatan,
30/07/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday
ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada
Garbo, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
29/07/08 weerar mir ah oo lagu qaaday
ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada
Dannod waxaa lagaga dilay 4 askari, 18
kalana waa lagaga dhaawacay.
28/07/08 dagaal ka dhacay Balanballe, oo
Galaalshe ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga
dilay 8 askari, 12 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Sidoo kale 28/07/08 dagaal aad u culus oo ka
dhacay Goro-garbo, oo Laga-hidda ka tirsan,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 43
askari, 29 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 28/07/08 dagaal adaga oo isaguna ka
dhacay Boholaley waxaa gumaysiga lagaga
dilay 25 askari, 29 kalana waa lagaga
dhaawacay.
27/07/08 weerar dhabba-gal ah oo lagu qaaday
ciidammo gumaysigu leeyahay oo marayay
meesha lagu magacaabo Jinnoole, waxaa lagaga
dilay 15 askari, 9 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Sidoo kale 27/07/08 waxaa ciidammada
gumaysiga baabur Uuraal ah lagaga gubay
duleedka Barmiil, oo ka tirsan degmada
Dhuxun, waxaana halkaas ku bas-beelay
baabuurkii iyo in 50 askari ka badan oo
saarnaa.
25/07/08 dagaal ka dhacay Sanxaskulle, oo
degmada Galaalshe ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari,
3 kalana waa lagaga dhaawacay.
24/07/08 dagaal ka dhacay Caga-jiid, oo Fiiq
ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 24/07/08 dagaal sidoo kale ka dhacay
Waab, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari,
3 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 24/07/08 dagaal isaguna ka dhacay
Kolole, oo ka tirsan Laga-hidda, waxaa
gumaysiga lagaga dilay 11 askari, 7 kalana
waa lagaga dhaawacay.
23/07/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay
magaalada Yucub, waxaana la gaadhsiiyay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Isla 23\07\08 dagaal adag oo laba mar oo
kala duwan ka dhacay meesha lagu magacaabo
Warta Axmed Guuleed, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 28 askari, 33 kalana
waa lagaga dhaawacay.
22/07/08 Bariisad-cadde, oo ka tirsan
degmada Dhuxun, dagaal ka dhacay waxaa
ciidamada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 5
kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 22/07/08 dagaal ka dhacay La-helow
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5
askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
16/07/08 dagaal ka dhacay Qabta, oo Sagag ka
tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 8 askari, 9 kalana waa lagaga
dhaawacay.
16 iyo 21 weerarro loo gaystay ciidammo
gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Dayr, oo
Awaare ka tirsan, waxaa isu gayn lagaga
dilay 7 askari, waxaa sidoo kale lagaga
dhaawacay 7 askari.
13/07/08 weerar mir ah ayaa lagu qaaday
ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada
Fiiq, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
12/07/08 Qabaal-gaddi, oo Fiiq ka tirsan,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 12/07/08 dagaal isaguna ka dhacay
Dhagaxle waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 7 askari, 9 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Sidoo kale 12/07/08 dagaal ka dhacay Qolloji
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10
askari, 13 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dhinaca kale ciidammada gumaysiga waxaa ku
sii kordhaysa mooraal xumada haysa, waxaana
ku badan goosashada iyo amar diidada.
Toddobaadyadii u denbeeyay waxaa magaalada
Baabili ka goostay 20 askari, Qollajina iyo
Salaglana waxaa ka goostay mid walba 5
askari.
Dad ay ciidammada gumaysigu laayeen
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya
ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid
ah ku laayay dadwayne rayad ah oo qaarkood
maydkoodii laga helay Boholo ay ku rideen.
Afar qof oo magaalada Shaygoosh lagu
xidhxidhay sannadkii 2007 ayaa toddobaadkan
maydkoodii laga helay Bohol ay ciidammada
gumaysigu lu rideen. Dadkaasi waxay kala
yihiin,
1- Macalin Deeq Sh Xasan, oo ahaa Macalinkii
Magaalada Shaygoosh
2- Maxamed Goohe Muxumed
3- Bashiir Yuusuf Ciwal iyo
4- Nin miyirka looga jiray oo magaciisa
aanaan haynin.
Afartan nin ayaa maydkooda laga helay Bohol
ay ciidammada gumaysigu ku rideen markii ay
dileen, waxaana la helay iyagoo Silig lagu
mirriyay, isla markaana Indhaha ka duuban.
27/07/08 meesha lagu magaco Dalaatu waxay
ciidammada gumaysigu ku dileen Cabdi Mawliid
Shariif C/llaahi, waxay sidoo kale dhaawac
gaadhsiiyeen C/llaahi Xuseen Cismaan iyo
Diirrane Muxumed Cali oo ay sidoo kale ka
dhaceen 4000 oo Bir.
