Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo 02 February 2008.

Dagaallo lagu jabiyey ciidamada cadowga Itoobiya.
Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
Gumaysiga oo suxufiyiin Ogaadeenya tegay u hanjabay
Ururka isku xidhka Dhalinyarada Ogadenya(Ogaden Youth Network ) oo kulan ku yeeshay magalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Dagaallo lagu jabiyey ciidamada cadowga Itoobiya.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo lagu jabiyay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

31/01/08 dagaal ka dhaacay Haar-cad, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 31/01/08 waxaa weerar gaadmo ah lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Wabi-buur, oo ka tirsan degmada Ceel-ogaadeen, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

29/01/08 Sagalo, oo Fiiq ka tirsan, waxaa weerar gaadmo loogu gaystay kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidammada gumaysigu, waxaana weerarkaas lagaga dilay inta la ogyahay 9 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay

28/01/08 dagaal ka dhacay Toon-jaleelo, oo ka trisan degmada Wardheer, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.

27/01/08 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex-maray meesha lagu magacaabo Dooxa-yare, oo ka tirsan degmada Wardheer, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 13 askari.

Isla 27/01/08 dagaal adag oo isaguna ka dhacay Tog-guduud, oo ka tirsan Wardheer, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 25 askari, 16 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 27/01/08 ayaa weerar mir loo gaystay ciidammada gumaysigu ee fadhigoodu yahay magaalada Dhagax-madow, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

26 iyo 27/01/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan Barmiil, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

18/01/08 dagaal ka dhacay Qayd, oo Garbo ka tirsan, waxaa ciidammada Itoobiya lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay. Isla ciidammadan ayaa mar kale lagu weeraray Qayd markii ay taariikhdu ahayd 20/01/08, waxaana lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 18/01/08 Qarjajabo, oo Fiiq ka tirsan, waxaa weerar mir loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u joogay, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha.

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyinka ayaa isugu jira dil iyo xidhay iyo waliba dhibaatooyin kale.

29/01/08 Laasa-caano, oo Wardheer ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin rayad ah oo lagu magacaabo Cabdi-wali Aw Cali Muxumed. Waxay sidoo kale ninkan ka dhaceen hanti aan faahfaahinteeda la haynin.

28/01/08 Xabaa-tulli, oo degmada Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen labo nin oo rayad ah oo ayna wali noo suuragalin inaan magacyadooda helno. Nimankan ayaa maydadkooda la kala helay 28 iyo 30/01/08.

11/01/08 Kala-jeex, oo degmada Qallaafe ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Xasan Daahir Cali Gabbal.
Waxay sidoo kale xidheen nin la yidhaahdo C/llaahi Dakharre. Waxay isagana 5000 oo Bir ka dhaceen Ina Qalbi Nuur Shide oo magaciisa hore aanaan haynin.

31/01/08 waxaa magaalada Fiiq ka dhacay bannaanbax ay sameeyeen haweenka iyo carruurta magaalada ku dhaqan, kuwaasoo si aan baqdinin ku jirin u cabbiray dareenkooda diiddan gumaysiga iyo dhibaatooyinka uu ku hayo. Bannaanbaxayaashan ayaa kud hawaaqayay hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin “dooni mayno Dabaqoodhi” “dooni mayno gumaysi raac”.

30/01/08 waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen magaalada Nus-dariiqa, oo gobolka Qorraxey ka tirsan, sheekhii imaamka ka ahaa masaajidka magaaladaas oo magaciisa aanaan wali helin.

28/01/08 magaalada Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen Ina Axmed Naaje oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.

27/01/08 magaalada Dhuxun waxaa ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad shacab ah oo ay ku jiraan odayaal waayeel ah. Waxayna dadkaasi kala yihiin;
1- Aqbal Yuusuf Daahir, oo 80 jir ah
2- Sarreeye oo 60 jir ah oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
3- Nuur-deex
4- Shariif Xasan Shariif C/qaadir
5- Shariif Nimcaan Shariif C/qaadir iyo
6- Axmed Geelle Mursal

26/01/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Garbo ku xidheen ninka lagu magacaabo Sayid Cismaan Kuusow.

23/01/08 waxay ciidammada gumaysigu Aqallo shacabku leeyahay ku gubeen meesha lagu magacaabo Raybada, oo degmada Garbo ka tirsan. Aqallada uu cadowgu gubay waxaa kala lahaa;
1- Nuur-deeq oo ay ka gubeen 2 Aqal iyo
2- Ilma Ciilmooge oo ay iyagana ka gubeen 1 Aqal.

Markii ay taariikhdu ahayd 13/01/08 waxaan idiin soo tabinay in ciidammada gumaysigu ay gubeen tuulada Saliidda, dadwaynahana ay hanti ka dhaceen. Wararka dib naga soo gaadhay ayaa sheegaya in ciidammada gumaysigu ay dadwaynaha ka dhaceen lacag gaadhaysa 60.000 oo Bir, ka hor intii ayna tuulada gubin.

23/01/08 magaalada Dhuxun waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Maxamuud Dhag-jar iyo
2- Muuse Macalin Maxamed

20/12/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhagax-madow ku xidheen odayaasha kala ah;
1- Suldaan Maxamed Yuusuf-cadde iyo
2- Maxamuud Faarax oo ka mid ah oday-dhaqameedyada deegaankaas kuwooda ugu caansan.

30/01/08 ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya dab qabadsiiyeen oo gubeen guud ahaanba tuulada Wadhanle, oo ka tirsan degmada Dhanaan.

Dhinaca kale laga soo billaabo 30/01/08 waxay ciidammada gumaysigu xayiraad qallafsan ku soo rogeen magaalada Qabridaharre, iyagoo diiday in gabi ahaanba cidi dibada uga baxdo magaalada Qabridaharre. Ciidammada gumaysigu waxay oggol yihiin oo kaliya in magaalada galo. Waxay sidoo kale magaalada ka gooyeen Biyihii la isticmaalayay.

Gumaysiga oo suxufiyiin Ogaadeenya tegay u hanjabay

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa wali sii wadda xadgudubyadii ay kula kacaysay suxufiyiinta caalamiga ah ee doonaya in wax ka qoraan xaqiiqada ka jirta dalka Ogaadeenya iyo tacaddiyada ay ciidammadeedu u gaysataan dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.

Toddobaadkii hore waxay ciidammada sirdoonka gumaysiga Itoobiya u hanjabeen mid ka mid ah suxufiyiin caalami ah oo tegay qaybo ka mid ah Ogaadeenya, si ay wax uga ogaadaan dhibaatooyinka ka jira Ogaadeenya. Suxufiyiintan waxaa gadh-wadeen u ahaa oo u turjumayay shaqaale ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo xukuumadda gumaysigu ku dartay. Suxufiyiintan waxaa loo oggolaa inay la hadlaan qofka ay sirdoonku u diyaariyaan oo kaliya.

Hase yeeshee suxufi ka socda xarun warbaahineeda ah Christan Science Monitor oo lagu magacaabo Nicholas Benquista ayaa isku dayay inuu waraysto dad ayna sirdoonku u diyaarinin, si uu xaqiiqada dhabta ah u ogaado. Ninkan ayay markiiba ciidammada sirdoonku isku wareejiyeen, waxaana lagu amray inuu waddanka 48 saacadood gudohood kaga baxo.

Go’aankan ayay xukuumadda gumaysigu markii denbe ka noqotay, hase yeeshee waxaa suxufigan la siiyay digniin kama denbays ah, waxaana loo yeelay ciidammo si gaar ah u daba-gala.



Ururka isku xidhka Dhalinyarada Ogadenya(Ogaden Youth Network ) oo kulan ku yeeshay magalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota

Jan 30, 2008 Ururka isku xidhka Dhalinyarada Ogadenya(Ogaden Youth Network) ee Gobolka Minnesota ayaa isugu yimid kulan ay ku yeesheen goobta madasha shiraraka ee loo yaqano Sabatheni Community Center ee Magaalada Minneapolis, shirkan oo ahaa mid si heer sara ah ay u soo agaasimeen Ururka isku xidhka Dhalinyarada Ogadenya (O.Y.N) ee Gobolka Minnesota ayay si gaar ah ugu casuumeen dhalinyarada u dhalatay Ogadenya.

Shirkan oo ay si aad ah usoo xaadireen dhalintii lagu casuumay ayaa waxaa lagu soo bandhigey;
1. Abaabulka Bulshada (outreach)
2. Saxaafada iyo sida loo soo jiidan karo ( Media attention)
3. Ka qaybqadashada siyasada (Political Participation)
4. Doorka dhalinyarada ay ku ledahay Halganka Ogadenya (Role of the Ogaden youth In the struggle)
Warbixinadii ay dhalinyaradaasi halkas ka soo jeediyeen ayaa ahaa kuwo si qoda dheer oo cilmiyaysan loo soo diyaariyey.

Dhinaca kale, Simanaarada ayaa aha kuwo si aad ah looga soo shaqeyay dhalinyaradiina ay si wayn uga faaiidaysteen, Siminarada ayaa loo kala saarey in xubnuhu si koox-koox ah uga doodaan afarta qodob ee kor ku xusan.

Siminaarada oo ayagu inta badan ayna dhalinyaradu helin ayaa mar aan waxa ka waydiiyay dhalinyaradii nasiibka u yeeshay ay ii sheegeen inay ahay fursad dahabi ah oo mudan in laga faaiidaysto.

Sidoo kale, waxay dhalinyaradu halkaas ku soo bandhigeen sugaan halgameed, waxaana maalintaas abaal marin halkaas lagu siiyey Gabadh da'yar oo maalintaas halkaas ka muujisay suugaan qiiro gelisay ka soo qayb galayaashii kulankaas.

Qaar badan oo kamid ahaa kazoo qayb galayaashii kulankaas ayaa halkaas ku saxiixay in ay xubno ka noqdaan Ururka Isku Xidhka Dahlinyarada Ogadeniya (Ogaden Youth Network O.Y.N) una guntanayaan garab istagida halganka muqadaska ah ee shacabka Ogadeniya ugu jiro aayokatashigiisa.

Maamulka (O.Y.N) ayaa iayguna dhinacooda balan qaadey in ay bil kasta shirar joogta ah u diyaarin doonaan dhalinyarada Ogadenya, arintan oo dhamaan dhalinyaradu si wada jir ah u soo dhaweeyeen.

02 February 2008

Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com



Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.