Sept 19,
2008
Wariyaha ayaa
warka hordhaca ah sidan ku bilaabaya
« Weli Heeska
Afrika ayaan ku jirnaaye, mushkiladda aan
aad looga hadlin waa midda ogaadenya,
gobolkan oo doonaya in uu ka go’o itoobiya,
weerar baaxad leh oo ay soo qaaday
xukuumadda Addis bilihi u dambeeyey ayaa
waxaa weheliya go’doomin ay gelisay gobolka
oo idil taasoo ka hor istaagaysa hay’adaha
gargaarka in ay shaqadooda si xor ah u
qabsadaan, xaaladaas oo ay markale
dhaleecaynayaan Mucaaradka ,ONLF oo ah
ururka u doodda aaya ka talinta Ogadenya
ayaa wuxuuba sheegayaa macaluul ba’an oo ka
jirta Ogaadenya waxayna dalbanayaan in loo
furo shacabka « Dariiq gargaar « Ahmed
gurhan ayaa wareysigan ka qadnay
Su’aal
:-maxaad
u dalbateen in waddo gargaar
loo furo Ogadenya xaaladduse sidey tahay
hadda?
Jawaab
:- Shacabka ogadenya wuxuu ku sugan yahay
marxalad aad u qallafsan waxuuna ku jiraa
go’doon buuxa ,dhamaan hay’adaha gargaarkana
waa laga suuliyey Ogaadeenya , ayada oo ay
ka jirto dhamaan geeska Afrika abaar ayaa
cunaqabataynta Xukuumadda itoobiya ay ku soo
rogtay shacabka ogaadenya waxay gaarsiisay
heer aad iyo aad halis u ah.
Su‘aal:-
inteed ku qiyaasi kartaa dadka ay arrintani
saamaysay ?
Jawaab:-Ayadoo
cunaqabatayntu wada saamaysay dhamaan
shacabka ogaadenya ayaa gobollada qaar ay ka
sii xag jiraan oo dadka ku dhaqan Laba ilaa
saddex malyan in ay ku sugan yihiin duruuf
culus , waxaan odhan karnaa in ka badan 50%
dadka reer ogaadenya in xaalkoodu halis
yahay.
waxaan ugu baaqaynaa bulshada caalamka in
loo furo „ Waddo Gargaar „ Ogaadenya si loo
badbaadiyo shacabka ileen waxaa aan ka
hadlayno waa badbaadin, haddii ay xaaladdu
sidaas sii ahaatana shacabku wuxuu ku
socdaa inuu tirtirmo.
Waraysiga
qaybta labaad
Hordhaca
weriyaha
Jabhadda Waddaniga xoreynta Ogadenya Waxay
dalbanaysaa in loo furo Ogaadenyo „ Dariiq
gargaar „(humanitarian corridor) si looga
qaado shacabka culayska ay saaran shacabka
ku dhaqan gobolkan deriska la ah
Soomaaliya,gobolkan oo go’doonsan sanad ku
dhowaad.
Kacdoonka hubaysan ee ka taagan Ogadenya
ayaa ku kelifay Xukuumadda itoobiya in ay
Gobolka oo dhan go’doomiso halkaas oo aanay
ka shaqayn karin hay’adaha gargaarka iyo
ururrada aan dawliga ahayn toona.
Su’aal
:- Wax dagaallo ah ma ka jiraan hadda
gobolka Ogaden ?
Jawaab
:-Iska hor imaadyadu waa kuwo joogto ah oo
maalin kasta dhaca , maadaama ay xukuumadda
Itoobiya askarteeda ku soo daad guraysay
Ogaadenya ciidankeenuna meel kasta joogo
waqti kasta ayaa la isku dhacaa sidaas oo ay
tahay waxaan diyaar u nahay sidi aan horayba
u sheegnay in aan ku dhawaaqno XABBAD
JOOJIN si gargaar loogu fidiyo shacabkeena
oo ay hay’adaha gargaarka, Qaramada
midoobay,iyo bulshada caalamkuba ugu soo
gurmadaan dadkeena.
Su’aal
:- Maxay tahay ujeedadiinu ama siyaasadiinu
ku salaysan tahay ?
Jawaab
:- Waxaan nahay urur u dagaalamaya
Xornimada ama aaya ka talinta Ogaadenya
sidaas oo ay tahay waxaan diyaar u nahay in
aan miiska wadahadalka aan ku dhamaysano si
xal loo helo, hase yeeshee xukuumada
Itoobiya sida muuqata waxay door biday
siyaasad gurracan oo dab iyo bansiin ah
taaso aan wax midho ah u dhalayn xukuumada
itoobiya qudheeda, shacabka iyo gabolka oo
dhan toona.
--Ogaden Online News |