17/07/08 Qoroto, oo Galaalshe ka tirsan,
waxay ciidamada gumaysigu ku dileen shan qof
oo rayad oo kala ah,
1- Maxamed C/raxmaan Xaaji
2- C/qaadir Muxumed Xuseen
3- Mukhtaar Cabdi Cumar
4- Xuseen Dayr Cali iyo
5- Shariif Axmed Shariif Xuseen
04/07/08 Malqaqa waxay ciidammada gumaysigu
ku dileen afar qof oo rayad ah, waxaana
agacyadooda haynaa,
1- Cabdi Muxumed Axmed iyo
2- Shugri Xirsi
Raashiinkii oo Wayaanuhu iibsanayaan
Ciidammada gumaysiga ayaa magaalooyinka
Dhuxun, Iimey iyo Garbo ka billaabay ka
billaabay hawlo ay ugu raad-gadayaan
raashiin ay hay’adaha samafalku u keeneen
dadka abaaraha ku waxyeelloobay, waxayna
boqolkii ruux isku siiyeen 8 Kiish oo kaliya,
arrintaasoo ay uga jeedaan inay caddayn uga
dhigaan inay qaybiyeen raashiinkii dadka loo
keenay.
Raashiinka intiisii kale waxay ku gurteen
Bakhaarro, waxayna billaabeen inay dadka ka
iibiyaan, iyagoo halkii Kiishba ku iibinaya
300 – 400 oo Bir ama hal Qori amase Qof ka
mid noqdo dadka ay dagaalka isaga dhigayaan.
Waxayna ilaa iyo hadda magaalada Garbo ka
qaadeen 40 dhalinyaro ah oo aan la ogayn mel
ay geeyeen.
Waxay hadda Wayaanuhu billaabeen inay aad u
xidhxidhaan dadka ay xubno ehelkooda ahi
Jabhadda ku jiraan ama n/hurayaasha ka mid
yihiin
Tuulada Galiil ee gobolka Jarar oo ay
ciidamada gumaysigu ku toogteen
hooyo iyo 2 ilmood oo ay dhashay.
Sida uu noogu soo waramay wariyaheena
gobolka Jarar tuulada galiil oo qiyaastii 20
km dhanka galbeed Kaga began magaalada
dhagaxbuur ayay cidamada gumaysigu ku
toogteen hooyo iyo laba ilmood oo ay dhashay
kadib markay rasaas ooda kaga qaadeen
aqalkii ay kujireen.
Hooyada iyo labadaas ilmood oo aanaan weli
magacyadooda helin ayuu wariyaheenu noo
xaqiijiyey in mid kamid ah labadaas caruur
uu halkii ku nafbaxay,halka hooyada dhashay
iyo ilmaha kalana ay dhaawac halis ah u
yaalaan tuuladii lagu tuugtay.
Mar aan wariyaheena weydiinay sababta
keentay in rasaas la iskaga furo aqal wax
kujira aan la ogayn ayuu noo sheegay in
maalintaas maalintii ka horeysay uu dagaal
culus ku dhexmaray cwxo iyo kuwa gumaysiga
itoobiya deegaan aan sidaa uga fogayn
tuulada Galiil oo la yidhaahdo ALAALEEY oo u
dhow Naasahablood halkaas si xun loogu
jabiyey ciidanka gumaysiga Itoobiya, wuxuuna
intaas raaciyey wariyaheenu in dhacdadan ay
kamid tahay dhacdooyinka faraha badan ee ay
cgi kula kacaan shacabka rayidka ah marka
lagu soo jabiyo goobaha dagaalka.
Dhanka kale:Magaalada dhagaxbuur maamulka
dabaqoodhiga ah ayaa bilaabay inay shiriyaan
shaahleyda magaalada dhagaxbuur kadibna ku
qasbaan inay bixiyaan lacago baad ah oo ay
ugu magic dareen Amniga,sidoo kale waxay
maalintii khamiista ahayd isugu yeedheen
tuulooyinka ku xeeran magaalada dhagaxbuur
iyagoo dadka u sheegay in loo qaybinayo
Qamandi,kadibna markay dadkii soo xaadireen
kuwada qasbay inay ka dhaartaan jwxo kuna
dhaartaan la dagaalankeeda.
Ugu dambayntiina maxaad ka kala
filanayseen gumaysi iyo dabaqoodhiga uu
garbaha ka rarto
Wariyaheena magaalada Jigjiga mar uu manta
khdka telefonka nagula soo xidhiidhay ayuu
noo sheegay in lasoo gaadhay xiligii
baarimaha laga rifi lahaa ninka gumaysiga
uga wakiilka ah Amniga Ogadenya,Cabdi Ileey
oo isku hayay sadex jago oo kala ah
Amniga,garsoorka iyo Cadaalada ayuu
wariyaheenu noosoo sheegay in laga
xanyuubiyey Garsoorka iyo cadaalada loona
soo reebay Amniga oo kaliya,warkan oo si aad
ah ugu jira Ogadenya lana filayo in
maalmahan nagu soo aadan si cad usoo shaac
bixi doonto ayaa dadku ku macneeyeen in
sababta amniga loogu soo reebay ay tahay in
waqti dhow lagusoo eedeeyo inuu amnigii
waxba ka qabanin,kadibna garsoorkii iyo
cadaaladii isaga laga xanyuubiyey la
horkeeno waa gumaysi iyo caadadiis iyo
dabaqoodhi iyo abaalkii.
02 August 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari |